يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرُ (1) Midkani ku dadanow (dharka) |
قُمْ فَأَنذِرْ (2) Kac oo dig |
وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ (3) Oo Rabbigaa waa inaad weyneyso |
وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ (4) Oo maryahaaga waa inaad daahiriso |
وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ (5) Oo fadarada waa inaad ka fogaato |
وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ (6) Oo wax ha u bixin si aad u hesho wax ka badan |
وَلِرَبِّكَ فَاصْبِرْ (7) Oo Rabbigaa dartiis , samir yeelo |
فَإِذَا نُقِرَ فِي النَّاقُورِ (8) Ee marka Buunka la afuufo |
فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍ يَوْمٌ عَسِيرٌ (9) Taasi waxay ahaan Maalin aad u Daran |
عَلَى الْكَافِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍ (10) Gaalada aan u fududeyn |
ذَرْنِي وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًا (11) Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan) |
وَجَعَلْتُ لَهُ مَالًا مَّمْدُودًا (12) Oo aan siiyey hanti aad u ballaaran |
وَبَنِينَ شُهُودًا (13) Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah |
وَمَهَّدتُّ لَهُ تَمْهِيدًا (14) Oo aan u hagaajiyey arrinkiisa hagaag |
ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ (15) Oo waliba wuxuu damcaa inaan u siyaadiyo |
كَلَّا ۖ إِنَّهُ كَانَ لِآيَاتِنَا عَنِيدًا (16) Ma jirto, hubaal wuxuu ka hor yimaadaa Aayadahayaga |
سَأُرْهِقُهُ صَعُودًا (17) Waxaan yeeli doonaa cadaab dhibaato leh inay qabsato |
إِنَّهُ فَكَّرَ وَقَدَّرَ (18) Hubaal waa uu fekaray, oo wax qoolay |
فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ (19) Se nacaladi ha ku dhacdee! Sidee wax u qoolay |
ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ (20) Mar kale, nacladi ha ku dhacdee, sidee wax u qoolay |
ثُمَّ نَظَرَ (21) Markaas waa uu fiirshay |
ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ (22) Markaa wejiga kaduuday oo uruuriyey |
ثُمَّ أَدْبَرَ وَاسْتَكْبَرَ (23) Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay |
فَقَالَ إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ يُؤْثَرُ (24) Markaasuu yidhi: Kani wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale |
إِنْ هَٰذَا إِلَّا قَوْلُ الْبَشَرِ (25) Kanu ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi |
سَأُصْلِيهِ سَقَرَ (26) Waxaan ku tuuri doonaa Saqaro (Naar) |
وَمَا أَدْرَاكَ مَا سَقَرُ (27) Oo Maxaad ka og tahay waxa ay Saqaro tahay |
لَا تُبْقِي وَلَا تَذَرُ (28) Ma reebto waxna kamana tagto cidna |
لَوَّاحَةٌ لِّلْبَشَرِ (29) Waxay doorisaa jirka oo gubtaa |
عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ (30) Waxaa kor jooga sagaal iyo toban |
وَمَا جَعَلْنَا أَصْحَابَ النَّارِ إِلَّا مَلَائِكَةً ۙ وَمَا جَعَلْنَا عِدَّتَهُمْ إِلَّا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا لِيَسْتَيْقِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ وَيَزْدَادَ الَّذِينَ آمَنُوا إِيمَانًا ۙ وَلَا يَرْتَابَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ وَالْمُؤْمِنُونَ ۙ وَلِيَقُولَ الَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَالْكَافِرُونَ مَاذَا أَرَادَ اللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا ۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ اللَّهُ مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ ۚ وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ وَمَا هِيَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْبَشَرِ (31) Oo kama aanu dhigin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, oo uma aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada,_si ay ehlu-Kitaabku u yaqiinsadaan, oo mu’miniintu u kororsadaan Iimaan_, oo aanay kuwaa la siiyey Kitaabka iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada u yidhaahdaan: Muxuu Allaah uga jeedaa tusaalahan? Sidaas buu Allaah u lumiyaa kii uu doono, oo u hanuuniyaa kii uu doono. Oo ma jir wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Oo (Naar) tani wax kale ma aha aan aheyn waano ku socota dadka |
كَلَّا وَالْقَمَرِ (32) Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa |
وَاللَّيْلِ إِذْ أَدْبَرَ (33) Iyo habeenka marka uu tago |
وَالصُّبْحِ إِذَا أَسْفَرَ (34) Iyo waagu marka uu caddaado |
إِنَّهَا لَإِحْدَى الْكُبَرِ (35) Hubaal iyadu (Naarta) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn |
نَذِيرًا لِّلْبَشَرِ (36) Digniin ku socota dadkaa dhimanaya |
لِمَن شَاءَ مِنكُمْ أَن يَتَقَدَّمَ أَوْ يَتَأَخَّرَ (37) Ku socota mid kastoo idinka mid ah ee doonaya inuu hormaro ama ku haro gadaal |
كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ (38) Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay galabsato |
إِلَّا أَصْحَابَ الْيَمِينِ (39) Qolada midigta maahee |
فِي جَنَّاتٍ يَتَسَاءَلُونَ (40) Beero gudaheed, waxay iska wareysan |
عَنِ الْمُجْرِمِينَ (41) Xaalka dambiilayaasha |
مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ (42) Maxaa idin keenay Naarta Saqaro |
قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ (43) Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada |
وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ الْمِسْكِينَ (44) Oo ma aannu quudin jirin miskiinka |
وَكُنَّا نَخُوضُ مَعَ الْخَائِضِينَ (45) Oo waxaanu gali jirnay waxyaalo been ahoo aan jirin la jirka kuwaa gala baadilka |
وَكُنَّا نُكَذِّبُ بِيَوْمِ الدِّينِ (46) Oo waxaan beenin jirnay Maalinta abaal marinta |
حَتَّىٰ أَتَانَا الْيَقِينُ (47) Jeer ay noo timid geeridu |
فَمَا تَنفَعُهُمْ شَفَاعَةُ الشَّافِعِينَ (48) Marka shafeecada kuwa shafeeca waxba uma tari doonto |
فَمَا لَهُمْ عَنِ التَّذْكِرَةِ مُعْرِضِينَ (49) Ee maxaa heysta iyaga oo ay uga jeestaan (qaadashada) waanada |
كَأَنَّهُمْ حُمُرٌ مُّسْتَنفِرَةٌ (50) Sida inay yihiin dameero duur joog ah oo didsan |
فَرَّتْ مِن قَسْوَرَةٍ (51) Ee ka soo cararay libaax |
بَلْ يُرِيدُ كُلُّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُؤْتَىٰ صُحُفًا مُّنَشَّرَةً (52) Bal, qof walba oo ka mid ahi iyaga wuxuu rabaa in la siiyo waraaqo fidsan |
كَلَّا ۖ بَل لَّا يَخَافُونَ الْآخِرَةَ (53) Mayee! balse, kama cabsadaan Aakhirada (Ciqaabka Ilaahay) |
كَلَّا إِنَّهُ تَذْكِرَةٌ (54) Mayee, hubaal waa waano |
فَمَن شَاءَ ذَكَرَهُ (55) Ee mid kastoo raba ha ku waano qaato |
وَمَا يَذْكُرُونَ إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ ۚ هُوَ أَهْلُ التَّقْوَىٰ وَأَهْلُ الْمَغْفِرَةِ (56) Oo kama ay waano qaadan doonaan in Allaah doono maahee; waa Isaga Rabbiga, mudan inay aadmigu ka cabsadaan, oo mudan inuu Dambi Dhaafo |