طسم (1) Taa Siin Miim |
تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ الْمُبِينِ (2) Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka ka yeela arrimaha caddaan |
لَعَلَّكَ بَاخِعٌ نَّفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ (3) Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed |
إِن نَّشَأْ نُنَزِّلْ عَلَيْهِم مِّنَ السَّمَاءِ آيَةً فَظَلَّتْ أَعْنَاقُهُمْ لَهَا خَاضِعِينَ (4) Haddii aan doonno, Waxaan kaga soo direynaa calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogan lahaayeen |
وَمَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّنَ الرَّحْمَٰنِ مُحْدَثٍ إِلَّا كَانُوا عَنْهُ مُعْرِضِينَ (5) Oo uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka isagoo cusub oo is daba jooga, bal waa kuwii ka jeesada |
فَقَدْ كَذَّبُوا فَسَيَأْتِيهِمْ أَنبَاءُ مَا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ (6) Marka waxay dhabtii beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed wararka waxay ku jees-jeesaan baa dhaqso u imaan doona |
أَوَلَمْ يَرَوْا إِلَى الْأَرْضِ كَمْ أَنبَتْنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوْجٍ كَرِيمٍ (7) Miyeyna arag dhulka,_intee baan nooc kasta oo wanaagsan aan sababnay inuu ku soo baxo |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ (8) Hubaal Waxaa arrinkani ku jira xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona |
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (9) Oo hubaal (Allaah) Rabbigaa xaqiiq waa Awood Badanaha, Naxariista Badan |
وَإِذْ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰ أَنِ ائْتِ الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ (10) Oo waa tii Rabbigaa uu u dhawaaqay Muuse (Isagoo leh): U tag dadkaa gar ma qaatayaasha ah |
قَوْمَ فِرْعَوْنَ ۚ أَلَا يَتَّقُونَ (11) Qoladaa Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Allaah) |
قَالَ رَبِّ إِنِّي أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ (12) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal waxaan ka cabsi qabaa inay i beeniyaan |
وَيَضِيقُ صَدْرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرْسِلْ إِلَىٰ هَارُونَ (13) Oo ay cidhiidhi noqoto laabteydu, oo cod kari waayo carrabkaygu. Ee u dir Haaruun (inuu i caawiyo) |
وَلَهُمْ عَلَيَّ ذَنبٌ فَأَخَافُ أَن يَقْتُلُونِ (14) Oo waxay igu heystaan danbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsi qabaa inay i dilaan |
قَالَ كَلَّا ۖ فَاذْهَبَا بِآيَاتِنَا ۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسْتَمِعُونَ (15) (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal; Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna |
فَأْتِيَا فِرْعَوْنَ فَقُولَا إِنَّا رَسُولُ رَبِّ الْعَالَمِينَ (16) Ee u taga Fircoon oo ku dhaha: “Hubaal innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uunanka |
أَنْ أَرْسِلْ مَعَنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ (17) Ee nagu dar hana raacaane ilmihii Israa’iil |
قَالَ أَلَمْ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدًا وَلَبِثْتَ فِينَا مِنْ عُمُرِكَ سِنِينَ (18) (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? O aad nala joogin sannado badan ka mid ah noloshaada |
وَفَعَلْتَ فَعْلَتَكَ الَّتِي فَعَلْتَ وَأَنتَ مِنَ الْكَافِرِينَ (19) Oo waxaad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin). Oo waxaad adigu ka mid tahay abaal laawayaasha |
قَالَ فَعَلْتُهَا إِذًا وَأَنَا مِنَ الضَّالِّينَ (20) Wuxuu yidhi: “Waan falay haddaba anigoo ka mid ah kuwaa aan wax garanayn |
فَفَرَرْتُ مِنكُمْ لَمَّا خِفْتُكُمْ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكْمًا وَجَعَلَنِي مِنَ الْمُرْسَلِينَ (21) Markaas baan idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey xikmad, oo iga dhigay mid ka mid ah Rususha |
وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنْ عَبَّدتَّ بَنِي إِسْرَائِيلَ (22) Oo taasi ma nicmad baa aad iigu lib-sheegato, adigoo addoonsaday ilmihii Israa’iil |
قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ الْعَالَمِينَ (23) Fircoon wuxuu yidhi: Oo muxuu yahay Rabbiga uunanka |
قَالَ رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ (24) Wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddii aad rumeysaneysaan |
قَالَ لِمَنْ حَوْلَهُ أَلَا تَسْتَمِعُونَ (25) Fircoon wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn |
قَالَ رَبُّكُمْ وَرَبُّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ (26) (Muuse) Wuxuu yidhi:(Allaah) Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore |
قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ الَّذِي أُرْسِلَ إِلَيْكُمْ لَمَجْنُونٌ (27) (Fircoon) wuxuu yidhi3: Hubaal Rasulkiinna la idiin soo diray xaqiiq waa waalan yahay |
قَالَ رَبُّ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ (28) (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddii aad caqli leedihiin |
قَالَ لَئِنِ اتَّخَذْتَ إِلَٰهًا غَيْرِي لَأَجْعَلَنَّكَ مِنَ الْمَسْجُونِينَ (29) (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddii aad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xiran |
قَالَ أَوَلَوْ جِئْتُكَ بِشَيْءٍ مُّبِينٍ (30) (Muuse) wuxuu yidhi: “Ma xitaa haddii aan kuula imaado wax (xujo) cad |
قَالَ فَأْتِ بِهِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ (31) Fircoon wuxuu yidhi: Haddaba la imow, haddii aad ka mid tahay run sheegyada |
فَأَلْقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعْبَانٌ مُّبِينٌ (32) Markaas buu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda |
وَنَزَعَ يَدَهُ فَإِذَا هِيَ بَيْضَاءُ لِلنَّاظِرِينَ (33) Oo wuxuu soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad kuwa eegaya |
قَالَ لِلْمَلَإِ حَوْلَهُ إِنَّ هَٰذَا لَسَاحِرٌ عَلِيمٌ (34) (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: hubaal kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer |
يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُم بِسِحْرِهِ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ (35) Ee raba inuu idiin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa ee maxaad haddaba ku talineysaan |
قَالُوا أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَابْعَثْ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ (36) Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalkiba (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo wax soo kulmiya |
يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٍ (37) Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer |
فَجُمِعَ السَّحَرَةُ لِمِيقَاتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ (38) Markaas baa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan |
وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلْ أَنتُم مُّجْتَمِعُونَ (39) Oo waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan wada jir idinkoo dhammi |
لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ السَّحَرَةَ إِن كَانُوا هُمُ الْغَالِبِينَ (40) Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan |
فَلَمَّا جَاءَ السَّحَرَةُ قَالُوا لِفِرْعَوْنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ الْغَالِبِينَ (41) Oo markii sixiroolayaashii ay yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddii aan annagu adkaanno |
قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ إِذًا لَّمِنَ الْمُقَرَّبِينَ (42) (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, oo hubaal idinku markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwo iga ag dhow |
قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ أَلْقُوا مَا أَنتُم مُّلْقُونَ (43) (Muuse) wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan |
فَأَلْقَوْا حِبَالَهُمْ وَعِصِيَّهُمْ وَقَالُوا بِعِزَّةِ فِرْعَوْنَ إِنَّا لَنَحْنُ الْغَالِبُونَ (44) Markaas bay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii; oo yidhaahdeen: “Waa nagu awoodda Fircoon, waxaan hubaal ahaan doonnaa xaqiiq kuwa adkaan doona |
فَأَلْقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ (45) Markaas buu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen |
فَأُلْقِيَ السَّحَرَةُ سَاجِدِينَ (46) Oo sixiroolayaashii dhulka baa loo riday sujuud darteed |
قَالُوا آمَنَّا بِرَبِّ الْعَالَمِينَ (47) Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeysannahay Rabbiga uunanka |
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَارُونَ (48) Rabbiga Muuse iyo Haaruun |
قَالَ آمَنتُمْ لَهُ قَبْلَ أَنْ آذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ فَلَسَوْفَ تَعْلَمُونَ ۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَافٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ (49) (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumayseen ka hor intii aan idiin idmin; hubaal isagu xaqiiq waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, ee waad ogaan dontaan, hubaal waxaan u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf oo hubaal waan idin daldali doonaa dhammaantiin |
قَالُوا لَا ضَيْرَ ۖ إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ (50) Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Hubaal, Annagu Xagga Rabigayo baan u laabmaynaa |
إِنَّا نَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَايَانَا أَن كُنَّا أَوَّلَ الْمُؤْمِنِينَ (51) Hubaal waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa) |
۞ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنْ أَسْرِ بِعِبَادِي إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ (52) Oo waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idignkoo ku baxaya guuro habeennimo, hubaal waa la idiin soo raaciye |
فَأَرْسَلَ فِرْعَوْنُ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ (53) Markaasuu Fircoon diray ciidammo xagga magaalooyinka gudahood |
إِنَّ هَٰؤُلَاءِ لَشِرْذِمَةٌ قَلِيلُونَ (54) Hubaal kuwani xaqiiq wax koox yar |
وَإِنَّهُمْ لَنَا لَغَائِظُونَ (55) Oo hubaal way na cadho geliyeen |
وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَاذِرُونَ (56) Oo hubaal waxaan innagu dhammaan nahay kuwo had iyo jeer digtoon |
فَأَخْرَجْنَاهُم مِّن جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ (57) Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo |
وَكُنُوزٍ وَمَقَامٍ كَرِيمٍ (58) Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan |
كَذَٰلِكَ وَأَوْرَثْنَاهَا بَنِي إِسْرَائِيلَ (59) Waa sidaase oo waxaan dhaxal siinnay Ilmahii Israa’iil |
فَأَتْبَعُوهُم مُّشْرِقِينَ (60) Markaas bay ka soo daba baxeen goor qorrax soo bax ah |
فَلَمَّا تَرَاءَى الْجَمْعَانِ قَالَ أَصْحَابُ مُوسَىٰ إِنَّا لَمُدْرَكُونَ (61) Markii ay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “hubaal waa layna haleelay” |
قَالَ كَلَّا ۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهْدِينِ (62) (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi doona jid aan ka baxo |
فَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنِ اضْرِب بِّعَصَاكَ الْبَحْرَ ۖ فَانفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرْقٍ كَالطَّوْدِ الْعَظِيمِ (63) Markaas baan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaas bay kala dhanbalantay, oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn |
وَأَزْلَفْنَا ثَمَّ الْآخَرِينَ (64) Oo Waan ku soo dhoweynay, halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon) |
وَأَنجَيْنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُ أَجْمَعِينَ (65) Oo Wxaaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay oo dhan |
ثُمَّ أَغْرَقْنَا الْآخَرِينَ (66) Kaddib waxaan qarqinnay kuwii kale |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ (67) Hubaal waxaa arrinkani ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn doona |
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (68) Oo hubaal, Rabbigaa, xaqiiq waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista badan |
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ إِبْرَاهِيمَ (69) Oo u akhri qisadii Ibraahiim |
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَا تَعْبُدُونَ (70) Waa tii uu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: “Maxaad caabuddaan |
قَالُوا نَعْبُدُ أَصْنَامًا فَنَظَلُّ لَهَا عَاكِفِينَ (71) Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budnaa sanammo, oo aan u nahay daacad |
قَالَ هَلْ يَسْمَعُونَكُمْ إِذْ تَدْعُونَ (72) (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Oo miyey idin maqlaan marka aad baridaan |
أَوْ يَنفَعُونَكُمْ أَوْ يَضُرُّونَ (73) Waxse ma idin taraan ama idin yeelaan |
قَالُوا بَلْ وَجَدْنَا آبَاءَنَا كَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ (74) Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan ka soo gaarnay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya |
قَالَ أَفَرَأَيْتُم مَّا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ (75) (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma u jeeddaan waxa aad soo caabudeyseen |
أَنتُمْ وَآبَاؤُكُمُ الْأَقْدَمُونَ (76) “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba |
فَإِنَّهُمْ عَدُوٌّ لِّي إِلَّا رَبَّ الْعَالَمِينَ (77) Hubaal waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uunanka |
الَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهْدِينِ (78) “Ee i abuuray, haddana i hanuunshay |
وَالَّذِي هُوَ يُطْعِمُنِي وَيَسْقِينِ (79) ‘Oo Waa Isaga Kan I siiya cunto oo i siiya wax aan cabbo |
وَإِذَا مَرِضْتُ فَهُوَ يَشْفِينِ (80) Oo marka aan buko, Isaga baa I bogsiya |
وَالَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحْيِينِ (81) Oo waa Isaga Kan i dhinsiin doona, haddana ii soo nooleyn doona (mar kale) |
وَالَّذِي أَطْمَعُ أَن يَغْفِرَ لِي خَطِيئَتِي يَوْمَ الدِّينِ (82) Oo waa Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta |
رَبِّ هَبْ لِي حُكْمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ (83) Rabbiyow! I sii Xikmad, oo i haleeshii kuwa wanaagsan |
وَاجْعَل لِّي لِسَانَ صِدْقٍ فِي الْآخِرِينَ (84) Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdooda |
وَاجْعَلْنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ النَّعِيمِ (85) Oo iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah |
وَاغْفِرْ لِأَبِي إِنَّهُ كَانَ مِنَ الضَّالِّينَ (86) Oo u dambi dhaaf Aabbahay, hubaal wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsan |
وَلَا تُخْزِنِي يَوْمَ يُبْعَثُونَ (87) Oo ha i dulleyn Maalinta marka la soo la soo bixiyo (dhimasho kaddib) |
يَوْمَ لَا يَنفَعُ مَالٌ وَلَا بَنُونَ (88) Maalinta aysan wax tari doonin maal iyo carruur midna |
إِلَّا مَنْ أَتَى اللَّهَ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ (89) Mid maahe ula yimaada Allaah qalbi ka fayow6 ( shirki, shaki, xumaan, iwm) |
وَأُزْلِفَتِ الْجَنَّةُ لِلْمُتَّقِينَ (90) Oo Jannada waxaa loo soo dhoweyn doonaa kuwa iska jira (xumaha) |
وَبُرِّزَتِ الْجَحِيمُ لِلْغَاوِينَ (91) Oo Naarta waxaa loo muujin doonaa kuwa habowsan |
وَقِيلَ لَهُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَعْبُدُونَ (92) Oo waxaa lagu odhan doonaa: Meeye waxaad caabudi jirteen |
مِن دُونِ اللَّهِ هَلْ يَنصُرُونَكُمْ أَوْ يَنتَصِرُونَ (93) Allaah sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda |
فَكُبْكِبُوا فِيهَا هُمْ وَالْغَاوُونَ (94) Markaas baa waxaa loogu tuuri doonaa wejiweji (Naarta),_iyaga iyo kuwa habowsanba |
وَجُنُودُ إِبْلِيسَ أَجْمَعُونَ (95) Iyo askartii ibliis oo dhanba |
قَالُوا وَهُمْ فِيهَا يَخْتَصِمُونَ (96) Waxay odhan doonaan iyagoo ku mur-maya dhexdeeda (Naarta) |
تَاللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (97) Tallaahi, waxaanu ahayn xaqiiq kuwo ku jira habow aad u muuqda |
إِذْ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ الْعَالَمِينَ (98) Waa tii aan idin la sinnay Rabbiga uunanka |
وَمَا أَضَلَّنَا إِلَّا الْمُجْرِمُونَ (99) Oo cidna aan ka ahayn dambiilayaasha nama aysan lumin |
فَمَا لَنَا مِن شَافِعِينَ (100) Haatan ma lihin wax garab na siiya |
وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٍ (101) Iyo saaxiib run ah midna |
فَلَوْ أَنَّ لَنَا كَرَّةً فَنَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ (102) (Hahe!) Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu’-miniinta |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ (103) Hubaal waxaa arrinkani ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankood kuwo rumayn |
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (104) Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan |
كَذَّبَتْ قَوْمُ نُوحٍ الْمُرْسَلِينَ (105) Dadkii Nuux waxay beeniyeen Rusushii |
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ (106) Waa tii uu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha) |
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ (107) Hubaal anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah |
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ (108) Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ (109) “Oo idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (fidinta Diinta Ilaahay), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka |
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ (110) Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca |
۞ قَالُوا أَنُؤْمِنُ لَكَ وَاتَّبَعَكَ الْأَرْذَلُونَ (111) Waxay yidhaahdeen: Ma adiga baan ku rumaynsannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen |
قَالَ وَمَا عِلْمِي بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (112) Wuxuu yidhi: Oo maxaan ka ogahay waxa ay falaan |
إِنْ حِسَابُهُمْ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّي ۖ لَوْ تَشْعُرُونَ (113) “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddii aad garasho leedihiin |
وَمَا أَنَا بِطَارِدِ الْمُؤْمِنِينَ (114) Oo anigu ma eryayo mu’miniinta |
إِنْ أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ (115) Oo ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad |
قَالُوا لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَا نُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمَرْجُومِينَ (116) Waxay yidhaahdeen: Haddii aad joojin oo aadan ka harin (baaqaagan) Nuuxow! Waxaad hubaal ka mid noqon doontaa xaqiiq kuwa la dhagaxyeeyo (ilaa ay ka dhintaan) |
قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوْمِي كَذَّبُونِ (117) Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Hubaal, dadkaygii waa ay i beeniyeen |
فَافْتَحْ بَيْنِي وَبَيْنَهُمْ فَتْحًا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ (118) Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (caddaalad ah), oo i badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah |
فَأَنجَيْنَاهُ وَمَن مَّعَهُ فِي الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ (119) Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday |
ثُمَّ أَغْرَقْنَا بَعْدُ الْبَاقِينَ (120) Oo waxaan qarqinnay intaas kaddib kuwii haray (gaaladii) |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ (121) Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn |
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (122) Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan |
كَذَّبَتْ عَادٌ الْمُرْسَلِينَ (123) Caad waxay beeniyeen Rusushii |
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ (124) Waa tii uu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha) |
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ (125) Hubaal, Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah |
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ (126) Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ (127) “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah ( Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka |
أَتَبْنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ آيَةً تَعْبَثُونَ (128) Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan |
وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمْ تَخْلُدُونَ (129) Oo sameysataan dhufeyso adag bal inaad waartaan |
وَإِذَا بَطَشْتُم بَطَشْتُمْ جَبَّارِينَ (130) Oo markaad soo qabataan (qof) waxaad u soo qabataan idinkoo jujuubayaal ah |
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ (131) “Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca |
وَاتَّقُوا الَّذِي أَمَدَّكُم بِمَا تَعْلَمُونَ (132) Oo dhowra (Amarrada) Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin |
أَمَدَّكُم بِأَنْعَامٍ وَبَنِينَ (133) Idin siiyey xoolo tiro badan iyo carruur |
وَجَنَّاتٍ وَعُيُونٍ (134) Iyo beero tanaad ah iyo ilo |
إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ (135) Hubaal waxaan idiinka cabsi qabaa (oo digayaa) cadaab Maalin murugo weyn |
قَالُوا سَوَاءٌ عَلَيْنَا أَوَعَظْتَ أَمْ لَمْ تَكُن مِّنَ الْوَاعِظِينَ (136) Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddii aad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya |
إِنْ هَٰذَا إِلَّا خُلُقُ الْأَوَّلِينَ (137) Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay) |
وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ (138) Oo ma nihin kuwo la cadaabayo |
فَكَذَّبُوهُ فَأَهْلَكْنَاهُمْ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ (139) Oo way beeniyeen, markaas baan halaagnay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn |
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (140) Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan |
كَذَّبَتْ ثَمُودُ الْمُرْسَلِينَ (141) Thamuud waxay beenisay Rusushii |
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ صَالِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ (142) Waa tii uu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha) |
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ (143) Waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah |
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ (144) Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ (145) Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka |
أَتُتْرَكُونَ فِي مَا هَاهُنَا آمِنِينَ (146) Ma waxaa la idiinkaga tagayaa idinkoo nabad ah waxa halkaan ah |
فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ (147) Ku sugan beero iyo ilo |
وَزُرُوعٍ وَنَخْلٍ طَلْعُهَا هَضِيمٌ (148) Iyo galley iyo geedo timir fiiddeedu jilicsan yihiin |
وَتَنْحِتُونَ مِنَ الْجِبَالِ بُيُوتًا فَارِهِينَ (149) Oo waxaad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn |
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ (150) Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca |
وَلَا تُطِيعُوا أَمْرَ الْمُسْرِفِينَ (151) Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha |
الَّذِينَ يُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ وَلَا يُصْلِحُونَ (152) Ee ku fala fasahaad arlada oo aan wax hagaajin |
قَالُوا إِنَّمَا أَنتَ مِنَ الْمُسَحَّرِينَ (153) Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran |
مَا أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا فَأْتِ بِآيَةٍ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ (154) Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddii aad run sheegayso |
قَالَ هَٰذِهِ نَاقَةٌ لَّهَا شِرْبٌ وَلَكُمْ شِرْبُ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ (155) (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan |
وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابُ يَوْمٍ عَظِيمٍ (156) Oo ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin murugo weyn |
فَعَقَرُوهَا فَأَصْبَحُوا نَادِمِينَ (157) Waase dileen, markaasay ka shallaayeen |
فَأَخَذَهُمُ الْعَذَابُ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ (158) Markaas baa Cadaab qabtay, hubaal; arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn |
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (159) Oo hubaal, Rabbigaa, waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan |
كَذَّبَتْ قَوْمُ لُوطٍ الْمُرْسَلِينَ (160) Dadkii Luud waxay beeniyeen Rusushii |
إِذْ قَالَ لَهُمْ أَخُوهُمْ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ (161) Waa tii uu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha) |
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ (162) Hubaal waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah |
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ (163) Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ (164) Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga Rabbiga uunanka |
أَتَأْتُونَ الذُّكْرَانَ مِنَ الْعَالَمِينَ (165) Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uunanka |
وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمْ رَبُّكُم مِّنْ أَزْوَاجِكُم ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ عَادُونَ (166) Oo aad ka tagtaan waxa uu Rabbigiin idiin abuuray oo afooyinkiinna ah? Mayee, waxaad tihiin dad xadgudba |
قَالُوا لَئِن لَّمْ تَنتَهِ يَا لُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمُخْرَجِينَ (167) Waxay yidhaahdeen: Haddii aadan joojin Luudow (baaqaagan)! hubaal, Waxaad ka mid noqon doontaa kuwa debedda loo saaro |
قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ الْقَالِينَ (168) (Luud) wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun) |
رَبِّ نَجِّنِي وَأَهْلِي مِمَّا يَعْمَلُونَ (169) Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxa ay falaan |
فَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ أَجْمَعِينَ (170) Markaas baan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan |
إِلَّا عَجُوزًا فِي الْغَابِرِينَ (171) Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal (cadaabta) |
ثُمَّ دَمَّرْنَا الْآخَرِينَ (172) Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale |
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَسَاءَ مَطَرُ الْمُنذَرِينَ (173) Oo Waxaanu ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ (174) Hubaal arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn |
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (175) Oo hubaal, Rabbigaa waa isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan |
كَذَّبَ أَصْحَابُ الْأَيْكَةِ الْمُرْسَلِينَ (176) Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii |
إِذْ قَالَ لَهُمْ شُعَيْبٌ أَلَا تَتَّقُونَ (177) Waa tii uu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (Xumaha) |
إِنِّي لَكُمْ رَسُولٌ أَمِينٌ (178) Hubaal, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah |
فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَطِيعُونِ (179) “Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo I adeeca |
وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۖ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ الْعَالَمِينَ (180) Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Risaalada Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya xagga (Ilaahay) Rabbiga uunanka |
۞ أَوْفُوا الْكَيْلَ وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُخْسِرِينَ (181) Bixiya beeg dhan oo ha ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima |
وَزِنُوا بِالْقِسْطَاسِ الْمُسْتَقِيمِ (182) Oo wax ku miisaama Miisaan toosan |
وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ (183) Oo ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad |
وَاتَّقُوا الَّذِي خَلَقَكُمْ وَالْجِبِلَّةَ الْأَوَّلِينَ (184) Oo iska jira (ciqaabka) Kan idin abuuray idinka iyo uunankii horeba |
قَالُوا إِنَّمَا أَنتَ مِنَ الْمُسَحَّرِينَ (185) Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran |
وَمَا أَنتَ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ الْكَاذِبِينَ (186) Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, oo waxaanu yaqiinsannahay inaad dhabtii ka mid tahay beenlowyada |
فَأَسْقِطْ عَلَيْنَا كِسَفًا مِّنَ السَّمَاءِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ (187) Ee nagu soo rid jab samada ah haddii aad ka mid tahay run sheegyada |
قَالَ رَبِّي أَعْلَمُ بِمَا تَعْمَلُونَ (188) Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxa aad fashaan |
فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمْ عَذَابُ يَوْمِ الظُّلَّةِ ۚ إِنَّهُ كَانَ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ (189) Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, hubaal waxay aheyd cadaab Maalin aad u murugo weyn |
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً ۖ وَمَا كَانَ أَكْثَرُهُم مُّؤْمِنِينَ (190) Hubaal, arrinkani waxaa ku sugan xaqiiq calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn |
وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (191) Oo hubaal, Rabbigaa waa Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan |
وَإِنَّهُ لَتَنزِيلُ رَبِّ الْعَالَمِينَ (192) Oo hubaal, kani (Qur’aankani) waa waxyi ka yimid xagga Rabbiga uunanka |
نَزَلَ بِهِ الرُّوحُ الْأَمِينُ (193) Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) |
عَلَىٰ قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ الْمُنذِرِينَ (194) Qalbigaaga si aad uga mid noqoto Digayaasha |
بِلِسَانٍ عَرَبِيٍّ مُّبِينٍ (195) Isago af Carabi faseex ah |
وَإِنَّهُ لَفِي زُبُرِ الْأَوَّلِينَ (196) Oo hubaal isla midkani xaqiiq wuxuu ku yaal Kutubtii dadkii hore |
أَوَلَمْ يَكُن لَّهُمْ آيَةً أَن يَعْلَمَهُ عُلَمَاءُ بَنِي إِسْرَائِيلَ (197) Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ay og yihiin |
وَلَوْ نَزَّلْنَاهُ عَلَىٰ بَعْضِ الْأَعْجَمِينَ (198) Oo haddii aan u soo waxyoon laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood |
فَقَرَأَهُ عَلَيْهِم مَّا كَانُوا بِهِ مُؤْمِنِينَ (199) Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray |
كَذَٰلِكَ سَلَكْنَاهُ فِي قُلُوبِ الْمُجْرِمِينَ (200) Sidaas baan yeellaa inuu u galo quluubta Dambiilayaasha |
لَا يُؤْمِنُونَ بِهِ حَتَّىٰ يَرَوُا الْعَذَابَ الْأَلِيمَ (201) Ma ay rumayn doonaan jeer ay arkaan cadaabka xanuunka badan |
فَيَأْتِيَهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ (202) Oo ugu imaan doona si kedis ah, iyagoo aan fileyn |
فَيَقُولُوا هَلْ نَحْنُ مُنظَرُونَ (203) Markaas bay waxay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno) |
أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ (204) Ee ma cadaabtayada bay degdegsan |
أَفَرَأَيْتَ إِن مَّتَّعْنَاهُمْ سِنِينَ (205) Ee ka warran, haddii aan u deyno inay raaxeystaan sanooyin |
ثُمَّ جَاءَهُم مَّا كَانُوا يُوعَدُونَ (206) Markaas uu u yimaado waxaa (ciqaabka) loogu gooddiyo |
مَا أَغْنَىٰ عَنْهُم مَّا كَانُوا يُمَتَّعُونَ (207) Waxaa loo daayey inay ku raaxeystaan maxay bal u tari doonaan |
وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ (208) Oo ma jirto magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal |
ذِكْرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَالِمِينَ (209) Si loo waaniyo, oo ma nihin kuwo ku gardarrooda (dadka) |
وَمَا تَنَزَّلَتْ بِهِ الشَّيَاطِينُ (210) Oo Shaydaammada ma ayan keenin15 (Qur’aankan) |
وَمَا يَنبَغِي لَهُمْ وَمَا يَسْتَطِيعُونَ (211) Oo kuma habboona, oo ma leh awood inay isagoo kale keenaan |
إِنَّهُمْ عَنِ السَّمْعِ لَمَعْزُولُونَ (212) Hubaal, waa kuwo xaqiiq laga fogeeyey inay maqalaan isaga |
فَلَا تَدْعُ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ فَتَكُونَ مِنَ الْمُعَذَّبِينَ (213) Ee ha la baryin ilaah kale la jirka Allaah yaadan ka mid noqone kuwa la cadaabayo |
وَأَنذِرْ عَشِيرَتَكَ الْأَقْرَبِينَ (214) Oo u dig xigtadaada kuu sii dhow |
وَاخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ (215) Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta |
فَإِنْ عَصَوْكَ فَقُلْ إِنِّي بَرِيءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ (216) Haddayse ku caasiyaan markaa dheh: Anigu shaqo kuma lihi waxa aad fashaan |
وَتَوَكَّلْ عَلَى الْعَزِيزِ الرَّحِيمِ (217) Oo isku hallee Awood Badanaha, Naxariista Badan |
الَّذِي يَرَاكَ حِينَ تَقُومُ (218) Kan ku arka marka aad kaceyso |
وَتَقَلُّبَكَ فِي السَّاجِدِينَ (219) Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood18 kuwaa u sujuuda (Allaah) |
إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (220) Hubaal, (Allaah) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon |
هَلْ أُنَبِّئُكُمْ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ الشَّيَاطِينُ (221) Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada |
تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٍ (222) Waxay ku soo degaan beenaale kasta, dambiile ah |
يُلْقُونَ السَّمْعَ وَأَكْثَرُهُمْ كَاذِبُونَ (223) Waxay dhigtaan dhegaha19, oo badankoodu waa beenlawyo |
وَالشُّعَرَاءُ يَتَّبِعُهُمُ الْغَاوُونَ (224) Oo ma xagga gabyaayada, kuwaa habowsan baa raaca |
أَلَمْ تَرَ أَنَّهُمْ فِي كُلِّ وَادٍ يَهِيمُونَ (225) Miyaadan arag inay dhex wareegaan iyagoo wareersan tog waliba |
وَأَنَّهُمْ يَقُولُونَ مَا لَا يَفْعَلُونَ (226) Iyo inay yidhaahdaan waxaysan falayn |
إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَذَكَرُوا اللَّهَ كَثِيرًا وَانتَصَرُوا مِن بَعْدِ مَا ظُلِمُوا ۗ وَسَيَعْلَمُ الَّذِينَ ظَلَمُوا أَيَّ مُنقَلَبٍ يَنقَلِبُونَ (227) Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, oo xusa Allaah in badan, oo difaaca nafahooda kaddib marka lagu gardarrooday21. Oo kuwa gefka geysta durba way ogaan doonaan rogmasho noocee ah bay rogmi doonaan |