ق ۚ وَالْقُرْآنِ الْمَجِيدِ (1) Qaaf;2 Waxaan ku dhaartay Qur’aanka Sharafka Badan |
بَلْ عَجِبُوا أَن جَاءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ فَقَالَ الْكَافِرُونَ هَٰذَا شَيْءٌ عَجِيبٌ (2) Bal, waxay la yaabban yihiin inuu u yimid dige ka mid ahi iyaga. Oo gaaladu waxay yidhaahdaan: Kanu waa wax la yaab leh |
أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا ۖ ذَٰلِكَ رَجْعٌ بَعِيدٌ (3) Ma markaan dhimanno oo aan noqonno ciid? Taasu waa soo Noqosho Fog |
قَدْ عَلِمْنَا مَا تَنقُصُ الْأَرْضُ مِنْهُمْ ۖ وَعِندَنَا كِتَابٌ حَفِيظٌ (4) Waxaan ognahay dhab ahaan waxa uu dhulku ka dhimo iyaga, oo agtannada wa- xaa ah Kitaab wax walba kooba oo xafidan |
بَلْ كَذَّبُوا بِالْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُمْ فَهُمْ فِي أَمْرٍ مَّرِيجٍ (5) Bal waxay beeniyeen Xaqa markii uu u yimid, waxay haddaba ku jiraan xaalad murugsan |
أَفَلَمْ يَنظُرُوا إِلَى السَّمَاءِ فَوْقَهُمْ كَيْفَ بَنَيْنَاهَا وَزَيَّنَّاهَا وَمَا لَهَا مِن فُرُوجٍ (6) Mawaysan haddaba fiirin samada korkooda ah, sida aan u dhisnay oo u qurxinnay, oo ma laha wax duleello ah |
وَالْأَرْضَ مَدَدْنَاهَا وَأَلْقَيْنَا فِيهَا رَوَاسِيَ وَأَنبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ بَهِيجٍ (7) Oo dhulka Waxaanu ka yeellay mid fidsan, oo ku sugnay buuro, oo waxaan ka yeelany inay ka soo dhex baxaan dhir qurxoon oo cayn walba leh |
تَبْصِرَةً وَذِكْرَىٰ لِكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ (8) Oo tusmo iyo waano u ah addoon kasta oo badiya u soo laabashada (Ilaahay) |
وَنَزَّلْنَا مِنَ السَّمَاءِ مَاءً مُّبَارَكًا فَأَنبَتْنَا بِهِ جَنَّاتٍ وَحَبَّ الْحَصِيدِ (9) Oo Waxaan ka soo dejinnaa daruurta biyo khayr badan, oo ku soo saarnaa beero iyo baad |
وَالنَّخْلَ بَاسِقَاتٍ لَّهَا طَلْعٌ نَّضِيدٌ (10) Iyo geedo timireed dhaadheer oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran |
رِّزْقًا لِّلْعِبَادِ ۖ وَأَحْيَيْنَا بِهِ بَلْدَةً مَّيْتًا ۚ كَذَٰلِكَ الْخُرُوجُ (11) Risiq ay leeyihiin addoomaha. Oo waxaan ku nooleynaa dhul dhintay. Sidaas oo kale bay ahaan doontaa soo bixintu |
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَأَصْحَابُ الرَّسِّ وَثَمُودُ (12) Qolodii Nuux baa beeniyey hortood iyaga4, iyo qoladii ceelka iyo Thamuud |
وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ وَإِخْوَانُ لُوطٍ (13) Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi |
وَأَصْحَابُ الْأَيْكَةِ وَقَوْمُ تُبَّعٍ ۚ كُلٌّ كَذَّبَ الرُّسُلَ فَحَقَّ وَعِيدِ (14) Iyo reer hawdkii iyo qolodii Tubbac; dhammaan waxay beeniyeen Rususha, waxaana ku dhacay gooddigeyga |
أَفَعَيِينَا بِالْخَلْقِ الْأَوَّلِ ۚ بَلْ هُمْ فِي لَبْسٍ مِّنْ خَلْقٍ جَدِيدٍ (15) Ma Waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuuris cusub |
وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِ نَفْسُهُ ۖ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ (16) Oo dhab ahaan waxaan abuurnay aadmiga, oo waa ognahay waxa ay naftiisu kula hadasho. Oo waxaan uga dhownahay xididka dhuunta |
إِذْ يَتَلَقَّى الْمُتَلَقِّيَانِ عَنِ الْيَمِينِ وَعَنِ الشِّمَالِ قَعِيدٌ (17) Marka ay labada xilqaade (malaa’igta wax qoreysa) qaadaan xilkooda, iyagoo kala fadhiya dhinaca midig, iyo dhinaca bidix |
مَّا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ (18) Ma jiro eray (aadmiga) ka soo baxa, oo uusan ag joogin ilaaliye u diyaar ah (inuu qoro) |
وَجَاءَتْ سَكْرَةُ الْمَوْتِ بِالْحَقِّ ۖ ذَٰلِكَ مَا كُنتَ مِنْهُ تَحِيدُ (19) Oo waxay ku iman doontaa sakaraadka mowdka xaq: kaasi waa waxaad ka meermeereysey |
وَنُفِخَ فِي الصُّورِ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ الْوَعِيدِ (20) Oo Buunkaa la afuufi _ taasu waa Maalintii laysu yaboohay |
وَجَاءَتْ كُلُّ نَفْسٍ مَّعَهَا سَائِقٌ وَشَهِيدٌ (21) Oo naf walbaa waxay iman doontaa iyadoo uu la socdo mid hoggaaminaya, iyo mid ku markhaati furaya |
لَّقَدْ كُنتَ فِي غَفْلَةٍ مِّنْ هَٰذَا فَكَشَفْنَا عَنكَ غِطَاءَكَ فَبَصَرُكَ الْيَوْمَ حَدِيدٌ (22) Xaqiiq waad ka dhoohnayd arrinkan, haatanse kaa qaadnay daboolkaagii, marka araggaagu maanta waa xoog badan yahay |
وَقَالَ قَرِينُهُ هَٰذَا مَا لَدَيَّ عَتِيدٌ (23) Oo rafiiqiisu wuxuu odhan: Kani waa waxa agteyda ku diyaarka ah |
أَلْقِيَا فِي جَهَنَّمَ كُلَّ كَفَّارٍ عَنِيدٍ (24) Ku tuura Naar gaal kastoo xaq diiddo ku madax adeegay |
مَّنَّاعٍ لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ مُّرِيبٍ (25) Khayr diide,xadgudbe, shaki qabeen ah |
الَّذِي جَعَلَ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ فَأَلْقِيَاهُ فِي الْعَذَابِ الشَّدِيدِ (26) Ee la mid dhigay Allaah, ilaah kale, ee ku tuura cadaab daran |
۞ قَالَ قَرِينُهُ رَبَّنَا مَا أَطْغَيْتُهُ وَلَٰكِن كَانَ فِي ضَلَالٍ بَعِيدٍ (27) Rafiiqiisii wuxuu odhan: Rabbigayow! Anigu ma aanan u horseedin xadgudub, laakiinse isagaa naf ahaantiisa ku sugnaa habow aad u fog |
قَالَ لَا تَخْتَصِمُوا لَدَيَّ وَقَدْ قَدَّمْتُ إِلَيْكُم بِالْوَعِيدِ (28) Wuxuu odhan: Ha ku doodina Hortayda, oo dhab ahaan waxaan horay idiinku soo diray gooddiga |
مَا يُبَدَّلُ الْقَوْلُ لَدَيَّ وَمَا أَنَا بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ (29) Hadalka iga soo fulaa ma aha mid la beddelo, Oo Anigu ma ahi mid ku gardarrooda Addoomaha |
يَوْمَ نَقُولُ لِجَهَنَّمَ هَلِ امْتَلَأْتِ وَتَقُولُ هَلْ مِن مَّزِيدٍ (30) Maalinta aan ku odhan Naarta: Ma buuxsantay? Oo waxay odhan: Ma jiraan wax dheeraad ah oo la soo wado |
وَأُزْلِفَتِ الْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ غَيْرَ بَعِيدٍ (31) Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn kuwa ka dhowrsada xumaha, iyadoo aan fogeynba |
