وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ (1) Hoog waxaa leh kuwa dhima miisaanka |
الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ (2) Kuwa, marka ay wax beegaan (xaqooda ah) u oofsada si dhan oo kaamil ah |
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ (3) Markase ay u beegaan dadka kale ama miisaamaan dhima oo nuqsaamiya |
أَلَا يَظُنُّ أُولَٰئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ (4) Mawaysan kuwaasu yaqiinsaneyn in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo) |
لِيَوْمٍ عَظِيمٍ (5) Maalin aad u weyn |
يَوْمَ يَقُومُ النَّاسُ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ (6) Maalinta dadka la hor keeni Rabbiga uunanka |
كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ (7) Mayee! hubaal, diiwaanka dambiilayaasha wuxuu yaal Sijjiin |
وَمَا أَدْرَاكَ مَا سِجِّينٌ (8) Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiinku yahay |
كِتَابٌ مَّرْقُومٌ (9) Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaab qoran |
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ (10) Hoog, Maalintaas waxaa leh xaq diidayaasha |
الَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ (11) Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta |
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ (12) Oo cidi ma beeniso aan aheyn xad-gudbe kastoo dambiile ah |
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ آيَاتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ (13) Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore |
كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا يَكْسِبُونَ (14) Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood |
كَلَّا إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ (15) Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi doonaa Rabbigood |
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُو الْجَحِيمِ (16) Oo hubaal waxay gali oo ku guban dab olol badan |
ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا الَّذِي كُنتُم بِهِ تُكَذِّبُونَ (17) Markaas waxaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen |
كَلَّا إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ (18) Mayee, hubaal, diiwaanka baarriyiintu wuxuu ku (xafidan yahay) Cilliyyuun |
وَمَا أَدْرَاكَ مَا عِلِّيُّونَ (19) Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyuunku yahay |
كِتَابٌ مَّرْقُومٌ (20) Waa (aayahooda) ku diiwaan gashan kitaaab qoran |
يَشْهَدُهُ الْمُقَرَّبُونَ (21) Ay arkaan kuwaa loo soo dhoweeyo (Allaah) |
إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ (22) Hubaal baarriyiinta waxay dhex ahaan barwaaqo gudaheed |
عَلَى الْأَرَائِكِ يَنظُرُونَ (23) Sariiro boqoreed korkood, iyagoo ka eegaya (wax waliba) |
تَعْرِفُ فِي وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ النَّعِيمِ (24) Waxaad ka garan doontaa wejiyadooda dhalaalka barwaaqada |
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخْتُومٍ (25) Waxaa la siin si ay u cabbaan khamri (saafi ah) ee la abburay |
خِتَامُهُ مِسْكٌ ۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ الْمُتَنَافِسُونَ (26) Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu |
وَمِزَاجُهُ مِن تَسْنِيمٍ (27) Oo dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah |
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا الْمُقَرَّبُونَ (28) Il ay kuwa loo soo dhoweeyo (Allaah) ka cabbaan |
إِنَّ الَّذِينَ أَجْرَمُوا كَانُوا مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا يَضْحَكُونَ (29) Hubaal kuwa dambiilayaasha ah waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeysan |
وَإِذَا مَرُّوا بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ (30) Oo haddii ay soo ag maraan waa isu il-jabin jireen |
وَإِذَا انقَلَبُوا إِلَىٰ أَهْلِهِمُ انقَلَبُوا فَكِهِينَ (31) Oo marka ay u laabtaan ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya |
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوا إِنَّ هَٰؤُلَاءِ لَضَالُّونَ (32) Oo marka ay arkaan, waxay odhan jireen: hubaal! Kuwakanu waa lunsan yihiin |
وَمَا أُرْسِلُوا عَلَيْهِمْ حَافِظِينَ (33) Oo looma dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda |
فَالْيَوْمَ الَّذِينَ آمَنُوا مِنَ الْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ (34) Marka maanta kuwa (Xaqa) rumeysan waxay ku qosli gaalada |
عَلَى الْأَرَائِكِ يَنظُرُونَ (35) Sariiro boqoreed (sare) korkood, iyagoo ka eegaya |
هَلْ ثُوِّبَ الْكُفَّارُ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ (36) Hubaal gaalada waxaa lagu abaal mariyaa wax u dhigma waxa ay (xume) faleen |