الم (1) Alif Laam Miim |
تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ الْحَكِيمِ (2) Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka Xakiimka ah |
هُدًى وَرَحْمَةً لِّلْمُحْسِنِينَ (3) Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha |
الَّذِينَ يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَهُم بِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ (4) Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Zakada, oo iyagu ah kuwo yaqiinsan Aakhirada |
أُولَٰئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِّن رَّبِّهِمْ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (5) Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, oo waa kuwan kuwa ah liibaanayaasha |
وَمِنَ النَّاسِ مَن يَشْتَرِي لَهْوَ الْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّخِذَهَا هُزُوًا ۚ أُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ (6) Oo waxaa ka mid ah dadka mid qaata isaga (Qur’aanka) beddelki hadal maaweelo4 ah si uu uga lumo Jidka Ilaahay isagoon ogeyn, oo ka dhigta jees-jees; Kuwani waxay la kulmi doonaan Cadaab Silcisa |
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ آيَاتُنَا وَلَّىٰ مُسْتَكْبِرًا كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا كَأَنَّ فِي أُذُنَيْهِ وَقْرًا ۖ فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ (7) Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga, ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqalba, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ku war geli Cadaab Xanuun Badan |
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتُ النَّعِيمِ (8) (Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay hubaal mudan doonaan beero barwaaqo ah |
خَالِدِينَ فِيهَا ۖ وَعْدَ اللَّهِ حَقًّا ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ (9) Iyagoo ku waaraya dhexdeeda, waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah, oo waa Isaga Adkaadaha sare , Xakiimka ah |
خَلَقَ السَّمَاوَاتِ بِغَيْرِ عَمَدٍ تَرَوْنَهَا ۖ وَأَلْقَىٰ فِي الْأَرْضِ رَوَاسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَابَّةٍ ۚ وَأَنزَلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَنبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ (10) Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad arkeysaan, oo wuxuu kor dhigay buuro ku qotansan arlada si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin. Oo Wuxuu ku fidiyey dhexdeeda xoolo nooc kasta leh, oo Waxaanu ka soo shubnay biyo daruurta, markaas sababnay inay ka soo baxaan halkaa (dhir) nooc kastoo wanaagsan leh |
هَٰذَا خَلْقُ اللَّهِ فَأَرُونِي مَاذَا خَلَقَ الَّذِينَ مِن دُونِهِ ۚ بَلِ الظَّالِمُونَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (11) Waa kan Abuurka Ilaahay ee se i tusa bal waxa ay kuwaa sokadi ah abuureen. Mayee, gar ma qaatayaasha waxay ku jiraan habow caddaan ah |
وَلَقَدْ آتَيْنَا لُقْمَانَ الْحِكْمَةَ أَنِ اشْكُرْ لِلَّهِ ۚ وَمَن يَشْكُرْ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِ ۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ اللَّهَ غَنِيٌّ حَمِيدٌ (12) Oo xaqiiq waxaanu siinnay Luqmaan Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Allaah. Oo kii kastoo mahdiya wuxuu uun u mahad naqi naftiisa, oo kii kastoo ah abaal laawe, haddaba hubaal Allaah waa isku filnaha Deeqtoon, la Ammaano |
وَإِذْ قَالَ لُقْمَانُ لِابْنِهِ وَهُوَ يَعِظُهُ يَا بُنَيَّ لَا تُشْرِكْ بِاللَّهِ ۖ إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ (13) Oo waa tii uu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa (Abimelek) isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin waxbana Allaah. Hubaal shirkigu waa gef aad iyo aad u Weyn |
وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ وَهْنًا عَلَىٰ وَهْنٍ وَفِصَالُهُ فِي عَامَيْنِ أَنِ اشْكُرْ لِي وَلِوَالِدَيْكَ إِلَيَّ الْمَصِيرُ (14) Oo Waxaanu ku faral yeelnay aadmiga (inuu daryeelo) labadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, oo gudhinta naas nuujintiisu waa labo sano dhexdood_ ee ii mahad naq aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe |
وَإِن جَاهَدَاكَ عَلَىٰ أَن تُشْرِكَ بِي مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا ۖ وَصَاحِبْهُمَا فِي الدُّنْيَا مَعْرُوفًا ۖ وَاتَّبِعْ سَبِيلَ مَنْ أَنَابَ إِلَيَّ ۚ ثُمَّ إِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (15) Oo haddii ay kugula doodaan si dadaal leh inaad ii shariig yeesho wax aad u cilmi lahayn, ha ka yeelin, oo kula soco adduun- kan si naxariis leh, oo raac jidka kan aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi doonaa waxaad fasheen |
يَا بُنَيَّ إِنَّهَا إِن تَكُ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ فَتَكُن فِي صَخْرَةٍ أَوْ فِي السَّمَاوَاتِ أَوْ فِي الْأَرْضِ يَأْتِ بِهَا اللَّهُ ۚ إِنَّ اللَّهَ لَطِيفٌ خَبِيرٌ (16) Wiilkaygiyow! Hubaal haddii ay tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirkaa kore ama dhulka hoose, Allaah waa keeni doonaa (ifka). Hubaal Allaah waa daryeel iyo roonaan badan yahayoo og yahay wax kasta aad ba ha u yaryaraadeene oo waa uu Xog hayaa wax waliba |
يَا بُنَيَّ أَقِمِ الصَّلَاةَ وَأْمُرْ بِالْمَعْرُوفِ وَانْهَ عَنِ الْمُنكَرِ وَاصْبِرْ عَلَىٰ مَا أَصَابَكَ ۖ إِنَّ ذَٰلِكَ مِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ (17) Wiilkaygiyow! U oog salaadda si wanaagsan oo amar samaanta oo reeb xumaanta oo u samir yeelo waxa kugu dhaca, hubaal umuurahan waxay rabaan geesinnimo lagu go’aan qaato |
وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِي الْأَرْضِ مَرَحًا ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ (18) Oo ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed6, oo ha ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Allaah ma jecla isla weyne walba oo faan badan |
وَاقْصِدْ فِي مَشْيِكَ وَاغْضُضْ مِن صَوْتِكَ ۚ إِنَّ أَنكَرَ الْأَصْوَاتِ لَصَوْتُ الْحَمِيرِ (19) Oo raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, oo hoos u dhig codkaaga. hubaal kan ugu xun codadka waa cida dameeraha |
أَلَمْ تَرَوْا أَنَّ اللَّهَ سَخَّرَ لَكُم مَّا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ وَأَسْبَغَ عَلَيْكُمْ نِعَمَهُ ظَاهِرَةً وَبَاطِنَةً ۗ وَمِنَ النَّاسِ مَن يُجَادِلُ فِي اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَابٍ مُّنِيرٍ (20) Miyeydaan arkayn inuu Allaah idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo wax waliba oo ku sugan arlada, oo idiin taam yeelay Nicmooyinkiisa kuwo muuqda iyo kuwo qarsoonba? Oo waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay isagoon u lahayn cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax iftiimiya midna |
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اتَّبِعُوا مَا أَنزَلَ اللَّهُ قَالُوا بَلْ نَتَّبِعُ مَا وَجَدْنَا عَلَيْهِ آبَاءَنَا ۚ أَوَلَوْ كَانَ الشَّيْطَانُ يَدْعُوهُمْ إِلَىٰ عَذَابِ السَّعِيرِ (21) Oo marka lagu yidhaahdo: Raaca waxa Allaah soo waxyooday, Waxay yidhaahdaan: Mayee, waxaanu raacaynaa waxa aanu ka hellay aabayaashayo. Oo ma xitaa hadduu shaydaan ugu yeedhayo cadaabta dabka gubitaanka badan |
۞ وَمَن يُسْلِمْ وَجْهَهُ إِلَى اللَّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَىٰ ۗ وَإِلَى اللَّهِ عَاقِبَةُ الْأُمُورِ (22) Oo ku kastoo isu dhiiba isagoo dhan Allaah isagoo ah same fale wuxuu dhab ahaan qabsaday siddaha kalsoonida ee adag. Oo Allaah baa leh oo loo celiyaa cidhibta arrimaha oo idil |
وَمَن كَفَرَ فَلَا يَحْزُنكَ كُفْرُهُ ۚ إِلَيْنَا مَرْجِعُهُمْ فَنُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ (23) Oo ku kastoo rumeyn diida (Xaqa), yey ku murugo gelin rumeyn la’aantiisa, waa Xaggayaga Annaga meel noqodkoodu, oo Waxaanu u sheegi doonnaa waxay faleen. Hubaa Allaah waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha |
نُمَتِّعُهُمْ قَلِيلًا ثُمَّ نَضْطَرُّهُمْ إِلَىٰ عَذَابٍ غَلِيظٍ (24) Waxaan u raaxeyn wax yar, markaasaan ku dirqin doonnaa cadaab aad u adag |
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ اللَّهُ ۚ قُلِ الْحَمْدُ لِلَّهِ ۚ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ (25) Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? waxay hubaal odhan doonaan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed mahadi wehliso waxaa mudan Allaah. laakiinse badankoodu ma ogsoona |
لِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ إِنَّ اللَّهَ هُوَ الْغَنِيُّ الْحَمِيدُ (26) Wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada waxaa leh Allaah. Hubaal Allaah waa isku Filnaha Deeqtoon, la Ammaano |
وَلَوْ أَنَّمَا فِي الْأَرْضِ مِن شَجَرَةٍ أَقْلَامٌ وَالْبَحْرُ يَمُدُّهُ مِن بَعْدِهِ سَبْعَةُ أَبْحُرٍ مَّا نَفِدَتْ كَلِمَاتُ اللَّهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ (27) Oo haddii geed walba ee dhulka jira laga (dhigo) qalimmo, oo baddana (ku taakuleyso khad) iyadoo toddobo badood ay kaydsiinayaan, ma dhammaadeen Kelmedaha (amarrada) Ilaahay. Hubaal Allaah waa Adkaade sare, Xakiim ah |
مَّا خَلْقُكُمْ وَلَا بَعْثُكُمْ إِلَّا كَنَفْسٍ وَاحِدَةٍ ۗ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ بَصِيرٌ (28) Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida (abuuridda iyo soo bixinta) naf keliya. Hubaal Allaah waa Wax kasta Maqle , oo wax kasta Arka |
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يُولِجُ اللَّيْلَ فِي النَّهَارِ وَيُولِجُ النَّهَارَ فِي اللَّيْلِ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِي إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى وَأَنَّ اللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ (29) Miyaanad arkayn in Allaah ka yeelo habeenka inuu u galo maalinta, oo Wuxuu ka yeelaa maalintana inay u gasho habeenka, oo Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walba ku roorayo waddadiisa ilaa muddo go'an; iyo in Allaah Og yahay waxa aad fashaan |
ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ الْبَاطِلُ وَأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ (30) Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Allaah uu Isagu Xaq yahay, oo waxa ka sokeeya ay baryaan uu baadil yahay, iyo inuu Allaah yahay Sarreeyaha, Weynaha ah |
أَلَمْ تَرَ أَنَّ الْفُلْكَ تَجْرِي فِي الْبَحْرِ بِنِعْمَتِ اللَّهِ لِيُرِيَكُم مِّنْ آيَاتِهِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ (31) Miyaadan arkayn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Ilaahay7, si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyin- kiisa? hubaal, arrinkani waxaa ugu jira Calaamooyin samir yeesha kastoo, mahad naq badan |
وَإِذَا غَشِيَهُم مَّوْجٌ كَالظُّلَلِ دَعَوُا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ فَلَمَّا نَجَّاهُمْ إِلَى الْبَرِّ فَمِنْهُم مُّقْتَصِدٌ ۚ وَمَا يَجْحَدُ بِآيَاتِنَا إِلَّا كُلُّ خَتَّارٍ كَفُورٍ (32) Oo marka uu hir buuro la moodo uu daboolo, waxay baryaan Allaah Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, qaarkood waxay raacaan jidka dhexdhexaadka ah8. Oo cidina ma diiddo Aayadahayaga aan aheyn axdi laawe kasta, abaal laawe ah |
يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمْ وَاخْشَوْا يَوْمًا لَّا يَجْزِي وَالِدٌ عَن وَلَدِهِ وَلَا مَوْلُودٌ هُوَ جَازٍ عَن وَالِدِهِ شَيْئًا ۚ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ ۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِاللَّهِ الْغَرُورُ (33) Dadow! Iska jira (Ciqaabta) Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geli doonin wax abaal ah wiilki, oo cunugna u geli doonin wax abaal ah waalidki. Hubaal Ballanka Ilaahay waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, oo ayaanu idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka) ee dhagarta badan xagga Ilaahay |
إِنَّ اللَّهَ عِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ الْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ (34) Hubaal Allaah Isaga Keliya baa Ogsoon waqtiga Saacadda (Qiyaame), oo soo dejiya roobka, oo Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku jira ilma galeennada9. Oo nafna ma oga maxay kasban doontaa berri10, oo nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman doontaa. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, ka War Haya (wax walba) |