قَدْ سَمِعَ اللَّهُ قَوْلَ الَّتِي تُجَادِلُكَ فِي زَوْجِهَا وَتَشْتَكِي إِلَى اللَّهِ وَاللَّهُ يَسْمَعُ تَحَاوُرَكُمَا ۚ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ بَصِيرٌ (1) Allaah dhab ahaan waa uu ajiibay baryada tan kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u ashtakooneysey Allaah. Oo Allaah waa maqlayey doodda labadiinnuba. Hubaal Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka |
الَّذِينَ يُظَاهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَائِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَاتِهِمْ ۖ إِنْ أُمَّهَاتُهُمْ إِلَّا اللَّائِي وَلَدْنَهُمْ ۚ وَإِنَّهُمْ لَيَقُولُونَ مُنكَرًا مِّنَ الْقَوْلِ وَزُورًا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٌ (2) (Ma xagga) kuwa idinka mid ah ee iska fogeeya2 xaasaskooda iyagoo kala mid dhiga dhabarradooda dhabarrada hoo- yooyinkood, ma aha hooyooyinkood. hoo- yooyinkood ma aha cid kale aan ahayn kuwaa dhalay. Oo hubaal hadalkaasi ay leeyihiin waa hadal xun iyo been abuur. Oo hubaal, Allaah waa Cafiye, Dambi Dhaaf badan |
وَالَّذِينَ يُظَاهِرُونَ مِن نِّسَائِهِمْ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا قَالُوا فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مِّن قَبْلِ أَن يَتَمَاسَّا ۚ ذَٰلِكُمْ تُوعَظُونَ بِهِ ۚ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ (3) Oo (ma xagga) kuwa isaga fogeeya afooyinkooda iyagoo kala mid dhigaya dhabarradooda dhabarrada hooyooyinkood: markaas doonaya inay ka noqdaan waxa ay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban, (arrin)kaasi waa kan la idinku waaniyo (inaad qaadataan). Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan |
فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ مِن قَبْلِ أَن يَتَمَاسَّا ۖ فَمَن لَّمْ يَسْتَطِعْ فَإِطْعَامُ سِتِّينَ مِسْكِينًا ۚ ذَٰلِكَ لِتُؤْمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ ۚ وَتِلْكَ حُدُودُ اللَّهِ ۗ وَلِلْكَافِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٌ (4) Kii kastoo se isagu aan helin, waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban3; ee ma xagga kan isagu aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan ugu qabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Kuwani waa Xuduudaha uu dhigay Allaah. Oo gaaladu waxay leeyihiin Cadaab aad u xanuun Badan |
إِنَّ الَّذِينَ يُحَادُّونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ كُبِتُوا كَمَا كُبِتَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ وَقَدْ أَنزَلْنَا آيَاتٍ بَيِّنَاتٍ ۚ وَلِلْكَافِرِينَ عَذَابٌ مُّهِينٌ (5) Hubaal, kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyeyba. Oo xaqiiq waxaan soo dejinnay Aayado cad cad. oo gaaladu waxay mudan Cadaab Dulleysa |
يَوْمَ يَبْعَثُهُمُ اللَّهُ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوا ۚ أَحْصَاهُ اللَّهُ وَنَسُوهُ ۚ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ (6) Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, oo u sheegi doono waxay faleen oo dhan. Allaah waa uu u diiwaan gashay oo tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Oo Allaah wax walba wuu Arkaa |
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۖ مَا يَكُونُ مِن نَّجْوَىٰ ثَلَاثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمْ وَلَا خَمْسَةٍ إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمْ وَلَا أَدْنَىٰ مِن ذَٰلِكَ وَلَا أَكْثَرَ إِلَّا هُوَ مَعَهُمْ أَيْنَ مَا كَانُوا ۖ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوا يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۚ إِنَّ اللَّهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ (7) Mawaadan arag inuu Allaah Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku showrta, uusan isagu aheyn kooda4 afraad, mana jiro (showr ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi doonaa waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Allaah wax waliba wuu Ogsoon yahay |
أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ نُهُوا عَنِ النَّجْوَىٰ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا نُهُوا عَنْهُ وَيَتَنَاجَوْنَ بِالْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَمَعْصِيَتِ الرَّسُولِ وَإِذَا جَاءُوكَ حَيَّوْكَ بِمَا لَمْ يُحَيِّكَ بِهِ اللَّهُ وَيَقُولُونَ فِي أَنفُسِهِمْ لَوْلَا يُعَذِّبُنَا اللَّهُ بِمَا نَقُولُ ۚ حَسْبُهُمْ جَهَنَّمُ يَصْلَوْنَهَا ۖ فَبِئْسَ الْمَصِيرُ (8) Mawaadan arag kuwa laga reebay showrka xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku showraan dambi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, oo markay kuu yimaadaan waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin5, oo ka yidhaahdaan nafahooda: Muxuu Allaah noogu cadaabi waayey waxa aan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay ku guban. Oo u xun meel la ahaado |
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا تَنَاجَيْتُمْ فَلَا تَتَنَاجَوْا بِالْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَمَعْصِيَتِ الرَّسُولِ وَتَنَاجَوْا بِالْبِرِّ وَالتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ (9) Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka aad showrtaan, ha ku showrina dambi iyo dulmi fal iyo ku caasinta Rasuulka ee ku showra samaan iyo ka joogid (dambiyada) oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin |
إِنَّمَا النَّجْوَىٰ مِنَ الشَّيْطَانِ لِيَحْزُنَ الَّذِينَ آمَنُوا وَلَيْسَ بِضَارِّهِمْ شَيْئًا إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ (10) Sideedaba showriddu (xun) waa uun (camal) Shaydaan6, si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeysan, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee, wuxuu Allaah idmo maahee, oo Allaah ha isku halleeyaan mu’miniinta |
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا قِيلَ لَكُمْ تَفَسَّحُوا فِي الْمَجَالِسِ فَافْسَحُوا يَفْسَحِ اللَّهُ لَكُمْ ۖ وَإِذَا قِيلَ انشُزُوا فَانشُزُوا يَرْفَعِ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَالَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ دَرَجَاتٍ ۚ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ (11) Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka la idinku yidhaahdo isugu waasiciya fadhiga kulannadiinna gudahood, isu waasiciya fadhiga. Allaah ha idiin waasiciyee (Naxariistiisa)7. Oo marka la idinku yidhaahdo u kaca (khayr)8 u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (xaqa) rumeysan, iyo kuwaa cilmiga la siiyeyba, darajooyin aad u sarreeya, Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad fashaan |
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نَاجَيْتُمُ الرَّسُولَ فَقَدِّمُوا بَيْنَ يَدَيْ نَجْوَاكُمْ صَدَقَةً ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَأَطْهَرُ ۚ فَإِن لَّمْ تَجِدُوا فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (12) Kuwiinaan idinku rumeysanow! Marka (aad dooneysaan) inaad la showrtaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan showrkiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo idiin daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan |
أَأَشْفَقْتُمْ أَن تُقَدِّمُوا بَيْنَ يَدَيْ نَجْوَاكُمْ صَدَقَاتٍ ۚ فَإِذْ لَمْ تَفْعَلُوا وَتَابَ اللَّهُ عَلَيْكُمْ فَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ وَاللَّهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ (13) Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydeen) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la showrkiinna? Haddii aydaan sidaas falin, oo Allaah wuu idiin soo noqday (si naxariis lehe), haddaba hagaajiya salaadda oo bixiya sakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa. Oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad fashaan |
۞ أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ تَوَلَّوْا قَوْمًا غَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِم مَّا هُم مِّنكُمْ وَلَا مِنْهُمْ وَيَحْلِفُونَ عَلَى الْكَذِبِ وَهُمْ يَعْلَمُونَ (14) Mawaadan arag kuwaa iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) oo kama tirsana iyaga (gaalada), oo waxay ku dhaartaan been iyagoo ogsoon |
أَعَدَّ اللَّهُ لَهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا ۖ إِنَّهُمْ سَاءَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (15) Allaah wuxuu u diyaariyey iyaga cadaab daran. Hubaal; waxa ay falaan waa wax fool xun |
اتَّخَذُوا أَيْمَانَهُمْ جُنَّةً فَصَدُّوا عَن سَبِيلِ اللَّهِ فَلَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ (16) Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan). markaasay ka weecdaan jidka Ilaahay, sidaas awgeed waxay mudan cadaab dufeysa |
لَّن تُغْنِيَ عَنْهُمْ أَمْوَالُهُمْ وَلَا أَوْلَادُهُم مِّنَ اللَّهِ شَيْئًا ۚ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ (17) Maalkooda ama caruurtoodu waxna ugama tari doonaan Allaah Xaggiisa, kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari doonaan waligood |
يَوْمَ يَبْعَثُهُمُ اللَّهُ جَمِيعًا فَيَحْلِفُونَ لَهُ كَمَا يَحْلِفُونَ لَكُمْ ۖ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ عَلَىٰ شَيْءٍ ۚ أَلَا إِنَّهُمْ هُمُ الْكَاذِبُونَ (18) Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan, markaas waa ay u dhaaraan Isaga sida ay idiinku dhaartaan idinka9. Oo waxay moodaan inay wax heystaan. Haddaba hubaal waa iyaga beenaalayaasha |
اسْتَحْوَذَ عَلَيْهِمُ الشَّيْطَانُ فَأَنسَاهُمْ ذِكْرَ اللَّهِ ۚ أُولَٰئِكَ حِزْبُ الشَّيْطَانِ ۚ أَلَا إِنَّ حِزْبَ الشَّيْطَانِ هُمُ الْخَاسِرُونَ (19) Shaydaan baa duufsaday oo ka qaalib noqday, Markaasuu ka yeelay inay hilmaamaan xusidda Ilaahay. kuwaasu waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal, waa xisbiga shaydaanka kuwa ah khasaare qabayaasha |
إِنَّ الَّذِينَ يُحَادُّونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ أُولَٰئِكَ فِي الْأَذَلِّينَ (20) Hubaal (ma xagga) kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa; kuwaasu waxay ka mid ahaan kuwa aad loo dulleeyey |
كَتَبَ اللَّهُ لَأَغْلِبَنَّ أَنَا وَرُسُلِي ۚ إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ (21) Allaah wuxuu qoray: hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. hubaal, Allaah waa Xoog Badane, Adkaade ah |
لَّا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءَهُمْ أَوْ أَبْنَاءَهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ ۚ أُولَٰئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ ۖ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ ۚ أُولَٰئِكَ حِزْبُ اللَّهِ ۚ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (22) Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambeysa oo gacal ka dhiganaya kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama (reero) qaraabadooda ah; kuwan weeye kuwa uu quluubtooda Isagu ku qoray Iimaan, oo uu ku xoojiyey Ruux10 Xaggiisa ah. Oo Wuxuu sababi inay galaan beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ay ku dhex waari weligood. Allaah raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Ilaahay. Ogaada, hubaal, Xisbiga Ilaahay waa iyaga liibaanayaasha |