يس (1) Yaasiin |
وَالْقُرْآنِ الْحَكِيمِ (2) Waa igu Qur’aanka, Xikmadda Badan |
إِنَّكَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ (3) Hubaal adigu (Nabi Muxammadow) waxaad ka mid tahay kuwa la soo diray |
عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (4) Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan |
تَنزِيلَ الْعَزِيزِ الرَّحِيمِ (5) Waxyi ka soo degay Adkaadaha, Naxariista Badan |
لِتُنذِرَ قَوْمًا مَّا أُنذِرَ آبَاؤُهُمْ فَهُمْ غَافِلُونَ (6) Si aad ugu digto qolo aan aabbayaashood loo diginba, marka iyagu waa war la' yihiin |
لَقَدْ حَقَّ الْقَوْلُ عَلَىٰ أَكْثَرِهِمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ (7) Dhab ahaan Waxaa ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeystaan (Xaqa) |
إِنَّا جَعَلْنَا فِي أَعْنَاقِهِمْ أَغْلَالًا فَهِيَ إِلَى الْأَذْقَانِ فَهُم مُّقْمَحُونَ (8) Hubaal Waxaanu u surnay mareegyo bir ah luqumahooda oo iyagu gaara ilaa gararkooda, sidaa awgeed waxay u taagaan madaxyadooda dusha sare |
وَجَعَلْنَا مِن بَيْنِ أَيْدِيهِمْ سَدًّا وَمِنْ خَلْفِهِمْ سَدًّا فَأَغْشَيْنَاهُمْ فَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ (9) Oo Waxaanu yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, oo waan arag daboolnay marka iyagu wax ma arkaan |
وَسَوَاءٌ عَلَيْهِمْ أَأَنذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنذِرْهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ (10) Oo waa isugu mid haddii aad u digto ama aad u diginba, ma ay rumeystaan |
إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ اتَّبَعَ الذِّكْرَ وَخَشِيَ الرَّحْمَٰنَ بِالْغَيْبِ ۖ فَبَشِّرْهُ بِمَغْفِرَةٍ وَأَجْرٍ كَرِيمٍ (11) Waxaad uun u digi kartaa kan isagu raaca Waanada oo ka baqa Raxmaanka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree dambi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh |
إِنَّا نَحْنُ نُحْيِي الْمَوْتَىٰ وَنَكْتُبُ مَا قَدَّمُوا وَآثَارَهُمْ ۚ وَكُلَّ شَيْءٍ أَحْصَيْنَاهُ فِي إِمَامٍ مُّبِينٍ (12) Hubaal waxaanu nolol galinnaa meytida, oo waxaan qornaa waxa ay hormarsadeen iyo raadadkoodiiba, oo wax walbaa waxaynu ku koobnay2 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka) |
وَاضْرِبْ لَهُم مَّثَلًا أَصْحَابَ الْقَرْيَةِ إِذْ جَاءَهَا الْمُرْسَلُونَ (13) Oo waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markii Rusushii (Ciise ku soo diray Amarka Ilaahay) ay u yimaadeen |
إِذْ أَرْسَلْنَا إِلَيْهِمُ اثْنَيْنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزْنَا بِثَالِثٍ فَقَالُوا إِنَّا إِلَيْكُم مُّرْسَلُونَ (14) Marka aan u soo dirnay Xaggooda labo, markaasay labadiiba beeniyeen, markaa- saan ku xoojinnay mid saddexaad, oo waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaanu nahay rusul xaggiinna loo soo diray |
قَالُوا مَا أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَمَا أَنزَلَ الرَّحْمَٰنُ مِن شَيْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَكْذِبُونَ (15) Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxba aan ahayn dad nala mid ah aan waadheyn, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan |
قَالُوا رَبُّنَا يَعْلَمُ إِنَّا إِلَيْكُمْ لَمُرْسَلُونَ (16) Waxay yidhaahdeen: Rabbigayo waa Ogsoon yahay inaan hubaal nahay rusul xaggiinna loo soo diray |
وَمَا عَلَيْنَا إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ (17) Oo nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Risaalada) |
