وَاللَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ (1) Waxaan ku dhaartay habeenka marka uu soo rogo daaha |
وَالنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ (2) Iyo maalinta marka ay iftiinto |
وَمَا خَلَقَ الذَّكَرَ وَالْأُنثَىٰ (3) Iyo abuurista labka iyo dheddigga |
إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ (4) Dadaalkiinna hubaal waa kala ujeeddo duwan yahay |
فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَاتَّقَىٰ (5) Ee ma kan isagu wax bixiya oo ka dhowrsada xumaanta |
وَصَدَّقَ بِالْحُسْنَىٰ (6) Oo rumeeya Tan aad u fiican (Jannada) |
فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْيُسْرَىٰ (7) Waxaan u fududeyn doonaa jidka fudud (Islaamka) |
وَأَمَّا مَن بَخِلَ وَاسْتَغْنَىٰ (8) Ma kan se isagu bakheylka ah oo isu arka mid deeqtoon |
وَكَذَّبَ بِالْحُسْنَىٰ (9) Oo beeniya tan aad u fiican (Jannada) |
فَسَنُيَسِّرُهُ لِلْعُسْرَىٰ (10) Waxaan u fududeyn doonnaa tan adag (Naarta) |
وَمَا يُغْنِي عَنْهُ مَالُهُ إِذَا تَرَدَّىٰ (11) Oo muxuu maalkiisu u tari marka uu halaagsamo |
إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ (12) Hubaal waa xil na saaran inaan tusinno jidka (toosan) |
وَإِنَّ لَنَا لَلْآخِرَةَ وَالْأُولَىٰ (13) (Oo hubaal Annaga baa leh tan dambe Aakhirada) iyo tan horeba (adduunka) |
فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًا تَلَظَّىٰ (14) Ee waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa |
لَا يَصْلَاهَا إِلَّا الْأَشْقَى (15) Ma uu galayo waxaan ahayn hoogaha |
الَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ (16) Ee (Xaqa) beeniya oo dhabarka u jeediya |
وَسَيُجَنَّبُهَا الْأَتْقَى (17) Oo waxaa laga fogeyn doonaa (Naarta) kan ka dhowrsada xumaha |
الَّذِي يُؤْتِي مَالَهُ يَتَزَكَّىٰ (18) Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo |
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَىٰ (19) Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal oo laga sugayo inuu gudo |
إِلَّا ابْتِغَاءَ وَجْهِ رَبِّهِ الْأَعْلَىٰ (20) Aan ahayn doonista Wejiga Rabbigi, ee aad u Sarreeya |
وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ (21) Oo dhowaan wuu raalli noqon doonaa |