كهيعص (1) Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad |
ذِكْرُ رَحْمَتِ رَبِّكَ عَبْدَهُ زَكَرِيَّا (2) Xusid wax ka mid ah Naxariista Rabbigaa uu u galay addoonkiisii Sakariya |
إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ نِدَاءً خَفِيًّا (3) Markii uu u dhawaaqday Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (Alle baryey) |
قَالَ رَبِّ إِنِّي وَهَنَ الْعَظْمُ مِنِّي وَاشْتَعَلَ الرَّأْسُ شَيْبًا وَلَمْ أَكُن بِدُعَائِكَ رَبِّ شَقِيًّا (4) Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, xaqiiq lafahaygii way daciifeen filweyni darteed, oo madaxeygu wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, oo marnaba ma ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiow mid ku qada |
وَإِنِّي خِفْتُ الْمَوَالِيَ مِن وَرَائِي وَكَانَتِ امْرَأَتِي عَاقِرًا فَهَبْ لِي مِن لَّدُنكَ وَلِيًّا (5) Oo dhabtii Waxaan ka cabsi qabaa xigtada iga dambeysa, oo marwadeydu waa ma dhaleys3. Ee iga sii Xaggaaga waraso |
يَرِثُنِي وَيَرِثُ مِنْ آلِ يَعْقُوبَ ۖ وَاجْعَلْهُ رَبِّ رَضِيًّا (6) I dhaxla4, oo wax ka dhaxla reer Yacquub oo ka dhig Rabbiyow mid aad kuu raalli geliya |
يَا زَكَرِيَّا إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَامٍ اسْمُهُ يَحْيَىٰ لَمْ نَجْعَل لَّهُ مِن قَبْلُ سَمِيًّا (7) (Waxaa lagu yidhi): “Sakariyow! Dhabtii Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu ahaan Yaxyaa. ma aanu u yeelin cidna hortaa magacaan |
قَالَ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَامٌ وَكَانَتِ امْرَأَتِي عَاقِرًا وَقَدْ بَلَغْتُ مِنَ الْكِبَرِ عِتِيًّا (8) Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays, oo anigu waxaa gaaray gabow aad u weyn |
قَالَ كَذَٰلِكَ قَالَ رَبُّكَ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٌ وَقَدْ خَلَقْتُكَ مِن قَبْلُ وَلَمْ تَكُ شَيْئًا (9) (Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu leeyahay5: Waa ii fududahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkiiba horeba adigoo aan waxba ahayn |
قَالَ رَبِّ اجْعَل لِّي آيَةً ۚ قَالَ آيَتُكَ أَلَّا تُكَلِّمَ النَّاسَ ثَلَاثَ لَيَالٍ سَوِيًّا (10) (Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaama- ddaadu waa inaadan la hadli doonin dadka saddex habeen adigoo fayow.” |
فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوْمِهِ مِنَ الْمِحْرَابِ فَأَوْحَىٰ إِلَيْهِمْ أَن سَبِّحُوا بُكْرَةً وَعَشِيًّا (11) Markaas buu uga soo baxay qolodiisii qolkii salaadda, oo u tilmaamay inay (Alle) xurmo weynaayaan oo nazahaan subax iyo galabba |
يَا يَحْيَىٰ خُذِ الْكِتَابَ بِقُوَّةٍ ۖ وَآتَيْنَاهُ الْحُكْمَ صَبِيًّا (12) (Allaah Wuxuu yidhi): “Yaxyow! Ku qaado Kitaabka (Towraadda) go’aan adag.” Oo Waxaanu siinnay xukun isagoo kuray yar ah |
وَحَنَانًا مِّن لَّدُنَّا وَزَكَاةً ۖ وَكَانَ تَقِيًّا (13) iyo gacaltooyo Xaggayaga ah iyo daahir ahaansho, wuxuuna ahaa mid ka cabsada Ilaahay oo ka dhowrsada xumaha |
