الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ وَلَهُ الْحَمْدُ فِي الْآخِرَةِ ۚ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْخَبِيرُ (1) Ammaan (oo dhan) mahdin wehliso waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, oo Isaga baa (sidoo kale) mudan ammaan (oo dhan iyo mahdinba) Maalinta Dambeysa, oo Waa Xakiimka, Xog Ogaalka ah, Xeesha Dheer |
يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِي الْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ السَّمَاءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا ۚ وَهُوَ الرَّحِيمُ الْغَفُورُ (2) Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa oo Waa Naxariis Badanaha, Dambi Dhaafka Badan |
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَا تَأْتِينَا السَّاعَةُ ۖ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّي لَتَأْتِيَنَّكُمْ عَالِمِ الْغَيْبِ ۖ لَا يَعْزُبُ عَنْهُ مِثْقَالُ ذَرَّةٍ فِي السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ وَلَا أَصْغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَا أَكْبَرُ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ (3) Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Nooma imaan doonto Saacadda (Qiyaame). Dheh: Haayoo, Waa igu Rabbigay, Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon, xaqiiq way idiin iman doontaa, kama uu qarsoomo wax saxar le’eg (ama quraanyo) oo samada ama arlada yaal, ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weynba, oo intuba waxay ku yaallaan Kitaab Caddaan ah (Looxa Maxfuudka) |
لِّيَجْزِيَ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ (4) Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, kuwani weeye kuwa iska leh dambi dhaaf iyo Risiq sharaf leh |
وَالَّذِينَ سَعَوْا فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مِّن رِّجْزٍ أَلِيمٌ (5) Oo ( ma xagga) kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga2_ kuwani weeye kuwa iska leh cadaab xanuun badan oo cayn xun |
وَيَرَى الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ الَّذِي أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ الْحَقَّ وَيَهْدِي إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ (6) Oo kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa, uu yahay Xaq, oo wuxuu wax ku hanuuniyaa Jidka Adkaadaha,la Ammaano |
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا هَلْ نَدُلُّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ يُنَبِّئُكُمْ إِذَا مُزِّقْتُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمْ لَفِي خَلْقٍ جَدِيدٍ (7) Oo kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo ciidda idin cunto), in dib hubaal la idiin (soo bixin doono) idinkoo abuur cusub ah |
أَفْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَم بِهِ جِنَّةٌ ۗ بَلِ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ فِي الْعَذَابِ وَالضَّلَالِ الْبَعِيدِ (8) Ma Allaah buu ka been sheegay mise wuxuu qabaa waalli?. Mayee, kuwaa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ahaan doonaan cadaabta (oo ku sugan yihiin) habow aad u fog |
أَفَلَمْ يَرَوْا إِلَىٰ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُم مِّنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۚ إِن نَّشَأْ نَخْسِفْ بِهِمُ الْأَرْضَ أَوْ نُسْقِطْ عَلَيْهِمْ كِسَفًا مِّنَ السَّمَاءِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِّكُلِّ عَبْدٍ مُّنِيبٍ (9) Miyaanay haddaba u fiirsan waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah oo samada iyo arlada ah? Haddii aan doonno, waxaanu ka yeeli doonnaa inuu la go’o oo liqo dhulka, ama waxaan ku soo ridi doonnaa korkood gabal cirka ah. hubaal waxaa (arrin)kaasi ugu sugan calaamo addoon kastoo u soo laabasho badan (Allaah) |
۞ وَلَقَدْ آتَيْنَا دَاوُودَ مِنَّا فَضْلًا ۖ يَا جِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُ وَالطَّيْرَ ۖ وَأَلَنَّا لَهُ الْحَدِيدَ (10) Oo dhab ahaan waxaanu ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga: Buurahow! La qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa la jirki, iyo shimbirahowba; Oo Waxaanu u jilicinnay birta |
أَنِ اعْمَلْ سَابِغَاتٍ وَقَدِّرْ فِي السَّرْدِ ۖ وَاعْمَلُوا صَالِحًا ۖ إِنِّي بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ (11) Annagoo leh: Ka yeel waasic (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), oo u qaddar waqti sameynta jaakado bireedyada, oo sama fal. Hubaal Anigu waan Arkaa waxa aad fashaan |
وَلِسُلَيْمَانَ الرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهْرٌ وَرَوَاحُهَا شَهْرٌ ۖ وَأَسَلْنَا لَهُ عَيْنَ الْقِطْرِ ۖ وَمِنَ الْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ رَبِّهِ ۖ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ السَّعِيرِ (12) Oo xagga Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabaysha3, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada, oo in bil loo socdo ku maraysay galabnimada, oo Waxaan u yeelnay inay u dareerto il (dureere) macdan nuxaas ah, oo jinniga waxaa ka mid ahaa kuwo ka shaqeynayey isaga horti si idanka Rabbigi ah, oo mid kastoo ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga, waxaanu ka yeeli doonaa inuu dhadhamiyo cadaabta gubashada |
يَعْمَلُونَ لَهُ مَا يَشَاءُ مِن مَّحَارِيبَ وَتَمَاثِيلَ وَجِفَانٍ كَالْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَّاسِيَاتٍ ۚ اعْمَلُوا آلَ دَاوُودَ شُكْرًا ۚ وَقَلِيلٌ مِّنْ عِبَادِيَ الشَّكُورُ (13) Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah4 iyo sawirro5 iyo xeerooyin (ballaaran) dar oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Oo in yar oo ka mid addoomahayga baa ah kuwo mahad naq badan |
فَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ الْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِ إِلَّا دَابَّةُ الْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُ ۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ الْجِنُّ أَن لَّوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ الْغَيْبَ مَا لَبِثُوا فِي الْعَذَابِ الْمُهِينِ (14) Markiise aan u qaddarnay dhimashada, ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa6, oo markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in haddii ay og yihiin waxa aan muuqan ee qarsoon aanay ku negaadeen cadaab dulleysa |
لَقَدْ كَانَ لِسَبَإٍ فِي مَسْكَنِهِمْ آيَةٌ ۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٍ وَشِمَالٍ ۖ كُلُوا مِن رِّزْقِ رَبِّكُمْ وَاشْكُرُوا لَهُ ۚ بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ وَرَبٌّ غَفُورٌ (15) Dhab ahaan Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ degaankooda gudahi calaamad : labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidixba: Cuna wax ka mid ah risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya, balad wanaagsan iyo Rabbi Dambi Dhaaf Badan |
فَأَعْرَضُوا فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ سَيْلَ الْعَرِمِ وَبَدَّلْنَاهُم بِجَنَّتَيْهِمْ جَنَّتَيْنِ ذَوَاتَيْ أُكُلٍ خَمْطٍ وَأَثْلٍ وَشَيْءٍ مِّن سِدْرٍ قَلِيلٍ (16) Wayse jeesadeen (iyagoo diidaya), markaas baan ku soo dirnay Daad Weyn8 oo rogmadkiisa iyo roorkiisa la joojin karin, oo waxaan ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara miro xun oo qaraar iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah |
ذَٰلِكَ جَزَيْنَاهُم بِمَا كَفَرُوا ۖ وَهَلْ نُجَازِي إِلَّا الْكَفُورَ (17) Sidaas baan ku abaal marinnay gaal- nimadooda darteed; oo miyaan (sidaas oo kale) u abaal marinaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan |
وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ الْقُرَى الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا قُرًى ظَاهِرَةً وَقَدَّرْنَا فِيهَا السَّيْرَ ۖ سِيرُوا فِيهَا لَيَالِيَ وَأَيَّامًا آمِنِينَ (18) Oo Waxaanu yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda9, oo waxaanu qaddarnay socodkooda halkaa10: Ku socdaala habeenno iyo maalmaba idinkoo nabad ah |
فَقَالُوا رَبَّنَا بَاعِدْ بَيْنَ أَسْفَارِنَا وَظَلَمُوا أَنفُسَهُمْ فَجَعَلْنَاهُمْ أَحَادِيثَ وَمَزَّقْنَاهُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ (19) Markaasay waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Kala fogee safarka dhexdayada ah; oo waxay u gefeen nafahooda, markaas baan waxaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn muuqata11. hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan |
وَلَقَدْ صَدَّقَ عَلَيْهِمْ إِبْلِيسُ ظَنَّهُ فَاتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقًا مِّنَ الْمُؤْمِنِينَ (20) Oo dhab ahaan waxaa ku rumoobay Ibliis malihiisii xaggooda13, oo way raaceen14, marka laga reebo koox ka mid ah mu'miniinta |
وَمَا كَانَ لَهُ عَلَيْهِم مِّن سُلْطَانٍ إِلَّا لِنَعْلَمَ مَن يُؤْمِنُ بِالْآخِرَةِ مِمَّنْ هُوَ مِنْهَا فِي شَكٍّ ۗ وَرَبُّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ حَفِيظٌ (21) oo kuma aanu lahayn wax awood ah dushooda, oo wax kalena uma aan yeelin sidaa aan aheyn inay kala caddaato kan isagu rumeysan Aakhirada iyo kan isagu ka shakisan xaggeeda. Oo Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta |
قُلِ ادْعُوا الَّذِينَ زَعَمْتُم مِّن دُونِ اللَّهِ ۖ لَا يَمْلِكُونَ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ فِي السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ وَمَا لَهُمْ فِيهِمَا مِن شِرْكٍ وَمَا لَهُ مِنْهُم مِّن ظَهِيرٍ (22) Dheh: U yeerta kuwa aad sheegtaan (inay ilaah yihiin) Allaah sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama quraanyo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko ah dhexdooda midna, kumana laha dhexdooda wax garab siiya |
وَلَا تَنفَعُ الشَّفَاعَةُ عِندَهُ إِلَّا لِمَنْ أَذِنَ لَهُ ۚ حَتَّىٰ إِذَا فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمْ قَالُوا مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ ۖ قَالُوا الْحَقَّ ۖ وَهُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ (23) Oo shafeeco kuma anfaci doonto agtiisa waxba, mid uu isagu u idmo ma’ahee15. Jeer marka laga faydo cabsida quluubtooda16: waxay odhan doonaan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan doonaan: Xaq. Oo waa Sarreeyaha, aad u Weyn |
۞ قُلْ مَن يَرْزُقُكُم مِّنَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ قُلِ اللَّهُ ۖ وَإِنَّا أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَىٰ هُدًى أَوْ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (24) Dheh: Yaa idinka siiya risiqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Oo hubaal innaga ama idinka mid uun baa xaqiiq hanuunsan ama ku sugan habow muuqda |
قُل لَّا تُسْأَلُونَ عَمَّا أَجْرَمْنَا وَلَا نُسْأَلُ عَمَّا تَعْمَلُونَ (25) Dheh: La idin ma weydiin doono wax ku saabsan dunuubtayada, oo innagana nala ma weydiin doono waxa aad fashaan |
قُلْ يَجْمَعُ بَيْنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفْتَحُ بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَهُوَ الْفَتَّاحُ الْعَلِيمُ (26) Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin doona innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori doonaa si xaq ah. Oo waa Isaga Garsooraha weyn, wax kasta Ogsoon |
قُلْ أَرُونِيَ الَّذِينَ أَلْحَقْتُم بِهِ شُرَكَاءَ ۖ كَلَّا ۚ بَلْ هُوَ اللَّهُ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ (27) Dheh: I tusa kuwa aad la wdaajiseen Isaga shuruko ahaanta, mayee (ma jiraan wax- wax la wadaaga) bal waa Allaah, Adkaadaha sare, Xakiimka ah |
وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا كَافَّةً لِّلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (28) Oo kuuma aanu soo dirin waxaan aheyn xagga dadka oo dhan oo aad u ahaato side warar san oo lagu farxo iyo di- ge, laakiinse dadka badankoodu ma ogsoona |
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (29) Oo waxay odhan doonaan: Goorma baa ballankani (la fulin doonaa) haddii aad tihiin run sheegayaal |
قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوْمٍ لَّا تَسْتَأْخِرُونَ عَنْهُ سَاعَةً وَلَا تَسْتَقْدِمُونَ (30) Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin, aydaan saacad dib u dhigi karin saacadna soo hor marin karin |
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَن نُّؤْمِنَ بِهَٰذَا الْقُرْآنِ وَلَا بِالَّذِي بَيْنَ يَدَيْهِ ۗ وَلَوْ تَرَىٰ إِذِ الظَّالِمُونَ مَوْقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمْ يَرْجِعُ بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ الْقَوْلَ يَقُولُ الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا لَوْلَا أَنتُمْ لَكُنَّا مُؤْمِنِينَ (31) Oo kuwa Xaqa diida waxay yidhaahdaan: Marnaba ma rumeysan doonno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna, haddiise aad arki lahayd marka gar ma qaatayaasha la soo hor joojin doono Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadal- ka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Haddii aydaan jirteen waxaan wallee ahaan laheyn mu’miniin |
قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا لِلَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا أَنَحْنُ صَدَدْنَاكُمْ عَنِ الْهُدَىٰ بَعْدَ إِذْ جَاءَكُم ۖ بَلْ كُنتُم مُّجْرِمِينَ (32) Kuwii isla weynaa waxay ku odhan doonaan kuwii la daciifsaday: Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib marka uu idiin yimid? Mayee’ idinka ( naf ahaantiinna) ayaa ahaa danbiilayaal |
وَقَالَ الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا بَلْ مَكْرُ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ إِذْ تَأْمُرُونَنَا أَن نَّكْفُرَ بِاللَّهِ وَنَجْعَلَ لَهُ أَندَادًا ۚ وَأَسَرُّوا النَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُا الْعَذَابَ وَجَعَلْنَا الْأَغْلَالَ فِي أَعْنَاقِ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ هَلْ يُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (33) Oo kuwii la daciifsaday waxay ku odhan doonaan kuwii isla weynaa: Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Allaah oo u yeello la dhigyo. Oo waxay muujin doonaan qoomamo markay arkaan cadaabta, oo waxaanu qoorta u suri doonnaa mereegyo bir ah kuwa xaqa diiday, Ma lagu abaal marin doono waxaan aheyn waxay camal faleen |
وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتْرَفُوهَا إِنَّا بِمَا أُرْسِلْتُم بِهِ كَافِرُونَ (34) Oo ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu hubaal waxaanu nahay kuwo aan rumeysnayn waxa la idinla soo diray |
وَقَالُوا نَحْنُ أَكْثَرُ أَمْوَالًا وَأَوْلَادًا وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ (35) Oo waxay yidhaahdaan: Innagaa idinka maal iyo carruur badan, oo ma nihin kuwa la cadaabi doono |
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ وَيَقْدِرُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (36) Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), laakiinse dadka badankiisu ma ogsoona |
وَمَا أَمْوَالُكُمْ وَلَا أَوْلَادُكُم بِالَّتِي تُقَرِّبُكُمْ عِندَنَا زُلْفَىٰ إِلَّا مَنْ آمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ لَهُمْ جَزَاءُ الضِّعْفِ بِمَا عَمِلُوا وَهُمْ فِي الْغُرُفَاتِ آمِنُونَ (37) Oo ma aha maalkiinna iyo carruurtiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee ku kastoo rumeysan oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labanlaab ah waxa ay falaan darteed, oo waxay ku sugnaan doonaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada) |
وَالَّذِينَ يَسْعَوْنَ فِي آيَاتِنَا مُعَاجِزِينَ أُولَٰئِكَ فِي الْعَذَابِ مُحْضَرُونَ (38) Oo (ma xagga) kuwa ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga, kuwaas cadaabtaa la soo keeni doonaa |
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ لَهُ ۚ وَمَا أَنفَقْتُم مِّن شَيْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُ ۖ وَهُوَ خَيْرُ الرَّازِقِينَ (39) Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (kii uu doono), oo waxa aad bixisaan oo wuxuun ah, wuu ziyaadiyaa abaal gud ahaan, oo waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda |
وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ يَقُولُ لِلْمَلَائِكَةِ أَهَٰؤُلَاءِ إِيَّاكُمْ كَانُوا يَعْبُدُونَ (40) Oo Maalinta marka uu soo wada kulmin doono iyagoo dhan, markaas uu ku odhan doono malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen |
قَالُوا سُبْحَانَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِم ۖ بَلْ كَانُوا يَعْبُدُونَ الْجِنَّ ۖ أَكْثَرُهُم بِهِم مُّؤْمِنُونَ (41) Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo hufan, Adiga ayaa ah Gargaara- hayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen |
فَالْيَوْمَ لَا يَمْلِكُ بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ نَّفْعًا وَلَا ضَرًّا وَنَقُولُ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا ذُوقُوا عَذَابَ النَّارِ الَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ (42) Marka Maalintaas uma hanan doono midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna, oo waxaanu ku odhan doonnaa kuwaasi ahaa gar ma qaatayaasha: Dhadhamiya Cadaabta Naarta aad beeninayseen |
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ قَالُوا مَا هَٰذَا إِلَّا رَجُلٌ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمْ عَمَّا كَانَ يَعْبُدُ آبَاؤُكُمْ وَقَالُوا مَا هَٰذَا إِلَّا إِفْكٌ مُّفْتَرًى ۚ وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُمْ إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ (43) Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin. Oo Waxay yidhaahdaan: kanu wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Oo kuwa gaalada ahi waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Waxakanu ma aha wax aan ahayn sixir muuqda |
وَمَا آتَيْنَاهُم مِّن كُتُبٍ يَدْرُسُونَهَا ۖ وَمَا أَرْسَلْنَا إِلَيْهِمْ قَبْلَكَ مِن نَّذِيرٍ (44) Oo ma aanu siin iyaga wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, oo uma aanu soo dirin adiga hortaa wax dige ah |
وَكَذَّبَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَمَا بَلَغُوا مِعْشَارَ مَا آتَيْنَاهُمْ فَكَذَّبُوا رُسُلِي ۖ فَكَيْفَ كَانَ نَكِيرِ (45) Oo Kuwii ka horreeyey baa beeniyey (Xaqa), oo kuwan weli ma gaarin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Wayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee mid daran u aheyd muujinta inkaarteydii |
۞ قُلْ إِنَّمَا أَعِظُكُم بِوَاحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَادَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا ۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا نَذِيرٌ لَّكُم بَيْنَ يَدَيْ عَذَابٍ شَدِيدٍ (46) Dheh: waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; waa inaad u kacdaan Allaah Darti labo-labo iyo mid mid18, markaasna aad fekertaan: ma qabo waalli saaxiibkiin, waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh |
قُلْ مَا سَأَلْتُكُم مِّنْ أَجْرٍ فَهُوَ لَكُمْ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى اللَّهِ ۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ (47) Dheh: Wixii aan idin weydiiyoba oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin19. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Allaah oo Keliya. Oo wax walba Isagu waa u Jeedaa |
قُلْ إِنَّ رَبِّي يَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَّامُ الْغُيُوبِ (48) Dheh: Hubaal Rabbigay wuxuu sheegaa Xaqa (oo xumaantuu ku tiraa) waa Ogsoonaha sare ee waxa aan muuqan |
قُلْ جَاءَ الْحَقُّ وَمَا يُبْدِئُ الْبَاطِلُ وَمَا يُعِيدُ (49) Dheh: Xaqu waa yimid, oo Baadilku waa tirtirmi oo dib uma soo laaban doono |
قُلْ إِن ضَلَلْتُ فَإِنَّمَا أَضِلُّ عَلَىٰ نَفْسِي ۖ وَإِنِ اهْتَدَيْتُ فَبِمَا يُوحِي إِلَيَّ رَبِّي ۚ إِنَّهُ سَمِيعٌ قَرِيبٌ (50) Dheh: Haddii aan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. Oo haddii aan raaco tub toosan, waa sababta waxa uu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal Isagu waa wax kasta Maqle, aad u dhow |
وَلَوْ تَرَىٰ إِذْ فَزِعُوا فَلَا فَوْتَ وَأُخِذُوا مِن مَّكَانٍ قَرِيبٍ (51) Oo haddii aad arki lahayd21 marka ay noqon doonaan kuwo qarracansan, ha yeeshee (markaa) mar jiri doonto baxsasho, oo waxaa laga soo qabqaban doonaa meel dhow |
وَقَالُوا آمَنَّا بِهِ وَأَنَّىٰ لَهُمُ التَّنَاوُشُ مِن مَّكَانٍ بَعِيدٍ (52) Oo waxay odhan: Waanu rumaysanna- hay (haatan). Oo sidee bay qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel aad u fog |
وَقَدْ كَفَرُوا بِهِ مِن قَبْلُ ۖ وَيَقْذِفُونَ بِالْغَيْبِ مِن مَّكَانٍ بَعِيدٍ (53) Oo waxay dhab ahaan dafireen kol hore22, oo waxay ka sheegaan male awaallo waxyaalaha aan muuqan xagga meel fog |
وَحِيلَ بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ مَا يَشْتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشْيَاعِهِم مِّن قَبْلُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا فِي شَكٍّ مُّرِيبٍ (54) Oo xannib baa la kala dhex dhigi iyaga iyo waxa ay rabaan24, sidii loo galayba kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh |