| هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْغَاشِيَةِ (1) Mawuusan kuu iman warka dabooshada
 | 
| وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَاشِعَةٌ (2) Wejiyo (qaar) maalintaas waxay ahaan kuwo dulleysan
 | 
| عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ (3) Howlan, aad u daallan
 | 
| تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً (4) Waxay Geli Naar aad u kulul
 | 
| تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ آنِيَةٍ (5) Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa
 | 
| لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ (6) Ma laha wax cunto ah qodxo maahee
 | 
| لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِي مِن جُوعٍ (7) Kaasoo aan wax cayilin, gaajona wax ka tarin
 | 
| وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ (8) Wejiyo (kale) Maalintaas, waxay ahaan kuwo nicmeysan
 | 
| لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ (9) Raalli ah dadaalkoodii darti
 | 
| فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ (10) Ku jira Beer sare gudaheed
 | 
| لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَاغِيَةً (11) Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah
 | 
| فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ (12) Dhexdeeda waxaa ah il socota
 | 
| فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ (13) Dhexdeeda waxaa ah sariirro la kor yeelay
 | 
| وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ (14) Iyo koobab diyaar laga dhigay
 | 
| وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ (15) Iyo barkimooyin la safay
 | 
| وَزَرَابِيُّ مَبْثُوثَةٌ (16) Iyo gogollo la fidshey
 | 
| أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى الْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ (17) Mawaysan haddaba eegin geela, sida loo abuuray
 | 
| وَإِلَى السَّمَاءِ كَيْفَ رُفِعَتْ (18) Iyo cirka, sida loo kor yeelay
 | 
| وَإِلَى الْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ (19) Iyo buuraha, sida loo dhidbay
 | 
| وَإِلَى الْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ (20) Iyo dhulka, sida loo fidiyey
 | 
| فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنتَ مُذَكِّرٌ (21) Ee wax waani, waayo waxaad adigu uun tahay waaniye
 | 
| لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ (22) Ma tihid mid qasab ku leh ee ilaaliya
 | 
| إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ (23) Kii kastoo se dhabarka jeediya oo gaalooba
 | 
| فَيُعَذِّبُهُ اللَّهُ الْعَذَابَ الْأَكْبَرَ (24) Wuxuu Allaah ku cadaabi cadaab aad u weyn
 | 
| إِنَّ إِلَيْنَا إِيَابَهُمْ (25) Xaqiiq waa Xaggayaga meel noqodkoodu
 | 
| ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم (26) Markaas hubaal Annaga bay na saaran tahay xisaabintooda
 |