| وَالسَّمَاءِ وَالطَّارِقِ (1) Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura
 | 
| وَمَا أَدْرَاكَ مَا الطَّارِقُ (2) (Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay
 | 
| النَّجْمُ الثَّاقِبُ (3) Xiddigga iftiinka badan
 | 
| إِن كُلُّ نَفْسٍ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌ (4) Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag)
 | 
| فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ مِمَّ خُلِقَ (5) Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray
 | 
| خُلِقَ مِن مَّاءٍ دَافِقٍ (6) Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda
 | 
| يَخْرُجُ مِن بَيْنِ الصُّلْبِ وَالتَّرَائِبِ (7) Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood
 | 
| إِنَّهُ عَلَىٰ رَجْعِهِ لَقَادِرٌ (8) Hubaal wuu karaa inuu u soo celiyo nolosha
 | 
| يَوْمَ تُبْلَى السَّرَائِرُ (9) Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo wixii sir ahaan loo falay la muujin doono
 | 
| فَمَا لَهُ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ (10) Ma lahaan doono xoog ama wax u soo gargaara midna
 | 
| وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الرَّجْعِ (11) Waxaan ku dhaartay cirka soo celcelinta badan (ee soo shuba roobka)
 | 
| وَالْأَرْضِ ذَاتِ الصَّدْعِ (12) Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa)
 | 
| إِنَّهُ لَقَوْلٌ فَصْلٌ (13) Hubaal kani waa hadal dhab ah oo cad
 | 
| وَمَا هُوَ بِالْهَزْلِ (14) Oo ma aha dheel
 | 
| إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا (15) Hubaal waxay qoolaan shirqool
 | 
| وَأَكِيدُ كَيْدًا (16) Oo Anigu (sidoo kale) Waxaan qorsheeyaa qorshe
 | 
| فَمَهِّلِ الْكَافِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًا (17) Ee u sug gaalada: Daa wax yar
 |