قَالُوا إِنَّا تَطَيَّرْنَا بِكُمْ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهُوا لَنَرْجُمَنَّكُمْ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ (18) Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waa idin shareysannay, haddii aydaan joojin (waxa aad waddaan), hubaal waa idin dhagaxyeyn doonnaa, oo waxaa xaqiiq idinka taaban doona xaggayaga cadaab aad u xanuun badan |
قَالُوا طَائِرُكُم مَّعَكُمْ ۚ أَئِن ذُكِّرْتُم ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ مُّسْرِفُونَ (19) Waxay yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin, ma in la idin waaniyey darteed3? Mayee, waxaadba tihiin qolo xadgudub badan |
وَجَاءَ مِنْ أَقْصَى الْمَدِينَةِ رَجُلٌ يَسْعَىٰ قَالَ يَا قَوْمِ اتَّبِعُوا الْمُرْسَلِينَ (20) Oo waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin (Xabiib An-Najaar) roora- ya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha |
اتَّبِعُوا مَن لَّا يَسْأَلُكُمْ أَجْرًا وَهُم مُّهْتَدُونَ (21) Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo iyagu ah kuwo hanuunsan |
وَمَا لِيَ لَا أَعْبُدُ الَّذِي فَطَرَنِي وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ (22) Oo maxaan u heystaa sabab inaan caabudin (Allaah Keliya) ee ah kan ifka i keenay? oo Xaggiisa baa la idin soo celin doonaa |
أَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِ آلِهَةً إِن يُرِدْنِ الرَّحْمَٰنُ بِضُرٍّ لَّا تُغْنِ عَنِّي شَفَاعَتُهُمْ شَيْئًا وَلَا يُنقِذُونِ (23) Oo ma waxaan yeeshaa Isaga (Alle) sokadi ilaahyo (kale), haddii uu Raxmaanku (Allaah) ila doono dhibaato, ayan i tari doonin garab siintoodu waxba, oo aan awoodi doonin inay i badbaadiyaan |
إِنِّي إِذًا لَّفِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (24) Markaa Waxaan hubaal anigu ku suganahay habow caddaan ah |
إِنِّي آمَنتُ بِرَبِّكُمْ فَاسْمَعُونِ (25) Hubaal anigu waxaan rumeysanahay Rabbigiin, ee i maqla |
قِيلَ ادْخُلِ الْجَنَّةَ ۖ قَالَ يَا لَيْتَ قَوْمِي يَعْلَمُونَ (26) Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan |
بِمَا غَفَرَ لِي رَبِّي وَجَعَلَنِي مِنَ الْمُكْرَمِينَ (27) Waxa Rabbigay iigu dambi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay |
۞ وَمَا أَنزَلْنَا عَلَىٰ قَوْمِهِ مِن بَعْدِهِ مِن جُندٍ مِّنَ السَّمَاءِ وَمَا كُنَّا مُنزِلِينَ (28) Oo uma aanu soo dirin dadkiisii isaga kadambow wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas |
إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً فَإِذَا هُمْ خَامِدُونَ (29) Ee waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaas bay wada baseen |
يَا حَسْرَةً عَلَى الْعِبَادِ ۚ مَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ (30) Alla maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada balse aanay ku jeesjeesin |
أَلَمْ يَرَوْا كَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّنَ الْقُرُونِ أَنَّهُمْ إِلَيْهِمْ لَا يَرْجِعُونَ (31) Mawaysan u fiirsan intee baan facyo ka mid ah rognay hortood, waayo iyaga xaggooda umaba soo laabtaan |
وَإِن كُلٌّ لَّمَّا جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ (32) Oo kulligood iyagoo dhan hubaal Hortayada la keeni doono |
وَآيَةٌ لَّهُمُ الْأَرْضُ الْمَيْتَةُ أَحْيَيْنَاهَا وَأَخْرَجْنَا مِنْهَا حَبًّا فَمِنْهُ يَأْكُلُونَ (33) Oo waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah, waanu nooleynaa, oo ka soo saarnaa haruur, markaasay wax ka cunaan |
وَجَعَلْنَا فِيهَا جَنَّاتٍ مِّن نَّخِيلٍ وَأَعْنَابٍ وَفَجَّرْنَا فِيهَا مِنَ الْعُيُونِ (34) Oo Waxaanu yeellaa dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo yeelnaa ilo (biyo ah) inay ka dhex socdaan |
