وَالنَّجْمِ إِذَا هَوَىٰ (1) Waxaan ku dhaartay xiddiga marka uu hoos u soo dhaco |
مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَىٰ (2) Saaxibkiin ma uu gefo, mana habaabo |
وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَىٰ (3) Oo ma ku hadlo hawadiisa |
إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَىٰ (4) Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyoodo |
عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَىٰ (5) Waxaa baray (oo xagga Allaah ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn |
ذُو مِرَّةٍ فَاسْتَوَىٰ (6) Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuraddiisuna dhan tahay (Jabriil) |
وَهُوَ بِالْأُفُقِ الْأَعْلَىٰ (7) Isagoo ah halka ugu sarreysa jihada sare |
ثُمَّ دَنَا فَتَدَلَّىٰ (8) Markaasuu soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday |
فَكَانَ قَابَ قَوْسَيْنِ أَوْ أَدْنَىٰ (9) In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka sii dhowba |
فَأَوْحَىٰ إِلَىٰ عَبْدِهِ مَا أَوْحَىٰ (10) Markaasuu (Allaah) u Waxyooday addoonkiisa4 waxa uu u waxyooday |
مَا كَذَبَ الْفُؤَادُ مَا رَأَىٰ (11) Kama been sheegin Qalbigu wuxuu arkay |
أَفَتُمَارُونَهُ عَلَىٰ مَا يَرَىٰ (12) Ma waxaad haddaba kula murantaan waxa uu arkay |
وَلَقَدْ رَآهُ نَزْلَةً أُخْرَىٰ (13) Oo xaqiiq wuxuu ku arkay (Jabriil) soo degid kale |
عِندَ سِدْرَةِ الْمُنتَهَىٰ (14) Dhammaadka xadka geedka gobka |
عِندَهَا جَنَّةُ الْمَأْوَىٰ (15) Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada |
إِذْ يَغْشَى السِّدْرَةَ مَا يَغْشَىٰ (16) Marka uu daboolay gobka waxa daboolay |
مَا زَاغَ الْبَصَرُ وَمَا طَغَىٰ (17) Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay |
لَقَدْ رَأَىٰ مِنْ آيَاتِ رَبِّهِ الْكُبْرَىٰ (18) Xaqiiq wuxuu wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn |
أَفَرَأَيْتُمُ اللَّاتَ وَالْعُزَّىٰ (19) Ee ma u fiirsateen haddaba Al-Laat iyo Al-Cuzza |
وَمَنَاةَ الثَّالِثَةَ الْأُخْرَىٰ (20) Iyo Manaat, midka seddexaad ee kale |
أَلَكُمُ الذَّكَرُ وَلَهُ الْأُنثَىٰ (21) Ma idinka baase leh labka oo Isagu leeyahay dheddigga |
تِلْكَ إِذًا قِسْمَةٌ ضِيزَىٰ (22) Tanu dhab ahaan waa qayb dulun ah |
إِنْ هِيَ إِلَّا أَسْمَاءٌ سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا أَنزَلَ اللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَمَا تَهْوَى الْأَنفُسُ ۖ وَلَقَدْ جَاءَهُم مِّن رَّبِّهِمُ الْهُدَىٰ (23) Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen,_ idinka iyo aabbayaashiin,_ oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Oo ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, oo xaqiiq waxaa uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan |
أَمْ لِلْإِنسَانِ مَا تَمَنَّىٰ (24) Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleysto |
فَلِلَّهِ الْآخِرَةُ وَالْأُولَىٰ (25) Mayee Allaah baa iska leh tan dambe (Aakhirada)iyo(nolosha)horeba(Adduunka) |
۞ وَكَم مِّن مَّلَكٍ فِي السَّمَاوَاتِ لَا تُغْنِي شَفَاعَتُهُمْ شَيْئًا إِلَّا مِن بَعْدِ أَن يَأْذَنَ اللَّهُ لِمَن يَشَاءُ وَيَرْضَىٰ (26) Oo badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Allaah u idmo maahee ciddii uu doono oo ka Raalli yahay |
إِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ لَيُسَمُّونَ الْمَلَائِكَةَ تَسْمِيَةَ الْأُنثَىٰ (27) Hubaal, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah |
وَمَا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ ۖ وَإِنَّ الظَّنَّ لَا يُغْنِي مِنَ الْحَقِّ شَيْئًا (28) Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, oo hubaal, maluhu waxba kama taro Xaqa |
فَأَعْرِضْ عَن مَّن تَوَلَّىٰ عَن ذِكْرِنَا وَلَمْ يُرِدْ إِلَّا الْحَيَاةَ الدُّنْيَا (29) Ee iskaga jeeso kan ka jeesta Xuskayaga oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka |
ذَٰلِكَ مَبْلَغُهُم مِّنَ الْعِلْمِ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اهْتَدَىٰ (30) Kaasi waa inta uu gaaray garaadkooda aqooneed. hubaal, Rabbigaa aad buu u Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, oo wuxuu aad u Ogsoon yahay kan hanuunsan |
