ص ۚ وَالْقُرْآنِ ذِي الذِّكْرِ (1) Saad1, Waxaan ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan |
بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي عِزَّةٍ وَشِقَاقٍ (2) Balse kuwa xaqa diida waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo cinaad |
كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّن قَرْنٍ فَنَادَوا وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٍ (3) Intee baan rognay hortood facyo, markaasay baroorteen goor waqtigii fakashadu tagtay |
وَعَجِبُوا أَن جَاءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ ۖ وَقَالَ الْكَافِرُونَ هَٰذَا سَاحِرٌ كَذَّابٌ (4) Oo waxay la yaabaan inuu u yimaado dige ka mid ah. Oo waxay gaaladu yidhaahdaan: Kanu waa saaxir, beenaale |
أَجَعَلَ الْآلِهَةَ إِلَٰهًا وَاحِدًا ۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيْءٌ عُجَابٌ (5) Ma wuxuu ka soo qaaday isagu ilaahyada Mid (Allaah) Keliya? Waa wax la yaab leh waxakani xaqiiq ahaan |
وَانطَلَقَ الْمَلَأُ مِنْهُمْ أَنِ امْشُوا وَاصْبِرُوا عَلَىٰ آلِهَتِكُمْ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيْءٌ يُرَادُ (6) Oo odayaashii ka mid ahaa way soo dhaqaaqeen ( iyagoo leh ): Socda, oo ku sabra oo sugnaada ilaahyadiinna. hubaal, (arrin)kanu waa wax laynala doonayo |
مَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي الْمِلَّةِ الْآخِرَةِ إِنْ هَٰذَا إِلَّا اخْتِلَاقٌ (7) Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii hore3. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur |
أَأُنزِلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ مِن بَيْنِنَا ۚ بَلْ هُمْ فِي شَكٍّ مِّن ذِكْرِي ۖ بَل لَّمَّا يَذُوقُوا عَذَابِ (8) Ma waxaa lagu soo dejiyey Waanada isaga (keliya) dhexdeenna? Bal! Waxay ka shaki qabaan Waanadeyda. Bal wali ma aysan dhadhamin Cadaabtayda |
أَمْ عِندَهُمْ خَزَائِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ الْعَزِيزِ الْوَهَّابِ (9) Mise ma waxaa weeye inay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha, Deeqsiga ah aad wax u bixiya |
أَمْ لَهُم مُّلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ فَلْيَرْتَقُوا فِي الْأَسْبَابِ (10) Mise ma waxaa weeye inay iyagu leeyihiin Boqortooyada cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Haddaba ha u koreen salaanno xagga (samada haddii ay karaan) |
جُندٌ مَّا هُنَالِكَ مَهْزُومٌ مِّنَ الْأَحْزَابِ (11) Ciidanka halkaas jooga ee ka mid ah xisbiyada5 waa la jabin oo ay carari |
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ ذُو الْأَوْتَادِ (12) Qoladii Nuux iyo Caad iyo Fircoon ee lahaa tiirar xoog leh6 baa beeniyey (Rususha) iyaga hortood |
وَثَمُودُ وَقَوْمُ لُوطٍ وَأَصْحَابُ الْأَيْكَةِ ۚ أُولَٰئِكَ الْأَحْزَابُ (13) Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii, kuwan bay ahaayeen xisbiyada |
إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ الرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ (14) Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaas bay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo |
وَمَا يَنظُرُ هَٰؤُلَاءِ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً مَّا لَهَا مِن فَوَاقٍ (15) Oo kuwaani ma sugayaan iyaguna waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac |
وَقَالُوا رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبْلَ يَوْمِ الْحِسَابِ (16) Oo waxay yidhaahdaan: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabta ) ka hor Maalinta Xisaabta |
اصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَاذْكُرْ عَبْدَنَا دَاوُودَ ذَا الْأَيْدِ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ (17) U samir waxa ay leeyihiin, oo xusuuso addoonkayaga Daawuud, ee awoodda lahaa. Hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo laabasho badan |
إِنَّا سَخَّرْنَا الْجِبَالَ مَعَهُ يُسَبِّحْنَ بِالْعَشِيِّ وَالْإِشْرَاقِ (18) Hubaal Waxaanu Annagu ka yeelnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alla) ammaan iyo mahdin iyo hufid galab dhaca iyo qorrax soo baxaba |
وَالطَّيْرَ مَحْشُورَةً ۖ كُلٌّ لَّهُ أَوَّابٌ (19) Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan(Alla)ammaanka |
وَشَدَدْنَا مُلْكَهُ وَآتَيْنَاهُ الْحِكْمَةَ وَفَصْلَ الْخِطَابِ (20) Oo Waxaanu adkaynay mullkigiisa, oo Waxaanu siinnay xikmad iyo hadal cad oo lagu kala baxo garsoor wanaagsan ah |
۞ وَهَلْ أَتَاكَ نَبَأُ الْخَصْمِ إِذْ تَسَوَّرُوا الْمِحْرَابَ (21) Oo ma ku soo gaaray warka dood qabayaashii, marka ay ugu soo dhaceen Mixraabka iyagoo soo tafaya derbiyada |
إِذْ دَخَلُوا عَلَىٰ دَاوُودَ فَفَزِعَ مِنْهُمْ ۖ قَالُوا لَا تَخَفْ ۖ خَصْمَانِ بَغَىٰ بَعْضُنَا عَلَىٰ بَعْضٍ فَاحْكُم بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَلَا تُشْطِطْ وَاهْدِنَا إِلَىٰ سَوَاءِ الصِّرَاطِ (22) Marka ay u soo galeen Daawuud, markaasuu ka baqay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, oo iska jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan |
إِنَّ هَٰذَا أَخِي لَهُ تِسْعٌ وَتِسْعُونَ نَعْجَةً وَلِيَ نَعْجَةٌ وَاحِدَةٌ فَقَالَ أَكْفِلْنِيهَا وَعَزَّنِي فِي الْخِطَابِ (23) Hubaal kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan sabeenood, halka aan anigu leeyahay sabeen keliya. Wuxuuse yidhi: ii xil saar iyadana, oo waa iga dood adkaaday |
قَالَ لَقَدْ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعْجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِ ۖ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ الْخُلَطَاءِ لَيَبْغِي بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَقَلِيلٌ مَّا هُمْ ۗ وَظَنَّ دَاوُودُ أَنَّمَا فَتَنَّاهُ فَاسْتَغْفَرَ رَبَّهُ وَخَرَّ رَاكِعًا وَأَنَابَ ۩ (24) Wuxuu yidhi: Hubaal waa uu kugu gefay ku weydiisigiisa sabeentaada si uu ugu darsado sabeenihiisa. Oo hubaal in badan oo kuwa wax isku darsada ahi xaqiiq way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, marka laga reebo kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo aad bay u yar yihiin kuwaasu. Oo Daawuud wuxuu gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Dambi Dhaaf Rabbigi oo wuxuu la dhacay rukuuc, oo badiyey u noqdashada(Xagga Ilaahay) |
فَغَفَرْنَا لَهُ ذَٰلِكَ ۖ وَإِنَّ لَهُ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَآبٍ (25) Markaas baan u dambi dhaafnay (arrin)kani, oo hubaal wuxuu Agtayada xaqiiq ku leeyahay dhowaansho iyo meeqaan aad u wanaagsan |
يَا دَاوُودُ إِنَّا جَعَلْنَاكَ خَلِيفَةً فِي الْأَرْضِ فَاحْكُم بَيْنَ النَّاسِ بِالْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ الْهَوَىٰ فَيُضِلَّكَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۚ إِنَّ الَّذِينَ يَضِلُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ بِمَا نَسُوا يَوْمَ الْحِسَابِ (26) Daawuudow! Hubaal waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si caddaalad ah, oo ha raacin waxa (xun) ay naftu doonto _si ayan kaaga lumin Jidka Ilaahay, (ma xagga) kuwa ka luma Jidka Ilaahay waxay hubaal mudan doonaan cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta darteed |
وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاءَ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا بَاطِلًا ۚ ذَٰلِكَ ظَنُّ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا مِنَ النَّارِ (27) Oo uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha kuwa xaqa diida. Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida xagga Naarta ah |
أَمْ نَجْعَلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَالْمُفْسِدِينَ فِي الْأَرْضِ أَمْ نَجْعَلُ الْمُتَّقِينَ كَالْفُجَّارِ (28) Ma waxaanu la mid dhignaa kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu ka dhignaa kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta |
كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ مُبَارَكٌ لِّيَدَّبَّرُوا آيَاتِهِ وَلِيَتَذَكَّرَ أُولُو الْأَلْبَابِ (29) (Kani) waa Kitaab aan kuu soo waxyoonnay barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa iyo si ay wax garadku ugu waantoobaan |
وَوَهَبْنَا لِدَاوُودَ سُلَيْمَانَ ۚ نِعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ (30) Oo Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. hubaal, wuxuu ahaa mid noo soo laabasho badan |
إِذْ عُرِضَ عَلَيْهِ بِالْعَشِيِّ الصَّافِنَاتُ الْجِيَادُ (31) Waa tii loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan marka ay taagan yihiin oo aad u dheereeya marka ay ordayaan |
فَقَالَ إِنِّي أَحْبَبْتُ حُبَّ الْخَيْرِ عَن ذِكْرِ رَبِّي حَتَّىٰ تَوَارَتْ بِالْحِجَابِ (32) Markaasuu wuxuu yidhi: Hubaal waxaan ka door biday waxyaalaha wanaagsan xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii |
رُدُّوهَا عَلَيَّ ۖ فَطَفِقَ مَسْحًا بِالسُّوقِ وَالْأَعْنَاقِ (33) Dib iyaga iigu keena, markaasuu wuxuu billaabay inuu masaxo addimmada iyo luquma(hooda) |
وَلَقَدْ فَتَنَّا سُلَيْمَانَ وَأَلْقَيْنَا عَلَىٰ كُرْسِيِّهِ جَسَدًا ثُمَّ أَنَابَ (34) Oo xaqiiq Waxaanu imtixaannay Sulaymaan, oo aan saarnay kursigii boqortooyadiisii oogo, markaasuu u soo laabtay (Allaah oo toobad keenay) |
قَالَ رَبِّ اغْفِرْ لِي وَهَبْ لِي مُلْكًا لَّا يَنبَغِي لِأَحَدٍ مِّن بَعْدِي ۖ إِنَّكَ أَنتَ الْوَهَّابُ (35) Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Dambi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe |
فَسَخَّرْنَا لَهُ الرِّيحَ تَجْرِي بِأَمْرِهِ رُخَاءً حَيْثُ أَصَابَ (36) Markaas baan waxaan u sakhirnay dabaysha, oo ku soconeysey amarkiisa iyadoo nugul meeshuu doonaba |
وَالشَّيَاطِينَ كُلَّ بَنَّاءٍ وَغَوَّاصٍ (37) Iyo shaydaammada, mid walboo wax dhisa , iyo mid walboo quusa |
وَآخَرِينَ مُقَرَّنِينَ فِي الْأَصْفَادِ (38) Iyo kuwo kaloo ku xirxiran silsilado |
هَٰذَا عَطَاؤُنَا فَامْنُنْ أَوْ أَمْسِكْ بِغَيْرِ حِسَابٍ (39) Kani waa Deeqdayada ee bixi waxaad doonto ama hayso xisaab la’aan |
وَإِنَّ لَهُ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَآبٍ (40) Oo hubaal wuxuu Agtayada ku leeyahay xaqiiq dhowaansho iyo meeqaan sare |
وَاذْكُرْ عَبْدَنَا أَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الشَّيْطَانُ بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ (41) Oo xus addoonkayaga Ayyuub, marka uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay silic iyo saxariir |
ارْكُضْ بِرِجْلِكَ ۖ هَٰذَا مُغْتَسَلٌ بَارِدٌ وَشَرَابٌ (42) Ku garaac (dhulka) cagtaada; kani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan |
وَوَهَبْنَا لَهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنَّا وَذِكْرَىٰ لِأُولِي الْأَلْبَابِ (43) Oo Waxaanu siinnay ehelkiisii, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah,oo waano u ah wax garadka |
وَخُذْ بِيَدِكَ ضِغْثًا فَاضْرِب بِّهِ وَلَا تَحْنَثْ ۗ إِنَّا وَجَدْنَاهُ صَابِرًا ۚ نِّعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ (44) Oo ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar ah oo ku dhufo oo ha jabin dhaartaada12; hubaal waxaanu hellay inuu yahay samir yeeshe dul badan. Wacanaa addoonku, hubaal wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u laabasho badan |
وَاذْكُرْ عِبَادَنَا إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ أُولِي الْأَيْدِي وَالْأَبْصَارِ (45) Oo xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, rag awood leh oo in dheer garad ah |
إِنَّا أَخْلَصْنَاهُم بِخَالِصَةٍ ذِكْرَى الدَّارِ (46) Hubaal waxaanu u xulannay tilmaan wanaagsan oo gaar ah: xusuusnaanta Daarta (Aakhiro) |
وَإِنَّهُمْ عِندَنَا لَمِنَ الْمُصْطَفَيْنَ الْأَخْيَارِ (47) Oo hubaal waxay iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah |
وَاذْكُرْ إِسْمَاعِيلَ وَالْيَسَعَ وَذَا الْكِفْلِ ۖ وَكُلٌّ مِّنَ الْأَخْيَارِ (48) Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, oo dhammaantood waxay ka mid yihiin akhyaarta |
هَٰذَا ذِكْرٌ ۚ وَإِنَّ لِلْمُتَّقِينَ لَحُسْنَ مَآبٍ (49) Kani waa waano, oo hubaal, waxay mudan doonaan meeqaan wanaagsan kuwaa iska jira xumaha |
جَنَّاتِ عَدْنٍ مُّفَتَّحَةً لَّهُمُ الْأَبْوَابُ (50) Beero negaya loo furay Albaabadoodu |
مُتَّكِئِينَ فِيهَا يَدْعُونَ فِيهَا بِفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ وَشَرَابٍ (51) Oo ay dhex jiqlaysan yihiin iyagoo ugu yeeranaya midho tiro badan iyo cabbitaan |
۞ وَعِندَهُمْ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ أَتْرَابٌ (52) Oo waxaa la jirkood ahaan kuwo soo laabba aragga, oo isku fil ah |
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِيَوْمِ الْحِسَابِ (53) Kani waa waxa la idiin ballan qaaday Maalinta Xisaabta |
إِنَّ هَٰذَا لَرِزْقُنَا مَا لَهُ مِن نَّفَادٍ (54) Hubaal kani waa risiqayaga aan dhammaaneyn weligii |
هَٰذَا ۚ وَإِنَّ لِلطَّاغِينَ لَشَرَّ مَآبٍ (55) Waa sidaase! Oo hubaal xadgudbayaasha waxaa sugaya rug laabasho xun |
جَهَنَّمَ يَصْلَوْنَهَا فَبِئْسَ الْمِهَادُ (56) Naar; way geli doonaan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo |
هَٰذَا فَلْيَذُوقُوهُ حَمِيمٌ وَغَسَّاقٌ (57) Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyaan, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun |
وَآخَرُ مِن شَكْلِهِ أَزْوَاجٌ (58) Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah |
هَٰذَا فَوْجٌ مُّقْتَحِمٌ مَّعَكُمْ ۖ لَا مَرْحَبًا بِهِمْ ۚ إِنَّهُمْ صَالُو النَّارِ (59) Kuwakani waa guuto lagu soo tuurayo qiimo la’aan la jirkiin, Ma leh soo dhoweyn! Hubaal waxay geli doonaan Naar |
قَالُوا بَلْ أَنتُمْ لَا مَرْحَبًا بِكُمْ ۖ أَنتُمْ قَدَّمْتُمُوهُ لَنَا ۖ فَبِئْسَ الْقَرَارُ (60) Waxay odhan: Mayee idinkaan soo dhoweyn lahayn! Idinkaa noo horseeday iyada, ee xumaa fariisan guntii la degaa |
قَالُوا رَبَّنَا مَن قَدَّمَ لَنَا هَٰذَا فَزِدْهُ عَذَابًا ضِعْفًا فِي النَّارِ (61) Waxay odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani ugu dar cadaab labo jibbaar ah Naarta gudaheeda |
وَقَالُوا مَا لَنَا لَا نَرَىٰ رِجَالًا كُنَّا نَعُدُّهُم مِّنَ الْأَشْرَارِ (62) Oo Waxay odhan: Maxaanu u arki la'nahay, niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka |
أَتَّخَذْنَاهُمْ سِخْرِيًّا أَمْ زَاغَتْ عَنْهُمُ الْأَبْصَارُ (63) Oo miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey |
إِنَّ ذَٰلِكَ لَحَقٌّ تَخَاصُمُ أَهْلِ النَّارِ (64) Hubaal (arrin)kani waa xaq aan shaki lahayn_ waa doodda ehlu-Naarka |
قُلْ إِنَّمَا أَنَا مُنذِرٌ ۖ وَمَا مِنْ إِلَٰهٍ إِلَّا اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ (65) Dheh anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, oo ma jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh |
رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ (66) Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha, Dambi Dhaafka Badan |
قُلْ هُوَ نَبَأٌ عَظِيمٌ (67) Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh |
أَنتُمْ عَنْهُ مُعْرِضُونَ (68) (Oo) aad idinku ka jeedsataan |
مَا كَانَ لِيَ مِنْ عِلْمٍ بِالْمَلَإِ الْأَعْلَىٰ إِذْ يَخْتَصِمُونَ (69) Oo uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodeen |
إِن يُوحَىٰ إِلَيَّ إِلَّا أَنَّمَا أَنَا نَذِيرٌ مُّبِينٌ (70) Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad |
إِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي خَالِقٌ بَشَرًا مِّن طِينٍ (71) Waa tii uu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Hubaal Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo |
فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ (72) Ee marka aan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxayaga, markaas ula dhaca sujuud (salaan ahaan) |
فَسَجَدَ الْمَلَائِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ (73) Oo malaa’igtii way sujoodeen (salaan qaateen) dhammaantood oo idil |
إِلَّا إِبْلِيسَ اسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ (74) Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo ka mid ahaaday abaal laawayaasha |
قَالَ يَا إِبْلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسْجُدَ لِمَا خَلَقْتُ بِيَدَيَّ ۖ أَسْتَكْبَرْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ الْعَالِينَ (75) (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad salaan qaadasho ahaan ugu sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise waxaad ka mid tahay kuwa isla sarreeya |
قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ ۖ خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ (76) (Ibliis) wuxuu yidhi: Aniga baa ka khayr badan isaga, waxaad iga abuurtay dab, oo isaga waxaad ka abuurtay dhoobo |
قَالَ فَاخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ (77) (Alle) wuxuu yidhi: Haddaba ka bax halkan, hubaal waxaad tahay dayro dufeysane |
وَإِنَّ عَلَيْكَ لَعْنَتِي إِلَىٰ يَوْمِ الدِّينِ (78) Oo hubaal Nacaladdayda baa korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta |
قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِي إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ (79) (Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha) |
قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ الْمُنظَرِينَ (80) (Alle) wuxuu yidhi: Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo |
إِلَىٰ يَوْمِ الْوَقْتِ الْمَعْلُومِ (81) Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh |
قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ (82) (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, hubaal waxaan ka yeeli inay noolaadaan nolol baas oo xun dham- maantood oo waa dhumin geddigood |
إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ الْمُخْلَصِينَ (83) Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada |
قَالَ فَالْحَقُّ وَالْحَقَّ أَقُولُ (84) (Alle) wuxuu yidhi: Runtu haddaba waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye |
لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكَ وَمِمَّن تَبِعَكَ مِنْهُمْ أَجْمَعِينَ (85) Inaan hubaal ka buuxin Naar adiga iyo kuwooda ka mid ah oo ku raaca oo dhan |
قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُتَكَلِّفِينَ (86) Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah, mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin) |
إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَالَمِينَ (87) Oo ma aha (Qur’aanka) waxaan ahayn Waano ku socota uunanka oo dhan |
وَلَتَعْلَمُنَّ نَبَأَهُ بَعْدَ حِينٍ (88) Oo hubaal waad ogaan doontaan warkiisa muddo yar kaddib |