| وَالشَّمْسِ وَضُحَاهَا (1) Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo iftiinkeeda
 | 
| وَالْقَمَرِ إِذَا تَلَاهَا (2) Iyo dayaxa marka uu raaco (qorraxda)
 | 
| وَالنَّهَارِ إِذَا جَلَّاهَا (3) Iyo maalinta marka ay muujiso caddaankeeda
 | 
| وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَاهَا (4) Iyo habeenka marka uu yeelo dabool dusheeda
 | 
| وَالسَّمَاءِ وَمَا بَنَاهَا (5) Iyo samada iyo Kan Isagu fidshay
 | 
| وَالْأَرْضِ وَمَا طَحَاهَا (6) Iyo arlada iyo Kan Isagu goglay
 | 
| وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّاهَا (7) Iyo nafta iyo Kan Isagu simay
 | 
| فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَاهَا (8) Markaas kala garansiiyey waxa fiican ee u dan ah iyo waxa xun ee u daran
 | 
| قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّاهَا (9) Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa
 | 
| وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّاهَا (10) Oo waxaa dhab ahaan hoogi qofka xumeeya naftiisa
 | 
| كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَاهَا (11) Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti
 | 
| إِذِ انبَعَثَ أَشْقَاهَا (12) Waa tii uu koodii uga sharka badnaa soo baxay
 | 
| فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ اللَّهِ نَاقَةَ اللَّهِ وَسُقْيَاهَا (13) Markaasuu Rasuulkii Ilaahay (Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Ilaahay! (ha dilana) oo siiya waraabkeeda
 | 
| فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنبِهِمْ فَسَوَّاهَا (14) Wayse beeniyeen, oo gowraceen (Hashii). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey dambigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii)
 | 
| وَلَا يَخَافُ عُقْبَاهَا (15) Oo Kama uu cabsado cidhibteeda
 |