إِذَا السَّمَاءُ انشَقَّتْ (1) Markay samadu u jeexanto gaballo |
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ (2) Oo adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo |
وَإِذَا الْأَرْضُ مُدَّتْ (3) Oo marka arlada la fidiyo |
وَأَلْقَتْ مَا فِيهَا وَتَخَلَّتْ (4) Oo u soo tuurto debedda waxa ku jira gudaheeda oo ka marnaato |
وَأَذِنَتْ لِرَبِّهَا وَحُقَّتْ (5) Oo ay adeecdo Rabbigeed, oo waa xaq inay adeecdo |
يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ إِنَّكَ كَادِحٌ إِلَىٰ رَبِّكَ كَدْحًا فَمُلَاقِيهِ (6) Qofyahow! Hubaal Waa inaad shaqeyso (si aad u tiigsato) xagga Rabbigaa shaqo adag, jeer aad la kulanto Isaga |
فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ (7) Ma kan isagu lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig |
فَسَوْفَ يُحَاسَبُ حِسَابًا يَسِيرًا (8) Waxaa la xisaabin doonaa xisaab fudud |
وَيَنقَلِبُ إِلَىٰ أَهْلِهِ مَسْرُورًا (9) Oo wuxuu u laaban ehelkiisa isagoo faraxsan |
وَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ وَرَاءَ ظَهْرِهِ (10) Ma kan se isaga laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa |
فَسَوْفَ يَدْعُو ثُبُورًا (11) Wuxuu u yeedhan doonaa hoog |
وَيَصْلَىٰ سَعِيرًا (12) Oo geli doonaa naar hureysa |
إِنَّهُ كَانَ فِي أَهْلِهِ مَسْرُورًا (13) Hubaal wuxuu ahaa mid Ehelkiisa dhexdooda kibirsan |
إِنَّهُ ظَنَّ أَن لَّن يَحُورَ (14) Hubaal wuxuu mooday inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga) |
بَلَىٰ إِنَّ رَبَّهُ كَانَ بِهِ بَصِيرًا (15) Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday |
فَلَا أُقْسِمُ بِالشَّفَقِ (16) Mayee se, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac |
وَاللَّيْلِ وَمَا وَسَقَ (17) Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo |
وَالْقَمَرِ إِذَا اتَّسَقَ (18) Iyo dayaxa marka uu buuxsamo |
لَتَرْكَبُنَّ طَبَقًا عَن طَبَقٍ (19) Waxaad hubaal mari doontaan heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba) |
فَمَا لَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ (20) Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn |
وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ الْقُرْآنُ لَا يَسْجُدُونَ ۩ (21) Oo marka Qur’aanka loo akhriyo ma sujuudaan |
بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا يُكَذِّبُونَ (22) Bal, kuwa gaalooba wayba beeniyaan (Xaqa) |
وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا يُوعُونَ (23) Oo Allaah baa aad u ogsoon waxay qariyaan |
فَبَشِّرْهُم بِعَذَابٍ أَلِيمٍ (24) Ee ugu bishaaree cadaab aad u xanuun badan |
إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ (25) Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeysan oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’i doonin (waa Jannada) |