وَبَرًّا بِوَالِدَيْهِ وَلَمْ يَكُن جَبَّارًا عَصِيًّا (14) Oo baarri u ah waalidkiis, oo ma aheyn macangag, caasi ah madax adag |
وَسَلَامٌ عَلَيْهِ يَوْمَ وُلِدَ وَيَوْمَ يَمُوتُ وَيَوْمَ يُبْعَثُ حَيًّا (15) Oo nabad korkiisa ha ahaato maalintii u dhashay, iyo maalinta uu dhiman iyo maalinta la soo bixin doono isagoo nool |
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ مَرْيَمَ إِذِ انتَبَذَتْ مِنْ أَهْلِهَا مَكَانًا شَرْقِيًّا (16) Oo ku xus Kitaabka (qisadii) Maryam, markii ay uga fogaatay ehelkeeda meel dhanka Bariga ah |
فَاتَّخَذَتْ مِن دُونِهِمْ حِجَابًا فَأَرْسَلْنَا إِلَيْهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرًا سَوِيًّا (17) Oo waxay ka samaysatay iyadoo cid la’ uga baxday daah (ay iskaga asturto); Markaas baan u soo dirnay Malaggayaga (Jabriil), oo isaga soo dhigay iyada qof Aadmi ah oo isku dhan |
قَالَتْ إِنِّي أَعُوذُ بِالرَّحْمَٰنِ مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيًّا (18) Waxay tidhi: Hubaal anigu Waxaan kaa magan galyo weydiistey Naxariistaha (ee i dhaaf,) haddii aad ka cabsato Ilaahay |
قَالَ إِنَّمَا أَنَا رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَامًا زَكِيًّا (19) Wuxuu yidhi: Anigu Waxaan ahay uun Rasuulka Rabbigaa si aan (kuu ogeysiiyo) deeqda wiil daahir ah |
قَالَتْ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي غُلَامٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِي بَشَرٌ وَلَمْ أَكُ بَغِيًّا (20) Waxay tidhi: “Oo sidee baan u yeelan karaa wiil, anigoo uusan nin i taaban, anna ma ahi mid aan dhowrsanayn?” |
قَالَ كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَيَّ هَيِّنٌ ۖ وَلِنَجْعَلَهُ آيَةً لِّلنَّاسِ وَرَحْمَةً مِّنَّا ۚ وَكَانَ أَمْرًا مَّقْضِيًّا (21) Wuxuu yidhi: “Sidaas weeyee, Rabbigaa Wuxuu leeyahay:” waa ii fududdahay, oo waxaan uga dhigi doonaa calaamad dadka iyo naxariiis Xaggayaga ah, waana arrin (horay) loo qaddaray |
۞ فَحَمَلَتْهُ فَانتَبَذَتْ بِهِ مَكَانًا قَصِيًّا (22) Markaas bay uurkiisa qaadday, oo waxay ula durugtay meel fog |
فَأَجَاءَهَا الْمَخَاضُ إِلَىٰ جِذْعِ النَّخْلَةِ قَالَتْ يَا لَيْتَنِي مِتُّ قَبْلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسْيًا مَّنسِيًّا (23) Oo xanuunkii foosha baa keenay geed timir ah jiriddiisa. Waxay tidhi: “Alla haddii aan dhiman lahaa waxaan ka hor, oo aan ahaan lahaa mid la waayey araggeeda, la halmaamo” |
فَنَادَاهَا مِن تَحْتِهَا أَلَّا تَحْزَنِي قَدْ جَعَلَ رَبُّكِ تَحْتَكِ سَرِيًّا (24) Markaas buu uga dhawaaqay6 meel ka hooseysa: “Ha murugoon! Rabbigaa Wuxuu yeelay hoostaada biyo durdur ah |
وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا (25) Oo u soo rux-rux xaggaaga jirridda geedka timirta, wuxuu kuu soo daadin timir cusub oo bisil |
فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا ۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنسِيًّا (26) Ee cun oo cab oo il qabowso, haddiina aad aragtid cid uun dadka ka mid ah, dheh: dhabtii Waxaan anigu u nidray Naxariistaha soon (af qabsi), marka lama hadli doono maanta cidna aadmi ah.” |
فَأَتَتْ بِهِ قَوْمَهَا تَحْمِلُهُ ۖ قَالُوا يَا مَرْيَمُ لَقَدْ جِئْتِ شَيْئًا فَرِيًّا (27) Markaas bay u keentay dadkeedii, iyadoo xambaarsan. Waxay yidhaahdeen: “Maryameey, Waxaad dhabtii fashay wax (aan la maqal) oo weyn oo yaab leh |
يَا أُخْتَ هَارُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ امْرَأَ سَوْءٍ وَمَا كَانَتْ أُمُّكِ بَغِيًّا (28) Haaruun Walaashiiseey, aabbahaa ma ahayn nin xun, oo ma ahayn hooyadaa haweeney aan dhowrsaneyn.” |
فَأَشَارَتْ إِلَيْهِ ۖ قَالُوا كَيْفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِي الْمَهْدِ صَبِيًّا (29) Markaas bay u tilmaantay xaggiisa. Waxay yidhaahdeen, “Sidee baan ula hadli kareynaa mid dhabta lagu hayoo ilmo yaroo dhashay ah |
قَالَ إِنِّي عَبْدُ اللَّهِ آتَانِيَ الْكِتَابَ وَجَعَلَنِي نَبِيًّا (30) (Ciise) wuxuu yidhi: "Hubaal Anigu waxaan ahay addoon Ilaahay, wuxuu i siin Kitaab (Injiilka) oo uu iga dhigi Nabi;” |
وَجَعَلَنِي مُبَارَكًا أَيْنَ مَا كُنتُ وَأَوْصَانِي بِالصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ مَا دُمْتُ حَيًّا (31) Oo Wuxuu iga dhigay mid barakaysan meel aan joogaba, oo I faray inaan oogo salaadda iyo Zakada inta aan noolahay.” |
وَبَرًّا بِوَالِدَتِي وَلَمْ يَجْعَلْنِي جَبَّارًا شَقِيًّا (32) Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, oo igama dhigin macangag khayr daran |
وَالسَّلَامُ عَلَيَّ يَوْمَ وُلِدتُّ وَيَوْمَ أَمُوتُ وَيَوْمَ أُبْعَثُ حَيًّا (33) Nabadi ha ahaato korkayga maalintii aan dhashay iyo maalinta aan dhiman iyo maalinta la i soo bixin doono anigoo nool” |
ذَٰلِكَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ ۚ قَوْلَ الْحَقِّ الَّذِي فِيهِ يَمْتَرُونَ (34) Kaasi waa Ciise ina Maryam, Qowlka Xaqa ah oo ay ka qabaan doodda |
مَا كَانَ لِلَّهِ أَن يَتَّخِذَ مِن وَلَدٍ ۖ سُبْحَانَهُ ۚ إِذَا قَضَىٰ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُن فَيَكُونُ (35) Kuma habboona Allaah inuu yeesho wiil. Subxaanah (wuu ka ceeb tiran yahay). marka uu arrin gooyo, wuxuu uun ku yidhaahdaa “Ahaw!” waanu uu yahay |
وَإِنَّ اللَّهَ رَبِّي وَرَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُّسْتَقِيمٌ (36) (Ciisaa wuxuu yidhi): “Oo Xaqiiq! Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba. Ee caabuda Isaga Keliya, kan baa ah Jid Toosan |
فَاخْتَلَفَ الْأَحْزَابُ مِن بَيْنِهِمْ ۖ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا مِن مَّشْهَدِ يَوْمٍ عَظِيمٍ (37) Markaas bay xisbiyadii dhexdooda iska khilaafeen (xagga Ciise), ee hoog bay leeyihiin kuwa gaaloobay ka soo gaari doona Maalin aad u murugo weyn |