لِيَأْكُلُوا مِن ثَمَرِهِ وَمَا عَمِلَتْهُ أَيْدِيهِمْ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ (35) Si ay u wax uga cunaan midhahiisa, oo ma ayan sameyn gacmahoodu5. Ee Ma waysan haddaba mahad naqeyn |
سُبْحَانَ الَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنبِتُ الْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ (36) Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo nazahan Kan ka abuuray lammaane wax kasta, oo ka mid ah waxa uu dhulka soo saaro, iyo xagga nafahooda iyo xagga waxa aysan ogaynba |
وَآيَةٌ لَّهُمُ اللَّيْلُ نَسْلَخُ مِنْهُ النَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظْلِمُونَ (37) Oo waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, Waxaan ka soo saarnaa maalinta, mise waxayba ku jiraan mugdi |
وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَّهَا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ (38) Oo qorraxdu waxay u oroddaa muddo loo cayimay.(arrin)kaasi waa Qaddarka (Ilaahay) Adkaadaha aan laga adkaan, wax kasta Ogsoonaha ah |
وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَالْعُرْجُونِ الْقَدِيمِ (39) Oo (ma xagga) dayaxa, Waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday |
لَا الشَّمْسُ يَنبَغِي لَهَا أَن تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ النَّهَارِ ۚ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ (40) Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hormi karo maalinta. Oo dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi |
وَآيَةٌ لَّهُمْ أَنَّا حَمَلْنَا ذُرِّيَّتَهُمْ فِي الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ (41) Oo Waxaa Calaamo ugu sugan inaan ku qaadnay ubadkoodii6 Doonidii buuxday |
وَخَلَقْنَا لَهُم مِّن مِّثْلِهِ مَا يَرْكَبُونَ (42) Oo Waxaan uga abuurnay wax caynkeed ah oo ka mid ah, wax ay fuulaan |
وَإِن نَّشَأْ نُغْرِقْهُمْ فَلَا صَرِيخَ لَهُمْ وَلَا هُمْ يُنقَذُونَ (43) Oo haddii aan doonno, waanu qarqin karnaa, markaa ma lahaan doonaan wax u u soo gurmada, lamana badbaadin doono |
إِلَّا رَحْمَةً مِّنَّا وَمَتَاعًا إِلَىٰ حِينٍ (44) Inay ka ahaato mooyaane Naxariis Xaggayaga iyo raaxo ilaa muddo ah |
وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اتَّقُوا مَا بَيْنَ أَيْدِيكُمْ وَمَا خَلْفَكُمْ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ (45) Oo marka lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna7 si la idiinkugu naxariisto |
وَمَا تَأْتِيهِم مِّنْ آيَةٍ مِّنْ آيَاتِ رَبِّهِمْ إِلَّا كَانُوا عَنْهَا مُعْرِضِينَ (46) Oo uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamadaha Rabbigood, bal way ka sii jeesadaan |
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ أَنفِقُوا مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ قَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا أَنُطْعِمُ مَن لَّوْ يَشَاءُ اللَّهُ أَطْعَمَهُ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (47) Oo marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Allaah idinku irsaaqay, kuwa (Xaqa) rumeysan diida waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeysan: Ma waxaan quudinnaa` mid haddii uu Allaah doono uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow caddaan ah |
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (48) Oo waxay odhanayaan: Goorma bay gooddintani fuli doontaa, haddii aad run sheegaysaan |
مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً تَأْخُذُهُمْ وَهُمْ يَخِصِّمُونَ (49) Ma sugaan wax kale aan aheyn hal Qaylo weyn9, oo qaadi doonta iyagoo weli wada murmaya |
