لَمْ يَكُنِ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَالْمُشْرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّىٰ تَأْتِيَهُمُ الْبَيِّنَةُ (1) Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad |
رَسُولٌ مِّنَ اللَّهِ يَتْلُو صُحُفًا مُّطَهَّرَةً (2) Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Allaah oo akhriyaya waraaqo daahir ah |
فِيهَا كُتُبٌ قَيِّمَةٌ (3) Ay ku yaallaan dhammaan xeerarka wanaagsan |
وَمَا تَفَرَّقَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ إِلَّا مِن بَعْدِ مَا جَاءَتْهُمُ الْبَيِّنَةُ (4) Oo kuwaa la siiyey Kitaabka isma ay khilaafin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid |
وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ حُنَفَاءَ وَيُقِيمُوا الصَّلَاةَ وَيُؤْتُوا الزَّكَاةَ ۚ وَذَٰلِكَ دِينُ الْقَيِّمَةِ (5) Oo lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Allaah iyagoo u Keeli yeelaya cibaadada, toosan, oo hagaajiyaan salaadda oo bixyaan Zakada, oo sidaas baa ah diinta toosan |
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَالْمُشْرِكِينَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ أُولَٰئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ (6) Hubaal kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta dabka iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uunanka |
إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ أُولَٰئِكَ هُمْ خَيْرُ الْبَرِيَّةِ (7) Hubaal kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uunanka |
جَزَاؤُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ۖ رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ ۚ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِيَ رَبَّهُ (8) Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari doonaan dhexdeeda weligood, Allaah Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh kii isagu ka baqa Rabbigi |