سَبِّحِ اسْمَ رَبِّكَ الْأَعْلَى (1) Xurmo weynee oo huf Magaca Rabbigaa, aad u Sarreeya |
الَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ (2) Kan abuuray (uunka), ee hagaajiyey |
وَالَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ (3) Oo ah Kan wax kasta qaddaray, markaa ku hagay (qaddarkiisa) |
وَالَّذِي أَخْرَجَ الْمَرْعَىٰ (4) Oo ah Kan soo saara daaqa |
فَجَعَلَهُ غُثَاءً أَحْوَىٰ (5) Oo misna ka dhiga xaabo madow |
سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰ (6) Waxaan kaa yeeli doonnaa inaad akhrido (Qur’aanka) mana illaawi doontid |
إِلَّا مَا شَاءَ اللَّهُ ۚ إِنَّهُ يَعْلَمُ الْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ (7) Wuxuu Allaah doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba |
وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ (8) Oo Waxaanu kuu fududeyn midda sahlan (Islaamka) |
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ الذِّكْرَىٰ (9) Ee waani, markay waanadu wax tari |
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ (10) Kan isagu baqa baa ku waano qaadan |
وَيَتَجَنَّبُهَا الْأَشْقَى (11) Oo kan khayr laawaha ah baa ka fogaan (waanada) |
الَّذِي يَصْلَى النَّارَ الْكُبْرَىٰ (12) Kaasoo geli doona Naar aad u weyn |
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ (13) Markaa dhexdeeda kuma noolaan doono, mana ku dhiman doono |
قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ (14) Waxaa dhab ahaan liibaani qofka daahiriya naftiisa |
وَذَكَرَ اسْمَ رَبِّهِ فَصَلَّىٰ (15) Oo xurmo weyneeya Magaca Rabbigi oo salaadda tukada |
بَلْ تُؤْثِرُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا (16) Balse waxaad door biddaan nolosha adduunkan |
وَالْآخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰ (17) Aakhirada baase khayr badan oo daa’insan |
إِنَّ هَٰذَا لَفِي الصُّحُفِ الْأُولَىٰ (18) Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore |
صُحُفِ إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَىٰ (19) Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse |