حم (1) Xaa Miim |
تَنزِيلُ الْكِتَابِ مِنَ اللَّهِ الْعَزِيزِ الْحَكِيمِ (2) Soo waxyoodka Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah |
مَا خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا إِلَّا بِالْحَقِّ وَأَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ وَالَّذِينَ كَفَرُوا عَمَّا أُنذِرُوا مُعْرِضُونَ (3) Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo go'an. Kuwase Xaqa diida dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo |
قُلْ أَرَأَيْتُم مَّا تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ أَرُونِي مَاذَا خَلَقُوا مِنَ الْأَرْضِ أَمْ لَهُمْ شِرْكٌ فِي السَّمَاوَاتِ ۖ ائْتُونِي بِكِتَابٍ مِّن قَبْلِ هَٰذَا أَوْ أَثَارَةٍ مِّنْ عِلْمٍ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (4) Dheh: Bal ma u fiirsateen waxa aad u dhawaaqataan Allaah sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab Kan horti ah ama wax raad cilmi ah haddii aad run sheegeysaan |
وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّن يَدْعُو مِن دُونِ اللَّهِ مَن لَّا يَسْتَجِيبُ لَهُ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ وَهُمْ عَن دُعَائِهِمْ غَافِلُونَ (5) Oo yaa ka habow badan mid isagu barya Allaah sokadi, kuwaa aan wax jawaab ah u soo celin doonin ilaa Maalinta Qiyaamaha oo kuwa ah moog baryadooda |
وَإِذَا حُشِرَ النَّاسُ كَانُوا لَهُمْ أَعْدَاءً وَكَانُوا بِعِبَادَتِهِمْ كَافِرِينَ (6) Oo marka dadka la isu wada keeno waxay ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo dafira caabudiddooda |
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا بَيِّنَاتٍ قَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُمْ هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ (7) Oo marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa aan rumeysan ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir iska cad |
أَمْ يَقُولُونَ افْتَرَاهُ ۖ قُلْ إِنِ افْتَرَيْتُهُ فَلَا تَمْلِكُونَ لِي مِنَ اللَّهِ شَيْئًا ۖ هُوَ أَعْلَمُ بِمَا تُفِيضُونَ فِيهِ ۖ كَفَىٰ بِهِ شَهِيدًا بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ ۖ وَهُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ (8) Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been buurtay. Dheh: Haddii aan been abuurtay, iigama tareysaan waxba xagga Allaah; Isaga baa aad u Ogsoon3 waxa aad ka tidhaahdaan arrinkaa. Isaga baa ku Filan marag noo dhexeeya aniga iyo idinka. Oo waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan |
قُلْ مَا كُنتُ بِدْعًا مِّنَ الرُّسُلِ وَمَا أَدْرِي مَا يُفْعَلُ بِي وَلَا بِكُمْ ۖ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰ إِلَيَّ وَمَا أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ (9) Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha4 oo ma ogi waxa laygu fali doono aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo, oo anigu ma ahi waxaan ahayn dige cad |
قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِن كَانَ مِنْ عِندِ اللَّهِ وَكَفَرْتُم بِهِ وَشَهِدَ شَاهِدٌ مِّن بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَىٰ مِثْلِهِ فَآمَنَ وَاسْتَكْبَرْتُمْ ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ (10) Dheh: Ma u fiirsateen haddii uu ka yimid xagga Ilaahay, oo ku gaalowdaan, oo uu ka marag furo marag5 fure ka mid ah ilmahii Israa’iil inuu yahay mid la mid ah (Towraadda), markaas uu rumeeyey halka6 aad idinkuna isla weyn tihiin kibir darti. Hubaal Allaah ma hanuuniyo qoloda gar ma qaatayaasha ah |
وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِلَّذِينَ آمَنُوا لَوْ كَانَ خَيْرًا مَّا سَبَقُونَا إِلَيْهِ ۚ وَإِذْ لَمْ يَهْتَدُوا بِهِ فَسَيَقُولُونَ هَٰذَا إِفْكٌ قَدِيمٌ (11) Oo waxay kuwa rumeysan diida ku yidhaahdaan kuwa rumeysan haddii uu ahaan lahaa wax wanaagsan iyagu nooga- ma horreeyeen7. Oo maadaama aanay dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu waa beenihii hore |
وَمِن قَبْلِهِ كِتَابُ مُوسَىٰ إِمَامًا وَرَحْمَةً ۚ وَهَٰذَا كِتَابٌ مُّصَدِّقٌ لِّسَانًا عَرَبِيًّا لِّيُنذِرَ الَّذِينَ ظَلَمُوا وَبُشْرَىٰ لِلْمُحْسِنِينَ (12) Oo horti Kitaabka Muuse ahaa hanuun iyo naxariis, oo kanina waa Kitaab xaqiijinaya oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa ah gar ma qaatayaasha, oo waa u bishaaro kuwo sama falayaasha ah |
إِنَّ الَّذِينَ قَالُوا رَبُّنَا اللَّهُ ثُمَّ اسْتَقَامُوا فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ (13) Hubaal, Kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas haya tubta toosan8, ma ahaan doonto korkooda cabsi, mana murugoon doonaan |
أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ خَالِدِينَ فِيهَا جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (14) Kuwan waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda,_abaalgud ahaan waxa ay faleen darteed |
وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ إِحْسَانًا ۖ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ كُرْهًا وَوَضَعَتْهُ كُرْهًا ۖ وَحَمْلُهُ وَفِصَالُهُ ثَلَاثُونَ شَهْرًا ۚ حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُ وَبَلَغَ أَرْبَعِينَ سَنَةً قَالَ رَبِّ أَوْزِعْنِي أَنْ أَشْكُرَ نِعْمَتَكَ الَّتِي أَنْعَمْتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَالِدَيَّ وَأَنْ أَعْمَلَ صَالِحًا تَرْضَاهُ وَأَصْلِحْ لِي فِي ذُرِّيَّتِي ۖ إِنِّي تُبْتُ إِلَيْكَ وَإِنِّي مِنَ الْمُسْلِمِينَ (15) Oo Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu u samo falo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer marka uu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo: Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, hubaal Adigaan kuu soo laabtaa, oo hubaal waxaan anigu ka mid ahay inta kuu hoggaansan |
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ نَتَقَبَّلُ عَنْهُمْ أَحْسَنَ مَا عَمِلُوا وَنَتَجَاوَزُ عَن سَيِّئَاتِهِمْ فِي أَصْحَابِ الْجَنَّةِ ۖ وَعْدَ الصِّدْقِ الَّذِي كَانُوا يُوعَدُونَ (16) Kuwan weeye kuwa aan iyagu ka aqbalno waxa u fiican oo ka mid ah waxa ay faleen oo aan ka dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha,_ ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday |
وَالَّذِي قَالَ لِوَالِدَيْهِ أُفٍّ لَّكُمَا أَتَعِدَانِنِي أَنْ أُخْرَجَ وَقَدْ خَلَتِ الْقُرُونُ مِن قَبْلِي وَهُمَا يَسْتَغِيثَانِ اللَّهَ وَيْلَكَ آمِنْ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ فَيَقُولُ مَا هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ (17) Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saari doono iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Oo waxay iyagu labaduba gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Xaqiiq, Ballan qaadka Ilaahay waa Xaq. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxna aan aheyn sheekooyinkii kuwii hore |
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ حَقَّ عَلَيْهِمُ الْقَوْلُ فِي أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِم مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا خَاسِرِينَ (18) Kuwanu waa kuwa uu kula waajibay Qawlka (Cadaabka) ummado tegay hortood oo jin iyo inisiba leh. Hubaal! Waa iyaga khasaaro qabayaal |
وَلِكُلٍّ دَرَجَاتٌ مِّمَّا عَمِلُوا ۖ وَلِيُوَفِّيَهُمْ أَعْمَالَهُمْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ (19) Oo dhammaantood waxay leeyihiin derejooyin waafaqsan waxa ay faleen, iyo si uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoo aan lagu gardarroon doonin |
وَيَوْمَ يُعْرَضُ الَّذِينَ كَفَرُوا عَلَى النَّارِ أَذْهَبْتُمْ طَيِّبَاتِكُمْ فِي حَيَاتِكُمُ الدُّنْيَا وَاسْتَمْتَعْتُم بِهَا فَالْيَوْمَ تُجْزَوْنَ عَذَابَ الْهُونِ بِمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَبِمَا كُنتُمْ تَفْسُقُونَ (20) Oo Maalinta marka kuwa xaqa diida loo soo bandhigi doona Naarta: Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka dhexdeeda oo ku raaxaysateen in muddo ah, marka maanta waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, wixii aad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiinna darteed |
۞ وَاذْكُرْ أَخَا عَادٍ إِذْ أَنذَرَ قَوْمَهُ بِالْأَحْقَافِ وَقَدْ خَلَتِ النُّذُرُ مِن بَيْنِ يَدَيْهِ وَمِنْ خَلْفِهِ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا اللَّهَ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ (21) Oo xus Caad walaalkood9, marka uu ugu digey qolodiisii Al-Axqaaf (Buur ciideedda) oo dhab ahaan digayaal baa la soo diray hortiis isaga iyo gadaashiiba (isagoo leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah; hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin aad u murugo Weyn |
قَالُوا أَجِئْتَنَا لِتَأْفِكَنَا عَنْ آلِهَتِنَا فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ (22) Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxa aad noogu gooddiso, haddii aad ka mid tahay run sheegyada |
قَالَ إِنَّمَا الْعِلْمُ عِندَ اللَّهِ وَأُبَلِّغُكُم مَّا أُرْسِلْتُ بِهِ وَلَٰكِنِّي أَرَاكُمْ قَوْمًا تَجْهَلُونَ (23) Wuxuu yidhi: Cilmigu waa uun Xagga Allaah, oo waxaan idin soo gaarsiiyaa fartiinta la ila soo diray, Laakiinse waxaan arkaa inaad tihiin qolo aan garasho lahayn |
فَلَمَّا رَأَوْهُ عَارِضًا مُّسْتَقْبِلَ أَوْدِيَتِهِمْ قَالُوا هَٰذَا عَارِضٌ مُّمْطِرُنَا ۚ بَلْ هُوَ مَا اسْتَعْجَلْتُم بِهِ ۖ رِيحٌ فِيهَا عَذَابٌ أَلِيمٌ (24) Saa markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni doonta. Ma jirto’ee waa wixii aad doonteen in la soo dedejiyo10. Waa dabeyl aad u xoog weyn ay ku jirto cadaab xanuun badan |
تُدَمِّرُ كُلَّ شَيْءٍ بِأَمْرِ رَبِّهَا فَأَصْبَحُوا لَا يُرَىٰ إِلَّا مَسَاكِنُهُمْ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْقَوْمَ الْمُجْرِمِينَ (25) Oo ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaas bay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda Dambiilayaasha ah |
وَلَقَدْ مَكَّنَّاهُمْ فِيمَا إِن مَّكَّنَّاكُمْ فِيهِ وَجَعَلْنَا لَهُمْ سَمْعًا وَأَبْصَارًا وَأَفْئِدَةً فَمَا أَغْنَىٰ عَنْهُمْ سَمْعُهُمْ وَلَا أَبْصَارُهُمْ وَلَا أَفْئِدَتُهُم مِّن شَيْءٍ إِذْ كَانُوا يَجْحَدُونَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ (26) Oo dhab ahaan Waxaan u suurta gelinnay wax aanaan idiin suurta galin, oo waxaan u yeellay dhego iyo indho iyo laabo, waxbase uma tarin dhegahoodii, iyo indhahoodii iyo laabahoodii waayo waxay diideen Aayadaha Ilaahay, oo waxa ay ku jees-jeeseen baa ku dhacay oo koobay |
وَلَقَدْ أَهْلَكْنَا مَا حَوْلَكُم مِّنَ الْقُرَىٰ وَصَرَّفْنَا الْآيَاتِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ (27) Oo dhab ahaan Waxaan horay u hallignay wixii hareerihiinna ahaa ee magaalooyin, oo waxaan ugu celcelinnay Aayadaha (digniinaha) bal inay (ka) soo noqdaan (gaalnimada iyo dambiyada) |
فَلَوْلَا نَصَرَهُمُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ قُرْبَانًا آلِهَةً ۖ بَلْ ضَلُّوا عَنْهُمْ ۚ وَذَٰلِكَ إِفْكُهُمْ وَمَا كَانُوا يَفْتَرُونَ (28) Ee maxay haddaba ugu soo gargaari waayeen kuwii ay ka dhigteen ilaahyo11 ay barbar dhigaan Allaah si ay ugu soo dhoweeyaan Isaga? Mayee’ way ka dhumeen iyagii, oo kaasi waa beentoodii iyo waxa ay been abuuran jireen |
وَإِذْ صَرَفْنَا إِلَيْكَ نَفَرًا مِّنَ الْجِنِّ يَسْتَمِعُونَ الْقُرْآنَ فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوا أَنصِتُوا ۖ فَلَمَّا قُضِيَ وَلَّوْا إِلَىٰ قَوْمِهِم مُّنذِرِينَ (29) Oo waa tii aan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaystay Qur’aanka, ee markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. markaasaa markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya |
قَالُوا يَا قَوْمَنَا إِنَّا سَمِعْنَا كِتَابًا أُنزِلَ مِن بَعْدِ مُوسَىٰ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ يَهْدِي إِلَى الْحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٍ مُّسْتَقِيمٍ (30) Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab la soo dejiyey Muuse kaddib, oo xaqiijinaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Ilaahay ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan |
يَا قَوْمَنَا أَجِيبُوا دَاعِيَ اللَّهِ وَآمِنُوا بِهِ يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُجِرْكُم مِّنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ (31) Tolkanagow! Raaca daaciga Ilaahay12 oo aamina, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi den- biyadiinna, oo idinka badbaadin cadaab xanuun badan |
وَمَن لَّا يُجِبْ دَاعِيَ اللَّهِ فَلَيْسَ بِمُعْجِزٍ فِي الْأَرْضِ وَلَيْسَ لَهُ مِن دُونِهِ أَوْلِيَاءُ ۚ أُولَٰئِكَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (32) Oo mid kastoo aan raacin daaciga Ilaahay, kuma baxsan doono dhulka, oo ma jiro wax u gargaari doona (Allaah) sokadi. Kuwani waxay ku sugan yihiin habow cad |
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّ اللَّهَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَلَمْ يَعْيَ بِخَلْقِهِنَّ بِقَادِرٍ عَلَىٰ أَن يُحْيِيَ الْمَوْتَىٰ ۚ بَلَىٰ إِنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (33) Ma waysan u fiirsan in Allaah ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara |
وَيَوْمَ يُعْرَضُ الَّذِينَ كَفَرُوا عَلَى النَّارِ أَلَيْسَ هَٰذَا بِالْحَقِّ ۖ قَالُوا بَلَىٰ وَرَبِّنَا ۚ قَالَ فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ (34) Oo Maalinta loo soo bandhigi doono kuwa xaqa diida Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Haddaba dhadhamiya Cadaabta, gaalnimadiinnii darteed |
فَاصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُولُو الْعَزْمِ مِنَ الرُّسُلِ وَلَا تَسْتَعْجِل لَّهُمْ ۚ كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَ مَا يُوعَدُونَ لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا سَاعَةً مِّن نَّهَارٍ ۚ بَلَاغٌ ۚ فَهَلْ يُهْلَكُ إِلَّا الْقَوْمُ الْفَاسِقُونَ (35) Ee samir yeelo sidii ay Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samir yeesheen13, oo ha doondoonin in loo soo dedejiyo iyaga (cadaabkooda). Maalinta ay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida ayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn dadka caasiyiinta ah |