حم (1) Xaa Miim |
وَالْكِتَابِ الْمُبِينِ (2) Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ka yeela waxyaalaha caddaan |
إِنَّا جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ (3) Hubaal Waxaan Annagu ka dhignay kani Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan |
وَإِنَّهُ فِي أُمِّ الْكِتَابِ لَدَيْنَا لَعَلِيٌّ حَكِيمٌ (4) Oo hubaal wuxuu ku yaal asalka Kitaabka3 (Looxa Maxfuudka) nala yaal, ee la kor yeelay ay ka buuxdo Xikmad |
أَفَنَضْرِبُ عَنكُمُ الذِّكْرَ صَفْحًا أَن كُنتُمْ قَوْمًا مُّسْرِفِينَ (5) Miyaan haddaba idinka deysannaa waanada gebigeediba inaad noqoteen qolo xad gudub badan awgeed |
وَكَمْ أَرْسَلْنَا مِن نَّبِيٍّ فِي الْأَوَّلِينَ (6) Oo intee baan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood |
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن نَّبِيٍّ إِلَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ (7) Oo ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin |
فَأَهْلَكْنَا أَشَدَّ مِنْهُم بَطْشًا وَمَضَىٰ مَثَلُ الْأَوَّلِينَ (8) Markaas waxaanu hallignay kuwo iyaga4 ka xoog badnaa,_oo waxaa hore u tagay mataalka kuwii hore |
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ الْعَزِيزُ الْعَلِيمُ (9) Oo haddii aad weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay hubaal odhanayaan: Waxaa abuuray (Allaah) Adkaadaha, Wax kasta Ogsoonaha ah |
الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ مَهْدًا وَجَعَلَ لَكُمْ فِيهَا سُبُلًا لَّعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ (10) Kan Isagu idiinka dhigay dhulka gogol, ee idiinku yeelay dhexdiisa waddooyin, si aad ugu hagaagtaan |
وَالَّذِي نَزَّلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً بِقَدَرٍ فَأَنشَرْنَا بِهِ بَلْدَةً مَّيْتًا ۚ كَذَٰلِكَ تُخْرَجُونَ (11) Oo Isagu ah Kan ka soo dejiya biyo daruurta si qiyaasan. Markaas waxaan ku nooleynaa magaalo dhimatay, sidaas oo kale baa weliba la idiin soo bixin doonaa |
وَالَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ الْفُلْكِ وَالْأَنْعَامِ مَا تَرْكَبُونَ (12) Oo Isagu ah Kan abuuray lammaanayaasha wax waliba oo idiin yee- lay doonyo (diyaarado, tareenno, gawaari) iyo xoolo (geel, lo',fardo, iwm) aad fuushan |
لِتَسْتَوُوا عَلَىٰ ظُهُورِهِ ثُمَّ تَذْكُرُوا نِعْمَةَ رَبِّكُمْ إِذَا اسْتَوَيْتُمْ عَلَيْهِ وَتَقُولُوا سُبْحَانَ الَّذِي سَخَّرَ لَنَا هَٰذَا وَمَا كُنَّا لَهُ مُقْرِنِينَ (13) Si aad ugu fariisataan si sugan dhabarradooda, markaas aad xusuusataan Nicmadda Rabbigiin marka aad dul fariisataan, oo tidhaahdaan: Xurmoo dhan waxaa iska leh Kan noo sakhiray waxakan, oo ma aheyn kuwo kara inaanu sameyno |
وَإِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا لَمُنقَلِبُونَ (14) Oo xaqiiq xagga Rabbigayo waa inaan u laabanno |
وَجَعَلُوا لَهُ مِنْ عِبَادِهِ جُزْءًا ۚ إِنَّ الْإِنسَانَ لَكَفُورٌ مُّبِينٌ (15) Oo waxay u cayimaan Isaga qayb ka mid ah addoomihiisa5; Hubaal Aadmigu waa abaal darane caddaysatay |
أَمِ اتَّخَذَ مِمَّا يَخْلُقُ بَنَاتٍ وَأَصْفَاكُم بِالْبَنِينَ (16) Ma wuxuu u dooray Naftiisa gabdho ka mid ah waxa uu Isagu abuuro, oo idiin dooray idinka wiilal |
وَإِذَا بُشِّرَ أَحَدُهُم بِمَا ضَرَبَ لِلرَّحْمَٰنِ مَثَلًا ظَلَّ وَجْهُهُ مُسْوَدًّا وَهُوَ كَظِيمٌ (17) Oo marka loogu bishaareeyo midkood warka waxa uu uga yeelay Raxmaanka mataal, wejigiisu wuxuu noqdaa madow isagoo walbahaarsan |
أَوَمَن يُنَشَّأُ فِي الْحِلْيَةِ وَهُوَ فِي الْخِصَامِ غَيْرُ مُبِينٍ (18) Ma kuwaa lagu abuuray isqurxinta oo xagga doodda aan caddeyn karin hadalka |
وَجَعَلُوا الْمَلَائِكَةَ الَّذِينَ هُمْ عِبَادُ الرَّحْمَٰنِ إِنَاثًا ۚ أَشَهِدُوا خَلْقَهُمْ ۚ سَتُكْتَبُ شَهَادَتُهُمْ وَيُسْأَلُونَ (19) Oo waxay ka yeelaan malaa’igta oo iyagu ah addoomaha Raxmaanka, (ilaahyo) dheddig ah6, ma waxay goob joogeen ka ahaayeen abuuristooda? Maraggooda waa la qori doonaa oo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo |
وَقَالُوا لَوْ شَاءَ الرَّحْمَٰنُ مَا عَبَدْنَاهُم ۗ مَّا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِنْ هُمْ إِلَّا يَخْرُصُونَ (20) Oo waxay yidhaahdaan: Haddii uu doono Raxmaanku, marnaba ma aanu caabudneen (iyaga). Uma ay laha wax cilmi ah (arrin)kani, been uun bay sheegayaan |
أَمْ آتَيْنَاهُمْ كِتَابًا مِّن قَبْلِهِ فَهُم بِهِ مُسْتَمْسِكُونَ (21) Mise waxaan siinnay Kitaab ka horreeyey, oo ay iyagu heystaan |
بَلْ قَالُوا إِنَّا وَجَدْنَا آبَاءَنَا عَلَىٰ أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَىٰ آثَارِهِم مُّهْتَدُونَ (22) Bal! Waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal innagu iyaga raadadkooda baan ku hanuunsannahay |
وَكَذَٰلِكَ مَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَا إِنَّا وَجَدْنَا آبَاءَنَا عَلَىٰ أُمَّةٍ وَإِنَّا عَلَىٰ آثَارِهِم مُّقْتَدُونَ (23) Oo sidaas oo kale, Uma aanu soo dirin hortaa wax dige ah magaalana oo aysan kuwooda ladnaa ee ku jiray odhan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo ku sugan dariiqo, oo hubaal waxaan annagu raacnaa raadadkooda |
۞ قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكُم بِأَهْدَىٰ مِمَّا وَجَدتُّمْ عَلَيْهِ آبَاءَكُمْ ۖ قَالُوا إِنَّا بِمَا أُرْسِلْتُم بِهِ كَافِرُونَ (24) (Digihii) wuxuu yidhi: Ma xitaa haddii aan idiin keeno hanuun ka fiican waxa aad ka hesheen aabbayaashiin? Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aanu aaminsanin waxa la idin la soo diray |
فَانتَقَمْنَا مِنْهُمْ ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُكَذِّبِينَ (25) Markaas baan ka aarsannay ee bal fiiri sida ay aheyd cidhibta xaq diidayaasha |
وَإِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ إِنَّنِي بَرَاءٌ مِّمَّا تَعْبُدُونَ (26) Oo waa tii uu Ibraahiim ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Hubaal waxaan anigu ka eed tirnahay waxa aad caabuddaan oo dhan |
إِلَّا الَّذِي فَطَرَنِي فَإِنَّهُ سَيَهْدِينِ (27) Waxaan ka ahayn Kan i abuuray, oo hubaal Isaga baa i hanuunin doona |
وَجَعَلَهَا كَلِمَةً بَاقِيَةً فِي عَقِبِهِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ (28) Oo wuxuu ka yeelay Kelmed7 ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda8, bal inay soo noqdaan |
بَلْ مَتَّعْتُ هَٰؤُلَاءِ وَآبَاءَهُمْ حَتَّىٰ جَاءَهُمُ الْحَقُّ وَرَسُولٌ مُّبِينٌ (29) Bal’ Waxaan u raaxeeyey kuwaas iyo aabbayaashoodba ilaa uu u yimid Xaqu iyo Rasuul ka yeela (Xaqa) caddaan |
وَلَمَّا جَاءَهُمُ الْحَقُّ قَالُوا هَٰذَا سِحْرٌ وَإِنَّا بِهِ كَافِرُونَ (30) Oo markuu u yimid Xaqa waxay yidhaahdeen: Kani (Qur’aanku) waa sixir, oo innagu maba aaminsanin |
وَقَالُوا لَوْلَا نُزِّلَ هَٰذَا الْقُرْآنُ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنَ الْقَرْيَتَيْنِ عَظِيمٍ (31) Oo waxay yidhaahdeen: Maxaa se Qur’aankan loogu soo dejin waayey nin darajo weyn oo ka tirsan labada magaalo |
أَهُمْ يَقْسِمُونَ رَحْمَتَ رَبِّكَ ۚ نَحْنُ قَسَمْنَا بَيْنَهُم مَّعِيشَتَهُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۚ وَرَفَعْنَا بَعْضَهُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ لِّيَتَّخِذَ بَعْضُهُم بَعْضًا سُخْرِيًّا ۗ وَرَحْمَتُ رَبِّكَ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ (32) Ma iyaga baa ah kuwa qaybiya Naxariista Rabbigaa? Annaga baa ka qaybinna dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunkan, oo ka kormarinnay qaarkoodba qaarka kale derejooyin, si ay qaarkood qaarka kale ugu adeegtaan. Oo Naxariista Rabbigaa baa ka khayr badan waxa ay urursadaan |
وَلَوْلَا أَن يَكُونَ النَّاسُ أُمَّةً وَاحِدَةً لَّجَعَلْنَا لِمَن يَكْفُرُ بِالرَّحْمَٰنِ لِبُيُوتِهِمْ سُقُفًا مِّن فِضَّةٍ وَمَعَارِجَ عَلَيْهَا يَظْهَرُونَ (33) Oo haddii uusan dadku noqonayn ummad keliya (isku jid) waxaan xaqiiq ka yeeli laheyn kuwaa ku gaalooba Raxmaanka guryahooda saqafyo fiddo ah iyo salaanno (fiddo ah) ay ku koraan |
وَلِبُيُوتِهِمْ أَبْوَابًا وَسُرُرًا عَلَيْهَا يَتَّكِئُونَ (34) Guryahoodana albaabbo (fiddo ah) iyo sariiro (sare) ay korkooda ku jiqlaystaan |
وَزُخْرُفًا ۚ وَإِن كُلُّ ذَٰلِكَ لَمَّا مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۚ وَالْآخِرَةُ عِندَ رَبِّكَ لِلْمُتَّقِينَ (35) Iyo qurxinno (kale) dahab ah. oo waxa- kani oo dhammi ma aha waxaan aheyn sahayda nolosha adduunkan(ee dhammaa- neysa). Oo Aakhirada Rabbigaa agti ah waxaa leh oo keliya kuwa iska jira xumaha |
وَمَن يَعْشُ عَن ذِكْرِ الرَّحْمَٰنِ نُقَيِّضْ لَهُ شَيْطَانًا فَهُوَ لَهُ قَرِينٌ (36) Oo mid kastoo ka jeesada waanada Raxmaanka waxaanu u xil saarnaa Shay- daan markaasuu noqdaa lammaanahiis |
وَإِنَّهُمْ لَيَصُدُّونَهُمْ عَنِ السَّبِيلِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُم مُّهْتَدُونَ (37) Oo hubaal waxay iyagu ka duwaan Jidka, oo waxay moodaan inay hanuunsan yihiin |
حَتَّىٰ إِذَا جَاءَنَا قَالَ يَا لَيْتَ بَيْنِي وَبَيْنَكَ بُعْدَ الْمَشْرِقَيْنِ فَبِئْسَ الْقَرِينُ (38) Jeer marka uu noo yimaado wuxuu yidhaahdaa: wayee, haddii inta aniga iyo adiga u dhexeysa u kala fogaan lahayd inta ay isu jiraan bariga iyo galbeedka; oo xumaa lammaanahaa oo kale |
وَلَن يَنفَعَكُمُ الْيَوْمَ إِذ ظَّلَمْتُمْ أَنَّكُمْ فِي الْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ (39) Oo maadaama aad caddaalad darro fasheen waxba idin ma tari doonto Maanta inaad cadaab (musiibada) wadaagtaan |
أَفَأَنتَ تُسْمِعُ الصُّمَّ أَوْ تَهْدِي الْعُمْيَ وَمَن كَانَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (40) Ee miyaad haddaba ka yeeli kartaa dhegoolaha inuu wax maqlo, mise hanuunin kartaa indhoolaha iyo mid isagu ku jira habow caddaan ah |
فَإِمَّا نَذْهَبَنَّ بِكَ فَإِنَّا مِنْهُم مُّنتَقِمُونَ (41) Haddiise aan ku oofsanno, Annaga uun baa weli ka aarsan doonno iyaga |
أَوْ نُرِيَنَّكَ الَّذِي وَعَدْنَاهُمْ فَإِنَّا عَلَيْهِم مُّقْتَدِرُونَ (42) Ama haddii kale waxaan ku tusi doonnaa waxa aan u yaboohnay, oo hubaal waxaanu ku leennahay awood dhan dushooda |
فَاسْتَمْسِكْ بِالَّذِي أُوحِيَ إِلَيْكَ ۖ إِنَّكَ عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (43) Ee qabso waxaa laguu waxyoodo, hubaal waxaad ku sugan tahay jid toosan |
وَإِنَّهُ لَذِكْرٌ لَّكَ وَلِقَوْمِكَ ۖ وَسَوْفَ تُسْأَلُونَ (44) Oo hubaal waa kuu waano adiga iyo dadkaaba, oo waxaad ahaan doontaan kuwo la su’aalo |
وَاسْأَلْ مَنْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رُّسُلِنَا أَجَعَلْنَا مِن دُونِ الرَّحْمَٰنِ آلِهَةً يُعْبَدُونَ (45) Oo weydii kuwaa ka midka ah Rusushayada aan soo dirnay adiga hortaa: Ma waxaan marnaba yeellay ilaahyo la caabudo Raxmaanka (Allaah) ka sokow |
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِآيَاتِنَا إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ فَقَالَ إِنِّي رَسُولُ رَبِّ الْعَالَمِينَ (46) Oo xaqiiq waxaan Muuse la soo dirnay Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan anigu ahay Rasuulka (Alle) Rabbiga uunanka |
فَلَمَّا جَاءَهُم بِآيَاتِنَا إِذَا هُم مِّنْهَا يَضْحَكُونَ (47) Markiise uu ula yimid Calaamooyinka- yaga mise! Waaba ay ku qosleen |
وَمَا نُرِيهِم مِّنْ آيَةٍ إِلَّا هِيَ أَكْبَرُ مِنْ أُخْتِهَا ۖ وَأَخَذْنَاهُم بِالْعَذَابِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ (48) Oo ma jirin mucjiso aan tusinnay oo aan ka weyneyn eynigeed, oo waxaan ku qabannay cadaab12 bal inay soo laabtaan |
وَقَالُوا يَا أَيُّهَ السَّاحِرُ ادْعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَ إِنَّنَا لَمُهْتَدُونَ (49) Oo waxay yidhaahdeen: Saaxiryahow! Noo bari Rabbigaa maadaama uu kula galay ballan. Waxaan Hubaal ahaan doonnaa kuwo raaca dhabbaha toosan |
فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُمُ الْعَذَابَ إِذَا هُمْ يَنكُثُونَ (50) Markiise aan ka faydnay cadaabka, mise, markiiba waxay ka baxeen ballankii |
وَنَادَىٰ فِرْعَوْنُ فِي قَوْمِهِ قَالَ يَا قَوْمِ أَلَيْسَ لِي مُلْكُ مِصْرَ وَهَٰذِهِ الْأَنْهَارُ تَجْرِي مِن تَحْتِي ۖ أَفَلَا تُبْصِرُونَ (51) Oo wuxuu ka dhawaaqay Fircoon dadkiisii dhexdood isagoo leh: Dadkaygiiyow! Ma waanan anigu iska lahayn boqortooyada Masar, iyo webiyadan qul-qula hoosteyda. Ee miyeydaan haddaba arkeyn |
أَمْ أَنَا خَيْرٌ مِّنْ هَٰذَا الَّذِي هُوَ مَهِينٌ وَلَا يَكَادُ يُبِينُ (52) Bal aniga baa ka fiican midkani, ee ah mid liita ee uu dhibka ku yahay inuu u hadlo si cad oo wanaagsan |
فَلَوْلَا أُلْقِيَ عَلَيْهِ أَسْوِرَةٌ مِّن ذَهَبٍ أَوْ جَاءَ مَعَهُ الْمَلَائِكَةُ مُقْتَرِنِينَ (53) Maxaase loogu soo gelin waayey jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman weydey malaa’ig raacsan oo rafiiq u ah |
فَاسْتَخَفَّ قَوْمَهُ فَأَطَاعُوهُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ (54) Markaasuu ku kiciyey dadkiisii hadallo doqon ma garato ah, markaasay adeeceen: hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah |
فَلَمَّا آسَفُونَا انتَقَمْنَا مِنْهُمْ فَأَغْرَقْنَاهُمْ أَجْمَعِينَ (55) Haddaba markii ay naga cadheysiiyeen, waan ka aargoosannay, markaas baan qarqinnay iyagii oo dhan |
فَجَعَلْنَاهُمْ سَلَفًا وَمَثَلًا لِّلْآخِرِينَ (56) Oo Waxaanu ka yeelnay wax tegay iyo tusaale ku socda facyada dambe |
۞ وَلَمَّا ضُرِبَ ابْنُ مَرْيَمَ مَثَلًا إِذَا قَوْمُكَ مِنْهُ يَصِدُّونَ (57) Oo marka loo soo qaato ina Maryam (Ciise) mataal14, mise qolodaada waa ka jeesadaan (mataalkaa) |
وَقَالُوا أَآلِهَتُنَا خَيْرٌ أَمْ هُوَ ۚ مَا ضَرَبُوهُ لَكَ إِلَّا جَدَلًا ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ خَصِمُونَ (58) Oo waxay yidhaahdaan: Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga? Uma ayan soo qaadan mataalka waxaan aheyn muran. Balse waa qolo dood badan |
إِنْ هُوَ إِلَّا عَبْدٌ أَنْعَمْنَا عَلَيْهِ وَجَعَلْنَاهُ مَثَلًا لِّبَنِي إِسْرَائِيلَ (59) Ma uu aheyn (Ciise) wax ka badan addoon aan u nicmaynay, oo waxaan uga yeelnay tusaale ilmahii Israa’iil |
وَلَوْ نَشَاءُ لَجَعَلْنَا مِنكُم مَّلَائِكَةً فِي الْأَرْضِ يَخْلُفُونَ (60) Oo Haddii aan doonno, waxaan yeeli lahayn dhexdiinna malaa'ig dhulka u hara |
وَإِنَّهُ لَعِلْمٌ لِّلسَّاعَةِ فَلَا تَمْتَرُنَّ بِهَا وَاتَّبِعُونِ ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُّسْتَقِيمٌ (61) Oo hubaal wuxuu isagu (Ciise) u yahay calaamad la yaqaan (soo dhowaanshaha) Saacadda, Sidaa awgeed ha ka shakiyina arrinkeeda oo i soo raaca17: Kan baa ah Jidka Toosan |
وَلَا يَصُدَّنَّكُمُ الشَّيْطَانُ ۖ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ (62) Oo yuusan Shaydaan idin hor joogsan, hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad |
وَلَمَّا جَاءَ عِيسَىٰ بِالْبَيِّنَاتِ قَالَ قَدْ جِئْتُكُم بِالْحِكْمَةِ وَلِأُبَيِّنَ لَكُم بَعْضَ الَّذِي تَخْتَلِفُونَ فِيهِ ۖ فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ (63) Oo markuu Ciise la yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan xaqiiq idiin la imid Xikmad iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxa aad isku khilaafsan tihiin, ee dhowra xilkuu idin saaray Alle oo i adeeca |
إِنَّ اللَّهَ هُوَ رَبِّي وَرَبُّكُمْ فَاعْبُدُوهُ ۚ هَٰذَا صِرَاطٌ مُّسْتَقِيمٌ (64) Hubaal Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jidka Toosan |
فَاخْتَلَفَ الْأَحْزَابُ مِن بَيْنِهِمْ ۖ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْ عَذَابِ يَوْمٍ أَلِيمٍ (65) Wayse is khilaafeen xisbiyadii dhexdooda. Ee hoog waxaa leh gar ma qaatayaasha xagga cadaab Maalin xanuun badan darteed |
هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا السَّاعَةَ أَن تَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ (66) Ma waxay sugaan waxaan ahayn Saacadda_taasoo ugu iman kedis, iyagoo aan dareensaneyn |
الْأَخِلَّاءُ يَوْمَئِذٍ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ إِلَّا الْمُتَّقِينَ (67) Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale marka laga reebo kuwa iska jira (xumaha) |
يَا عِبَادِ لَا خَوْفٌ عَلَيْكُمُ الْيَوْمَ وَلَا أَنتُمْ تَحْزَنُونَ (68) Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma ahaan doonto maanta korkiinna mana murugoon doontaan |
الَّذِينَ آمَنُوا بِآيَاتِنَا وَكَانُوا مُسْلِمِينَ (69) Kuwaasi rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta |
ادْخُلُوا الْجَنَّةَ أَنتُمْ وَأَزْوَاجُكُمْ تُحْبَرُونَ (70) Gala Jannada, idinka iyo afooyinkiinnaba18; waa laydinka farxine |
يُطَافُ عَلَيْهِم بِصِحَافٍ مِّن ذَهَبٍ وَأَكْوَابٍ ۖ وَفِيهَا مَا تَشْتَهِيهِ الْأَنفُسُ وَتَلَذُّ الْأَعْيُنُ ۖ وَأَنتُمْ فِيهَا خَالِدُونَ (71) Waxaa lagula wareegi halkaa xeerooyin dahab ah iyo koobab cabbitaan, oo gudaheeda waxaa ahaan waxay nafahooda jecleystaan, oo indhuhu ku raaxaysan, oo waad ku waari dhexdeeda |
وَتِلْكَ الْجَنَّةُ الَّتِي أُورِثْتُمُوهَا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (72) Oo taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen wixii aad camalsan fasheen |
لَكُمْ فِيهَا فَاكِهَةٌ كَثِيرَةٌ مِّنْهَا تَأْكُلُونَ (73) Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeeda wax ka cuni doontaan |
إِنَّ الْمُجْرِمِينَ فِي عَذَابِ جَهَنَّمَ خَالِدُونَ (74) Hubaal dambiilayaashu waxay ku waari doonaan cadaabta Naarta |
لَا يُفَتَّرُ عَنْهُمْ وَهُمْ فِيهِ مُبْلِسُونَ (75) Lagama dabcin doono, iyagoo halkaa gudaheeda ku quusan doona |
وَمَا ظَلَمْنَاهُمْ وَلَٰكِن كَانُوا هُمُ الظَّالِمِينَ (76) Oo ma aanu ku gardarroon iyaga, laakiinse iyaga baa ahaa gar ma qaatayaal |
وَنَادَوْا يَا مَالِكُ لِيَقْضِ عَلَيْنَا رَبُّكَ ۖ قَالَ إِنَّكُم مَّاكِثُونَ (77) Oo waxay u yeeri doonaan: Maaligow! Rabbigaa ha noo sameeyo dhammaad. Wuxuu odhan: hubaal Idinku waad ku waari doontaan (Naarta gudaheeda) |
لَقَدْ جِئْنَاكُم بِالْحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَكُمْ لِلْحَقِّ كَارِهُونَ (78) Xaqiiq Waxaan idiin la nimid Xaq laakiinse badankiinnu Xaqa baad nacdaan |
أَمْ أَبْرَمُوا أَمْرًا فَإِنَّا مُبْرِمُونَ (79) Mise ma waxay goosteen arrin? Hubaal waa Annaga kuwa wax gooya |
أَمْ يَحْسَبُونَ أَنَّا لَا نَسْمَعُ سِرَّهُمْ وَنَجْوَاهُم ۚ بَلَىٰ وَرُسُلُنَا لَدَيْهِمْ يَكْتُبُونَ (80) Mise ma waxay moodaan inaanaan maqleyn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee Rusushayada baa ag joogta oo qoreysa |
قُلْ إِن كَانَ لِلرَّحْمَٰنِ وَلَدٌ فَأَنَا أَوَّلُ الْعَابِدِينَ (81) Dheh: Haddii Raxmaanku aad leedihiin dhal (buu yeeshay), waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida (oo ka nazaha inuu leeyahay ilmo ama xaas ama dhig ama cid kaloo wax la wadaagta) |
سُبْحَانَ رَبِّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ رَبِّ الْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ (82) Waxaa xurmo oo dhan iska leh Rabbiga samooyinka iyo arlada, Rabbiga Carshigu oo ka nazahan waxa ay tilmaamaan |
فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا وَيَلْعَبُوا حَتَّىٰ يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي يُوعَدُونَ (83) Ee iska daa ha dhunbadaan ( baadilkaas) oo ha iska cayaaraane inta ay kala kulmaan Maalintooda loo yaboohay |
وَهُوَ الَّذِي فِي السَّمَاءِ إِلَٰهٌ وَفِي الْأَرْضِ إِلَٰهٌ ۚ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْعَلِيمُ (84) Oo waa Isaga Kan ku ah Ilaah somooyinka gudahood iyo Ilaah arlada gudaheed; oo waa Isaga (Alle) Xakiimka, wax kasta Ogsoon |
وَتَبَارَكَ الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَعِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ (85) Oo waxaa khayr iyo barako badan Kan (Allaah) ee iska leh Boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeyaba, oo ay agti tahay cilmiga Saacadda, oo Xaggiisa dib la idiinku soo celin doono |
وَلَا يَمْلِكُ الَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِهِ الشَّفَاعَةَ إِلَّا مَن شَهِدَ بِالْحَقِّ وَهُمْ يَعْلَمُونَ (86) Oo kuwa ay baryaan Isaga ka sokow, uma leh awood shafeeco marka laga reebo midka qira xaqa (ashahaadada ee ku dhaqma) oo aqoon san u leh |
وَلَئِن سَأَلْتَهُم مَّنْ خَلَقَهُمْ لَيَقُولُنَّ اللَّهُ ۖ فَأَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ (87) Oo haddii aad su’aasho yaa iyaga abuuray, waxay hubaal odhanayaan: Allaah. Ee xaggee baa haddaba loo iilay |
وَقِيلِهِ يَا رَبِّ إِنَّ هَٰؤُلَاءِ قَوْمٌ لَّا يُؤْمِنُونَ (88) Tixgeli dhawaaqiisa: Rabbiyow! Hubaal kuwaanu waa qolo aan (xaqa) rumaysneyn |
فَاصْفَحْ عَنْهُمْ وَقُلْ سَلَامٌ ۚ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ (89) Ee Isaga jeeso oo dheh: Nabadeey, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca) |