وَلِلَّهِ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ لِيَجْزِيَ الَّذِينَ أَسَاءُوا بِمَا عَمِلُوا وَيَجْزِيَ الَّذِينَ أَحْسَنُوا بِالْحُسْنَى (31) Oo Allaah baa iska leh waxaa jira samooyinka iyo waxa jira arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxa ay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta waxa wax u wanaagsan |
الَّذِينَ يَجْتَنِبُونَ كَبَائِرَ الْإِثْمِ وَالْفَوَاحِشَ إِلَّا اللَّمَمَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ وَاسِعُ الْمَغْفِرَةِ ۚ هُوَ أَعْلَمُ بِكُمْ إِذْ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَإِذْ أَنتُمْ أَجِنَّةٌ فِي بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ ۖ فَلَا تُزَكُّوا أَنفُسَكُمْ ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنِ اتَّقَىٰ (32) Kuwa ka fogaada dambiyada waaweyn iyo foolxumooyinka, waxaan ahayn waxa ku soo dhaca maanankooda, _hubaal, Rabbigaa waa mid leh dambi dhaaf ballaaran. Wuxuu idiin yaqaan si fiican, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku tihiin jiif uurarka hooyooyinkiin, ee ha ku ammaanina daahirnimo nafahiinna, wuxuu u Og yahay si fiican kan ka dhowrsada (xumaha) |
أَفَرَأَيْتَ الَّذِي تَوَلَّىٰ (33) Ee ma aragtay haddaba kan isagu jeediya dhabarkiisa |
وَأَعْطَىٰ قَلِيلًا وَأَكْدَىٰ (34) Oo bixiya wax yar7, oo misna ma suuga |
أَعِندَهُ عِلْمُ الْغَيْبِ فَهُوَ يَرَىٰ (35) Ma wuxuu hayaa cilmiga waxa aan muuqan, oo isagu arkaa |
أَمْ لَمْ يُنَبَّأْ بِمَا فِي صُحُفِ مُوسَىٰ (36) Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse |
وَإِبْرَاهِيمَ الَّذِي وَفَّىٰ (37) Iyo Ibraahiim ee oofiyey (amarradii Ilaahay) |
أَلَّا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ (38) Inuusan qof culaab xambaarsan (denbi) uu qaadi doonin culaabta (denbiga) qof kale |
وَأَن لَّيْسَ لِلْإِنسَانِ إِلَّا مَا سَعَىٰ (39) Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn waxa uu ku dadaalo |
وَأَنَّ سَعْيَهُ سَوْفَ يُرَىٰ (40) Iyo in dadaalkiisa durba la arki doono |
ثُمَّ يُجْزَاهُ الْجَزَاءَ الْأَوْفَىٰ (41) Markaas looga abaal marin doono si dhan abaalmarin kaamil ah |
وَأَنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الْمُنتَهَىٰ (42) Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay halka arrin kasta loo celiyo |
وَأَنَّهُ هُوَ أَضْحَكَ وَأَبْكَىٰ (43) Iyo inuu Isagu yahay Kan ka qosliya (dadka) oo ka oohiya |
وَأَنَّهُ هُوَ أَمَاتَ وَأَحْيَا (44) Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan sababa dhimashada oo bixiya nolol |
وَأَنَّهُ خَلَقَ الزَّوْجَيْنِ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ (45) Iyo inuu Isagu abuuray lammaanka, labka iyo dheddigga |
مِن نُّطْفَةٍ إِذَا تُمْنَىٰ (46) Ka abuuray mino nool marka la shubo |
وَأَنَّ عَلَيْهِ النَّشْأَةَ الْأُخْرَىٰ (47) Iyo inay Isaga (Alle) saaran tahay soo celinta kale |
وَأَنَّهُ هُوَ أَغْنَىٰ وَأَقْنَىٰ (48) Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Kan hodmiya (qofka) ama Ka dhiga sabool |
وَأَنَّهُ هُوَ رَبُّ الشِّعْرَىٰ (49) Iyo inuu Isagu (Alle) yahay Rabbiga xiddiga Shicra |
وَأَنَّهُ أَهْلَكَ عَادًا الْأُولَىٰ (50) Iyo inuu rogay (reer) Caadkii hore |
وَثَمُودَ فَمَا أَبْقَىٰ (51) Iyo Thamuudba, waxna kama reebin |
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا هُمْ أَظْلَمَ وَأَطْغَىٰ (52) Iyo qolodii Nuux awal hore; hubaal waxay ahaayeen kuwo gardarro iyo qooq badan |
وَالْمُؤْتَفِكَةَ أَهْوَىٰ (53) Iyo magaalooyinkii la dabageddiyey uu soo riday |
فَغَشَّاهَا مَا غَشَّىٰ (54) Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay |
فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكَ تَتَمَارَىٰ (55) Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodi doontaan oo ka shaki qabtaan |
هَٰذَا نَذِيرٌ مِّنَ النُّذُرِ الْأُولَىٰ (56) Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore |
أَزِفَتِ الْآزِفَةُ (57) Dhacdada dhow (Qiyaamaha) intaas way soo dhowaataa |
لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ اللَّهِ كَاشِفَةٌ (58) Ma jiri doono Allaah ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda) |
أَفَمِنْ هَٰذَا الْحَدِيثِ تَعْجَبُونَ (59) Ee ma waxaad haddaba la yaabban tihiin warkani |
وَتَضْحَكُونَ وَلَا تَبْكُونَ (60) Oo ku qosli oo aydaan ooyeyn |
وَأَنتُمْ سَامِدُونَ (61) Idinkoo iska haasaawaya |
فَاسْجُدُوا لِلَّهِ وَاعْبُدُوا ۩ (62) Ee u sujuuda Allaah, oo caabuda |