عَبَسَ وَتَوَلَّىٰ (1) (Wejiguu)ururshay oo dhabarka jeediyey |
أَن جَاءَهُ الْأَعْمَىٰ (2) Inuu halkaa ugu yimid indhoolihii |
وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُ يَزَّكَّىٰ (3) Oo maxaad ka og tahay waa intaasoo uu daahiriyo naftiisa |
أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ الذِّكْرَىٰ (4) Ama waansamo, oo waanadu wax tarto |
أَمَّا مَنِ اسْتَغْنَىٰ (5) Ma kan isu arka inuu isagu(kaa) maarmo |
فَأَنتَ لَهُ تَصَدَّىٰ (6) Miyaad adigu xaggiisa u jeedsaneysaa |
وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ (7) Oo eed kaama saarna haddii uusan daahirinba naftiisa |
وَأَمَّا مَن جَاءَكَ يَسْعَىٰ (8) Ma kan se kuu yimid isagoo aad u dadaalaya |
وَهُوَ يَخْشَىٰ (9) Oo isagu (Alle ka) cabsada |
فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ (10) Miyaad adigu ka mashquuli |
كَلَّا إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ (11) Mayee, hubaal (kani) waa waano |
فَمَن شَاءَ ذَكَرَهُ (12) Ee qofkii doona ha ku waano qaato |
فِي صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ (13) Wuxuu ku yaal kutub la sharfay |
مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍ (14) Kor ah, la dahiray |
بِأَيْدِي سَفَرَةٍ (15) Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig) |
كِرَامٍ بَرَرَةٍ (16) Sharaf leh oo baariyaal ah |
قُتِلَ الْإِنسَانُ مَا أَكْفَرَهُ (17) Belo ha ku dhacdo aadmigee! Muxuu jazaar yahay |
مِنْ أَيِّ شَيْءٍ خَلَقَهُ (18) Wax maxay ah buu ka abuuray |
مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُ فَقَدَّرَهُ (19) Mani yar xaggeed, buu ka abuuray markaas qaddaray (isaga) |
ثُمَّ السَّبِيلَ يَسَّرَهُ (20) Markaas uga dhigay sahal marriinka |
ثُمَّ أَمَاتَهُ فَأَقْبَرَهُ (21) Haddana wuxuu sababaa inuu dhinto, oo u yeelaa qabri |
ثُمَّ إِذَا شَاءَ أَنشَرَهُ (22) Oo markuu doono wuu soo bixin |
كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَا أَمَرَهُ (23) Mayee, ma uusan fulin Wuxuu amray |
فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ إِلَىٰ طَعَامِهِ (24) Ee qofku bal ha fiiriyo cuntadiisa |
أَنَّا صَبَبْنَا الْمَاءَ صَبًّا (25) Sidee baan u soo shubnaa biyaha soo shubid badan |
ثُمَّ شَقَقْنَا الْأَرْضَ شَقًّا (26) Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin gaballo ah |
فَأَنبَتْنَا فِيهَا حَبًّا (27) Oo sababnaa inay ka soo baxaan haruur |
وَعِنَبًا وَقَضْبًا (28) Iyo cinabyo iyo naq |
وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا (29) Iyo saytuun iyo geedo timireed |
وَحَدَائِقَ غُلْبًا (30) Iyo beero tanaad ah |
وَفَاكِهَةً وَأَبًّا (31) Iyo miro iyo caws |
مَّتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ (32) Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolihiinnuba |
فَإِذَا جَاءَتِ الصَّاخَّةُ (33) Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo |
يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ (34) Maalintaa uu qofku ka carari walaalki |
وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ (35) Iyo hooyadi iyo aabbihi |
وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ (36) Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa |
لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ (37) Qof walba oo ka mid ah, Maalintaas waxaa heysan doonta arrin ku filan |
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ (38) Wejiyo (qaar) Malintaas way ifi |
ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ (39) Iyagoo muusoon, ku faraxsan warka san |
وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ (40) Oo wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo booreysan |
تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ (41) Mugdi baa dabooli doona iyaga |
أُولَٰئِكَ هُمُ الْكَفَرَةُ الْفَجَرَةُ (42) Kuwaasi waa kuwa ah gaalada dambiilayaasha ah |