أَسْمِعْ بِهِمْ وَأَبْصِرْ يَوْمَ يَأْتُونَنَا ۖ لَٰكِنِ الظَّالِمُونَ الْيَوْمَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (38) Maxay si cad iyagu wax u maqli doonaan oo arki doonaan Maalinta la keeni doono hortayada! Laakiinse geflowyada maanta waxay ku sugan yihiin habow muuqda |
وَأَنذِرْهُمْ يَوْمَ الْحَسْرَةِ إِذْ قُضِيَ الْأَمْرُ وَهُمْ فِي غَفْلَةٍ وَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ (39) Oo uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la goyn doono, haddase dhoohnaan baa heysa, oo ma ba ay rumeysna |
إِنَّا نَحْنُ نَرِثُ الْأَرْضَ وَمَنْ عَلَيْهَا وَإِلَيْنَا يُرْجَعُونَ (40) Hubaal, Waa Annaga kuwa dhaxli doonnaa arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Oo Xaggayga baa loo soo celin doonaa |
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِبْرَاهِيمَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَّبِيًّا (41) Oo ku xus Kitaabka (Qisadii) Ibraahiim. Xaqiiq! Wuxuu ahaa runlow, Nabi ah |
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ يَا أَبَتِ لِمَ تَعْبُدُ مَا لَا يَسْمَعُ وَلَا يُبْصِرُ وَلَا يُغْنِي عَنكَ شَيْئًا (42) (Xus) markii uu ku yidhi aabbihiis: “Aabbow! Maxaad u caabuddaa waxaa aan waxba maqlin, oo waxna arkin oo aan waxba ku tari doonin |
يَا أَبَتِ إِنِّي قَدْ جَاءَنِي مِنَ الْعِلْمِ مَا لَمْ يَأْتِكَ فَاتَّبِعْنِي أَهْدِكَ صِرَاطًا سَوِيًّا (43) Aabbow! Xaqiiq! Waxaa ii yimid wax ka mid ah cilmi aan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan |
يَا أَبَتِ لَا تَعْبُدِ الشَّيْطَانَ ۖ إِنَّ الشَّيْطَانَ كَانَ لِلرَّحْمَٰنِ عَصِيًّا (44) Aabbow! Ha caabudin (ha adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah |
يَا أَبَتِ إِنِّي أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٌ مِّنَ الرَّحْمَٰنِ فَتَكُونَ لِلشَّيْطَانِ وَلِيًّا (45) Aabbow! Anigu waxaan ka cabsi qabaa inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka saaxiib (naarta gudaheeda) |
قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنْ آلِهَتِي يَا إِبْرَاهِيمُ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ ۖ وَاهْجُرْنِي مَلِيًّا (46) Wuxuu (aabbihii) yidhi:“Ma waxaad adi- gu dan ka lahayn ilaahyadayada, Ibraahii- mow? Haddii aad ka harin (waxakani), hubaashii waan ku dhagaxyeyn. Ee bal iga dheerow muddo dheer |
قَالَ سَلَامٌ عَلَيْكَ ۖ سَأَسْتَغْفِرُ لَكَ رَبِّي ۖ إِنَّهُ كَانَ بِي حَفِيًّا (47) Ibraahiim wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi doonaa dambi Dhaaf Rabbigay. Xaqiiq! waa Mid abad ii Roonaan Badan |
وَأَعْتَزِلُكُمْ وَمَا تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ وَأَدْعُو رَبِّي عَسَىٰ أَلَّا أَكُونَ بِدُعَاءِ رَبِّي شَقِيًّا (48) Oo waan idinka fogaan idinka iyo waxa aad baridaanba Allaah sokadi. Oo waxaan baryi doonaa Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaana rajeyn inaanan noqon mid baryda Rabbigay ku hungooba” |
فَلَمَّا اعْتَزَلَهُمْ وَمَا يَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ وَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ ۖ وَكُلًّا جَعَلْنَا نَبِيًّا (49) Haddaba markii uu ka fogaaday iyaga iyo waxa ay caabudayeenba Allaah sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana (oo ka mid ah) Waxaan ka dhignay Nabi |
وَوَهَبْنَا لَهُم مِّن رَّحْمَتِنَا وَجَعَلْنَا لَهُمْ لِسَانَ صِدْقٍ عَلِيًّا (50) Oo Waxaanu siinnay wax ka mid ah Naxariistayada, oo waxaanu u yeelnay xus (sharaf) meeqaan sare ah |
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ مُوسَىٰ ۚ إِنَّهُ كَانَ مُخْلَصًا وَكَانَ رَسُولًا نَّبِيًّا (51) Oo ku xus Ktiaabka Muusaa. Xaqiiq Wuxuu ahaa xul la doortay oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah |
وَنَادَيْنَاهُ مِن جَانِبِ الطُّورِ الْأَيْمَنِ وَقَرَّبْنَاهُ نَجِيًّا (52) Oo Waxaan uga dhawaaqnay dhinaca Buurta midigta ah8, oo soo dhoweynay innagoo la faqeyna |
وَوَهَبْنَا لَهُ مِن رَّحْمَتِنَا أَخَاهُ هَارُونَ نَبِيًّا (53) Oo Waxaanu ugu hibaynay Naxariistayada walaalkii Haaruun Nabi ahaan |
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِسْمَاعِيلَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صَادِقَ الْوَعْدِ وَكَانَ رَسُولًا نَّبِيًّا (54) Oo ku xus Kitaabka Ismaaciil. Wuxuu ahaa mid ka dhabeeya oo oofiya ballanka uu galo, oo wuxuu ahaa Rasuul Nabi ah |
وَكَانَ يَأْمُرُ أَهْلَهُ بِالصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ وَكَانَ عِندَ رَبِّهِ مَرْضِيًّا (55) Oo wuxuu amri jiray ehelkiisa Salaad iyo Sako, oo wuxuu ahaa mid Rabbigiis Raalli ka yahay |
وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِدْرِيسَ ۚ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَّبِيًّا (56) Oo ku xus Kitaabka Idriis. Xaqiiq Wuxuu ahaa run badane Nabi ah |
وَرَفَعْنَاهُ مَكَانًا عَلِيًّا (57) Oo Waxaanu kor ugu qaadnay meel aad u sarreysa |
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ أَنْعَمَ اللَّهُ عَلَيْهِم مِّنَ النَّبِيِّينَ مِن ذُرِّيَّةِ آدَمَ وَمِمَّنْ حَمَلْنَا مَعَ نُوحٍ وَمِن ذُرِّيَّةِ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْرَائِيلَ وَمِمَّنْ هَدَيْنَا وَاجْتَبَيْنَا ۚ إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُ الرَّحْمَٰنِ خَرُّوا سُجَّدًا وَبُكِيًّا ۩ (58) Kuwaasu waxay ahaayeen kuwii uu Allaah u nicmeeyey ka mid ah Nabiyadii, ka mid ah durriyadii Aadam, iyo kuwii aan kula qaadnay (Doonnida) Nuux, iyo kuwo ka mid ah durriyadii Ibraahiim iyo Israa’iil (Yacquub)_iyo kuwo ka mid ah kuwii aan hanuuninnay oo doorannay. Marka kuwaasi Aayadka Raxmaanka loo akhriyo, waxay ula dhaceen dhulka sujuud iyo oohin |
۞ فَخَلَفَ مِن بَعْدِهِمْ خَلْفٌ أَضَاعُوا الصَّلَاةَ وَاتَّبَعُوا الشَّهَوَاتِ ۖ فَسَوْفَ يَلْقَوْنَ غَيًّا (59) Waxaase yimid iyaga ka dambow haraa (facyo dambe) ee dayacay salaadda oo raacay waxay naftu jecleysato; marka waxay la kulmi doonaan hoog |
إِلَّا مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ وَلَا يُظْلَمُونَ شَيْئًا (60) Marka laga reebo kan toobad keena, ee isagu rumeysan (Xaqa), ee sama fala . Kuwaasu waxay geli doonaan Jannada, iyagoo aan waxba laga dhimeyn |
جَنَّاتِ عَدْنٍ الَّتِي وَعَدَ الرَّحْمَٰنُ عِبَادَهُ بِالْغَيْبِ ۚ إِنَّهُ كَانَ وَعْدُهُ مَأْتِيًّا (61) Beero nagaya oo uu Naxariistaha ugu yaboohay addoomahiisa Ghaybka (iyagoon arag). Xaqiiq ,Yaboohiisu waa kii yimaada |
لَّا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا إِلَّا سَلَامًا ۖ وَلَهُمْ رِزْقُهُمْ فِيهَا بُكْرَةً وَعَشِيًّا (62) Kuma ay maqli doonaan gudaheeda wax Hadal xun ah, waa uun Salaamo (is nabaadin). Oo Waxay lahaan doonaan risiqooda gudaheeda subax iyo galabba (macnaha kala go' la'aan) |
تِلْكَ الْجَنَّةُ الَّتِي نُورِثُ مِنْ عِبَادِنَا مَن كَانَ تَقِيًّا (63) Taasu waa Jannada aan dhaxalsiin doonno addoomahayaga kooda ka dhowrsada xumaha |
وَمَا نَتَنَزَّلُ إِلَّا بِأَمْرِ رَبِّكَ ۖ لَهُ مَا بَيْنَ أَيْدِينَا وَمَا خَلْفَنَا وَمَا بَيْنَ ذَٰلِكَ ۚ وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيًّا (64) (Jabriil wuxuu yidhi) oo Annagu (malaa’igta ah) kuma soo degno waxaan ahayn Amarka Rabbigaa10. Isaga baa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashayada ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba, oo marnaba ma aha Rabbigaa mid wax halmaama |
رَّبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا فَاعْبُدْهُ وَاصْطَبِرْ لِعِبَادَتِهِ ۚ هَلْ تَعْلَمُ لَهُ سَمِيًّا (65) Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, ee caabud oo u samir yeelo cibaadadii. Miyaad garan wax la mid ah |
وَيَقُولُ الْإِنسَانُ أَإِذَا مَا مِتُّ لَسَوْفَ أُخْرَجُ حَيًّا (66) Oo Aadmigu (kan gaalka ahi) wuxuu yidhaahdaa: “Ma markii aan dhinto, miyaa la I soo bixin doonaa anigoo nool?” |
أَوَلَا يَذْكُرُ الْإِنسَانُ أَنَّا خَلَقْنَاهُ مِن قَبْلُ وَلَمْ يَكُ شَيْئًا (67) Mawuusan Aadmigu xusuusnayn inaan abuurnay kal hore isagoo aan waxba ahayn |
فَوَرَبِّكَ لَنَحْشُرَنَّهُمْ وَالشَّيَاطِينَ ثُمَّ لَنُحْضِرَنَّهُمْ حَوْلَ جَهَنَّمَ جِثِيًّا (68) Ee Rabbigaa baan ku dhaartaye, hubaal waanu soo kulmin doonnaa iyaga iyo shaydaammadaba, markaasaa waxaanu keeni doonnaa hareeraha jahannama iyagoo jilba joogsan |
ثُمَّ لَنَنزِعَنَّ مِن كُلِّ شِيعَةٍ أَيُّهُمْ أَشَدُّ عَلَى الرَّحْمَٰنِ عِتِيًّا (69) Markaas waxaan hubaal ka soo siibi doonnaa shiico walba kuwooda ugu dar-darnaa xagga Raxmaanka |
ثُمَّ لَنَحْنُ أَعْلَمُ بِالَّذِينَ هُمْ أَوْلَىٰ بِهَا صِلِيًّا (70) Oo hubaal waa Annaga kuwa dhab u ogsoon kuwa u sii mudan Naarta geliddeeda |
وَإِن مِّنكُمْ إِلَّا وَارِدُهَا ۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ حَتْمًا مَّقْضِيًّا (71) Oo ma jiro mid idinka mid ah oo aan dul mari doonin (Naarta) korkeeda; kani waa Guddoon Rabbigaa waajib ah xukman |
ثُمَّ نُنَجِّي الَّذِينَ اتَّقَوا وَّنَذَرُ الظَّالِمِينَ فِيهَا جِثِيًّا (72) Markaas waxaanu badbaadin doonnaa kuwii iska jiray (xumaha). Oo uga tegi doonnaa gar ma qaatayaasha dhexdeeda iyagoo ku jilbo joogsan |
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ قَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا أَيُّ الْفَرِيقَيْنِ خَيْرٌ مَّقَامًا وَأَحْسَنُ نَدِيًّا (73) Oo marka Aayadahayaga loo akhriyo xujooyin cad ahaan, waxay kuwa gaalooba ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeysan, “Midkee baa labadaya qolo degmo wanaagsan oo joog fiican |
وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هُمْ أَحْسَنُ أَثَاثًا وَرِئْيًا (74) Intee baana fac halaagnay hortood, oo ka hanti, alaab iyo arag wanaagsanaa |
قُلْ مَن كَانَ فِي الضَّلَالَةِ فَلْيَمْدُدْ لَهُ الرَّحْمَٰنُ مَدًّا ۚ حَتَّىٰ إِذَا رَأَوْا مَا يُوعَدُونَ إِمَّا الْعَذَابَ وَإِمَّا السَّاعَةَ فَسَيَعْلَمُونَ مَنْ هُوَ شَرٌّ مَّكَانًا وَأَضْعَفُ جُندًا (75) Dheh, "kii ku jira habow, haddaba Raxmaanku ha u fidiyo waxa uu heysto fidin (maalka iyo waqtiga) , jeer marka ay arkaan wixii loo ballan qaaday, oo ah ama cadaab (adduunka) ah ama Saacadda (Qiyaamaha), _way ogaan doonaan kii ugu xun degmo ahaan oo liita ciidan ahaan |
وَيَزِيدُ اللَّهُ الَّذِينَ اهْتَدَوْا هُدًى ۗ وَالْبَاقِيَاتُ الصَّالِحَاتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ مَّرَدًّا (76) Oo Allaah wuxuu u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun. Oo camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa khayr roon Rabbigaa agtiis oo leh aayo wanaagsan |
أَفَرَأَيْتَ الَّذِي كَفَرَ بِآيَاتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالًا وَوَلَدًا (77) Ee Ma aragtay kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin doonaa (Aakhiro) maal iyo carruur12.” |
أَطَّلَعَ الْغَيْبَ أَمِ اتَّخَذَ عِندَ الرَّحْمَٰنِ عَهْدًا (78) Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan |
كَلَّا ۚ سَنَكْتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُ مِنَ الْعَذَابِ مَدًّا (79) Mayee’ waanu qori doonnaa waxa uu yidhaahdo, oo waan u kordhin doonnaa cadaabka oo u fidin doonnaa fidin |
وَنَرِثُهُ مَا يَقُولُ وَيَأْتِينَا فَرْدًا (80) Oo Waxaan ka dhaxli doonnaa waxa uu ka hadlo oo dhan oo wuxuu noo iman doonaa isagoo keli ah |
وَاتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ آلِهَةً لِّيَكُونُوا لَهُمْ عِزًّا (81) Oo waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah), si ay u siiyaan ciso |
كَلَّا ۚ سَيَكْفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمْ وَيَكُونُونَ عَلَيْهِمْ ضِدًّا (82) Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, oo way ka soo hor jeesan doonaan col ahaan (Maalinta Qiyaamaha) |
