وَالصَّافَّاتِ صَفًّا (1) Waxaan ku dhaartay kuwa (malaa’igta) safta safafka siman |
فَالزَّاجِرَاتِ زَجْرًا (2) Misna kuwa soo kaxeeya kaxeynta adag |
فَالتَّالِيَاتِ ذِكْرًا (3) Misna kuwa akhriya (Dhambaalka) iyagoo baraarugsan |
إِنَّ إِلَٰهَكُمْ لَوَاحِدٌ (4) Hubaal Ilaahiinnu (Runta ah) waa Mid keliya (Allaah) |
رَّبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَرَبُّ الْمَشَارِقِ (5) Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada |
إِنَّا زَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِزِينَةٍ الْكَوَاكِبِ (6) Hubaal Waxaanu ku qurxinnay samada soke qurux, xiddigaha ah |
وَحِفْظًا مِّن كُلِّ شَيْطَانٍ مَّارِدٍ (7) Iyo ka ilaalin ahaan shaydaan walboo fallaago ah khayr daran |
لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى الْمَلَإِ الْأَعْلَىٰ وَيُقْذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٍ (8) Ma dhegaysan karaan kulanka sare oo waxaa laga soo ganaa dhinac walba |
دُحُورًا ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ وَاصِبٌ (9) Iyagoo la soo eryey, oo waxay leeyihiin cadaab joogto ah |
إِلَّا مَنْ خَطِفَ الْخَطْفَةَ فَأَتْبَعَهُ شِهَابٌ ثَاقِبٌ (10) Marka laga reebo mid dafa (hadalka) dafid (mar keliya ah) markaasaa waxaa laga daba geeyaa dhinbil ololeysa oo iftiin leh |
فَاسْتَفْتِهِمْ أَهُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَم مَّنْ خَلَقْنَا ۚ إِنَّا خَلَقْنَاهُم مِّن طِينٍ لَّازِبٍ (11) Ee weydii ma iyaga baa abuur adag mise waxaa (kale) ee aan abuurnay?. Hubaal Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo wax ku dhagta |
بَلْ عَجِبْتَ وَيَسْخَرُونَ (12) Bal adigu waad la yaabtaa, halka iyagu iska jees-jeesaan |
وَإِذَا ذُكِّرُوا لَا يَذْكُرُونَ (13) Oo marka la waaniyo, ma waansamaan |
وَإِذَا رَأَوْا آيَةً يَسْتَسْخِرُونَ (14) Oo marka ay arkaan Calaamo waxay isku dhiirro geliyaan inay ku jees-jeesaan |
وَقَالُوا إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ (15) Oo waxay yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxba aan ahayn sixir caddaaan ah |
أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ (16) Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa nala soo bixin doonaa |
أَوَآبَاؤُنَا الْأَوَّلُونَ (17) Ama aabbayaashayadii waa’ hore jiray |
قُلْ نَعَمْ وَأَنتُمْ دَاخِرُونَ (18) Dheh: Haah, idinkoo markaa dulleysan |
فَإِنَّمَا هِيَ زَجْرَةٌ وَاحِدَةٌ فَإِذَا هُمْ يَنظُرُونَ (19) Marka waxay ahaan doontaa oo keliya hal Qeylo, mise markaa bay arki doonaan |
وَقَالُوا يَا وَيْلَنَا هَٰذَا يَوْمُ الدِّينِ (20) Oo waxay odhan: Hoog baa noo sug -naadaye! Tanu waa Maliinta is abaal marinta |
هَٰذَا يَوْمُ الْفَصْلِ الَّذِي كُنتُم بِهِ تُكَذِّبُونَ (21) Tani waa Maalinta kala baxa ee aad beenin jirteen |
۞ احْشُرُوا الَّذِينَ ظَلَمُوا وَأَزْوَاجَهُمْ وَمَا كَانُوا يَعْبُدُونَ (22) Soo kulmiya iyagoo dhan kuwii ahaa gar ma qaatayaasha iyo4 shurakadoodii iyo waxa ay caabudi jireenba |
مِن دُونِ اللَّهِ فَاهْدُوهُمْ إِلَىٰ صِرَاطِ الْجَحِيمِ (23) Allaah sokadi, oo u taxaaba jidka Naarta ololeysa |
وَقِفُوهُمْ ۖ إِنَّهُم مَّسْئُولُونَ (24) Oo joojiya, waayo waxay ahaan doonaan kuwo la su’aalo |
مَا لَكُمْ لَا تَنَاصَرُونَ (25) Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn |
بَلْ هُمُ الْيَوْمَ مُسْتَسْلِمُونَ (26) Mayee, Maalintaa way is dhiibi doonaan |
وَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ (27) Oo waxay ku jeesan doonaan qaarkoodba qaaar iyagoo is su'aalaya |
قَالُوا إِنَّكُمْ كُنتُمْ تَأْتُونَنَا عَنِ الْيَمِينِ (28) Waxay odhan: Hubaal waxaad nooga imaan jirteen dhanka midig |
قَالُوا بَل لَّمْ تَكُونُوا مُؤْمِنِينَ (29) Waxay odhan: Mayee, idinka naf ahaantiinu maydaan aheyn mu’miniin |
وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيْكُم مِّن سُلْطَانٍ ۖ بَلْ كُنتُمْ قَوْمًا طَاغِينَ (30) Oo kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Mayee, waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan |
فَحَقَّ عَلَيْنَا قَوْلُ رَبِّنَا ۖ إِنَّا لَذَائِقُونَ (31) Sidaas awgeed waxaa nagu waajibay Qawlka Rabbigeen, (haatan) hubaal waanu dhadhamin doonnaa (Cadaabta) |
فَأَغْوَيْنَاكُمْ إِنَّا كُنَّا غَاوِينَ (32) Marka waan idin luminnay6, waayo innaga naf ahaanteenna baa lunsanayn |
فَإِنَّهُمْ يَوْمَئِذٍ فِي الْعَذَابِ مُشْتَرِكُونَ (33) Marka Maalintaas cadaabta bay wadaagi doonaan |
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفْعَلُ بِالْمُجْرِمِينَ (34) Hubaal sidaas baan ku fallaa Dambiilayaasha |
إِنَّهُمْ كَانُوا إِذَا قِيلَ لَهُمْ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ يَسْتَكْبِرُونَ (35) Hubaal iyaga marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan ahayn Allaah, way iska weyneyn jireen |
وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُو آلِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَّجْنُونٍ (36) Iyagoo leh: Ma waxaan isaga deynaa ilaahyadayada gabayaa waalan |
بَلْ جَاءَ بِالْحَقِّ وَصَدَّقَ الْمُرْسَلِينَ (37) Mayee’ wuxuu la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii ( Alle soo diray) |
إِنَّكُمْ لَذَائِقُو الْعَذَابِ الْأَلِيمِ (38) Hubaal waxaad idinku dhadhamin doontaan cadaabta xanuunka badan |
وَمَا تُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (39) Oo la idinkama goyn doono waxaan aheyn waxa aad galabsateen |
إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ (40) Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada) |
أُولَٰئِكَ لَهُمْ رِزْقٌ مَّعْلُومٌ (41) Kuwaasu waxay leeyihiin risiq la yaqaan |
فَوَاكِهُ ۖ وَهُم مُّكْرَمُونَ (42) Midho, oo waxay ahaan doonaan kuwo si heer sare ah loogu maamuuso |
فِي جَنَّاتِ النَّعِيمِ (43) Beeraha barwaaqada gudaheeda |
عَلَىٰ سُرُرٍ مُّتَقَابِلِينَ (44) Sariiro sarreeya korkooda iyagoo is qaabilsan fool ka fool |
يُطَافُ عَلَيْهِم بِكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ (45) Waxaa lagula wareegi doonaa koob (khamri ah) ka soo shubma ilo saafi ah |
بَيْضَاءَ لَذَّةٍ لِّلشَّارِبِينَ (46) Cad, oo u macaan kuwa cabba |
لَا فِيهَا غَوْلٌ وَلَا هُمْ عَنْهَا يُنزَفُونَ (47) Ma ahaan doonto wax dhibaato ah dhexdeeda, mana ahaana doonaan kuwo ku sarkhaamo |
وَعِندَهُمْ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ عِينٌ (48) Oo waxaa la jirkood ahaan doona kuwa soo laaba araggooda, ee leh indha waasic ah oo aad u qurxoon |
كَأَنَّهُنَّ بَيْضٌ مَّكْنُونٌ (49) La moodo ukummo aad loo dhowray |
فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ (50) Waxay qaabili doonaan qaarkoodba qaarka kale, iyagoo wax is weydiinaya |
قَالَ قَائِلٌ مِّنْهُمْ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ (51) Midkood hadlaya baa odhan doona; Waxaan hubaal anigu lahaa rafiiq |
يَقُولُ أَإِنَّكَ لَمِنَ الْمُصَدِّقِينَ (52) Kaasoo yidhi: Ma waxaad dhabtii ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta) |
أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَدِينُونَ (53) Ma marka aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa (naloo soo saari doonaa) abaal marin |
قَالَ هَلْ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ (54) Wuxuu odhan: Miyaad dhuganeysaan |
فَاطَّلَعَ فَرَآهُ فِي سَوَاءِ الْجَحِيمِ (55) Markaasuu dhugtay hoos oo ku arkay Naarta bartankeeda |
قَالَ تَاللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرْدِينِ (56) Wuxuu odhan: Wallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto |
وَلَوْلَا نِعْمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ الْمُحْضَرِينَ (57) Oo haddii aysan jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan hubaal ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta) |
أَفَمَا نَحْنُ بِمَيِّتِينَ (58) Ee ma nihin miyaa kuwo dhiman doona |
إِلَّا مَوْتَتَنَا الْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ (59) Waxaan ahayn dhimashadayadii hore? mana layna cadaabi doono |
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ (60) Hubaal (arrin)kani ani waa Liibaanta aad u Weyn |
لِمِثْلِ هَٰذَا فَلْيَعْمَلِ الْعَامِلُونَ (61) Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan camal falayaashu |
أَذَٰلِكَ خَيْرٌ نُّزُلًا أَمْ شَجَرَةُ الزَّقُّومِ (62) Ma (arrin)kani (Jannada) baa martiqaad wanaagsan mise geedka Zaquumka |
إِنَّا جَعَلْنَاهَا فِتْنَةً لِّلظَّالِمِينَ (63) Hubaal Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) gar ma qaatayaasha |
إِنَّهَا شَجَرَةٌ تَخْرُجُ فِي أَصْلِ الْجَحِيمِ (64) Hubaal waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda |
طَلْعُهَا كَأَنَّهُ رُءُوسُ الشَّيَاطِينِ (65) Miraheeda ka soo baxa la moodo madaxyada shaydaammada |
فَإِنَّهُمْ لَآكِلُونَ مِنْهَا فَمَالِئُونَ مِنْهَا الْبُطُونَ (66) Hubaal waxay wax ka cuni (geedkaa), oo ka buuxin doonaan caloolahooda |
ثُمَّ إِنَّ لَهُمْ عَلَيْهَا لَشَوْبًا مِّنْ حَمِيمٍ (67) Markaa waxay hubaal mudan doonaan intaa kaddib inay cabbaan isku dhaf lagu soo dheehay biyo kulul oo karaya |
ثُمَّ إِنَّ مَرْجِعَهُمْ لَإِلَى الْجَحِيمِ (68) Markaa hubaal laabashadoodu waxay ahaan doontaa xagga Naarta holaca badan |
إِنَّهُمْ أَلْفَوْا آبَاءَهُمْ ضَالِّينَ (69) Hubaal Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan |
فَهُمْ عَلَىٰ آثَارِهِمْ يُهْرَعُونَ (70) Marka iyagu raad raacooda baa lagu soo dedejiyaa |
وَلَقَدْ ضَلَّ قَبْلَهُمْ أَكْثَرُ الْأَوَّلِينَ (71) Oo dhab ahaan waxaa lumay iyaga hortood badi dadkii hore |
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ (72) Oo dhab ahaan Waxaan u dirnay digayaal |
فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُنذَرِينَ (73) Ee fiiri sida ay aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin) |
إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ (74) Marka laga reebo Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah aan waxba la wadaajin (cibaadada) |
وَلَقَدْ نَادَانَا نُوحٌ فَلَنِعْمَ الْمُجِيبُونَ (75) Oo waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, oo maxaynu nahay kuwa u wanaagsan ee ajiiba (baryada) |
وَنَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ (76) Oo waxaan ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weynd (qaraqii) |
وَجَعَلْنَا ذُرِّيَّتَهُ هُمُ الْبَاقِينَ (77) Oo waxaan ka dhignay durriyaddiisa badbaadayaasha |
وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ (78) Oo Waxaan u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood |
سَلَامٌ عَلَىٰ نُوحٍ فِي الْعَالَمِينَ (79) Nabad korkiisa ha u ahaato Nuux uunanka dhexdooda |
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ (80) Sidaas baan Annagu hubaal u abaal marinnaa sama falayaasha |
إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ (81) Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah |
ثُمَّ أَغْرَقْنَا الْآخَرِينَ (82) Markaas Waxaan hafinnay intii kale |
۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِ لَإِبْرَاهِيمَ (83) Oo hubaal wuxuu Ibraahiim7 xaqiiq raacay jidkiisa |
إِذْ جَاءَ رَبَّهُ بِقَلْبٍ سَلِيمٍ (84) Marka uu ula yimid Rabbigi qalbi fayow |
إِذْ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوْمِهِ مَاذَا تَعْبُدُونَ (85) Marka uu ku yidhi aabbihi iyo qoladiisii: Waa maxay waxaa aad caabuddaan |
أَئِفْكًا آلِهَةً دُونَ اللَّهِ تُرِيدُونَ (86) been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku |
فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ الْعَالَمِينَ (87) Muxuu haddaba yahay fikradda aad ka qabtaan Rabbiga uunanka |
فَنَظَرَ نَظْرَةً فِي النُّجُومِ (88) Markaas wuxuu fiirshay xagga xiddigaha, isagoo kor eegaya fiiro keliya |
فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٌ (89) Markaasuu wuxuu yidhi: Anigu hubaal waa bukaa |
فَتَوَلَّوْا عَنْهُ مُدْبِرِينَ (90) Markaasay ka jeesteen xaggiisa, iyagoo dib u noqonaya |
فَرَاغَ إِلَىٰ آلِهَتِهِمْ فَقَالَ أَلَا تَأْكُلُونَ (91) Markaasuu u daba maray si dhuumaaleysi ah ilaahyadoodii, oo yidhi: Mawaydaan (wax) cuneyn |
مَا لَكُمْ لَا تَنطِقُونَ (92) Maxaad leedihiin oo aydaan la hadlin |
فَرَاغَ عَلَيْهِمْ ضَرْبًا بِالْيَمِينِ (93) Markaasuu ku jeestay si dhuumaaleysi ah isagoo ku garaacaya gacanta midig |
فَأَقْبَلُوا إِلَيْهِ يَزِفُّونَ (94) Markaasay waxay soo aadeen (dadkii) xaggiisa, iyagoo soo degdegaya |
قَالَ أَتَعْبُدُونَ مَا تَنْحِتُونَ (95) (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabuddaan waxaad qor-qor jaftaan |
وَاللَّهُ خَلَقَكُمْ وَمَا تَعْمَلُونَ (96) Isaga oo Allaah abuuray idinka iyo waxa aad samaysaanba |
قَالُوا ابْنُوا لَهُ بُنْيَانًا فَأَلْقُوهُ فِي الْجَحِيمِ (97) Waxay yidhaahdeen: U dhisa foorno (dab lagu shido) markaa ku tuura dabkaa ololaya |
فَأَرَادُوا بِهِ كَيْدًا فَجَعَلْنَاهُمُ الْأَسْفَلِينَ (98) Oo waxay dooneen dagaal ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hoos maray |
وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهْدِينِ (99) Oo wuxuu yidhi: Hubaal anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin doonaa |
رَبِّ هَبْ لِي مِنَ الصَّالِحِينَ (100) Rabbiyow! I sii (ubad) ka mid ah wanaagsanayaasha |
فَبَشَّرْنَاهُ بِغُلَامٍ حَلِيمٍ (101) Markaas baan Waxaan ugu bishaaraynay wiil dul badan |
فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ السَّعْيَ قَالَ يَا بُنَيَّ إِنِّي أَرَىٰ فِي الْمَنَامِ أَنِّي أَذْبَحُكَ فَانظُرْ مَاذَا تَرَىٰ ۚ قَالَ يَا أَبَتِ افْعَلْ مَا تُؤْمَرُ ۖ سَتَجِدُنِي إِن شَاءَ اللَّهُ مِنَ الصَّابِرِينَ (102) Oo, markii uu gaaray inuu la shaqeeyo10, wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Hubaal waxaan ku arkay riyo anigoo ku gawracaya (qurbaan ahaan), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, haddii Alle idmo, waxaad i heli doontaa mid ka mid ah kuwa samir yeesha |
فَلَمَّا أَسْلَمَا وَتَلَّهُ لِلْجَبِينِ (103) Markay labaduba hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka ( si uu u gowraco) |
وَنَادَيْنَاهُ أَن يَا إِبْرَاهِيمُ (104) Baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow |
قَدْ صَدَّقْتَ الرُّؤْيَا ۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ (105) Waxaad xaqiiq ka run sheegtay oo fulisay riyadii. Hubaal sidaas baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha |
إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ الْبَلَاءُ الْمُبِينُ (106) Hubaal, (arrin)kani wuxuu xaqiiq ahaa imtixaan cad ( oo weyn) |
وَفَدَيْنَاهُ بِذِبْحٍ عَظِيمٍ (107) Oo waxaan (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran) |
وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ (108) Oo Waxaan u dhaafnay ( Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood |
سَلَامٌ عَلَىٰ إِبْرَاهِيمَ (109) Nabad korkiisa ha ahaato Ibraahiim |
كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ (110) Sidaaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha |
إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ (111) Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah |
وَبَشَّرْنَاهُ بِإِسْحَاقَ نَبِيًّا مِّنَ الصَّالِحِينَ (112) Oo Waxaan ugu bishaareynay Isxaaq11_Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan |
وَبَارَكْنَا عَلَيْهِ وَعَلَىٰ إِسْحَاقَ ۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحْسِنٌ وَظَالِمٌ لِّنَفْسِهِ مُبِينٌ (113) Oo Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah (qaar) fala samaan iyo (sidoo kale) qaar ugu gar darrooda nafahooda si caddaan ah |
وَلَقَدْ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَارُونَ (114) Oo dhab ahaan Waxaanu ku mannaysannay gallad Muuse iyo Haaruun |
وَنَجَّيْنَاهُمَا وَقَوْمَهُمَا مِنَ الْكَرْبِ الْعَظِيمِ (115) Oo Waxaanu ka badbaadinnay labadoodaba iyo dadkoodii kurbaddii weynayd |
وَنَصَرْنَاهُمْ فَكَانُوا هُمُ الْغَالِبِينَ (116) Oo waan u gargaarnay, Sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday |
وَآتَيْنَاهُمَا الْكِتَابَ الْمُسْتَبِينَ (117) Oo Waxaanu siinnay labadooduba Kitaab ka yeelay (arrimaha) caddaan |
وَهَدَيْنَاهُمَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ (118) Oo Waxaanu ku hanuuninnay labadooduba Jidka Toosan |
وَتَرَكْنَا عَلَيْهِمَا فِي الْآخِرِينَ (119) Oo Waxaanu u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood |
سَلَامٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَارُونَ (120) Nabad korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun |
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ (121) Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha |
إِنَّهُمَا مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ (122) Hubaal Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah |
وَإِنَّ إِلْيَاسَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ (123) Oo hubaal, Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha |
إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَلَا تَتَّقُونَ (124) Marka uu ku yidhi tolkiisii, Ma waydaan ka dhowrsanayn (xumaha) |
أَتَدْعُونَ بَعْلًا وَتَذَرُونَ أَحْسَنَ الْخَالِقِينَ (125) Ma waxaad u dhawaaqataan (oo baridaan) Bacal13 oo ka tagtaan (Allaah ee ah) Kan u wanaagsan abuurayaasha |
اللَّهَ رَبَّكُمْ وَرَبَّ آبَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ (126) Allaah, waa Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore |
فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ (127) Wayse beeniyeen, sidaas darteed hubaal waxay ahaan doonaan kuwo la keeno |
إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ (128) Addoomaha Ilaahay ee daacadda ah maahee u keli yeela cibaadada |
وَتَرَكْنَا عَلَيْهِ فِي الْآخِرِينَ (129) Oo Waxaan u dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood |
سَلَامٌ عَلَىٰ إِلْ يَاسِينَ (130) Nabad korkiisa ha ahaato Ilyaasiin |
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ (131) Waliba sidaas oo kale baan Annagu u abaal marinnaa sama falayaasha |
إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُؤْمِنِينَ (132) Hubaal, wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah |
وَإِنَّ لُوطًا لَّمِنَ الْمُرْسَلِينَ (133) Oo Luud wuxuu hubaal ka mid ahaa Rususha |
إِذْ نَجَّيْنَاهُ وَأَهْلَهُ أَجْمَعِينَ (134) Waa tii aanu badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan |
إِلَّا عَجُوزًا فِي الْغَابِرِينَ (135) Marka laga reebo habar duq ah (xaas- kiisa oo ka mid ahayd) kuwaa nagaaday |
ثُمَّ دَمَّرْنَا الْآخَرِينَ (136) Markaasaan waxaan baabbi’innay intii kale (ee hartay) |
وَإِنَّكُمْ لَتَمُرُّونَ عَلَيْهِم مُّصْبِحِينَ (137) Oo waxaad hubaal ag martaan waaberiga |
وَبِاللَّيْلِ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ (138) Iyo habeenkaba, ee mawaydaan haddaba garowsaneyn |
وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ الْمُرْسَلِينَ (139) Oo Yuunus wuxuu hubaal ka mid ahaa Rusushii (la soo diray) |
إِذْ أَبَقَ إِلَى الْفُلْكِ الْمَشْحُونِ (140) Waa tii uu u cararay doonidii buuxday |
فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ الْمُدْحَضِينَ (141) Marka wuu la qori tuurtay, wuxuuse ahaa mid ka mid ah kuwaa la reebay |
فَالْتَقَمَهُ الْحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٌ (142) Markaas buu nibirigu liqay isagoo falay waxaa uu naftiisa ku canaantay |
فَلَوْلَا أَنَّهُ كَانَ مِنَ الْمُسَبِّحِينَ (143) Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwaa na xurmo weyneeya oo na hufa |
لَلَبِثَ فِي بَطْنِهِ إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ (144) Wuxuu hubaal ku negaan lahaa calooshiisa tan iyo Maalinta Qiyaamaha |
۞ فَنَبَذْنَاهُ بِالْعَرَاءِ وَهُوَ سَقِيمٌ (145) Markaas baan Waxaan ku soo tuur- nay (xeebta) bannaanka ah isagoo buka |
وَأَنبَتْنَا عَلَيْهِ شَجَرَةً مِّن يَقْطِينٍ (146) Oo Waxaan u soo bixinnay geed Aredube ah |
وَأَرْسَلْنَاهُ إِلَىٰ مِائَةِ أَلْفٍ أَوْ يَزِيدُونَ (147) Oo Waxaan u dirnay Boqol kun ama ka badanba |
فَآمَنُوا فَمَتَّعْنَاهُمْ إِلَىٰ حِينٍ (148) Oo waa ay rumeeyeen; markaas baan waxaanu siinnay sahay ilaa muddo ah |
فَاسْتَفْتِهِمْ أَلِرَبِّكَ الْبَنَاتُ وَلَهُمُ الْبَنُونَ (149) Ee weydii iyaga haddii Rabbigaa leeyahay gabdho, iyaguna leeyihiin wiilal |
أَمْ خَلَقْنَا الْمَلَائِكَةَ إِنَاثًا وَهُمْ شَاهِدُونَ (150) Mise waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, oo iyagaa ka ahaa goob joog |
أَلَا إِنَّهُم مِّنْ إِفْكِهِمْ لَيَقُولُونَ (151) Haddaba hubaal waa been abuurkooda inay yidhaahdaan |
وَلَدَ اللَّهُ وَإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ (152) Waa dhal Ilaahay, oo hubaal iyagu waa beenaalayaal |
أَصْطَفَى الْبَنَاتِ عَلَى الْبَنِينَ (153) Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal |
مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ (154) Maxaa si idin ka ah, waa sidee sida aad wax u xukuntaan |
أَفَلَا تَذَكَّرُونَ (155) Ee mawaydaan haddaba garaadsanayn |
أَمْ لَكُمْ سُلْطَانٌ مُّبِينٌ (156) Mise waxaad heysataan Xujo Cad |
فَأْتُوا بِكِتَابِكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (157) Haddaba keena Kitaabkiinna haddii aad tihiin run sheegayaal |
وَجَعَلُوا بَيْنَهُ وَبَيْنَ الْجِنَّةِ نَسَبًا ۚ وَلَقَدْ عَلِمَتِ الْجِنَّةُ إِنَّهُمْ لَمُحْضَرُونَ (158) Oo Waxay yeelaan xigaalo Isaga (Allaah) iyo jinka dhexdooda, oo dhabtii waxay jinku og yihiin in hubaal loo keeni doono (xisaab xil ma leh) |
سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ (159) Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka nazahan yahay waxa ay tilmaamaan |
إِلَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ (160) Addoomaha Ilaahay maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada |
فَإِنَّكُمْ وَمَا تَعْبُدُونَ (161) Marka hubaal idinka iyo waxa aad caabuddaanba (Alle sokadi) |
مَا أَنتُمْ عَلَيْهِ بِفَاتِنِينَ (162) Cidna kama fidnayn kartaan Xaggiisa |
إِلَّا مَنْ هُوَ صَالِ الْجَحِيمِ (163) Mid maahee Naarta geli doona |
وَمَا مِنَّا إِلَّا لَهُ مَقَامٌ مَّعْلُومٌ (164) Oo ma jiro mid naga mid ah aan lahayn meel lagu og yahay |
وَإِنَّا لَنَحْنُ الصَّافُّونَ (165) Oo hubaal waa innaga (malaa’igta) kuwa u safta safafka siman |
وَإِنَّا لَنَحْنُ الْمُسَبِّحُونَ (166) Oo hubaal waa innaga kuwa xurmo weyneeya oo nazaha (Allaah) |
وَإِن كَانُوا لَيَقُولُونَ (167) Oo hubaal waxay odhan jireen |
لَوْ أَنَّ عِندَنَا ذِكْرًا مِّنَ الْأَوَّلِينَ (168) Haddii aan ka heysan laheyn waano kuwii hore |
لَكُنَّا عِبَادَ اللَّهِ الْمُخْلَصِينَ (169) Waxaan hubaal ahaan laheyn addoo- maha Ilaahay ee daacadda ah u keli yeela cibaadada |
فَكَفَرُوا بِهِ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ (170) Wayse ku gaaloobaan (haatan)23, marka way ogaan doonaan |
وَلَقَدْ سَبَقَتْ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا الْمُرْسَلِينَ (171) Oo dhab ahaan Kelmaddayadu horay bay u hirgashay xagga addoomahayaga, Rususha |
إِنَّهُمْ لَهُمُ الْمَنصُورُونَ (172) In hubaal iyagu yihiin kuwa loo gargaari doono |
وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ الْغَالِبُونَ (173) Iyo in hubaal ciidammayadu ay iyaga yihiin kuwa adkaan doona |
فَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ (174) Ee isaga jeeso iyaga tan iyo muddo |
وَأَبْصِرْهُمْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ (175) Oo (markaa) arag iyaga, iyaguna sidoo kale way arki doonaan |
أَفَبِعَذَابِنَا يَسْتَعْجِلُونَ (176) War ma Cadaabtayada bay degdegsanayaan |
فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمْ فَسَاءَ صَبَاحُ الْمُنذَرِينَ (177) Markase uu ku soo dego ardaagoooda, wax xun buu haddaba ahaan doonaa waa bariga kuwa loo digay |
وَتَوَلَّ عَنْهُمْ حَتَّىٰ حِينٍ (178) Oo isaga jeeso iyaga tan iyo muddo |
وَأَبْصِرْ فَسَوْفَ يُبْصِرُونَ (179) Oo (markaa) arag, iyaguna sidoo kale waa ay arki doonaan |
سُبْحَانَ رَبِّكَ رَبِّ الْعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ (180) Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo hufan Rabbigaa, Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxa ay tilmaamaan |
وَسَلَامٌ عَلَى الْمُرْسَلِينَ (181) Oo nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Ilaahay) |
وَالْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ (182) Oo Ammaan oo dhan iyo mahadba waxaa mudan Allaah, Rabbiga uunanka |