| وَالنَّازِعَاتِ غَرْقًا (1) Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha dambiilayaasha
 | 
| وَالنَّاشِطَاتِ نَشْطًا (2) Oo waa igu kuwaa sida fudud u qaada (nafaha mu’miniinta)
 | 
| وَالسَّابِحَاتِ سَبْحًا (3) Oo waa igu kuwaa ku dabaasha hawada sare dabaalasho
 | 
| فَالسَّابِقَاتِ سَبْقًا (4) Misna kuwaa hormaray ee horay u socda
 | 
| فَالْمُدَبِّرَاتِ أَمْرًا (5) Misna kuwaa isku duwa arrin (walba)
 | 
| يَوْمَ تَرْجُفُ الرَّاجِفَةُ (6) Maalinta ay gilgilatadu gilgilan doonto
 | 
| تَتْبَعُهَا الرَّادِفَةُ (7) Oo ay raaci doonto tan xigta
 | 
| قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ (8) Quluub Maalintaas way gariiri
 | 
| أَبْصَارُهَا خَاشِعَةٌ (9) Indhahoodu rogan yihiin
 | 
| يَقُولُونَ أَإِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِي الْحَافِرَةِ (10) Waxay (hadda) leeyihiin: Ma waxaa xaqiiq naloo soo celin doonaa xaaladdayadii hore (ee nolosha)
 | 
| أَإِذَا كُنَّا عِظَامًا نَّخِرَةً (11) Ma xitaa markaan noqonno lafo bololay
 | 
| قَالُوا تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ (12) Waxay yidhaahdaan: Taasi haddaba waxay ahaaneysaa noqosho khasaaro leh
 | 
| فَإِنَّمَا هِيَ زَجْرَةٌ وَاحِدَةٌ (13) Xaqiiq waxay ahaan hal Qeylo uun
 | 
| فَإِذَا هُم بِالسَّاهِرَةِ (14) Mise, markaa waxay ahaan doonaan (kuwo baraarugsan) dhulka guudkiisa
 | 
| هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ مُوسَىٰ (15) Miyuu ku soo gaaray warkii Muuse
 | 
| إِذْ نَادَاهُ رَبُّهُ بِالْوَادِ الْمُقَدَّسِ طُوًى (16) Markuu Rabbigi uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwaa
 | 
| اذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَىٰ (17) Aad Fircoon, xaqiiq, wuu xadgudbay
 | 
| فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰ أَن تَزَكَّىٰ (18) Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad daahiriso naftaada
 | 
| وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ (19) Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa, si aad uga baqdo
 | 
| فَأَرَاهُ الْآيَةَ الْكُبْرَىٰ (20) Oo wuxuu tusay Calaamddii Weyneyd
 | 
| فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ (21) Wuuse diiday (Xaqa) oo caasiyey
 | 
| ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ (22) Markaasuu dib u jeestay isagoo dadaal ku jira
 | 
| فَحَشَرَ فَنَادَىٰ (23) Oo soo kulmiyey (dadkiisii), oo kor u dhawaaqay
 | 
| فَقَالَ أَنَا رَبُّكُمُ الْأَعْلَىٰ (24) Oo yidhi: Waa Aniga rabbigiin, sarreeya
 | 
| فَأَخَذَهُ اللَّهُ نَكَالَ الْآخِرَةِ وَالْأُولَىٰ (25) Markaasuu Allaah ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe iyo tii hore darteed
 | 
| إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰ (26) Hubaal (arrin)kani waxaa ugu sugan cibrad (digniin)mid kastoo ka cabsada Alle
 | 
| أَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ السَّمَاءُ ۚ بَنَاهَا (27) Ma idinka baa adag in la idin abuuro, mise samada, waa uu dhisay
 | 
| رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّاهَا (28) Wuxuu kor u qaaday saqafkeeda, oo simay
 | 
| وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَاهَا (29) Oo wuxuu ka yeelay mugdi habeenkee- da, oo soo saaray iftiinkeeda
 | 
| وَالْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَاهَا (30) Oo markaa kaddib wuxuu fidshay arlada
 | 
| أَخْرَجَ مِنْهَا مَاءَهَا وَمَرْعَاهَا (31) Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda
 | 
| وَالْجِبَالَ أَرْسَاهَا (32) Oo buuraha, waa uu dhidbay
 | 
| مَتَاعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَامِكُمْ (33) Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba
 | 
| فَإِذَا جَاءَتِ الطَّامَّةُ الْكُبْرَىٰ (34) Markase ay timaaddo musiibada weyni
 | 
| يَوْمَ يَتَذَكَّرُ الْإِنسَانُ مَا سَعَىٰ (35) Maalinta uu Aadmigu xusuusan wuxuu dadaal ku bixiyey
 | 
| وَبُرِّزَتِ الْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ (36) Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya
 | 
| فَأَمَّا مَن طَغَىٰ (37) Ee ma qofka isagu xad gudba
 | 
| وَآثَرَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا (38) Oo door bida nolosha adduunkan
 | 
| فَإِنَّ الْجَحِيمَ هِيَ الْمَأْوَىٰ (39) Hubaal, Naarta waa hoygiisa
 | 
| وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ (40) Ma kan se ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta u iilasho (xun)
 | 
| فَإِنَّ الْجَنَّةَ هِيَ الْمَأْوَىٰ (41) Hubaal Jannada- waa hoygiisa
 | 
| يَسْأَلُونَكَ عَنِ السَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَاهَا (42) Waxay wax kaa weydiiyaan (Muxammadow) Saacadda (Qiyaame), waa goorma goortay dhaceyso
 | 
| فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَاهَا (43) Ma adiga baa (cilmi) u leh aad ku sheegto
 | 
| إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَاهَا (44) Waa xagga Rabbigaa halka ay ku dhammaan (ogaanshaheeda)
 | 
| إِنَّمَا أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَاهَا (45) Waxaad uun tahay u dige kuwa ka baqa
 | 
| كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَاهَا (46) Maalinta ay arkayaan, waxay ahaan sida inaysan ku negaaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed
 |