The Quran in Somali - Surah Humazah translated into Somali, Surah Al-Humazah in Somali. We provide accurate translation of Surah Humazah in Somali - الصومالية, Verses 9 - Surah Number 104 - Page 601.

| وَيْلٌ لِّكُلِّ هُمَزَةٍ لُّمَزَةٍ (1) Hoog waxaa leh dure kasta, wax ceebeeya |
| الَّذِي جَمَعَ مَالًا وَعَدَّدَهُ (2) Kaasoo maal jamciya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay) |
| يَحْسَبُ أَنَّ مَالَهُ أَخْلَدَهُ (3) Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin |
| كَلَّا ۖ لَيُنبَذَنَّ فِي الْحُطَمَةِ (4) Mayee! Waxaa hubaal lagu tuuri burburisada |
| وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْحُطَمَةُ (5) Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay burburisadu tahay |
| نَارُ اللَّهِ الْمُوقَدَةُ (6) Waa Naar Ilaahay oo la huriyey |
| الَّتِي تَطَّلِعُ عَلَى الْأَفْئِدَةِ (7) Oo kor ugu baxda quluubta dushooda |
| إِنَّهَا عَلَيْهِم مُّؤْصَدَةٌ (8) Hubaal waxaa lagaga xidhi dusha korkooda |
| فِي عَمَدٍ مُّمَدَّدَةٍ (9) Tiirar la taagay dhexdood |