حم (1) Xaa Miim |
تَنزِيلٌ مِّنَ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ (2) Waxyi ka yimid xagga (Allaah) Naxariistaha, Naxariista Badan |
كِتَابٌ فُصِّلَتْ آيَاتُهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لِّقَوْمٍ يَعْلَمُونَ (3) Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah qolodii wax garanaysa |
بَشِيرًا وَنَذِيرًا فَأَعْرَضَ أَكْثَرُهُمْ فَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ (4) War san side iyo dige ah, hase ahaatee badankood way ka jeesadeen, marka wax ma maqlaan |
وَقَالُوا قُلُوبُنَا فِي أَكِنَّةٍ مِّمَّا تَدْعُونَا إِلَيْهِ وَفِي آذَانِنَا وَقْرٌ وَمِن بَيْنِنَا وَبَيْنِكَ حِجَابٌ فَاعْمَلْ إِنَّنَا عَامِلُونَ (5) Oo waxay yidhaahdaan: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxa aad noogu yeedho3, oo waxaa ah culeys dhegahaya- ga, oo daah baa xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaaye |
قُلْ إِنَّمَا أَنَا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ يُوحَىٰ إِلَيَّ أَنَّمَا إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ فَاسْتَقِيمُوا إِلَيْهِ وَاسْتَغْفِرُوهُ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْمُشْرِكِينَ (6) Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah aan waareyn, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay hal ilaah, sidaas darteed raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, oo weydiista dambi dhaaf Isaga, oo Hoog waxaa leh Mushrikiinta |
الَّذِينَ لَا يُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَهُم بِالْآخِرَةِ هُمْ كَافِرُونَ (7) Kuwa aan u iman (diinta) daahirka ah (Islaamka, ee aan tukan oo bixin Zakada) ee ah kuwo aan rumeysnayn Aakhirada |
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ (8) (Ma xagga) kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay hubaal mudan Abaal gud aan marnaba go’i doonin |
۞ قُلْ أَئِنَّكُمْ لَتَكْفُرُونَ بِالَّذِي خَلَقَ الْأَرْضَ فِي يَوْمَيْنِ وَتَجْعَلُونَ لَهُ أَندَادًا ۚ ذَٰلِكَ رَبُّ الْعَالَمِينَ (9) Dheh: Ma waxaad dhab ahaan rumeysan la’dihiin Kan ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeshaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uunanka |
وَجَعَلَ فِيهَا رَوَاسِيَ مِن فَوْقِهَا وَبَارَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَا أَقْوَاتَهَا فِي أَرْبَعَةِ أَيَّامٍ سَوَاءً لِّلسَّائِلِينَ (10) Oo wuxuu yeelay gudaheeda buuro uu kor dhigay, oo wuu barakeeyey halkaas gudaheeda oo uu ku qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood, isle’eg kuwa doonaya (inay ogaadaan) |
ثُمَّ اسْتَوَىٰ إِلَى السَّمَاءِ وَهِيَ دُخَانٌ فَقَالَ لَهَا وَلِلْأَرْضِ ائْتِيَا طَوْعًا أَوْ كَرْهًا قَالَتَا أَتَيْنَا طَائِعِينَ (11) Kaddib Wuxuu abbaaray xagga samada iyadoo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arladaba: Ku kaalaya labadiinnu- ba oggolaansho ama khasab; waxay laba- duba yidhaahdeen: Waxaan ku imaaneynaa oggolaansho |
فَقَضَاهُنَّ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ فِي يَوْمَيْنِ وَأَوْحَىٰ فِي كُلِّ سَمَاءٍ أَمْرَهَا ۚ وَزَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِمَصَابِيحَ وَحِفْظًا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ (12) Markaasuu wuxuu guddoonshay toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, oo wuxuu u waxyooday sama waliba arrinkeeda. Oo waxaynu ku qurxinnay samada soke xiddigo iftiimaya, isla markaana xafid4 u ah. Arrinkaasi waa Qaddarka Adkaadaha, Wax kasta Ogsoon |
فَإِنْ أَعْرَضُوا فَقُلْ أَنذَرْتُكُمْ صَاعِقَةً مِّثْلَ صَاعِقَةِ عَادٍ وَثَمُودَ (13) Haddiise ay jeesadaan, markaa dheh: Waxaan idiinka digay biriq la mid ah biriqdii ku dhacday Caad iyo Thamuud |
إِذْ جَاءَتْهُمُ الرُّسُلُ مِن بَيْنِ أَيْدِيهِمْ وَمِنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا اللَّهَ ۖ قَالُوا لَوْ شَاءَ رَبُّنَا لَأَنزَلَ مَلَائِكَةً فَإِنَّا بِمَا أُرْسِلْتُم بِهِ كَافِرُونَ (14) Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashoodba5 (iyagoo ku leh): Ha caabudina cidaan ahayn Allaah. Waxay yidhaahdeen: Haddii uu Rabbigayo doono6, wuxuu xaqiiq soo dejin lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray ma aanu aaminsanin |
فَأَمَّا عَادٌ فَاسْتَكْبَرُوا فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَقَالُوا مَنْ أَشَدُّ مِنَّا قُوَّةً ۖ أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّ اللَّهَ الَّذِي خَلَقَهُمْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُمْ قُوَّةً ۖ وَكَانُوا بِآيَاتِنَا يَجْحَدُونَ (15) Marka ma Caad, iyagu waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo waxay yidhaahdeen: Yaa naga adag quwad ahaan innaga? Mawaysan arag in Allaah ee abuuray uu ka adag yahay quwad ahaan iyaga.Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga |
فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِيحًا صَرْصَرًا فِي أَيَّامٍ نَّحِسَاتٍ لِّنُذِيقَهُمْ عَذَابَ الْخِزْيِ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَلَعَذَابُ الْآخِرَةِ أَخْزَىٰ ۖ وَهُمْ لَا يُنصَرُونَ (16) Markaas baan u dirnay dabayl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan uga yeelno inay dhadhamiyaan cadaabta dulliga nolosha adduunka gudaheeda, oo run ahaan cadaabta Aakhiro baa ka sii dulleyn badan iyagoo aan loo gargaari doonin |
وَأَمَّا ثَمُودُ فَهَدَيْنَاهُمْ فَاسْتَحَبُّوا الْعَمَىٰ عَلَى الْهُدَىٰ فَأَخَذَتْهُمْ صَاعِقَةُ الْعَذَابِ الْهُونِ بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ (17) Oo ma xagga Thamuud, waxaan tusnay dhabbaha toosan, waxayse ka door bideen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, mar- kaasaa waxaa ku dhacay biriq cadaab wax dulleysa, waxa ay galabsadeen awgeed |
وَنَجَّيْنَا الَّذِينَ آمَنُوا وَكَانُوا يَتَّقُونَ (18) Oo waxaanu badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha ) iska jirey |
وَيَوْمَ يُحْشَرُ أَعْدَاءُ اللَّهِ إِلَى النَّارِ فَهُمْ يُوزَعُونَ (19) Oo Maalinta cadowyada Ilaahay loo soo wada kulmin doono Naarta, markaas waxaa loo qaybin kooxo |
حَتَّىٰ إِذَا مَا جَاءُوهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَارُهُمْ وَجُلُودُهُم بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (20) Kolka ay ku yimaadan, dhegahooda iyo indhahooda iyo hargahooda baa ku marag furi doona wixii ay fali jireen darteed |
وَقَالُوا لِجُلُودِهِمْ لِمَ شَهِدتُّمْ عَلَيْنَا ۖ قَالُوا أَنطَقَنَا اللَّهُ الَّذِي أَنطَقَ كُلَّ شَيْءٍ وَهُوَ خَلَقَكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ (21) Oo waxay ku odhan hargahooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Allaah, ee ka hadliya wax walba baa naga hadliyey, oo Isaga baa idin abuuray kal horeba, oo Xaggiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa |
وَمَا كُنتُمْ تَسْتَتِرُونَ أَن يَشْهَدَ عَلَيْكُمْ سَمْعُكُمْ وَلَا أَبْصَارُكُمْ وَلَا جُلُودُكُمْ وَلَٰكِن ظَنَنتُمْ أَنَّ اللَّهَ لَا يَعْلَمُ كَثِيرًا مِّمَّا تَعْمَلُونَ (22) Oo ma aydaan is asturin si aysan dhegahiinna7 iyo indhahiinna iyo hargahiinna idiinku markhaati furin, laakiinse waxaad mooddeen inaanu Allaah ogeyn in badan oo waxa aad fasheen ah |
وَذَٰلِكُمْ ظَنُّكُمُ الَّذِي ظَنَنتُم بِرَبِّكُمْ أَرْدَاكُمْ فَأَصْبَحْتُم مِّنَ الْخَاسِرِينَ (23) Oo kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, markaas baad ka mid noqoteen kuwa khasaaray |