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِكُلِّ أَوَّابٍ حَفِيظٍ (32) Kani waa waxa la idin ballan qaaday, Waxaa iska leh mid walboo u soo laabasho badiya (Allaah), dhowra xuduuddiisa |
مَّنْ خَشِيَ الرَّحْمَٰنَ بِالْغَيْبِ وَجَاءَ بِقَلْبٍ مُّنِيبٍ (33) Kan ka cabsada Raxmaanka (Allaah) sir (iyo saaqba) oo la yimaada qalbi toobad keen badan |
ادْخُلُوهَا بِسَلَامٍ ۖ ذَٰلِكَ يَوْمُ الْخُلُودِ (34) Ku gala nabad (Jannada); taasi waa Maalinta waaridda |
لَهُم مَّا يَشَاءُونَ فِيهَا وَلَدَيْنَا مَزِيدٌ (35) Waxay ku leeyihiin gudaheeda wixii ay doonaan,_oo waxaan u heynaa weliba wax intaa ka badan (Eegidda Wejiga Ilaahay) |
وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَشَدُّ مِنْهُم بَطْشًا فَنَقَّبُوا فِي الْبِلَادِ هَلْ مِن مَّحِيصٍ (36) Oo badanaa inta fac aan rognay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan oo dhulalka xulay. Ee ma jirtaa meel la magan galo |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكْرَىٰ لِمَن كَانَ لَهُ قَلْبٌ أَوْ أَلْقَى السَّمْعَ وَهُوَ شَهِيدٌ (37) Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan waano kan qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan |
وَلَقَدْ خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ وَمَا مَسَّنَا مِن لُّغُوبٍ (38) Oo dhab ahaan Waxaan ku abuurnay samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood oo nama soo gaarin wax daal ah |
فَاصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ (39) Ee u samir yeelo waxa ay leeyihiin, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor inta aanay dhicin |
وَمِنَ اللَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَأَدْبَارَ السُّجُودِ (40) Oo habeenka in ka mid ah ku tasbiixso Ammaanahiisa iyo salaadaha ka dambow |
وَاسْتَمِعْ يَوْمَ يُنَادِ الْمُنَادِ مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ (41) Oo Dhageyso Maalinta marka uu dhawaaquhu ka dhawaaqi doono meel dhow |
يَوْمَ يَسْمَعُونَ الصَّيْحَةَ بِالْحَقِّ ۚ ذَٰلِكَ يَوْمُ الْخُرُوجِ (42) Maalinta ay maqli doonaan qaylo si Xaq ah, taasu waa Maalinta soo bixinta |
إِنَّا نَحْنُ نُحْيِي وَنُمِيتُ وَإِلَيْنَا الْمَصِيرُ (43) Hubaal Waxaanu bixinnaa nolol oo sababnaa dhimasho; oo waa Xaggayaga halka loo soo laabmi |
يَوْمَ تَشَقَّقُ الْأَرْضُ عَنْهُمْ سِرَاعًا ۚ ذَٰلِكَ حَشْرٌ عَلَيْنَا يَسِيرٌ (44) Maalinta uu dhulku ka dillaaci doono gaballo hoostooda, markaasay dhaqso ku soo bixi doonaan, kaasu waa soo kulmin noo fudud |
نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ (45) Annaga baa aad u ogsoon waxa ay leeyihiin; oo adigu ma ahid mid qasab ku leh. Ee ku waani Qur’aanka, kan ka cabsada Gooddigayga |