| عَبَسَ وَتَوَلَّىٰ (1) (Wejiguu)ururshay oo dhabarka jeediyey
 | 
| أَن جَاءَهُ الْأَعْمَىٰ (2) Inuu halkaa ugu yimid indhoolihii
 | 
| وَمَا يُدْرِيكَ لَعَلَّهُ يَزَّكَّىٰ (3) Oo maxaad ka og tahay waa intaasoo uu daahiriyo naftiisa
 | 
| أَوْ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ الذِّكْرَىٰ (4) Ama waansamo, oo waanadu wax tarto
 | 
| أَمَّا مَنِ اسْتَغْنَىٰ (5) Ma kan isu arka inuu isagu(kaa) maarmo
 | 
| فَأَنتَ لَهُ تَصَدَّىٰ (6) Miyaad adigu xaggiisa u jeedsaneysaa
 | 
| وَمَا عَلَيْكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ (7) Oo eed kaama saarna haddii uusan daahirinba naftiisa
 | 
| وَأَمَّا مَن جَاءَكَ يَسْعَىٰ (8) Ma kan se kuu yimid isagoo aad u dadaalaya
 | 
| وَهُوَ يَخْشَىٰ (9) Oo isagu (Alle ka) cabsada
 | 
| فَأَنتَ عَنْهُ تَلَهَّىٰ (10) Miyaad adigu ka mashquuli
 | 
| كَلَّا إِنَّهَا تَذْكِرَةٌ (11) Mayee, hubaal (kani) waa waano
 | 
| فَمَن شَاءَ ذَكَرَهُ (12) Ee qofkii doona ha ku waano qaato
 | 
| فِي صُحُفٍ مُّكَرَّمَةٍ (13) Wuxuu ku yaal kutub la sharfay
 | 
| مَّرْفُوعَةٍ مُّطَهَّرَةٍ (14) Kor ah, la dahiray
 | 
| بِأَيْدِي سَفَرَةٍ (15) Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig)
 | 
| كِرَامٍ بَرَرَةٍ (16) Sharaf leh oo baariyaal ah
 | 
| قُتِلَ الْإِنسَانُ مَا أَكْفَرَهُ (17) Belo ha ku dhacdo aadmigee! Muxuu jazaar yahay
 | 
| مِنْ أَيِّ شَيْءٍ خَلَقَهُ (18) Wax maxay ah buu ka abuuray
 | 
| مِن نُّطْفَةٍ خَلَقَهُ فَقَدَّرَهُ (19) Mani yar xaggeed, buu ka abuuray markaas qaddaray (isaga)
 | 
| ثُمَّ السَّبِيلَ يَسَّرَهُ (20) Markaas uga dhigay sahal marriinka
 | 
| ثُمَّ أَمَاتَهُ فَأَقْبَرَهُ (21) Haddana wuxuu sababaa inuu dhinto, oo u yeelaa qabri
 | 
| ثُمَّ إِذَا شَاءَ أَنشَرَهُ (22) Oo markuu doono wuu soo bixin
 | 
| كَلَّا لَمَّا يَقْضِ مَا أَمَرَهُ (23) Mayee, ma uusan fulin Wuxuu amray
 | 
| فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ إِلَىٰ طَعَامِهِ (24) Ee qofku bal ha fiiriyo cuntadiisa
 | 
| أَنَّا صَبَبْنَا الْمَاءَ صَبًّا (25) Sidee baan u soo shubnaa biyaha soo shubid badan
 | 
| ثُمَّ شَقَقْنَا الْأَرْضَ شَقًّا (26) Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin gaballo ah
 | 
| فَأَنبَتْنَا فِيهَا حَبًّا (27) Oo sababnaa inay ka soo baxaan haruur
 | 
| وَعِنَبًا وَقَضْبًا (28) Iyo cinabyo iyo naq
 | 
| وَزَيْتُونًا وَنَخْلًا (29) Iyo saytuun iyo geedo timireed
 | 
| وَحَدَائِقَ غُلْبًا (30) Iyo beero tanaad ah
 | 
| وَفَاكِهَةً وَأَبًّا (31) Iyo miro iyo caws
 | 
| مَّتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ (32) Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolihiinnuba
 | 
| فَإِذَا جَاءَتِ الصَّاخَّةُ (33) Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo
 | 
| يَوْمَ يَفِرُّ الْمَرْءُ مِنْ أَخِيهِ (34) Maalintaa uu qofku ka carari walaalki
 | 
| وَأُمِّهِ وَأَبِيهِ (35) Iyo hooyadi iyo aabbihi
 | 
| وَصَاحِبَتِهِ وَبَنِيهِ (36) Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa
 | 
| لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ يَوْمَئِذٍ شَأْنٌ يُغْنِيهِ (37) Qof walba oo ka mid ah, Maalintaas waxaa heysan doonta arrin ku filan
 | 
| وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ مُّسْفِرَةٌ (38) Wejiyo (qaar) Malintaas way ifi
 | 
| ضَاحِكَةٌ مُّسْتَبْشِرَةٌ (39) Iyagoo muusoon, ku faraxsan warka san
 | 
| وَوُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ عَلَيْهَا غَبَرَةٌ (40) Oo wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo booreysan
 | 
| تَرْهَقُهَا قَتَرَةٌ (41) Mugdi baa dabooli doona iyaga
 | 
| أُولَٰئِكَ هُمُ الْكَفَرَةُ الْفَجَرَةُ (42) Kuwaasi waa kuwa ah gaalada dambiilayaasha ah
 |