الر ۚ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ لِتُخْرِجَ النَّاسَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ بِإِذْنِ رَبِّهِمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْعَزِيزِ الْحَمِيدِ (1) Alif Laam Raa1. (Kani waa) kitaab aan kuugu soo dejinnay (waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka si idanka Rabbigood ah – xagga Jidka Adkaadaha sare, ee la ammaano |
اللَّهِ الَّذِي لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ وَوَيْلٌ لِّلْكَافِرِينَ مِنْ عَذَابٍ شَدِيدٍ (2) Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Oo hoog waxaa leh gaalada xagga Cadaab Darani darteed |
الَّذِينَ يَسْتَحِبُّونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا عَلَى الْآخِرَةِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا ۚ أُولَٰئِكَ فِي ضَلَالٍ بَعِيدٍ (3) Kuwa jecel nolosha adduunkan in ka badan Aakhirada, oo ka leexda Jidka Ilaahay oo doona inay ka yeelaan mid qalloocan, kuwaanu waxay ku sugan yihiin habow aad u fog |
وَمَا أَرْسَلْنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوْمِهِ لِيُبَيِّنَ لَهُمْ ۖ فَيُضِلُّ اللَّهُ مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ (4) Oo kuma soo dirin Rasuulna waxaan aheyn afka qolodiisa si uu ugu faahfaahiyo si caddaan ah2; markaasuu Allaah midka uu doono habaabiyaa3, oo hanuuniyaa kan uu doono, oo Waa Isaga Adkaadaha sare, Falka sanoo Xakiimka ah |
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مُوسَىٰ بِآيَاتِنَا أَنْ أَخْرِجْ قَوْمَكَ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ وَذَكِّرْهُم بِأَيَّامِ اللَّهِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ (5) Oo xaqiiq Waxaan la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, oo xusuusi Ayaamaha Ilaahay4. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan |
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ اذْكُرُوا نِعْمَةَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ أَنجَاكُم مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوءَ الْعَذَابِ وَيُذَبِّحُونَ أَبْنَاءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَاءَكُمْ ۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَاءٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌ (6) Oo waa tii uu Muuse ku yidhi qolodiisa: Xusuusta Nicmadda Ilaahay idin siiyey, waa tii uu idinka badbaadshay reer Fircoon ee idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, oo gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna, oo (arrin)kani waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah, aad u weyn |
وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكُمْ لَئِن شَكَرْتُمْ لَأَزِيدَنَّكُمْ ۖ وَلَئِن كَفَرْتُمْ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٌ (7) Oo waa tii Rabbigiin ka yeelay wax la og yahay oo caddaan ah: Haddii aad mahad naqdaan, hubaal waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddiise aad gaalowdaan, hubaal Cadaabtaydu waa mid aad u Daran |
وَقَالَ مُوسَىٰ إِن تَكْفُرُوا أَنتُمْ وَمَن فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا فَإِنَّ اللَّهَ لَغَنِيٌّ حَمِيدٌ (8) Oo Muuse wuxuu yidhi: Haddii aad gaalowdaan idinka iyo kuwaa jooga arlada oo dhan, hubaal Allaah waa Hodan Deeqtoon, la Ammaano |
أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَبَأُ الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ ۛ وَالَّذِينَ مِن بَعْدِهِمْ ۛ لَا يَعْلَمُهُمْ إِلَّا اللَّهُ ۚ جَاءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَرَدُّوا أَيْدِيَهُمْ فِي أَفْوَاهِهِمْ وَقَالُوا إِنَّا كَفَرْنَا بِمَا أُرْسِلْتُم بِهِ وَإِنَّا لَفِي شَكٍّ مِّمَّا تَدْعُونَنَا إِلَيْهِ مُرِيبٍ (9) Oo miyaanay idin soo gaarin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux iyo Caad iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey Cidi ma oga iyaga aan ahayn Allaah. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda5 oo yidhaahdeen: Hubaal innagu ma aaminsanin waxaa la idinla soo diray, oo hubaal innagu waxaanu ka qabnaa shaki waxaad noogu baaqdaan |
۞ قَالَتْ رُسُلُهُمْ أَفِي اللَّهِ شَكٌّ فَاطِرِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ يَدْعُوكُمْ لِيَغْفِرَ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرَكُمْ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ قَالُوا إِنْ أَنتُمْ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُنَا تُرِيدُونَ أَن تَصُدُّونَا عَمَّا كَانَ يَعْبُدُ آبَاؤُنَا فَأْتُونَا بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ (10) Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Oo ma waxaa jira shaki ku saabsan Allaah, Abuuraha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhaa inuu idinka dhaafo dambiyadiinna oo idin siiyo fursad ilaa muddo magacaaban ah. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaa- shayo, Ee noo keena wuxuun awood muuqata ah |
قَالَتْ لَهُمْ رُسُلُهُمْ إِن نَّحْنُ إِلَّا بَشَرٌ مِّثْلُكُمْ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ ۖ وَمَا كَانَ لَنَا أَن نَّأْتِيَكُم بِسُلْطَانٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ (11) Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, laakiinse Allaah wuxuu ku manneystaa (Fadligiisa) cidda uu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Oo ma aha wax noo yaal innaga inaan idiin keenno awood inuu Allaah Idmo maahee. Oo Allaah uun waa inay mu’miniintu isku halleeyaan |
وَمَا لَنَا أَلَّا نَتَوَكَّلَ عَلَى اللَّهِ وَقَدْ هَدَانَا سُبُلَنَا ۚ وَلَنَصْبِرَنَّ عَلَىٰ مَا آذَيْتُمُونَا ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُتَوَكِّلُونَ (12) Oo maxaan ugu kalsoonaan weynay Allaah? Isagoo runtii nagu hanuuniyey jidadkayaga (san), oo hubaal waan u samreynaa dhibta aad noo geysataan, Oo Allaah uun ha isku halleeyaan kuwa isku halleeya |
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِرُسُلِهِمْ لَنُخْرِجَنَّكُم مِّنْ أَرْضِنَا أَوْ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَا ۖ فَأَوْحَىٰ إِلَيْهِمْ رَبُّهُمْ لَنُهْلِكَنَّ الظَّالِمِينَ (13) Oo kuwii xaqa diiday waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu hubaal idinka saari doonnaa dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqon doontaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Wallee waanu halaagi gar ma qaatayaasha |
وَلَنُسْكِنَنَّكُمُ الْأَرْضَ مِن بَعْدِهِمْ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَافَ مَقَامِي وَخَافَ وَعِيدِ (14) Oo hubaal Waxaanu idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga |
وَاسْتَفْتَحُوا وَخَابَ كُلُّ جَبَّارٍ عَنِيدٍ (15) Oo waxay dalbeen gargaar, oo waxaa hoogay isla weyne kasta oo macangag madax adag ah |
مِّن وَرَائِهِ جَهَنَّمُ وَيُسْقَىٰ مِن مَّاءٍ صَدِيدٍ (16) Naar baa ka horreysa, oo waxaa laga waraabin biyo carow ah |
يَتَجَرَّعُهُ وَلَا يَكَادُ يُسِيغُهُ وَيَأْتِيهِ الْمَوْتُ مِن كُلِّ مَكَانٍ وَمَا هُوَ بِمَيِّتٍ ۖ وَمِن وَرَائِهِ عَذَابٌ غَلِيظٌ (17) Wuxuu u cabbi in yar in yar oo ma kari doono inuu liqo oo ka degaan, oo dhimashadu waxay uga imaan meel walba, mase dhiman doono, oo waxaa horti ah Cadaab aad u Qallafsan |
مَّثَلُ الَّذِينَ كَفَرُوا بِرَبِّهِمْ ۖ أَعْمَالُهُمْ كَرَمَادٍ اشْتَدَّتْ بِهِ الرِّيحُ فِي يَوْمٍ عَاصِفٍ ۖ لَّا يَقْدِرُونَ مِمَّا كَسَبُوا عَلَىٰ شَيْءٍ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الضَّلَالُ الْبَعِيدُ (18) Mataalka kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas oo kale oo ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabayl xumi dhaceyso, uma lahaan doonaan awood inay ka helaan waxba ka mid ah waxay kasbadeen.Kani waa habowga fog |
أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ ۚ إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَأْتِ بِخَلْقٍ جَدِيدٍ (19) Miyaadan arkayn inuu Allaah ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Haddii uu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub |
وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى اللَّهِ بِعَزِيزٍ (20) Oo arrinkani kuma adka Allaah |
وَبَرَزُوا لِلَّهِ جَمِيعًا فَقَالَ الضُّعَفَاءُ لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنتُم مُّغْنُونَ عَنَّا مِنْ عَذَابِ اللَّهِ مِن شَيْءٍ ۚ قَالُوا لَوْ هَدَانَا اللَّهُ لَهَدَيْنَاكُمْ ۖ سَوَاءٌ عَلَيْنَا أَجَزِعْنَا أَمْ صَبَرْنَا مَا لَنَا مِن مَّحِيصٍ (21) Oo waxay iyagoo dhammi iman doonaan Allaah horti, markaasay kuwii ducafada ahaa ku odhan kuwii isla weynaa: hubaal waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tari kartaan wax ka mid ah Cadaabta Ilaahay? Waxay odhan: Haddii uu Allaah na hanuunin lahaa, innaguna sidoo kale waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddii aan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo |
وَقَالَ الشَّيْطَانُ لَمَّا قُضِيَ الْأَمْرُ إِنَّ اللَّهَ وَعَدَكُمْ وَعْدَ الْحَقِّ وَوَعَدتُّكُمْ فَأَخْلَفْتُكُمْ ۖ وَمَا كَانَ لِيَ عَلَيْكُم مِّن سُلْطَانٍ إِلَّا أَن دَعَوْتُكُمْ فَاسْتَجَبْتُمْ لِي ۖ فَلَا تَلُومُونِي وَلُومُوا أَنفُسَكُم ۖ مَّا أَنَا بِمُصْرِخِكُمْ وَمَا أَنتُم بِمُصْرِخِيَّ ۖ إِنِّي كَفَرْتُ بِمَا أَشْرَكْتُمُونِ مِن قَبْلُ ۗ إِنَّ الظَّالِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ (22) Oo shaydaanku wuxuu odhan doonaa marka Arrinka la xukumo: hubaal Allaah wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, oo Anigu sidoo kale waan idiin qaaday ballamo (been ah), markaasaan idiinka baxay. Oo kuma laheyn awood dushiinna, waase idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna7. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Hubaal Anigu diiday ila wadaajintiinna cibaadada Allaah awal hore. hubaal waa gar ma qaatayaasha kuwa mudan doona Cadaab aad u Xanuun Badan |
وَأُدْخِلَ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِمْ ۖ تَحِيَّتُهُمْ فِيهَا سَلَامٌ (23) Oo kuwa rumeysan oo samaha fala Waxaa laga yeeli doonaa inay galaan Beero hostooda ay webiyo qulqulaan, _iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, Salaantooda dhexdeeda waa, Nabad |
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ ضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا كَلِمَةً طَيِّبَةً كَشَجَرَةٍ طَيِّبَةٍ أَصْلُهَا ثَابِتٌ وَفَرْعُهَا فِي السَّمَاءِ (24) Ma waadan u fiirsan sida Allaah ugu soo qaato mataal Kelmedda Wanaagsani inay la mid tahay geed wanaagsan oo asalkiisu dhidban yahay, oo laamihiisu kor samada jiraan |
تُؤْتِي أُكُلَهَا كُلَّ حِينٍ بِإِذْنِ رَبِّهَا ۗ وَيَضْرِبُ اللَّهُ الْأَمْثَالَ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ (25) Ku soo saarta midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Oo Allaah wuxuu u soo qaadaa mataallo dadka bal inay waantoobaan |
وَمَثَلُ كَلِمَةٍ خَبِيثَةٍ كَشَجَرَةٍ خَبِيثَةٍ اجْتُثَّتْ مِن فَوْقِ الْأَرْضِ مَا لَهَا مِن قَرَارٍ (26) Oo mataalka Kelmedda xun waa sida geed xun8 oo laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan |
يُثَبِّتُ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا بِالْقَوْلِ الثَّابِتِ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَفِي الْآخِرَةِ ۖ وَيُضِلُّ اللَّهُ الظَّالِمِينَ ۚ وَيَفْعَلُ اللَّهُ مَا يَشَاءُ (27) Allaah Wuxuu waafajiyaa kuwa rumeysan kelmedda sugan9 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba10. Oo Allaah wuxuu lumiyaa gar ma qaatayaasha. Oo Allaah wuxuu falaa wixii uu doono |
۞ أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ بَدَّلُوا نِعْمَتَ اللَّهِ كُفْرًا وَأَحَلُّوا قَوْمَهُمْ دَارَ الْبَوَارِ (28) Ma waadan arag kuwa ku doorsaday Nicmadda Ilaahay abaal dhac11, oo ka yee- lay dadkoodii inay degaan daarta halaagga |
جَهَنَّمَ يَصْلَوْنَهَا ۖ وَبِئْسَ الْقَرَارُ (29) Naar bay gali doonaan. Oo u xun meel lagu sal yeesho |
وَجَعَلُوا لِلَّهِ أَندَادًا لِّيُضِلُّوا عَن سَبِيلِهِ ۗ قُلْ تَمَتَّعُوا فَإِنَّ مَصِيرَكُمْ إِلَى النَّارِ (30) Oo waxay u yeelaan shariigyo Allaah si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Hubaal Aayihiinnu waa xagga Naarta |
قُل لِّعِبَادِيَ الَّذِينَ آمَنُوا يُقِيمُوا الصَّلَاةَ وَيُنفِقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ يَوْمٌ لَّا بَيْعٌ فِيهِ وَلَا خِلَالٌ (31) Ku dheh addoommahayga rumeysan, inay hagaajiyaan tukashada salaadda, oo bixiyaan wax ka mid ah waxa aan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jiri doonin ganacsi iyo saaxiibnimo midna |
اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَأَنزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجَ بِهِ مِنَ الثَّمَرَاتِ رِزْقًا لَّكُمْ ۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ الْفُلْكَ لِتَجْرِيَ فِي الْبَحْرِ بِأَمْرِهِ ۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ الْأَنْهَارَ (32) Allaah waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada oo ka soo dejiya biyo daruuraha, oo ku soo saara midho risiq idiin ah, oo Wuxuu idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, oo idiin sakhiray webiyada |
وَسَخَّرَ لَكُمُ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ دَائِبَيْنِ ۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ (33) Oo Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; oo wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta |
وَآتَاكُم مِّن كُلِّ مَا سَأَلْتُمُوهُ ۚ وَإِن تَعُدُّوا نِعْمَتَ اللَّهِ لَا تُحْصُوهَا ۗ إِنَّ الْإِنسَانَ لَظَلُومٌ كَفَّارٌ (34) Oo Wuxuu idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan12, oo haddii aad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma kari doontaan inaad tiro koobtaan. hubaal Aadmigu waa dulmilow, abaal laawe ah |
وَإِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ رَبِّ اجْعَلْ هَٰذَا الْبَلَدَ آمِنًا وَاجْنُبْنِي وَبَنِيَّ أَن نَّعْبُدَ الْأَصْنَامَ (35) Oo waa tii uu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, oo iga dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan cabudno sanammo |
رَبِّ إِنَّهُنَّ أَضْلَلْنَ كَثِيرًا مِّنَ النَّاسِ ۖ فَمَن تَبِعَنِي فَإِنَّهُ مِنِّي ۖ وَمَنْ عَصَانِي فَإِنَّكَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (36) Rabbiyow! Hubaal waxay lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee mid kastoo i raaca, aniga buu hubaal iga mid yahay; mid kastoo se igu caasiya,_ Adiga baa hubaal ah Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan |
رَّبَّنَا إِنِّي أَسْكَنتُ مِن ذُرِّيَّتِي بِوَادٍ غَيْرِ ذِي زَرْعٍ عِندَ بَيْتِكَ الْمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُوا الصَّلَاةَ فَاجْعَلْ أَفْئِدَةً مِّنَ النَّاسِ تَهْوِي إِلَيْهِمْ وَارْزُقْهُم مِّنَ الثَّمَرَاتِ لَعَلَّهُمْ يَشْكُرُونَ (37) Rabbiyow! Hubaal waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn, oo beydkaaga Xurmadda leh agtiis ah; Rabbiyow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho bal inay mahad naqaan |
رَبَّنَا إِنَّكَ تَعْلَمُ مَا نُخْفِي وَمَا نُعْلِنُ ۗ وَمَا يَخْفَىٰ عَلَى اللَّهِ مِن شَيْءٍ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ (38) Rabbiyow! Hubaal waxaad adigu ogtahay waxa aan qarinno iyo waxa aan muujinnaba.Oo kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah |
الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي وَهَبَ لِي عَلَى الْكِبَرِ إِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ ۚ إِنَّ رَبِّي لَسَمِيعُ الدُّعَاءِ (39) Ammaan idilkeed mahadi wehliso waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. hubaal Rabbigay xaqiiq waa Maqlaha baryada |
رَبِّ اجْعَلْنِي مُقِيمَ الصَّلَاةِ وَمِن ذُرِّيَّتِي ۚ رَبَّنَا وَتَقَبَّلْ دُعَاءِ (40) Rabbiyow! Iga yeel mid si fiican u ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbiyow! Oo iga aqbal baryada |
رَبَّنَا اغْفِرْ لِي وَلِوَالِدَيَّ وَلِلْمُؤْمِنِينَ يَوْمَ يَقُومُ الْحِسَابُ (41) Rabbiyow! Ii dambi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici doonto Xisaabtu |
وَلَا تَحْسَبَنَّ اللَّهَ غَافِلًا عَمَّا يَعْمَلُ الظَّالِمُونَ ۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمْ لِيَوْمٍ تَشْخَصُ فِيهِ الْأَبْصَارُ (42) Oo ha moodin in Allaah moog yahay waxa ay falaan gar ma qaatayaashu, ee Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay indhahu taagmi doonaan |
مُهْطِعِينَ مُقْنِعِي رُءُوسِهِمْ لَا يَرْتَدُّ إِلَيْهِمْ طَرْفُهُمْ ۖ وَأَفْئِدَتُهُمْ هَوَاءٌ (43) Iyagoo horay u degdegaya, madaxyadoodu kor u taagan yihiin13, indhahoodu u soo noqoneyn xaggoooda, oo quluubtoodu maran yihiin |
وَأَنذِرِ النَّاسَ يَوْمَ يَأْتِيهِمُ الْعَذَابُ فَيَقُولُ الَّذِينَ ظَلَمُوا رَبَّنَا أَخِّرْنَا إِلَىٰ أَجَلٍ قَرِيبٍ نُّجِبْ دَعْوَتَكَ وَنَتَّبِعِ الرُّسُلَ ۗ أَوَلَمْ تَكُونُوا أَقْسَمْتُم مِّن قَبْلُ مَا لَكُم مِّن زَوَالٍ (44) Oo uga dig dadka Maalinta ay u iman doonto cadaabtu, markaas kuwii ahaa gar ma qaatayaasha waxay odhan: Rabbigayow! In yar dib noo dhig, (markaas) waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan adduunka ka tegi doonin |
وَسَكَنتُمْ فِي مَسَاكِنِ الَّذِينَ ظَلَمُوا أَنفُسَهُمْ وَتَبَيَّنَ لَكُمْ كَيْفَ فَعَلْنَا بِهِمْ وَضَرَبْنَا لَكُمُ الْأَمْثَالَ (45) Oo waxaad degteen guryihii kuwii ku gar darrooday nafahooda, oo waa idiin caddahay sidii aan u galnay. Oo Waxaan idiinka dhignay tusaalooyin |
وَقَدْ مَكَرُوا مَكْرَهُمْ وَعِندَ اللَّهِ مَكْرُهُمْ وَإِن كَانَ مَكْرُهُمْ لِتَزُولَ مِنْهُ الْجِبَالُ (46) Oo waxay dhab ahaan qorsheeyeen qorshahooda xun, qorshahooda xun se waxaa (ka war) hayay Allaah, inkastoo qorshahoodu xun ahaa mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu |
فَلَا تَحْسَبَنَّ اللَّهَ مُخْلِفَ وَعْدِهِ رُسُلَهُ ۗ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ ذُو انتِقَامٍ (47) Ee marnaba ha moodin inuu Allaah uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Allaah waa Adkaade sare, Aar gudasho leh |
يَوْمَ تُبَدَّلُ الْأَرْضُ غَيْرَ الْأَرْضِ وَالسَّمَاوَاتُ ۖ وَبَرَزُوا لِلَّهِ الْوَاحِدِ الْقَهَّارِ (48) Maalinta marka arlada loo beddeli doono arlo kale iyo samooyinkaba, oo waxaa la hor keeni doonaa Allaah, Waaxidka, Awoodda sare leh |
وَتَرَى الْمُجْرِمِينَ يَوْمَئِذٍ مُّقَرَّنِينَ فِي الْأَصْفَادِ (49) Oo waxaad arki Dambiilayaasha Maalintaas oo iskula xir-xiran silsilado |
سَرَابِيلُهُم مِّن قَطِرَانٍ وَتَغْشَىٰ وُجُوهَهُمُ النَّارُ (50) Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur, oo dabku daboolayo wajiyadooda |
لِيَجْزِيَ اللَّهُ كُلَّ نَفْسٍ مَّا كَسَبَتْ ۚ إِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ (51) Si uu Allaah uga abaal mariyo naf walbaa waxa ay kasbatay. hubaal Allaah waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta |
هَٰذَا بَلَاغٌ لِّلنَّاسِ وَلِيُنذَرُوا بِهِ وَلِيَعْلَمُوا أَنَّمَا هُوَ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ وَلِيَذَّكَّرَ أُولُو الْأَلْبَابِ (52) Kani (Dhambaalkani) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan inuu yahay Ilaah Keliya, iyo inay ku waana qaataan waxgaradku |