وَالذَّارِيَاتِ ذَرْوًا (1) Waxaan ku dhaartay (dabeylaha) ku fida meel fog oo ballaaran |
فَالْحَامِلَاتِ وِقْرًا (2) Haddana (duruurahaa) xambaarsan culayska (roobka) |
فَالْجَارِيَاتِ يُسْرًا (3) Haddana (doon)yahaa sida fudud u socda |
فَالْمُقَسِّمَاتِ أَمْرًا (4) Haddana kuwaa (malaa’igta) ku qaybiya (risiqa, roobka, iwm) Amarkeenna |
إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَصَادِقٌ (5) Waxa la idiinku gooddiyey hubaal waa xaqiiq dhab ah |
وَإِنَّ الدِّينَ لَوَاقِعٌ (6) Oo xaqiiq abaal marintu waa la hubaa inay dhaceyso |
وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْحُبُكِ (7) Waxaan ku dhaartay samada waddooyinka badan leh |
إِنَّكُمْ لَفِي قَوْلٍ مُّخْتَلِفٍ (8) Hubaal waxaad idinku kaga sugan tihiin hadal kala duwan |
يُؤْفَكُ عَنْهُ مَنْ أُفِكَ (9) Waxaa laga duwaa kan isaga iska duwa |
قُتِلَ الْخَرَّاصُونَ (10) Nacladi ha ku dhacdo beenalayaasha |
الَّذِينَ هُمْ فِي غَمْرَةٍ سَاهُونَ (11) Kuwa ku sugan guluf (colaadeed) ee iyagu maahsan |
يَسْأَلُونَ أَيَّانَ يَوْمُ الدِّينِ (12) Waxay weydiiyaan: Waa goorma Maalinta Abaal marintu |
يَوْمَ هُمْ عَلَى النَّارِ يُفْتَنُونَ (13) Waa Maalin Naarta lagu jarribi doono |
ذُوقُوا فِتْنَتَكُمْ هَٰذَا الَّذِي كُنتُم بِهِ تَسْتَعْجِلُونَ (14) Dhadhamiya caddibiddiina. Kanu waa waxaad degdegsanayseen |
إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَعُيُونٍ (15) Hubaal, Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan doonaan Beero iyo ilo |
آخِذِينَ مَا آتَاهُمْ رَبُّهُمْ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَبْلَ ذَٰلِكَ مُحْسِنِينَ (16) Iyagoo qaadanaya waxa uu Rabbigood siiyey. Hubaal waxay ahaayeen ka hor (arrin)kaasi sama falayaal |
كَانُوا قَلِيلًا مِّنَ اللَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ (17) Waxay seexan jireen in yar habeenkii |
وَبِالْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ (18) Oo waqtiyada suxuurta waxay weydiisanayeen dambi dhaaf |
وَفِي أَمْوَالِهِمْ حَقٌّ لِّلسَّائِلِ وَالْمَحْرُومِ (19) Oo maalkooda waxaa ahaa qayb uu ku leeyahay weydiistaha iyo kaan wax heysan |
وَفِي الْأَرْضِ آيَاتٌ لِّلْمُوقِنِينَ (20) Oo dhulka waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa leh yaqiin |
وَفِي أَنفُسِكُمْ ۚ أَفَلَا تُبْصِرُونَ (21) Iyo nafahiinna (sidoo kale), ee mawaydaan haddaba arkeyn |
وَفِي السَّمَاءِ رِزْقُكُمْ وَمَا تُوعَدُونَ (22) Oo samada bay jirtaa risiqiinna iyo waxa la idiin yaboohay |
فَوَرَبِّ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ إِنَّهُ لَحَقٌّ مِّثْلَ مَا أَنَّكُمْ تَنطِقُونَ (23) Ee waa igu Rabbiga samada iyo arlada, waa la hubaayoo Xaq weeye, sida aad u hadashaanba |
هَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ ضَيْفِ إِبْرَاهِيمَ الْمُكْرَمِينَ (24) Ma kuu yimid warka martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd |
إِذْ دَخَلُوا عَلَيْهِ فَقَالُوا سَلَامًا ۖ قَالَ سَلَامٌ قَوْمٌ مُّنكَرُونَ (25) Waa tii ay u soo galeen, oo yidhaahdeen: waa nabad, wuxuu yidhi: nabad. (waxaad tihiin) qolo aan la garaneyn |
فَرَاغَ إِلَىٰ أَهْلِهِ فَجَاءَ بِعِجْلٍ سَمِينٍ (26) Markaasuu u laabtay dhinac xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan |
فَقَرَّبَهُ إِلَيْهِمْ قَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ (27) Oo u soo dhoweeyey (isagoo leh): Mawaydaan cunayn |
فَأَوْجَسَ مِنْهُمْ خِيفَةً ۖ قَالُوا لَا تَخَفْ ۖ وَبَشَّرُوهُ بِغُلَامٍ عَلِيمٍ (28) Markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah. Waxay yidhaahdeen: Ha cabsan, oo waxay ugu bishaareeyeen wiil aqoon leh |
فَأَقْبَلَتِ امْرَأَتُهُ فِي صَرَّةٍ فَصَكَّتْ وَجْهَهَا وَقَالَتْ عَجُوزٌ عَقِيمٌ (29) Markaas bay soo aadday haweeneydiisii iyadoo yaabban, oo iska dharbaaxday wejigeeda, oo tidhi: Ma habar ma dhasho ah oo duqowday |
قَالُوا كَذَٰلِكِ قَالَ رَبُّكِ ۖ إِنَّهُ هُوَ الْحَكِيمُ الْعَلِيمُ (30) Waxay yidhaahdeen: Sidaas buu leeyahay Rabbigaa. Hubaal, waa Isaga Xakiimka ,Wax kasta Ogaha ah |
۞ قَالَ فَمَا خَطْبُكُمْ أَيُّهَا الْمُرْسَلُونَ (31) Wuxuu yidhi: Muxuu haddaba xaalkiinnu yahay kuwayahow la soo diray |
قَالُوا إِنَّا أُرْسِلْنَا إِلَىٰ قَوْمٍ مُّجْرِمِينَ (32) Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaa naloo soo diray qolo dambiilayaal ah |
لِنُرْسِلَ عَلَيْهِمْ حِجَارَةً مِّن طِينٍ (33) Si aan ugu soo dirno korkooda dhagaxyo dhoobo ah |
مُّسَوَّمَةً عِندَ رَبِّكَ لِلْمُسْرِفِينَ (34) Looga soo calaameeyey xagga Rabbigaa xadgudbayaasha |
فَأَخْرَجْنَا مَن كَانَ فِيهَا مِنَ الْمُؤْمِنِينَ (35) Markaas baan ka soo bixinnay halkaa wixii ku jiray ee mu’miniin ah |
فَمَا وَجَدْنَا فِيهَا غَيْرَ بَيْتٍ مِّنَ الْمُسْلِمِينَ (36) Kamase aanu helin gudaheeda wax aan aheyn hal guri oo muslimiin ah |
وَتَرَكْنَا فِيهَا آيَةً لِّلَّذِينَ يَخَافُونَ الْعَذَابَ الْأَلِيمَ (37) Oo waxaan uga tagnay halkaa Calaamo5 kuwa ka cabsada cadaabta xanuunka badan |
وَفِي مُوسَىٰ إِذْ أَرْسَلْنَاهُ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ (38) Oo Muuse (calaamad baa ku sugan), markaan u dirnay Fircoon isagoo wata Xujo Cad |
فَتَوَلَّىٰ بِرُكْنِهِ وَقَالَ سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ (39) Wuuse jeestay isagoo ay la jiraan ciidammadiisii oo yidhi: Waa saaxir ama nin waalan |
فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ وَهُوَ مُلِيمٌ (40) Markaas baan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo xoog ugu tuurnay badda isagoo eedeysan |
وَفِي عَادٍ إِذْ أَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ الرِّيحَ الْعَقِيمَ (41) Oo Caad (waxaa ku sugan calaamo), markaan ku dirnay dabayl wax halaagta |
مَا تَذَرُ مِن شَيْءٍ أَتَتْ عَلَيْهِ إِلَّا جَعَلَتْهُ كَالرَّمِيمِ (42) Wax kama tegin ay ku timid inay ka dhigtay maahee digada oo kale |
وَفِي ثَمُودَ إِذْ قِيلَ لَهُمْ تَمَتَّعُوا حَتَّىٰ حِينٍ (43) Oo Thamuud (calaamaa ku sugan), markii lagu yidhi: Raaxeysta in muddo yar ah |
فَعَتَوْا عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ فَأَخَذَتْهُمُ الصَّاعِقَةُ وَهُمْ يَنظُرُونَ (44) Waxayse ka madax adeygeen Amarka Rabbigood, markaasaa waxaa qabtay danab xoog leh iyagoo arkayey |
فَمَا اسْتَطَاعُوا مِن قِيَامٍ وَمَا كَانُوا مُنتَصِرِينَ (45) Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin |
وَقَوْمَ نُوحٍ مِّن قَبْلُ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ (46) Oo qolodii Nuux iyaga hortood (waxaa ku sugan calaamo), hubaal waxay ahaayeen qolo caasiyaal ah |
وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ (47) Oo samada waxaan ku dhisnay awood Oo hubaal waa Annaga kuwa waasiciya |
وَالْأَرْضَ فَرَشْنَاهَا فَنِعْمَ الْمَاهِدُونَ (48) Oo arlada Waxaanu ka yeellay gogol fidsan, Ee fiicanaa haddaba diyaariyuhu |
وَمِن كُلِّ شَيْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ (49) Oo wax walba Waxaan ka abuurnay lammaan, si aad u waano qaadataan |
فَفِرُّوا إِلَى اللَّهِ ۖ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ (50) Ee u carara xagga7 Allaah, hubaal waxaan idiin ahay dige cad ka yimid Xaggiisa |
وَلَا تَجْعَلُوا مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ ۖ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ (51) Oo ha u yeelina Allaah, Ilaah kale oo la dhig ah. Hubaal Waxaan idiin ahay diga cad ka yimid Xaggiisa |
كَذَٰلِكَ مَا أَتَى الَّذِينَ مِن قَبْلِهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا قَالُوا سَاحِرٌ أَوْ مَجْنُونٌ (52) Waa sidaase, ma jiro Rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyey oo aysan odhan: waa Saaxir, ama nin waalan |
أَتَوَاصَوْا بِهِ ۚ بَلْ هُمْ قَوْمٌ طَاغُونَ (53) Miyey iskula dardaarmeen arrintani8? Mayee’ waa qolo xadgudub badan |
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ فَمَا أَنتَ بِمَلُومٍ (54) Ee iskaga jeeso iyaga, kaama saarna eed |
وَذَكِّرْ فَإِنَّ الذِّكْرَىٰ تَنفَعُ الْمُؤْمِنِينَ (55) Oo wad waanada waxay runtii waanadu anfacdaa mu’miniinta |
وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ (56) Oo uma aanu abuurin Jinka iyo insiga waxaan ahayn inay i caabudaan |
مَا أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَا أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ (57) Kama doonayo wax risiq ah oo kama doonayo inay i quudiyaan |
إِنَّ اللَّهَ هُوَ الرَّزَّاقُ ذُو الْقُوَّةِ الْمَتِينُ (58) Hubaal, waa Allaah Irsaaqaha, Rabbiga iska leh Awoodda sare, Xoog Badnaha ah |
فَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُوا ذَنُوبًا مِّثْلَ ذَنُوبِ أَصْحَابِهِمْ فَلَا يَسْتَعْجِلُونِ (59) Oo hubaal kuwa gar ma qaatayaasha ah waxay la kulmi doonaan saami la mid ah saamigii asxaabtood, ee waxba yey dalbin in aan u soo dedejiyo |
فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا مِن يَوْمِهِمُ الَّذِي يُوعَدُونَ (60) Ee hoog waxaa leh kuwa xaqa diida, kaasoo kaga iman doona Maalintoodaasi loogu gooddiyey |