عَمَّ يَتَسَاءَلُونَ (1) Arrin maxay ah bay isweydiinayaan |
عَنِ النَّبَإِ الْعَظِيمِ (2) Ma arrinka ku saabsan Warka Weyn (Qiyaamaha ama Qur’aanka) |
الَّذِي هُمْ فِيهِ مُخْتَلِفُونَ (3) Ay isku khilaafsan yihiin |
كَلَّا سَيَعْلَمُونَ (4) Mayee, dhowaan bay ogaan doonaan |
ثُمَّ كَلَّا سَيَعْلَمُونَ (5) Mayee, mayee dhowaan bay ogaan doonaan |
أَلَمْ نَجْعَلِ الْأَرْضَ مِهَادًا (6) Mawaanaan ka dhigin dhulka gogol |
وَالْجِبَالَ أَوْتَادًا (7) Oo buuraha (ka yeelin) tiirar |
وَخَلَقْنَاكُمْ أَزْوَاجًا (8) Oo idinka abuurin noocyo |
وَجَعَلْنَا نَوْمَكُمْ سُبَاتًا (9) oo ka yeelin hurdadiinna nasiino |
وَجَعَلْنَا اللَّيْلَ لِبَاسًا (10) Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale |
وَجَعَلْنَا النَّهَارَ مَعَاشًا (11) Oo ka dhigin maalinta macaash doonasho |
وَبَنَيْنَا فَوْقَكُمْ سَبْعًا شِدَادًا (12) Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag |
وَجَعَلْنَا سِرَاجًا وَهَّاجًا (13) Oo yeelin (dhexdeeda) nal shidan |
وَأَنزَلْنَا مِنَ الْمُعْصِرَاتِ مَاءً ثَجَّاجًا (14) Oo ka soo dejinin daruuraha roobka sida biyo badan oo shubmaya |
لِّنُخْرِجَ بِهِ حَبًّا وَنَبَاتًا (15) Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq |
وَجَنَّاتٍ أَلْفَافًا (16) Iyo beero isku maran |
إِنَّ يَوْمَ الْفَصْلِ كَانَ مِيقَاتًا (17) Hubaal Maalinta kala baxu waa waqti go’an |
يَوْمَ يُنفَخُ فِي الصُّورِ فَتَأْتُونَ أَفْوَاجًا (18) Maalinta marka Buunka la afuufo, oo waxaad imaan doontaan idinkoo kooxo ah |
وَفُتِحَتِ السَّمَاءُ فَكَانَتْ أَبْوَابًا (19) Oo samada la furo, oo waxay noqon albaabbo |
وَسُيِّرَتِ الْجِبَالُ فَكَانَتْ سَرَابًا (20) Oo buuraha la rujiyo oo waxay ahaan doonaan wir-wir oo kale |
إِنَّ جَهَنَّمَ كَانَتْ مِرْصَادًا (21) Hubaal Naartu waa heegan sugeysa |
لِّلطَّاغِينَ مَآبًا (22) Xad gudbayaasha, meel noqod u ah |
لَّابِثِينَ فِيهَا أَحْقَابًا (23) Waxay ku negaadi doonaan dhexdeeda waayo badan |
لَّا يَذُوقُونَ فِيهَا بَرْدًا وَلَا شَرَابًا (24) Ma ku dhadhamin doonaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna |
إِلَّا حَمِيمًا وَغَسَّاقًا (25) Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee |
جَزَاءً وِفَاقًا (26) Waa abaal marin ku habboon |
إِنَّهُمْ كَانُوا لَا يَرْجُونَ حِسَابًا (27) Hubaal ma ayan fileyn xisaab |
وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا كِذَّابًا (28) Oo beeniyeenAayadahayaga beenin cad |
وَكُلَّ شَيْءٍ أَحْصَيْنَاهُ كِتَابًا (29) Wax walba se waxaan ku koobnay qoraal |
فَذُوقُوا فَلَن نَّزِيدَكُمْ إِلَّا عَذَابًا (30) Ee Dhadhamiya idinku (ciqaabka); idiinma kordhin doonno waxaan ahayn Cadaab |
إِنَّ لِلْمُتَّقِينَ مَفَازًا (31) Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay leeyihiin meel lagu liibaano |
حَدَائِقَ وَأَعْنَابًا (32) Beero iyo canabyo |
وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًا (33) Iyo gashaantiyo isku da' ah |
وَكَأْسًا دِهَاقًا (34) Iyo galaas buuxa |
لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا كِذَّابًا (35) Kuma maqli doonaan dhexdeeda wax hadal macno darro ah ama wax been ah |
جَزَاءً مِّن رَّبِّكَ عَطَاءً حِسَابًا (36) Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah ay ku muteen) xisaab |
رَّبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا الرَّحْمَٰنِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِنْهُ خِطَابًا (37) Rabbiga samooyinka iyo arlada, iyo waxa u dhexeeya, _Raxmaanka, ma awoodaan inay la hadlaan (idan la'aan) |
يَوْمَ يَقُومُ الرُّوحُ وَالْمَلَائِكَةُ صَفًّا ۖ لَّا يَتَكَلَّمُونَ إِلَّا مَنْ أَذِنَ لَهُ الرَّحْمَٰنُ وَقَالَ صَوَابًا (38) Maalinta uu Ruuxu iyo malaa’igtuba u istaagi doonaan saf saf, cidna ma hadli doonto, mid maahee Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah |
ذَٰلِكَ الْيَوْمُ الْحَقُّ ۖ فَمَن شَاءَ اتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِ مَآبًا (39) Taasu waa Maalinta la hubo ee xaqa ah, ee kii kastoo raba, ha u maro Rabbigi jid uu ugu laabto |
إِنَّا أَنذَرْنَاكُمْ عَذَابًا قَرِيبًا يَوْمَ يَنظُرُ الْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ الْكَافِرُ يَا لَيْتَنِي كُنتُ تُرَابًا (40) Hubaal Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow; _Maalinta uu qofku arki doono waxa ay gacmihiisu horay u geysteen, oo gaalku odhan: Magcay ba'ye! maan ciid ahaado |