فَلَا يَسْتَطِيعُونَ تَوْصِيَةً وَلَا إِلَىٰ أَهْلِهِمْ يَرْجِعُونَ (50) Markaas ma kari doonaan inay dardaarmaan, umana soo laaban donaan ehelkooda |
وَنُفِخَ فِي الصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ الْأَجْدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يَنسِلُونَ (51) Oo buunka baa la aafuufi10, mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood |
قَالُوا يَا وَيْلَنَا مَن بَعَثَنَا مِن مَّرْقَدِنَا ۜ ۗ هَٰذَا مَا وَعَدَ الرَّحْمَٰنُ وَصَدَقَ الْمُرْسَلُونَ (52) Waxay odhan doonaan: Hoog baa noo sugnaadaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? Kanu waa waxa uu Raxmaanku ballan qaaday, oo Rusushii la soo diray run bay sheegeen |
إِن كَانَتْ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً فَإِذَا هُمْ جَمِيعٌ لَّدَيْنَا مُحْضَرُونَ (53) Ma ahaaneysa wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dhammaan ahaan doonaan kuwo Hortayada la keeno |
فَالْيَوْمَ لَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْئًا وَلَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (54) Marka Maanta nafna laguma gardarroon doono in yarba ahaatee, oo ma la idinku abaal marin doono wax kale aan ahayn waxaa aad fasheen |
إِنَّ أَصْحَابَ الْجَنَّةِ الْيَوْمَ فِي شُغُلٍ فَاكِهُونَ (55) Hubaal, ehlu-Jannuhu, waxay maalin- taas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi afooyinkooda) iyagoo aad u faraxsan |
هُمْ وَأَزْوَاجُهُمْ فِي ظِلَالٍ عَلَى الْأَرَائِكِ مُتَّكِئُونَ (56) Iyaga iyo afooyinkoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku jiqlaysan sariiro heer sare ah |
لَهُمْ فِيهَا فَاكِهَةٌ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ (57) Waxay ku lahaan midho gudaheeda oo waxay lahaan waxa ay doonaanba |
سَلَامٌ قَوْلًا مِّن رَّبٍّ رَّحِيمٍ (58) Nabad ahaada: waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye) |
وَامْتَازُوا الْيَوْمَ أَيُّهَا الْمُجْرِمُونَ (59) Oo dhinac u bax maanta; Dambiilayaashow |
۞ أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَا بَنِي آدَمَ أَن لَّا تَعْبُدُوا الشَّيْطَانَ ۖ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ (60) Mawaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad |
وَأَنِ اعْبُدُونِي ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُّسْتَقِيمٌ (61) Iyo inaad i caabudaan Aniga (Alle Keliya) Kani weeye Jidka Toosane |
وَلَقَدْ أَضَلَّ مِنكُمْ جِبِلًّا كَثِيرًا ۖ أَفَلَمْ تَكُونُوا تَعْقِلُونَ (62) Oo dhab ahaan wuxuu (Shaydaan) habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Mawaydaan aheyn kuwo wax garta |
هَٰذِهِ جَهَنَّمُ الَّتِي كُنتُمْ تُوعَدُونَ (63) Tani waa Naartii la idiinku gooddinayey |
اصْلَوْهَا الْيَوْمَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ (64) Ee gala oo ku gubta oo gamaara iyada maanta gaalnimadiinnii darteed |
الْيَوْمَ نَخْتِمُ عَلَىٰ أَفْوَاهِهِمْ وَتُكَلِّمُنَا أَيْدِيهِمْ وَتَشْهَدُ أَرْجُلُهُم بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ (65) Maalintaasi Waxaynu dabooli afafkoo- da, oo gacmahooda baa nala hadli doona, oo lugahooda baa ku marag furi doona waxay kasbadeen |
وَلَوْ نَشَاءُ لَطَمَسْنَا عَلَىٰ أَعْيُنِهِمْ فَاسْتَبَقُوا الصِّرَاطَ فَأَنَّىٰ يُبْصِرُونَ (66) Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal malaasaynaa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan |
وَلَوْ نَشَاءُ لَمَسَخْنَاهُمْ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمْ فَمَا اسْتَطَاعُوا مُضِيًّا وَلَا يَرْجِعُونَ (67) Oo haddii aan doonno, waxaan hubaal ku masakhaynaa halkooda, markaas ma karayaan inay horey u sii socdaan, mana soo noqon doonaan |
وَمَن نُّعَمِّرْهُ نُنَكِّسْهُ فِي الْخَلْقِ ۖ أَفَلَا يَعْقِلُونَ (68) Oo mid kastoo aan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee mawaysan haddaba garaadsaneyn |
وَمَا عَلَّمْنَاهُ الشِّعْرَ وَمَا يَنبَغِي لَهُ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ وَقُرْآنٌ مُّبِينٌ (69) Oo ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan caddaan ah |
لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيًّا وَيَحِقَّ الْقَوْلُ عَلَى الْكَافِرِينَ (70) Si uu ugu digo kan nool oo Weedha xaqa ah ugu rumowdo gaalada |
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّا خَلَقْنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتْ أَيْدِينَا أَنْعَامًا فَهُمْ لَهَا مَالِكُونَ (71) Mawaysan arag inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxa ay gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin |
وَذَلَّلْنَاهَا لَهُمْ فَمِنْهَا رَكُوبُهُمْ وَمِنْهَا يَأْكُلُونَ (72) Oo Waan u laylinnay iyaga, sidaa awgeed qaarkood waxay u adeegsadaan rukuub ahaan, oo qaar waa ay cunaan |
وَلَهُمْ فِيهَا مَنَافِعُ وَمَشَارِبُ ۖ أَفَلَا يَشْكُرُونَ (73) Oo waxay u leeyihiin manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Mawaysan haddaba mahad naqayn |
وَاتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ آلِهَةً لَّعَلَّهُمْ يُنصَرُونَ (74) Oo waxay yeesheen ilaahyo (kale) ay Allaah barbar dhigaan, si loogu gargaaro |
لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَهُمْ وَهُمْ لَهُمْ جُندٌ مُّحْضَرُونَ (75) (Ha yeeshee) ma kari doonaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada |
فَلَا يَحْزُنكَ قَوْلُهُمْ ۘ إِنَّا نَعْلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعْلِنُونَ (76) Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxa ay u falaan qarsoodiga iyo waxa ay caddaystaanba |
أَوَلَمْ يَرَ الْإِنسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ (77) Mawuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay mino-nool. Markaas mise waa col iska cad oo dood badan |
وَضَرَبَ لَنَا مَثَلًا وَنَسِيَ خَلْقَهُ ۖ قَالَ مَن يُحْيِي الْعِظَامَ وَهِيَ رَمِيمٌ (78) Oo wuxuu soo qaataa tusaale uu annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamaa abuuristiisa. Wuxuu yidhaahdaa: Yaa nooleyn doona lafaha marka ay baaliyoobaan |
قُلْ يُحْيِيهَا الَّذِي أَنشَأَهَا أَوَّلَ مَرَّةٍ ۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ عَلِيمٌ (79) Dheh: Waxaa nooleyn doona Kan ifka keenay kolkii horeba. Oo Isagu (Alle) waa u Xog ogaal uunka oo idil |
الَّذِي جَعَلَ لَكُم مِّنَ الشَّجَرِ الْأَخْضَرِ نَارًا فَإِذَا أَنتُم مِّنْهُ تُوقِدُونَ (80) Kan Isaga idiin yeelay dabka (aad ka shidataan) geedka cagaaran, si aad wax ugu hursataan |
أَوَلَيْسَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِقَادِرٍ عَلَىٰ أَن يَخْلُقَ مِثْلَهُم ۚ بَلَىٰ وَهُوَ الْخَلَّاقُ الْعَلِيمُ (81) Ma wuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale17? Haaheey, oo Waa Isaga Abuuraha, wax kasta Ogsoon |
إِنَّمَا أَمْرُهُ إِذَا أَرَادَ شَيْئًا أَن يَقُولَ لَهُ كُن فَيَكُونُ (82) Amarkiisu, marka uu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, marka waaba yahay |
فَسُبْحَانَ الَّذِي بِيَدِهِ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ (83) Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo nazahan Kan (Allaah) ay Gacantiisu ku jirto Xukunka wax kasta, oo Xaggiiisa baa dib la idiinku soo celin doonaa |