أَلَمْ تَرَ أَنَّا أَرْسَلْنَا الشَّيَاطِينَ عَلَى الْكَافِرِينَ تَؤُزُّهُمْ أَزًّا (83) Miyaadan arag inaan ku soo dirnay shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah) |
فَلَا تَعْجَلْ عَلَيْهِمْ ۖ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمْ عَدًّا (84) Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro13 (maalmo go’an) |
يَوْمَ نَحْشُرُ الْمُتَّقِينَ إِلَى الرَّحْمَٰنِ وَفْدًا (85) Maalinta aan u soo gelbin doonno kuwa iska jira (xumaha) xagga Raxmaanka iyagoo wafdi (sharaf leh) ah |
وَنَسُوقُ الْمُجْرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرْدًا (86) Oo aan u soo kaxeyn doonno dambiilayaasha Naarta iyagoo la asqoobay harraad |
لَّا يَمْلِكُونَ الشَّفَاعَةَ إِلَّا مَنِ اتَّخَذَ عِندَ الرَّحْمَٰنِ عَهْدًا (87) Oo cidina uma lahaan doonto (awood) shafeeco, mid maahee isagu ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan |
وَقَالُوا اتَّخَذَ الرَّحْمَٰنُ وَلَدًا (88) Oo waxay yidhaahdaan: Raxamaanku wuxuu yeeshay wiil |
لَّقَدْ جِئْتُمْ شَيْئًا إِدًّا (89) Waxaad fasheen (oo ku hadasheen ) wax aad u fool xun |
تَكَادُ السَّمَاوَاتُ يَتَفَطَّرْنَ مِنْهُ وَتَنشَقُّ الْأَرْضُ وَتَخِرُّ الْجِبَالُ هَدًّا (90) Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, oo uu dhulkuna kala jeexmo, oo ay buuruhuna isku dumaan |
أَن دَعَوْا لِلرَّحْمَٰنِ وَلَدًا (91) Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil |
وَمَا يَنبَغِي لِلرَّحْمَٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا (92) Oo kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil |
إِن كُلُّ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ إِلَّا آتِي الرَّحْمَٰنِ عَبْدًا (93) Ma jiro wax ku sugan samooyinka iyo arlada bal wuxuu u imaan Raxmaanka isagoo addoon ah |
لَّقَدْ أَحْصَاهُمْ وَعَدَّهُمْ عَدًّا (94) Dhab ahaan waa uu koobay oo tiriyey dhamamaan tirin dhan |
وَكُلُّهُمْ آتِيهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَرْدًا (95) Ooo Qof walbaa dhammaantood wuxuu u iman doonaa Maalinta Qiyaamaha isagoo keli ah |
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ سَيَجْعَلُ لَهُمُ الرَّحْمَٰنُ وُدًّا (96) Xaqiiq, Kuwa (Xaqa) rumeysan ee samaha fala, Raxmaanku wuxuu u yeeli doonaa kalgacayl (qalbiyada mu’miniinta) |
فَإِنَّمَا يَسَّرْنَاهُ بِلِسَانِكَ لِتُبَشِّرَ بِهِ الْمُتَّقِينَ وَتُنذِرَ بِهِ قَوْمًا لُّدًّا (97) Ee (Muxammadow) waxaan uun ugu yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso kuwa iska jira (xumaha), oo aad ugu digto qolo muran badan |
وَكَمْ أَهْلَكْنَا قَبْلَهُم مِّن قَرْنٍ هَلْ تُحِسُّ مِنْهُم مِّنْ أَحَدٍ أَوْ تَسْمَعُ لَهُمْ رِكْزًا (98) Oo intee baan halaagnay hortood ummad, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah |