حم (1) Xaa Mim |
وَالْكِتَابِ الْمُبِينِ (2) Waxaan ku dhaartay kitaabka(Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa) |
إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُّبَارَكَةٍ ۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ (3) Hubaal waxaanu soo waxyoonnay (Qur’aanka) habeen barakaysan3. Hubaal waxaanu nahay mar waliba kuwa diga |
فِيهَا يُفْرَقُ كُلُّ أَمْرٍ حَكِيمٍ (4) Dhexdiisa baa arrin kasta oo xukun ah la gooyaa |
أَمْرًا مِّنْ عِندِنَا ۚ إِنَّا كُنَّا مُرْسِلِينَ (5) Xukun ka yimid Xaggayaga. Hubaal waxaanu nahay kuwa soo dira (Rusul) |
رَحْمَةً مِّن رَّبِّكَ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (6) Naxariis xagga Rabbigaa ah. hubaal waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon |
رَبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ (7) Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddi aad yaqiinsaneysaan |
لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحْيِي وَيُمِيتُ ۖ رَبُّكُمْ وَرَبُّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ (8) Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn, Waa isaga Kan bixiya nolol, oo sababa dhimasho, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore |
بَلْ هُمْ فِي شَكٍّ يَلْعَبُونَ (9) Bal! Waxay ka qabaan shaki, way iska dheelaan |
فَارْتَقِبْ يَوْمَ تَأْتِي السَّمَاءُ بِدُخَانٍ مُّبِينٍ (10) Ee sug Maalinta ay samadu keeni doonto qiiq muuqda |
يَغْشَى النَّاسَ ۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمٌ (11) kaasoo dabooli doona dadka, kani waa cadaab xanuun badan |
رَّبَّنَا اكْشِفْ عَنَّا الْعَذَابَ إِنَّا مُؤْمِنُونَ (12) Rabbigayow! Naga feyd cadaabta4, xaqiiq waanu rumyan |
أَنَّىٰ لَهُمُ الذِّكْرَىٰ وَقَدْ جَاءَهُمْ رَسُولٌ مُّبِينٌ (13) Goorma bay waantoobi, iyagoo dhab ahaan uu halkaa ugu yimid Rasuul iska cad |
ثُمَّ تَوَلَّوْا عَنْهُ وَقَالُوا مُعَلَّمٌ مَّجْنُونٌ (14) Markaas bay ka jeesteen oo yidhaahdeen: waa mid ay wax soo bareen (qolo kale), waa nin waalan |
إِنَّا كَاشِفُو الْعَذَابِ قَلِيلًا ۚ إِنَّكُمْ عَائِدُونَ (15) Hubaal Waxaanu idinka feydi cadaabka wax yar. Waxaadse hubaal ku noqon doontaan (xumaha) |
يَوْمَ نَبْطِشُ الْبَطْشَةَ الْكُبْرَىٰ إِنَّا مُنتَقِمُونَ (16) Maalinta aan ku qaban doonno (iyaga) qabasho daran oo weyn5. Hubaal waanu aarsan doonnaa |
۞ وَلَقَدْ فَتَنَّا قَبْلَهُمْ قَوْمَ فِرْعَوْنَ وَجَاءَهُمْ رَسُولٌ كَرِيمٌ (17) Oo xaqiiq waxaanu imtixaannay iyaga hortood qolodii Fircoon, oo waxaa halkaa u yimid Rasuul sharaf leh (Muuse) |
أَنْ أَدُّوا إِلَيَّ عِبَادَ اللَّهِ ۖ إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ (18) Isagoo leh: Ii dhiiba adoommaha Ilaahay6. Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah |
وَأَن لَّا تَعْلُوا عَلَى اللَّهِ ۖ إِنِّي آتِيكُم بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ (19) Oo waa inaydaan iska sare yeelin Allaah. Hubaal waxaan idiinla imaan awood cad |
وَإِنِّي عُذْتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمْ أَن تَرْجُمُونِ (20) Oo hubaal waxaan ka magan galaa Rab- bigay iyo Rabbigiin inaad idhagaxyeysaan |
وَإِن لَّمْ تُؤْمِنُوا لِي فَاعْتَزِلُونِ (21) Oo hadddii aydaan i rumeysneyn, haddaba waxba ha igu darsannina |
فَدَعَا رَبَّهُ أَنَّ هَٰؤُلَاءِ قَوْمٌ مُّجْرِمُونَ (22) Markaas buu u dhawaaqday Rabbigi: Kuwakanu waa qolo dambiilayaal ah |
فَأَسْرِ بِعِبَادِي لَيْلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ (23) Ee la Guuree addoomahayga habeennimo. Hubaal, waa la idin soo daba gali doonaa |
وَاتْرُكِ الْبَحْرَ رَهْوًا ۖ إِنَّهُمْ جُندٌ مُّغْرَقُونَ (24) Oo dhaaf baddoo deggan8 oo qaybsan: hubaal waa ciidan la qarqin doono |
كَمْ تَرَكُوا مِن جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ (25) Intee bay beero iyo ilo ka tageen |
وَزُرُوعٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ (26) Iyo dagal iyo degaan wanaagsan |
وَنَعْمَةٍ كَانُوا فِيهَا فَاكِهِينَ (27) Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen |
كَذَٰلِكَ ۖ وَأَوْرَثْنَاهَا قَوْمًا آخَرِينَ (28) Sidaas (bay ahayd)! Oo waxaan dhaxalsiinnay qolo kale |
فَمَا بَكَتْ عَلَيْهِمُ السَّمَاءُ وَالْأَرْضُ وَمَا كَانُوا مُنظَرِينَ (29) Marka samada iyo arladu uma ay ooyin, oo lama siin wax nafis ah |
وَلَقَدْ نَجَّيْنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ مِنَ الْعَذَابِ الْمُهِينِ (30) Oo xaqiiq Waxaanu ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaabta dulleysiga |
مِن فِرْعَوْنَ ۚ إِنَّهُ كَانَ عَالِيًا مِّنَ الْمُسْرِفِينَ (31) Xagga Fircoon ah; hubaal Wuxuu ahaa islaweyne, ka mid ahaa xadgudbayaasha |
وَلَقَدِ اخْتَرْنَاهُمْ عَلَىٰ عِلْمٍ عَلَى الْعَالَمِينَ (32) Oo xaqiiq waxaan ka doorannay (dadkii waqtigoodii), annagoo aqoon u leh |
وَآتَيْنَاهُم مِّنَ الْآيَاتِ مَا فِيهِ بَلَاءٌ مُّبِينٌ (33) Oo waxaan siinnay oo ka mid ah calaamaadaha9 wax ay ku sugnaayeen imtixaan cad |
إِنَّ هَٰؤُلَاءِ لَيَقُولُونَ (34) Hubaal kuwakani waxay yidhaahdaan |
إِنْ هِيَ إِلَّا مَوْتَتُنَا الْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُنشَرِينَ (35) Ma jirto waxaa aheyn dhimashadayada hore oo ma nihin kuwo dib loo soo nooleyn |
فَأْتُوا بِآبَائِنَا إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (36) Ee (dib) u soo cesha Aabbayaashayadii hore, haddii aad run sheegaysaan |
أَهُمْ خَيْرٌ أَمْ قَوْمُ تُبَّعٍ وَالَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ أَهْلَكْنَاهُمْ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا مُجْرِمِينَ (37) Ma iyagaa khayr badan mise qolodii Tubbac10 iyo kuwii iyaga ka horreeyey? Waanu hallignay, hubaal waxay ahaayeen denbiilayaal |
وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَاعِبِينَ (38) Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel |
مَا خَلَقْنَاهُمَا إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ (39) Uma aannu abuurin iyaga waxaan Xaq aheyn, laakiinse badankoodu ma oga |
إِنَّ يَوْمَ الْفَصْلِ مِيقَاتُهُمْ أَجْمَعِينَ (40) Hubaal Maalinta kala Soocu waa ballan loo qabtay iyagoo dhan |
يَوْمَ لَا يُغْنِي مَوْلًى عَن مَّوْلًى شَيْئًا وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ (41) Maalinta uusan gacal waxba u tari doonin gacalki oo aan loo gargaari doonin |
إِلَّا مَن رَّحِمَ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ هُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (42) Mid uu Allaah u Naxariisto ma’ahee: hubaal waa Adkaadaha, Naxariista Badan |
إِنَّ شَجَرَتَ الزَّقُّومِ (43) Hubaal geedka Zaquumka |
طَعَامُ الْأَثِيمِ (44) Waa cuntada denbiilayaasha |
كَالْمُهْلِ يَغْلِي فِي الْبُطُونِ (45) Sida Saliid laami ah buu ugu kar-kari doonaa caloolahooda |
كَغَلْيِ الْحَمِيمِ (46) Sida kar-karka biyo aad u kulul |
خُذُوهُ فَاعْتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَاءِ الْجَحِيمِ (47) Qabta isaga, markaas u jiida Naarta bartankeeda |
ثُمَّ صُبُّوا فَوْقَ رَأْسِهِ مِنْ عَذَابِ الْحَمِيمِ (48) Oo uga shuba madaxa korkiisa cadaabta biyaha karaya |
ذُقْ إِنَّكَ أَنتَ الْعَزِيزُ الْكَرِيمُ (49) Dhadhami: Waxaad runtii isu heysatay inaad tahay adkaadaha, sharafta leh |
إِنَّ هَٰذَا مَا كُنتُم بِهِ تَمْتَرُونَ (50) Hubaal kanu waa wixii aad ka shaki qabteen |
إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينٍ (51) Hubaal Kuwa iska jira (xumaha) waxay ku sugnaan meel aamin ah |
فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ (52) Beero dhexdood iyo ilo |
يَلْبَسُونَ مِن سُندُسٍ وَإِسْتَبْرَقٍ مُّتَقَابِلِينَ (53) Waxay xidhan xariir jilicsan iyo mid adagba, iyagoo u fadhiya fool ka fool |
كَذَٰلِكَ وَزَوَّجْنَاهُم بِحُورٍ عِينٍ (54) Sidaas (bay ahaan doontaa), oo Waxaanu u guurin doonnaa xuurul ceyn |
يَدْعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَاكِهَةٍ آمِنِينَ (55) Waxay u yeedhan doonaan miro nooc kasta ah, iyagoo nabdoon |
لَا يَذُوقُونَ فِيهَا الْمَوْتَ إِلَّا الْمَوْتَةَ الْأُولَىٰ ۖ وَوَقَاهُمْ عَذَابَ الْجَحِيمِ (56) Ma ku dhadhamin doonaan dhexdeeda dhimasho aan aheyn dhimashadii hore, oo wuxuu ka badbaadin cadaabta Naarta |
فَضْلًا مِّن رَّبِّكَ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ (57) Waa fadli xagga Rabbigaa ah. (Arrin)kani weeye Liibaanta Weyni |
فَإِنَّمَا يَسَّرْنَاهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ (58) Sidaas baan uga yeelnay wax u sahlan carrabkaaga, bal inay waantoobaan |
فَارْتَقِبْ إِنَّهُم مُّرْتَقِبُونَ (59) Ee sug; hubaal iyagu way sugayaan |