فَإِن يَصْبِرُوا فَالنَّارُ مَثْوًى لَّهُمْ ۖ وَإِن يَسْتَعْتِبُوا فَمَا هُم مِّنَ الْمُعْتَبِينَ (24) Marka haddii ay u adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, oo haddii ay dalbaan in loo cudur daaro, haddaba ma ka mid aha kuwa laga aqbali doono cudur daaraasho |
۞ وَقَيَّضْنَا لَهُمْ قُرَنَاءَ فَزَيَّنُوا لَهُم مَّا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَحَقَّ عَلَيْهِمُ الْقَوْلُ فِي أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِم مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا خَاسِرِينَ (25) Oo Waxaanu u yeellay saaxiibbo8 ku laran markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda9 (oo dambiyo) ah, oo waxaa ku dhaboobay Qawlka (cadaabta) sida uu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu hubaal ahaan doonaan kuwo khasaaraya |
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَا تَسْمَعُوا لِهَٰذَا الْقُرْآنِ وَالْغَوْا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَغْلِبُونَ (26) Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaah- daan: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq10 waa intaasoo aad adkaataane |
فَلَنُذِيقَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا عَذَابًا شَدِيدًا وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَسْوَأَ الَّذِي كَانُوا يَعْمَلُونَ (27) Sidaas darteed hubaal Waxaanu dhadhansiin kuwa xaqa diida cadaab daran, oo hubaal waxaan u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen |
ذَٰلِكَ جَزَاءُ أَعْدَاءِ اللَّهِ النَّارُ ۖ لَهُمْ فِيهَا دَارُ الْخُلْدِ ۖ جَزَاءً بِمَا كَانُوا بِآيَاتِنَا يَجْحَدُونَ (28) Kaasu waa abaalka cadawyada Ilaahay: Naar, waxay u noqon iyaga Daar lagu waaro, waa abaal marinta Aayadahayaga ay diidi jireen darteed |
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا رَبَّنَا أَرِنَا اللَّذَيْنِ أَضَلَّانَا مِنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ نَجْعَلْهُمَا تَحْتَ أَقْدَامِنَا لِيَكُونَا مِنَ الْأَسْفَلِينَ (29) Oo kuwa xaqa diida waxay odhan: Rabbiyow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa, si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan kuwa ugu hooseeya |
إِنَّ الَّذِينَ قَالُوا رَبُّنَا اللَّهُ ثُمَّ اسْتَقَامُوا تَتَنَزَّلُ عَلَيْهِمُ الْمَلَائِكَةُ أَلَّا تَخَافُوا وَلَا تَحْزَنُوا وَأَبْشِرُوا بِالْجَنَّةِ الَّتِي كُنتُمْ تُوعَدُونَ (30) (Ma xagga) kuwa yidhaahda: Rabbiga- yo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadood iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, oo ku far- xa warka san ee Jannadii la idiin yaboohay |
نَحْنُ أَوْلِيَاؤُكُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَفِي الْآخِرَةِ ۖ وَلَكُمْ فِيهَا مَا تَشْتَهِي أَنفُسُكُمْ وَلَكُمْ فِيهَا مَا تَدَّعُونَ (31) Annagaa baa ah gacalkiin nolosha Adduunkan iyo Aakhiradaba, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda waxa ay nafahiinnu doonaan, oo waxaad ku heli doontaan gudaheeda wixii aad dalabtaan |
نُزُلًا مِّنْ غَفُورٍ رَّحِيمٍ (32) Martiqaad xagga (Ilaahay) ah, Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan |
وَمَنْ أَحْسَنُ قَوْلًا مِّمَّن دَعَا إِلَى اللَّهِ وَعَمِلَ صَالِحًا وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ الْمُسْلِمِينَ (33) Oo yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Ilaahay, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu hubaal ka mid ahay kuwaa hoggaansan (Muslimiinta) |
وَلَا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلَا السَّيِّئَةُ ۚ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ (34) Oo ma sinna samaanta iyo xumaantu, ka hor gee (xumaha) waxa wax u wanaag- san, markaas eeg! kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqona- yaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin |
وَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا الَّذِينَ صَبَرُوا وَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٍ (35) OO lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib aad u weyn |
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ الشَّيْطَانِ نَزْغٌ فَاسْتَعِذْ بِاللَّهِ ۖ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (36) Oo haddii juqjuqeyn shaydaan kuugu juqjuqeyso wax xumaan ah ka magan gal Ilaahay. Hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta ogsoon |
وَمِنْ آيَاتِهِ اللَّيْلُ وَالنَّهَارُ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ ۚ لَا تَسْجُدُوا لِلشَّمْسِ وَلَا لِلْقَمَرِ وَاسْجُدُوا لِلَّهِ الَّذِي خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمْ إِيَّاهُ تَعْبُدُونَ (37) Oo Calaamooyinka (Ilaahay ee muujin Weynadiisa iyo Awooddiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Allaah ee abuuray iyaga, haddii uu Isagu yahay Kan aad caabuddaan |
فَإِنِ اسْتَكْبَرُوا فَالَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ يُسَبِّحُونَ لَهُ بِاللَّيْلِ وَالنَّهَارِ وَهُمْ لَا يَسْأَمُونَ ۩ (38) Haddiise ay yihiin kuwo isla weyn, haddaba kuwaa ah Rabbigaa agtiisa ( malaa’igta) baa xurmo weyneeya oo hufa habeen iyo maalinba oo kama daalaan |
وَمِنْ آيَاتِهِ أَنَّكَ تَرَى الْأَرْضَ خَاشِعَةً فَإِذَا أَنزَلْنَا عَلَيْهَا الْمَاءَ اهْتَزَّتْ وَرَبَتْ ۚ إِنَّ الَّذِي أَحْيَاهَا لَمُحْيِي الْمَوْتَىٰ ۚ إِنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (39) Oo Calaamooyinkiisa waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyaha uu gilgisho oo soo kor noqdo. Hubaal Kan nooleeya wuxuu xaqiiq nooleyn doonaa maytida. Hubaal wax walba waa uu Karaa |
إِنَّ الَّذِينَ يُلْحِدُونَ فِي آيَاتِنَا لَا يَخْفَوْنَ عَلَيْنَا ۗ أَفَمَن يُلْقَىٰ فِي النَّارِ خَيْرٌ أَم مَّن يَأْتِي آمِنًا يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۚ اعْمَلُوا مَا شِئْتُمْ ۖ إِنَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ (40) Hubaal kuwa ka iisha dhabbaha toosan xagga arrinka Aayadahayaga13 ma aha kuwo naga qarsoon. Ma mid lagu tuuro Naarta baa khayr badan, mise mid yimaada isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan. hubaal Waa uu arkaa waxa aad fashaan |
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِالذِّكْرِ لَمَّا جَاءَهُمْ ۖ وَإِنَّهُ لَكِتَابٌ عَزِيزٌ (41) Hubaal kuwa qaadan diida Waanada marka ay u timaaddo14 oo hubaal waa Kitaab sharaf weyn leh |
لَّا يَأْتِيهِ الْبَاطِلُ مِن بَيْنِ يَدَيْهِ وَلَا مِنْ خَلْفِهِ ۖ تَنزِيلٌ مِّنْ حَكِيمٍ حَمِيدٍ (42) Baadil ugama imaan doono hortiisa ama gadaashiisa16; waa waxyi ka yimid xagga Xikmad Badanaha, la ammaano |
مَّا يُقَالُ لَكَ إِلَّا مَا قَدْ قِيلَ لِلرُّسُلِ مِن قَبْلِكَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغْفِرَةٍ وَذُو عِقَابٍ أَلِيمٍ (43) Waxba lagu odhan maayo aan ka aheyn wixii lagu yidhi dhab ahaan Rusushii kaa horreysay. hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Dambi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan |
وَلَوْ جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا أَعْجَمِيًّا لَّقَالُوا لَوْلَا فُصِّلَتْ آيَاتُهُ ۖ أَأَعْجَمِيٌّ وَعَرَبِيٌّ ۗ قُلْ هُوَ لِلَّذِينَ آمَنُوا هُدًى وَشِفَاءٌ ۖ وَالَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ فِي آذَانِهِمْ وَقْرٌ وَهُوَ عَلَيْهِمْ عَمًى ۚ أُولَٰئِكَ يُنَادَوْنَ مِن مَّكَانٍ بَعِيدٍ (44) Oo haddii aan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay dhab ahaan odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. (Ma) kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda,oo waa ka indha la' yihiin, kuwa waxaa looga dhawaaqaa meel fog |
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ فَاخْتُلِفَ فِيهِ ۗ وَلَوْلَا كَلِمَةٌ سَبَقَتْ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيْنَهُمْ ۚ وَإِنَّهُمْ لَفِي شَكٍّ مِّنْهُ مُرِيبٍ (45) Oo dhab ahaan waxaanu siinnay Muuse Kitaabka, waase la isku khilaafay. Oo haddii aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa, waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse hubaal iyagu ka qabaan shaki walaac leh |
مَّنْ عَمِلَ صَالِحًا فَلِنَفْسِهِ ۖ وَمَنْ أَسَاءَ فَعَلَيْهَا ۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ (46) Mid kastoo sama falaa naftiisay (dan) u tahay, oo mid kastoo xumaan falaa isagay u daran tahay, oo Rabbigaa ma aha mid ku gardarrooda addoommaha |
۞ إِلَيْهِ يُرَدُّ عِلْمُ السَّاعَةِ ۚ وَمَا تَخْرُجُ مِن ثَمَرَاتٍ مِّنْ أَكْمَامِهَا وَمَا تَحْمِلُ مِنْ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلْمِهِ ۚ وَيَوْمَ يُنَادِيهِمْ أَيْنَ شُرَكَائِي قَالُوا آذَنَّاكَ مَا مِنَّا مِن شَهِيدٍ (47) Xaggiisa baa loo celiyaa cilmiga Saacadda17, oo kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, mana jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Oo Maalinta marka uu u yeeri doono: Meeye (kuwii aad ku magacowdeen) shurakadeyda18? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiineynaa inuusan nagu jirin mid marag ka ah |
وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا يَدْعُونَ مِن قَبْلُ ۖ وَظَنُّوا مَا لَهُم مِّن مَّحِيصٍ (48) Oo waxay waayi doonaan waxay horey ugu dhawaaqan jireen, oo waxay yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan |
لَّا يَسْأَمُ الْإِنسَانُ مِن دُعَاءِ الْخَيْرِ وَإِن مَّسَّهُ الشَّرُّ فَيَئُوسٌ قَنُوطٌ (49) Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, oo haddii uu shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah |
وَلَئِنْ أَذَقْنَاهُ رَحْمَةً مِّنَّا مِن بَعْدِ ضَرَّاءَ مَسَّتْهُ لَيَقُولَنَّ هَٰذَا لِي وَمَا أَظُنُّ السَّاعَةَ قَائِمَةً وَلَئِن رُّجِعْتُ إِلَىٰ رَبِّي إِنَّ لِي عِندَهُ لَلْحُسْنَىٰ ۚ فَلَنُنَبِّئَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِمَا عَمِلُوا وَلَنُذِيقَنَّهُم مِّنْ عَذَابٍ غَلِيظٍ (50) Oo haddii aan ka yeelo inuu dhadhamiyo naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, xaqiiq wuxuu odhan: Kan waa xaggeyga aniga19, oo anigu ma qabo Saacaddu inay dhici doonto, oo haddii la ii celiyo xagga Rabbigay, waxaan xaqiiq ka heli agtiisa wanaag. Waxaanse hubaal Annagu u sheegi doonnaa kuwa gaaloobay waxay faleen oo waxaan hubaal ka yeeli inay wax ka dhadhamiyaan Cadaab Qallafsan |
وَإِذَا أَنْعَمْنَا عَلَى الْإِنسَانِ أَعْرَضَ وَنَأَىٰ بِجَانِبِهِ وَإِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ فَذُو دُعَاءٍ عَرِيضٍ (51) Oo marka aan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, oo marka ay dhibaato taabato, wuxuu la yimaadaa ducooyin dheer |
قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِن كَانَ مِنْ عِندِ اللَّهِ ثُمَّ كَفَرْتُم بِهِ مَنْ أَضَلُّ مِمَّنْ هُوَ فِي شِقَاقٍ بَعِيدٍ (52) Dheh: Bal ii sheega haddii uu ka yimid (Qur’aanka) xagga Ilaahay, markaas aad ku gaalowdaan, _yaa ka lunsanaan badan kan ku talax taga cinaad fogaaday |
سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ ۗ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ (53) Waxaan durbaba ka tusi doonnaa Calaamooyinkayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Ma wuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay markhaati |
أَلَا إِنَّهُمْ فِي مِرْيَةٍ مِّن لِّقَاءِ رَبِّهِمْ ۗ أَلَا إِنَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ مُّحِيطٌ (54) Ogaada, hubaal, Waxay ka shaki qa- baan la kulanka Rabbigood, ogaada, hu- baal, Wuxuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay |