اقْتَرَبَ لِلنَّاسِ حِسَابُهُمْ وَهُمْ فِي غَفْلَةٍ مُّعْرِضُونَ (1) (Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamaha) baa u soo dhowaada dadka halka iyagu ay dhoohnaan la sii jeedaan |
مَا يَأْتِيهِم مِّن ذِكْرٍ مِّن رَّبِّهِم مُّحْدَثٍ إِلَّا اسْتَمَعُوهُ وَهُمْ يَلْعَبُونَ (2) Ma jiro Xus ( Waxyi) uga yimaado isagoo cusub xagga Rabbbigood, bal waxay dhegaystaan iyagoo iska cayaaraya |
لَاهِيَةً قُلُوبُهُمْ ۗ وَأَسَرُّوا النَّجْوَى الَّذِينَ ظَلَمُوا هَلْ هَٰذَا إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ ۖ أَفَتَأْتُونَ السِّحْرَ وَأَنتُمْ تُبْصِرُونَ (3) Oo qalbiyadoodu ka maan la' yihiin, oo kuwaa fala gefka (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan wada hadalkooda sirta ah (iyagoo leh): Kani (Nabigan) ma wax aan ahayn baa qof idinka oo kale ah ? Ma waxaad aqabaleysaan sixir idinkoo arka |
قَالَ رَبِّي يَعْلَمُ الْقَوْلَ فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ۖ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (4) Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl1 (kasta) (oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arladaba. Oo Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.” |
بَلْ قَالُوا أَضْغَاثُ أَحْلَامٍ بَلِ افْتَرَاهُ بَلْ هُوَ شَاعِرٌ فَلْيَأْتِنَا بِآيَةٍ كَمَا أُرْسِلَ الْأَوَّلُونَ (5) Bal waxay yidhaahdaan: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray! _mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore |
مَا آمَنَتْ قَبْلَهُم مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا ۖ أَفَهُمْ يُؤْمِنُونَ (6) Ma jirin magaalo aan halaagnay oo rumeysey iyaga hortood (inkastoo ay shaahideen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyaga baa rumeyn doona |
وَمَا أَرْسَلْنَا قَبْلَكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِي إِلَيْهِمْ ۖ فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ (7) Oo ma aanu soo dirin hortaa adiga (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn rag aan u waxyoonnay (dhambaalka), ee bal weydiiya ehlu dikirka (Kitaabka) haddii aydaan wax ogeyn |
وَمَا جَعَلْنَاهُمْ جَسَدًا لَّا يَأْكُلُونَ الطَّعَامَ وَمَا كَانُوا خَالِدِينَ (8) Oo uma aan yeelin iyaga (anbiyada) jirar aan cunin cunto2 (sida malaa’igta), oo ma aheyn kuwo aan dhiman oo ku waara (arlada) |
ثُمَّ صَدَقْنَاهُمُ الْوَعْدَ فَأَنجَيْنَاهُمْ وَمَن نَّشَاءُ وَأَهْلَكْنَا الْمُسْرِفِينَ (9) Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay oo waanu badbaadinnay iyaga iyo ciddii aan doonnay oo waxaanu hallignay xad gudbayaashii |
لَقَدْ أَنزَلْنَا إِلَيْكُمْ كِتَابًا فِيهِ ذِكْرُكُمْ ۖ أَفَلَا تَعْقِلُونَ (10) Waxaan xaqiiq idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan3 xuskiinna (sharaftiinna) Ee miyeydaan haddaba garasho lahayn |
وَكَمْ قَصَمْنَا مِن قَرْيَةٍ كَانَتْ ظَالِمَةً وَأَنشَأْنَا بَعْدَهَا قَوْمًا آخَرِينَ (11) Oo intee baan magaalo ay dadkeedu gef galeen baabi’innay4, oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale |
فَلَمَّا أَحَسُّوا بَأْسَنَا إِذَا هُم مِّنْهَا يَرْكُضُونَ (12) Markay dareemeen cadaabkayagii, mise waxay billaabeen inay ka cararaan |
لَا تَرْكُضُوا وَارْجِعُوا إِلَىٰ مَا أُتْرِفْتُمْ فِيهِ وَمَسَاكِنِكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْأَلُونَ (13) Ha cararina (haatan), ee dib ugu soo laabta wixii la idiinku raaxeeyey iyo guryihiinna , si wax la idiin weydiiyo |
قَالُوا يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ (14) Waxay yidhaahdeen: (Alla) balo ha nagu dhacdee! Waxanynu ahayn gar diid |
فَمَا زَالَت تِّلْكَ دَعْوَاهُمْ حَتَّىٰ جَعَلْنَاهُمْ حَصِيدًا خَامِدِينَ (15) Oo calaalcalkoodaas ma ay deyn ilaa aan dabar goynay, oo baqtiyeen (dambas noqdeen) |
وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاءَ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَاعِبِينَ (16) Oo uma aan abuurin samada iyo arlada iyo waxa u dhexeeya dheel |
لَوْ أَرَدْنَا أَن نَّتَّخِذَ لَهْوًا لَّاتَّخَذْنَاهُ مِن لَّدُنَّا إِن كُنَّا فَاعِلِينَ (17) Haddii aan rabno inaan yeelanno madaddaallo6, waxaan hubaal ka yeelan lahayn Xaggayaga, haddii aan sidaas falayno |
بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ وَلَكُمُ الْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ (18) Bal waxaan Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa; oo hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed |
وَلَهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَمَنْ عِندَهُ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِ وَلَا يَسْتَحْسِرُونَ (19) Oo Wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada Isagaa leh; oo kuwa agtiisa jooga ee u dhow (malaa’igta) iskama weyneeyaan cibaadadiisa, oo kama gaabshaan |
يُسَبِّحُونَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ لَا يَفْتُرُونَ (20) Waxay xurmo weyneeyaan oo nazahaan habeen iyo maalinba, oo kama daalaan |
أَمِ اتَّخَذُوا آلِهَةً مِّنَ الْأَرْضِ هُمْ يُنشِرُونَ (21) Mise waxay yeesheen (si ay u caabudaan) ilaahyo dhulka jooga oo wax soo nooleeya |
لَوْ كَانَ فِيهِمَا آلِهَةٌ إِلَّا اللَّهُ لَفَسَدَتَا ۚ فَسُبْحَانَ اللَّهِ رَبِّ الْعَرْشِ عَمَّا يَصِفُونَ (22) Haddii ay ahaan lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Allaah, xaqiiq way fasaadi lahaayeen. Wuu ka ceeb tiran yahay Allaah, Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay u tiirshaan |
لَا يُسْأَلُ عَمَّا يَفْعَلُ وَهُمْ يُسْأَلُونَ (23) Lama weydiiyo waxa uu falo, halka iyaga la weydiin doono |
أَمِ اتَّخَذُوا مِن دُونِهِ آلِهَةً ۖ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ ۖ هَٰذَا ذِكْرُ مَن مَّعِيَ وَذِكْرُ مَن قَبْلِي ۗ بَلْ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْلَمُونَ الْحَقَّ ۖ فَهُم مُّعْرِضُونَ (24) Mise waxay yeesheen Isaga sokadi ilaahyo (kale) ay la barbar caabudaan? Dheh: “Keena Xujadiinna. Kani waa Xuska kuwa ila jooga iyo Xuska kuwii iga horreeyay8. Bal badankoodu ma gartaan Xaqa, marka way ka sii jeestaan |
وَمَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلَّا نُوحِي إِلَيْهِ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنَا فَاعْبُدُونِ (25) Oo ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna oo aan u waxyoon (Annagoo leh), "ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga ahayn, ee i caabuda (Aniga oo keliya).” |
وَقَالُوا اتَّخَذَ الرَّحْمَٰنُ وَلَدًا ۗ سُبْحَانَهُ ۚ بَلْ عِبَادٌ مُّكْرَمُونَ (26) Oo waxay yidhaahdaan: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka ceeb tiran yahay, balse9 waa addoom la sharfay |
لَا يَسْبِقُونَهُ بِالْقَوْلِ وَهُم بِأَمْرِهِ يَعْمَلُونَ (27) Kagama hormaraan hadal, oo amarkiisa uun bay iyagu ku camal falaan |
يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يَشْفَعُونَ إِلَّا لِمَنِ ارْتَضَىٰ وَهُم مِّنْ خَشْيَتِهِ مُشْفِقُونَ (28) Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, oo uma shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee. Oo cabsidiisa bay la xurmo weeyaan |
۞ وَمَن يَقُلْ مِنْهُمْ إِنِّي إِلَٰهٌ مِّن دُونِهِ فَذَٰلِكَ نَجْزِيهِ جَهَنَّمَ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِي الظَّالِمِينَ (29) Oo mid kastoo ka mid ah ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Naar. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa gar ma qaatayaasha |
أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ۖ وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ ۖ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ (30) Oo miyaanay kuwa gaalooba arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, oo Waxaan ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay haddaba rumayn doonin |
وَجَعَلْنَا فِي الْأَرْضِ رَوَاسِيَ أَن تَمِيدَ بِهِمْ وَجَعَلْنَا فِيهَا فِجَاجًا سُبُلًا لَّعَلَّهُمْ يَهْتَدُونَ (31) Oo Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, oo waxaanu yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan |
وَجَعَلْنَا السَّمَاءَ سَقْفًا مَّحْفُوظًا ۖ وَهُمْ عَنْ آيَاتِهَا مُعْرِضُونَ (32) Oo Waxaanu ka dhignay samada saqaf ilaashan. Oo waliba iyagu waa ka jeesadaan calaamadaheeda |
وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ (33) Oo Waa Isaga Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda |
وَمَا جَعَلْنَا لِبَشَرٍ مِّن قَبْلِكَ الْخُلْدَ ۖ أَفَإِن مِّتَّ فَهُمُ الْخَالِدُونَ (34) Oo kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey mid waara. Ee haddaba haddii aad adigu dhimato ma iyaga baa waari doona |
كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَنَبْلُوكُم بِالشَّرِّ وَالْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ (35) Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, oo waxaanu idinku imtixaani doonnaa shar iyo khayrba kala saar darteed, oo Xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa |
وَإِذَا رَآكَ الَّذِينَ كَفَرُوا إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا الَّذِي يَذْكُرُ آلِهَتَكُمْ وَهُم بِذِكْرِ الرَّحْمَٰنِ هُمْ كَافِرُونَ (36) Oo marka ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) ku arkaan, kaama dhigtaan waxaan ahayn dheeldheel (oo waxay yidhaahdaan):” Oo ma kan baa kan wax ka sheega ilaahyadiinna?” Halka iyagu ay diidaan xuska Allaha Raxmaanka ah |
خُلِقَ الْإِنسَانُ مِنْ عَجَلٍ ۚ سَأُرِيكُمْ آيَاتِي فَلَا تَسْتَعْجِلُونِ (37) Waxaa lagu abuuray aadmiga degdeg, waxaan haatan idin tusi doonaa calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo |
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا الْوَعْدُ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (38) Oo waxay odhan: “Goorma bay gooddin- tani dhici doontaa haddii aad tihiin kuwo run sheegi?” |
لَوْ يَعْلَمُ الَّذِينَ كَفَرُوا حِينَ لَا يَكُفُّونَ عَن وُجُوهِهِمُ النَّارَ وَلَا عَن ظُهُورِهِمْ وَلَا هُمْ يُنصَرُونَ (39) Haddii ay kuwa rumeysan diida (Xaqa) uun ogaan lahaayeen (waqtiga) marka aanay kari doonin inay ka ceshaan Naarta wejiyadooda iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaari doonin (ma degdegsadeen Cadaabka) |
بَلْ تَأْتِيهِم بَغْتَةً فَتَبْهَتُهُمْ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ رَدَّهَا وَلَا هُمْ يُنظَرُونَ (40) Bal, waxay ugu iman doontaa kedo, oo way jahawareerin doontaa, marka ma kari doonaan weecinteeda, loomana sugi doono |
وَلَقَدِ اسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبْلِكَ فَحَاقَ بِالَّذِينَ سَخِرُوا مِنْهُم مَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ (41) Oo xaqiiq Rusul (badan) oo kaa horreeyey baa lagu jeesjeesay, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ka mid ahaa ee ku jeesjeesay wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen |
قُلْ مَن يَكْلَؤُكُم بِاللَّيْلِ وَالنَّهَارِ مِنَ الرَّحْمَٰنِ ۗ بَلْ هُمْ عَن ذِكْرِ رَبِّهِم مُّعْرِضُونَ (42) Dheh: “Yaa idinka dhowra habeen iyo maalinba xagga Naxariistaha (Allaah)? Bal, waxay iyagu ka sii jeesadaan xusidda Rabbigood |
أَمْ لَهُمْ آلِهَةٌ تَمْنَعُهُم مِّن دُونِنَا ۚ لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَ أَنفُسِهِمْ وَلَا هُم مِّنَّا يُصْحَبُونَ (43) Mise waxay leeyihiin ilaahyo ka dhicin kara Ciqaabtayada? Ma lahaan doonaan awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana ahaan doonaan kuwo nalaga difaaco innaga |
بَلْ مَتَّعْنَا هَٰؤُلَاءِ وَآبَاءَهُمْ حَتَّىٰ طَالَ عَلَيْهِمُ الْعُمُرُ ۗ أَفَلَا يَرَوْنَ أَنَّا نَأْتِي الْأَرْضَ نَنقُصُهَا مِنْ أَطْرَافِهَا ۚ أَفَهُمُ الْغَالِبُونَ (44) Bal, waxaan u raaxaynay kuwani iyo aabbayaashoodba xitaa cimriga loo dheereeyey (markaasay wax is bideen)11 miyaanay haddaba arag inaan nimaanno arlada oo ka naaqusinno cirifyadiisa? Ee ma iyagaa haddaba adkaan doona |
قُلْ إِنَّمَا أُنذِرُكُم بِالْوَحْيِ ۚ وَلَا يَسْمَعُ الصُّمُّ الدُّعَاءَ إِذَا مَا يُنذَرُونَ (45) Dheh waxaan uun idiinku digayaa waxyi (ka yimid Allaah). Oo kuwa dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa mar kastoo iyaga loo digo |
وَلَئِن مَّسَّتْهُمْ نَفْحَةٌ مِّنْ عَذَابِ رَبِّكَ لَيَقُولُنَّ يَا وَيْلَنَا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ (46) Oo haddii hur ka mid ah cadaabta Rabbigaa uu taaban lahaa, waxay hubaal odhan doonaan: Balo ha nagu dhacdee! Waxaan hubaal ahayn gar ma qaatayaal |
وَنَضَعُ الْمَوَازِينَ الْقِسْطَ لِيَوْمِ الْقِيَامَةِ فَلَا تُظْلَمُ نَفْسٌ شَيْئًا ۖ وَإِن كَانَ مِثْقَالَ حَبَّةٍ مِّنْ خَرْدَلٍ أَتَيْنَا بِهَا ۗ وَكَفَىٰ بِنَا حَاسِبِينَ (47) Oo Waxaanu dhigi doonnaa miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, marka nafna loolama dhaqmi doono si gardarro ah in yarba ha ahaatee, oo haddii ay ku tahay wax le’eg iniinta sisinta (ama wax ka yar ama wax ka weyn) (weliba) waanu keeni doonnaa. Oo Annagaa ku filan inaan idin xisaabinno |
وَلَقَدْ آتَيْنَا مُوسَىٰ وَهَارُونَ الْفُرْقَانَ وَضِيَاءً وَذِكْرًا لِّلْمُتَّقِينَ (48) Oo xaqiiq waxaan siinaay Muuse iyo Haaruun Furqaanka (kala sooce samaanta iyo xumaanta), iyo iftiin iyo waano ay12 leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) |
الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِالْغَيْبِ وَهُم مِّنَ السَّاعَةِ مُشْفِقُونَ (49) Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba), oo iyagu13 aad uga cabsada Saacadda (Qiyaame) |
وَهَٰذَا ذِكْرٌ مُّبَارَكٌ أَنزَلْنَاهُ ۚ أَفَأَنتُمْ لَهُ مُنكِرُونَ (50) Oo kani (Qur'aanku) waa waano barakaysan aan soo waxyoonnay, ee miyaad haddaba diidi doontaan |
۞ وَلَقَدْ آتَيْنَا إِبْرَاهِيمَ رُشْدَهُ مِن قَبْلُ وَكُنَّا بِهِ عَالِمِينَ (51) Oo xaqiiq waxaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka,15 oo Waxaaanu u ogeyn si dhan oo wanaagsan |
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَا هَٰذِهِ التَّمَاثِيلُ الَّتِي أَنتُمْ لَهَا عَاكِفُونَ (52) Markii uu ku yidhi aabbihii iyo dadkiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabuddaan)?” |
قَالُوا وَجَدْنَا آبَاءَنَا لَهَا عَابِدِينَ (53) Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.” |
قَالَ لَقَدْ كُنتُمْ أَنتُمْ وَآبَاؤُكُمْ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (54) Wuxuu yidhi: “Xaqiiq waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow caddaan ah?.” |
قَالُوا أَجِئْتَنَا بِالْحَقِّ أَمْ أَنتَ مِنَ اللَّاعِبِينَ (55) Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noo keentay xaq, mise adigu waxaad ka mid tahay ciyaartoyda?.” |
قَالَ بَل رَّبُّكُمْ رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ الَّذِي فَطَرَهُنَّ وَأَنَا عَلَىٰ ذَٰلِكُم مِّنَ الشَّاهِدِينَ (56) Wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan ifka u soo bixiyey, oo aniga waxaan ka mid ahay kuwa ka markhaati kaca arrinkani |
وَتَاللَّهِ لَأَكِيدَنَّ أَصْنَامَكُم بَعْدَ أَن تُوَلُّوا مُدْبِرِينَ (57) Oo Wallaahi, Waxaan hubaal u degi doonaa qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) sannammadiinna marka aad tagtaan oo dhabarka jeedisaan16?” |
فَجَعَلَهُمْ جُذَاذًا إِلَّا كَبِيرًا لَّهُمْ لَعَلَّهُمْ إِلَيْهِ يَرْجِعُونَ (58) Markaas buu ka dhigay digada (dhammaantood) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u soo noqdaan (oo ay weydiiyaan) |
قَالُوا مَن فَعَلَ هَٰذَا بِآلِهَتِنَا إِنَّهُ لَمِنَ الظَّالِمِينَ (59) Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi hubaal waa mid ka mid ah kuwa gefa?” |
قَالُوا سَمِعْنَا فَتًى يَذْكُرُهُمْ يُقَالُ لَهُ إِبْرَاهِيمُ (60) Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.” |
قَالُوا فَأْتُوا بِهِ عَلَىٰ أَعْيُنِ النَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَشْهَدُونَ (61) Waxay yidhaahdeen: “Haddaba keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan17?.” |
قَالُوا أَأَنتَ فَعَلْتَ هَٰذَا بِآلِهَتِنَا يَا إِبْرَاهِيمُ (62) Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow |
قَالَ بَلْ فَعَلَهُ كَبِيرُهُمْ هَٰذَا فَاسْأَلُوهُمْ إِن كَانُوا يَنطِقُونَ (63) (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Bal ’ waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee bal weydiiya haddii ay hadli karaan!” |
فَرَجَعُوا إِلَىٰ أَنفُسِهِمْ فَقَالُوا إِنَّكُمْ أَنتُمُ الظَّالِمُونَ (64) Markaas bay nafahoodii dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: “hubaal, idinka naf ahaantiinna baa ku jira gef.” |
ثُمَّ نُكِسُوا عَلَىٰ رُءُوسِهِمْ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا هَٰؤُلَاءِ يَنطِقُونَ (65) Markaasaa laga yeelay inay madax hoos u rogtaan18 (oo yidhaahdeen): Waad ogsoon tahay inayan kuwakani hadlin |
قَالَ أَفَتَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكُمْ شَيْئًا وَلَا يَضُرُّكُمْ (66) (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad haddaba caabuddaan Allaah sokadi waxaan waxba idin tarin waxbana idin yeelin |
أُفٍّ لَّكُمْ وَلِمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ ۖ أَفَلَا تَعْقِلُونَ (67) “Uf baad leedihiin idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi. Miyeydaan haddaba garasho lahayn?” |
قَالُوا حَرِّقُوهُ وَانصُرُوا آلِهَتَكُمْ إِن كُنتُمْ فَاعِلِينَ (68) Waxay yidhaahdeen: “Guba isaga oo u gargaara ilaahyadiinna, haddii aad (wax) falaysaan.” |
قُلْنَا يَا نَارُ كُونِي بَرْدًا وَسَلَامًا عَلَىٰ إِبْرَاهِيمَ (69) Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibrahiim!” |
وَأَرَادُوا بِهِ كَيْدًا فَجَعَلْنَاهُمُ الْأَخْسَرِينَ (70) Oo waxay la dooneen shirqool, ha yeeshee waxaan ka yeelnay iyaga kuwa ugu khasaaraha badan |
وَنَجَّيْنَاهُ وَلُوطًا إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا لِلْعَالَمِينَ (71) Oo Waxaan badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii19 aan u barakaynay dadka oo dhan |
وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ نَافِلَةً ۖ وَكُلًّا جَعَلْنَا صَالِحِينَ (72) Oo Waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, oo mid walbaa waxaan ka dhignay dhammaan kuwo wanaagsan |
وَجَعَلْنَاهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا وَأَوْحَيْنَا إِلَيْهِمْ فِعْلَ الْخَيْرَاتِ وَإِقَامَ الصَّلَاةِ وَإِيتَاءَ الزَّكَاةِ ۖ وَكَانُوا لَنَا عَابِدِينَ (73) Oo Waxaanu ka dhignay hoggaami- yeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, oo Waxaanu u waxyoonnay falidda khayraadka, iyo u oogidda salaadda si wanaagsan, iyo bixinta sakada, Oo waxay ahaayeen kuwo Annaga na caabuda |
وَلُوطًا آتَيْنَاهُ حُكْمًا وَعِلْمًا وَنَجَّيْنَاهُ مِنَ الْقَرْيَةِ الَّتِي كَانَت تَّعْمَلُ الْخَبَائِثَ ۗ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمَ سَوْءٍ فَاسِقِينَ (74) Oo (ma) Luud, Waxaanu siinnay Xukun iyo cilmi, oo Waxaanu ka badbaadinnay magaaladii ahayd mid fasha xumaha20. Hubaal waxay ahaayeen qolo xun oo caasiyaal ah |
وَأَدْخَلْنَاهُ فِي رَحْمَتِنَا ۖ إِنَّهُ مِنَ الصَّالِحِينَ (75) Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada, hubaal wuxuu (Luud) ka mid ahaa inta wanaagsan |
وَنُوحًا إِذْ نَادَىٰ مِن قَبْلُ فَاسْتَجَبْنَا لَهُ فَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ (76) Oo Nuux, waa tii uu noo dhawaaqday kol hore21. Markaasaan ka ajiibnay bariyadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (hafintii dadkiisii) |
وَنَصَرْنَاهُ مِنَ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمَ سَوْءٍ فَأَغْرَقْنَاهُمْ أَجْمَعِينَ (77) Oo Waan uga gargaannay dadkii beeniyey Aayadahayaga, hubaal, waxay ahaayeen dad xun, mrkaasaan hafinnay dhammaantood |
وَدَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ إِذْ يَحْكُمَانِ فِي الْحَرْثِ إِذْ نَفَشَتْ فِيهِ غَنَمُ الْقَوْمِ وَكُنَّا لِحُكْمِهِمْ شَاهِدِينَ (78) Oo Daawuud iyo Sulaymaan, markii ay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay adhi dad leeyihiin, oo Waxaanu ka aheyn garsoorkoodii goob joog |
فَفَهَّمْنَاهَا سُلَيْمَانَ ۚ وَكُلًّا آتَيْنَا حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ وَسَخَّرْنَا مَعَ دَاوُودَ الْجِبَالَ يُسَبِّحْنَ وَالطَّيْرَ ۚ وَكُنَّا فَاعِلِينَ (79) Markaasaan fahansiinnay Sulaymaan, mid walbana oo ka mid ah waxaan siinnay xukun iyo cilmi, oo Waxaan ka yeelnay buuraha iyo shimbiraha inay Daawuud la qaadaan Alle amaanka. Oo Waa Annaga kuwa falay22 (waxaasi oo idil) |
وَعَلَّمْنَاهُ صَنْعَةَ لَبُوسٍ لَّكُمْ لِتُحْصِنَكُم مِّن بَأْسِكُمْ ۖ فَهَلْ أَنتُمْ شَاكِرُونَ (80) Oo Waxaanu barnay isaga sameynta jaakado bir ah aad leedihiin idinka si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin haddaba kuwa shurkri naqaya |
وَلِسُلَيْمَانَ الرِّيحَ عَاصِفَةً تَجْرِي بِأَمْرِهِ إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا ۚ وَكُنَّا بِكُلِّ شَيْءٍ عَالِمِينَ (81) Oo (waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabaysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay. Oo Waxaanu nahay kuwo wax walba Ogsoon |
وَمِنَ الشَّيَاطِينِ مَن يَغُوصُونَ لَهُ وَيَعْمَلُونَ عَمَلًا دُونَ ذَٰلِكَ ۖ وَكُنَّا لَهُمْ حَافِظِينَ (82) Oo waxaa ka mid ahaa Shaydaammada (dadka iyo jinkaba leh) kuwo u quusa (badda), oo u fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Oo Waa Annaga kuwa dhowrayey |
۞ وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ (83) Oo Ayyuub, waa tii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh): Dhibaataa igu dhacday, oo Adigu waxaad tahay Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.” |
فَاسْتَجَبْنَا لَهُ فَكَشَفْنَا مَا بِهِ مِن ضُرٍّ ۖ وَآتَيْنَاهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنْ عِندِنَا وَذِكْرَىٰ لِلْعَابِدِينَ (84) Markaasaan ajiibnay, oo Waxaan ka feydnay dhibtii haysey, oo waxaan siinnay ehelkiisii (uu waayey), iyo in le’eg oo wehlisa,_ Naxariis Xaggayaga ah, iyo xusuus ay u ahaato kuwa na caabuda |
وَإِسْمَاعِيلَ وَإِدْرِيسَ وَذَا الْكِفْلِ ۖ كُلٌّ مِّنَ الصَّابِرِينَ (85) Oo Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, giddigood waxay ka mid ahaayeen kuwa samir yeesha |
وَأَدْخَلْنَاهُمْ فِي رَحْمَتِنَا ۖ إِنَّهُم مِّنَ الصَّالِحِينَ (86) Oo Waxaanu dhex gelinnay Naxariistayada. Hubaal waxay ka mid ahaayeen inta wanaagsan |
وَذَا النُّونِ إِذ ذَّهَبَ مُغَاضِبًا فَظَنَّ أَن لَّن نَّقْدِرَ عَلَيْهِ فَنَادَىٰ فِي الظُّلُمَاتِ أَن لَّا إِلَٰهَ إِلَّا أَنتَ سُبْحَانَكَ إِنِّي كُنتُ مِنَ الظَّالِمِينَ (87) Oo (xus) saaxiibkii nibirigu (Yuunus) waa tii uu tegay isagoo (u) cadheysan (dadkii loo diray) 24, oo wuxuu mooday inaanan ku ciriiryi doonin (caloosha nibriga ama aan qabanayn)25! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyada dhexdooda26 (isagoo leh): Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn. Adigaa Ceeb tiran, hubaal waxaan anigu ka mid ahay geflowyada |
فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَنَجَّيْنَاهُ مِنَ الْغَمِّ ۚ وَكَذَٰلِكَ نُنجِي الْمُؤْمِنِينَ (88) Markaasaan ajiibnnay baryadiisii, oo ka badbaadinnay murugadii. Oo sidaas oo kale baan u badbaadinnaa mu’miniinta |
وَزَكَرِيَّا إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ رَبِّ لَا تَذَرْنِي فَرْدًا وَأَنتَ خَيْرُ الْوَارِثِينَ (89) Oo Sakariya, markii uu u dhawaaqday Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! ha igu dhaafin keli, Oo Adigaa u Kheyr roon dhaxlayaasha.” |
فَاسْتَجَبْنَا لَهُ وَوَهَبْنَا لَهُ يَحْيَىٰ وَأَصْلَحْنَا لَهُ زَوْجَهُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَيَدْعُونَنَا رَغَبًا وَرَهَبًا ۖ وَكَانُوا لَنَا خَاشِعِينَ (90) Markaasaan ajiibnay baryadiisii, oo siinnay Yaxyaa, oo u hagaajinnay xaaskiisii. hubaal, waxay iskula tartami jireen sama falka oo noo baryi jireen si rajo iyo cabsiba leh, oo waxay ahaayeen kuwo noo nugul (oo kal san) |
وَالَّتِي أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهَا مِن رُّوحِنَا وَجَعَلْنَاهَا وَابْنَهَا آيَةً لِّلْعَالَمِينَ (91) Iyo tii xafidday jirkeeda (Maryam), markaasaan ku afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (afuufidda) Ruuxayaga (Jibriil), Oo Waxaan uga dhignay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka |
إِنَّ هَٰذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاعْبُدُونِ (92) Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah27, Oo Anigu waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda ( Aniga oo keliya) |
وَتَقَطَّعُوا أَمْرَهُم بَيْنَهُمْ ۖ كُلٌّ إِلَيْنَا رَاجِعُونَ (93) Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda28. Xaggayaga bay giddi u soo wada noqon doonaan |
فَمَن يَعْمَلْ مِنَ الصَّالِحَاتِ وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَا كُفْرَانَ لِسَعْيِهِ وَإِنَّا لَهُ كَاتِبُونَ (94) Ee mid kastoo samo fala isagoo mu’miin ah, lama burin doono ajarka dadaalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa |
وَحَرَامٌ عَلَىٰ قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا أَنَّهُمْ لَا يَرْجِعُونَ (95) Oo Waa wax saaran magaalo kasta aan halaagno inayan dib u soo laaban doonin |
حَتَّىٰ إِذَا فُتِحَتْ يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ وَهُم مِّن كُلِّ حَدَبٍ يَنسِلُونَ (96) Xitaa marka Yuug iyo Yamaayuug laga soo furo (moos xirkii), oo waxay ka soo dhici doonaan taag walba si degdeg ah |
وَاقْتَرَبَ الْوَعْدُ الْحَقُّ فَإِذَا هِيَ شَاخِصَةٌ أَبْصَارُ الَّذِينَ كَفَرُوا يَا وَيْلَنَا قَدْ كُنَّا فِي غَفْلَةٍ مِّنْ هَٰذَا بَلْ كُنَّا ظَالِمِينَ (97) Oo Yabooha Xaqa ah wuu soo dhowaan doonaa. Mise markaa, waxaad arki doontaa indhaha kuwii Xaqa diiday oo dhaygagsan. (Waxay odhan doonaan)” Alla balo ha nagu dhacdee! Hubaal waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani;bal waxaanu aheyn kuwo gefsan |
إِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ حَصَبُ جَهَنَّمَ أَنتُمْ لَهَا وَارِدُونَ (98) Hubaal Idinka iyo waxa aad caabuddaanba Allaah sokadi, waxaad ahaan doontaan shidaalka Naarta, xaggeeda baad idinku geli doontaan |
لَوْ كَانَ هَٰؤُلَاءِ آلِهَةً مَّا وَرَدُوهَا ۖ وَكُلٌّ فِيهَا خَالِدُونَ (99) Haddii ay kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen halkaa (Naarta), oo kulligood waa ay ku waari doonaan |
لَهُمْ فِيهَا زَفِيرٌ وَهُمْ فِيهَا لَا يَسْمَعُونَ (100) Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan |
إِنَّ الَّذِينَ سَبَقَتْ لَهُم مِّنَّا الْحُسْنَىٰ أُولَٰئِكَ عَنْهَا مُبْعَدُونَ (101) Hubaal, (ma) kuwa ay hor u martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda waa laga fogeyn doonaa |
لَا يَسْمَعُونَ حَسِيسَهَا ۖ وَهُمْ فِي مَا اشْتَهَتْ أَنفُسُهُمْ خَالِدُونَ (102) Ma maqli doonaan shanqarteeda, iyagoo ku dhex waari doona wixii ay nafahooda rabaan |
لَا يَحْزُنُهُمُ الْفَزَعُ الْأَكْبَرُ وَتَتَلَقَّاهُمُ الْمَلَائِكَةُ هَٰذَا يَوْمُكُمُ الَّذِي كُنتُمْ تُوعَدُونَ (103) Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamaha) ma murugo gelin doono, oo malaa’iguhu waxay ku soo dhoweyn doonaan (salaan iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay |
يَوْمَ نَطْوِي السَّمَاءَ كَطَيِّ السِّجِلِّ لِلْكُتُبِ ۚ كَمَا بَدَأْنَا أَوَّلَ خَلْقٍ نُّعِيدُهُ ۚ وَعْدًا عَلَيْنَا ۚ إِنَّا كُنَّا فَاعِلِينَ (104) Maalinta aan u duubi doonno samada sida loo duubo waraaqaha waxa lagu qoro, sida aan u billownay abuuriddii hore, baan ku soo celin doonnaa, (waa) ballan aan qaadnay oo na saaran, hubaal waanu fali doonnaa |
وَلَقَدْ كَتَبْنَا فِي الزَّبُورِ مِن بَعْدِ الذِّكْرِ أَنَّ الْأَرْضَ يَرِثُهَا عِبَادِيَ الصَّالِحُونَ (105) Oo xaqiiq Waxaan ku qornay Zabuurka30 (kutubta Ilaahay) kaddib (markii aan horay ugu ) xusnay Dikirka31, in arlada (Jannada) ay dhaxli doonaan addoomahyaga wanaagsan |
إِنَّ فِي هَٰذَا لَبَلَاغًا لِّقَوْمٍ عَابِدِينَ (106) Hubaal, Kan gudahiisa waxaa ugu sugan Gaarsiin cad qolo na caabudda |
وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ (107) Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato caalamka |
قُلْ إِنَّمَا يُوحَىٰ إِلَيَّ أَنَّمَا إِلَٰهُكُمْ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ ۖ فَهَلْ أَنتُم مُّسْلِمُونَ (108) Dheh: Waxaa uun la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay ilaah Keliya, ee ma u hoggaansami doontaanaan?” |
فَإِن تَوَلَّوْا فَقُلْ آذَنتُكُمْ عَلَىٰ سَوَاءٍ ۖ وَإِنْ أَدْرِي أَقَرِيبٌ أَم بَعِيدٌ مَّا تُوعَدُونَ (109) Haddiise ay jeesadaan, ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Oo ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.” |
إِنَّهُ يَعْلَمُ الْجَهْرَ مِنَ الْقَوْلِ وَيَعْلَمُ مَا تَكْتُمُونَ (110) Hubaal Wuxuu Isagu og yahay hadalka kii kor loo qaado, oo wuxuu Og yahay waxa aad qarisaanba |
وَإِنْ أَدْرِي لَعَلَّهُ فِتْنَةٌ لَّكُمْ وَمَتَاعٌ إِلَىٰ حِينٍ (111) Oo ma ogi, waa intaaso ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda ciqaabtu) iyo raaxo ku eg ilaa muddo |
قَالَ رَبِّ احْكُم بِالْحَقِّ ۗ وَرَبُّنَا الرَّحْمَٰنُ الْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ (112) Wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ku xukun xaq. Oo Rabbigayo waa Raxmaanka ee laga kaalmaysto waxa aad sheegtaan |