وَالسَّمَاءِ وَالطَّارِقِ (1) Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura | 
وَمَا أَدْرَاكَ مَا الطَّارِقُ (2) (Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay | 
النَّجْمُ الثَّاقِبُ (3) Xiddigga iftiinka badan | 
إِن كُلُّ نَفْسٍ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌ (4) Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag) | 
فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ مِمَّ خُلِقَ (5) Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray | 
خُلِقَ مِن مَّاءٍ دَافِقٍ (6) Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda | 
يَخْرُجُ مِن بَيْنِ الصُّلْبِ وَالتَّرَائِبِ (7) Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood | 
إِنَّهُ عَلَىٰ رَجْعِهِ لَقَادِرٌ (8) Hubaal wuu karaa inuu u soo celiyo nolosha | 
يَوْمَ تُبْلَى السَّرَائِرُ (9) Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo wixii sir ahaan loo falay la muujin doono | 
فَمَا لَهُ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ (10) Ma lahaan doono xoog ama wax u soo gargaara midna | 
وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الرَّجْعِ (11) Waxaan ku dhaartay cirka soo celcelinta badan (ee soo shuba roobka) | 
وَالْأَرْضِ ذَاتِ الصَّدْعِ (12) Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa) | 
إِنَّهُ لَقَوْلٌ فَصْلٌ (13) Hubaal kani waa hadal dhab ah oo cad | 
وَمَا هُوَ بِالْهَزْلِ (14) Oo ma aha dheel | 
إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا (15) Hubaal waxay qoolaan shirqool | 
وَأَكِيدُ كَيْدًا (16) Oo Anigu (sidoo kale) Waxaan qorsheeyaa qorshe | 
فَمَهِّلِ الْكَافِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًا (17) Ee u sug gaalada: Daa wax yar |