| الْحَاقَّةُ (1) Xaqiida dhabta ah ee soo socota
 | 
| مَا الْحَاقَّةُ (2) Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi
 | 
| وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْحَاقَّةُ (3) Oo maxaad ka og tahay waxa ay xaqiiqdaa dhabta ahi tahay
 | 
| كَذَّبَتْ ثَمُودُ وَعَادٌ بِالْقَارِعَةِ (4) Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaamaha)
 | 
| فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهْلِكُوا بِالطَّاغِيَةِ (5) Ma Thamuud, waxaa iyaga lagu halaagay cadaab Daran oo xad dhaaf ah
 | 
| وَأَمَّا عَادٌ فَأُهْلِكُوا بِرِيحٍ صَرْصَرٍ عَاتِيَةٍ (6) Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl hugmeysa oo xoog badan
 | 
| سَخَّرَهَا عَلَيْهِمْ سَبْعَ لَيَالٍ وَثَمَانِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومًا فَتَرَى الْقَوْمَ فِيهَا صَرْعَىٰ كَأَنَّهُمْ أَعْجَازُ نَخْلٍ خَاوِيَةٍ (7) Oo (Alle) uu ku salliday korkooda toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay
 | 
| فَهَلْ تَرَىٰ لَهُم مِّن بَاقِيَةٍ (8) Ee ma aragtaa wax ka haray
 | 
| وَجَاءَ فِرْعَوْنُ وَمَن قَبْلَهُ وَالْمُؤْتَفِكَاتُ بِالْخَاطِئَةِ (9) Oo Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la daba geddiyey (qowmu Luud) waxay joogto ula yimaadeen gefaf
 | 
| فَعَصَوْا رَسُولَ رَبِّهِمْ فَأَخَذَهُمْ أَخْذَةً رَّابِيَةً (10) Oo waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu ku ciqaabay ciqaab aad u daran
 | 
| إِنَّا لَمَّا طَغَى الْمَاءُ حَمَلْنَاكُمْ فِي الْجَارِيَةِ (11) Hubaal waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux) markay biyihii xad dhaafeen
 | 
| لِنَجْعَلَهَا لَكُمْ تَذْكِرَةً وَتَعِيَهَا أُذُنٌ وَاعِيَةٌ (12) Si aan idiinkaga dhigno waano, oo u xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto
 | 
| فَإِذَا نُفِخَ فِي الصُّورِ نَفْخَةٌ وَاحِدَةٌ (13) Ee marka Buunka la afuufo afuufid keliya. (tan hore)
 | 
| وَحُمِلَتِ الْأَرْضُ وَالْجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةً وَاحِدَةً (14) Oo dhulka iyo buuraha laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah
 | 
| فَيَوْمَئِذٍ وَقَعَتِ الْوَاقِعَةُ (15) Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici
 | 
| وَانشَقَّتِ السَّمَاءُ فَهِيَ يَوْمَئِذٍ وَاهِيَةٌ (16) Oo samada u kala dillaaci gaballo, marka Maalintaasi waxay iyadu ahaan mid daciif ah
 | 
| وَالْمَلَكُ عَلَىٰ أَرْجَائِهَا ۚ وَيَحْمِلُ عَرْشَ رَبِّكَ فَوْقَهُمْ يَوْمَئِذٍ ثَمَانِيَةٌ (17) Oo malaa’igtu waxay ahaan agagaarkeeda, oo waxaa ku sidi doona Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah)
 | 
| يَوْمَئِذٍ تُعْرَضُونَ لَا تَخْفَىٰ مِنكُمْ خَافِيَةٌ (18) Maalintaas waa la idiin soo bandhigi doonaa, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan doonta
 | 
| فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ فَيَقُولُ هَاؤُمُ اقْرَءُوا كِتَابِيَهْ (19) Ee ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig wuxuu odhan doonaa: Hooyoo, akhriya Kitaabkeyga
 | 
| إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَاقٍ حِسَابِيَهْ (20) Hubaal anigu waan ogaa inaan la kulmi doono Xisaabteyda
 | 
| فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ (21) Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh
 | 
| فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ (22) Beer sare gudaheed ah
 | 
| قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ (23) Midhaheedu aad u dhow yihiin
 | 
| كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا أَسْلَفْتُمْ فِي الْأَيَّامِ الْخَالِيَةِ (24) Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye
 | 
| وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِشِمَالِهِ فَيَقُولُ يَا لَيْتَنِي لَمْ أُوتَ كِتَابِيَهْ (25) Oo ma xagga kan laga siiyo Kitaabkiisa gacantiisa bidix wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen Kitaabkeyga
 | 
| وَلَمْ أَدْرِ مَا حِسَابِيَهْ (26) Oo aan ogaadeen, waxa ay xisaabteyduba tahay
 | 
| يَا لَيْتَهَا كَانَتِ الْقَاضِيَةَ (27) Alla haddii taa iyada ahi (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga
 | 
| مَا أَغْنَىٰ عَنِّي مَالِيَهْ ۜ (28) Maalkeygii waxba iima tarin
 | 
| هَلَكَ عَنِّي سُلْطَانِيَهْ (29) Awooddeydii waa iga baabba’een
 | 
| خُذُوهُ فَغُلُّوهُ (30) Qabta isaga haddaba oo xidha
 | 
| ثُمَّ الْجَحِيمَ صَلُّوهُ (31) Markaas ku tuura dabka ololoya
 | 
| ثُمَّ فِي سِلْسِلَةٍ ذَرْعُهَا سَبْعُونَ ذِرَاعًا فَاسْلُكُوهُ (32) Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood
 | 
| إِنَّهُ كَانَ لَا يُؤْمِنُ بِاللَّهِ الْعَظِيمِ (33) Hubaal ma uu rumeynsneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn
 | 
| وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ (34) Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka
 | 
| فَلَيْسَ لَهُ الْيَوْمَ هَاهُنَا حَمِيمٌ (35) Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah
 | 
| وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنْ غِسْلِينٍ (36) ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee
 | 
| لَّا يَأْكُلُهُ إِلَّا الْخَاطِئُونَ (37) Aanay cidi cunin geflowyada Maahee
 | 
| فَلَا أُقْسِمُ بِمَا تُبْصِرُونَ (38) Ee mayee, waxaan ku dhaartay waxa aad aragtaan
 | 
| وَمَا لَا تُبْصِرُونَ (39) Iyo wax aydaan aragba
 | 
| إِنَّهُ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ (40) Hubaal waa hadal (Ilaahay) uu keenay Rasuul sharaf leh
 | 
| وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تُؤْمِنُونَ (41) Oo ma aha hadal gabyaa, yaraa inta aad rumeysaan
 | 
| وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ ۚ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ (42) ama hadal curraafle, yaraa inta aad waantowdaan
 | 
| تَنزِيلٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ (43) Waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka
 | 
| وَلَوْ تَقَوَّلَ عَلَيْنَا بَعْضَ الْأَقَاوِيلِ (44) Oo haddii uu naga been sheegi lahaa
 | 
| لَأَخَذْنَا مِنْهُ بِالْيَمِينِ (45) Waxaan hubaal ku qaban laheyn gacanta Midig
 | 
| ثُمَّ لَقَطَعْنَا مِنْهُ الْوَتِينَ (46) Markaas waxaan hubaal goyn laheyn halbowlaha
 | 
| فَمَا مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ عَنْهُ حَاجِزِينَ (47) Oo ma jiro axad idinka mid ahi oo naga celin lahaa isaga
 | 
| وَإِنَّهُ لَتَذْكِرَةٌ لِّلْمُتَّقِينَ (48) Oo xaqiiq waa u waano kuwaa ka dhowrsada xumaha
 | 
| وَإِنَّا لَنَعْلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ (49) Oo xaqiiq waan ognahay inay qaarkiin yihiin xaq diidayaal
 | 
| وَإِنَّهُ لَحَسْرَةٌ عَلَى الْكَافِرِينَ (50) Oo xaqiiq waa u murugo iyo ciil gaalada
 | 
| وَإِنَّهُ لَحَقُّ الْيَقِينِ (51) Oo hubaal waa xaq dhab ah
 | 
| فَسَبِّحْ بِاسْمِ رَبِّكَ الْعَظِيمِ (52) Ee huf oo xurmee Magaca Rabbigaa,Weynaha
 |