×

سورة يوسف باللغة الصومالية

ترجمات القرآنباللغة الصومالية ⬅ سورة يوسف

ترجمة معاني سورة يوسف باللغة الصومالية - Somali

القرآن باللغة الصومالية - سورة يوسف مترجمة إلى اللغة الصومالية، Surah Yusuf in Somali. نوفر ترجمة دقيقة سورة يوسف باللغة الصومالية - Somali, الآيات 111 - رقم السورة 12 - الصفحة 235.

بسم الله الرحمن الرحيم

الر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ الْمُبِينِ (1)
Alif Laam Raa1. Kuwakani waa Aayaadka Kitaabka ka yeela arrimaha (caddaan) iska muuqda
إِنَّا أَنزَلْنَاهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لَّعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ (2)
Hubaal Annaga baa soo dejinnay Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan
نَحْنُ نَقُصُّ عَلَيْكَ أَحْسَنَ الْقَصَصِ بِمَا أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ هَٰذَا الْقُرْآنَ وَإِن كُنتَ مِن قَبْلِهِ لَمِنَ الْغَافِلِينَ (3)
Annaga ayaa kaaga sheekeeneyna sheekooyinka tan u wanaagsan, ee aanu kuugu waxyoonno Qur'aankan, inkastoo kan ka hor, aad aheyd hubaal mid ka mid ah kuwa aan waxba ogeyn
إِذْ قَالَ يُوسُفُ لِأَبِيهِ يَا أَبَتِ إِنِّي رَأَيْتُ أَحَدَ عَشَرَ كَوْكَبًا وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ رَأَيْتُهُمْ لِي سَاجِدِينَ (4)
Waa tii uu Yuusuf ku yidhi aabbihii: Aabbow! Hubaal waxaan arkay kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan
قَالَ يَا بُنَيَّ لَا تَقْصُصْ رُؤْيَاكَ عَلَىٰ إِخْوَتِكَ فَيَكِيدُوا لَكَ كَيْدًا ۖ إِنَّ الشَّيْطَانَ لِلْإِنسَانِ عَدُوٌّ مُّبِينٌ (5)
Wuxuu yidhi: Wiilkaygiiyow! Ha uga sheekeyn riyadaada walaalahaa, si aanay kuugu dhigin shir qool iyo dabin kaa dhan ah: hubaal Shaydaanku wuxuu u yahay aadmiga cadow iska cad
وَكَذَٰلِكَ يَجْتَبِيكَ رَبُّكَ وَيُعَلِّمُكَ مِن تَأْوِيلِ الْأَحَادِيثِ وَيُتِمُّ نِعْمَتَهُ عَلَيْكَ وَعَلَىٰ آلِ يَعْقُوبَ كَمَا أَتَمَّهَا عَلَىٰ أَبَوَيْكَ مِن قَبْلُ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ ۚ إِنَّ رَبَّكَ عَلِيمٌ حَكِيمٌ (6)
Oo sidaas buu kuu dooran doonaa Rabbigaa oo uu ku bari doonaa fasirka riyooyinka oo uu kuu dhammeystiri doonaa Nicmaddiisa adiga iyo reer Yacquub, sidii uu ugu dhammeystirayba horey aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq. Hubaal Rabbigaa waa wax kasta Oge, Xakiim ah
۞ لَّقَدْ كَانَ فِي يُوسُفَ وَإِخْوَتِهِ آيَاتٌ لِّلسَّائِلِينَ (7)
Run ahaan Yuusuf iyo walaalihii, waxaa ugu sugan calaamooyin warsadayaasha
إِذْ قَالُوا لَيُوسُفُ وَأَخُوهُ أَحَبُّ إِلَىٰ أَبِينَا مِنَّا وَنَحْنُ عُصْبَةٌ إِنَّ أَبَانَا لَفِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (8)
Waa tii ay yidhaahdeen: Xaqiiq Yuusuf iyo walaalki3 baa ku weyn uuna naga jecel yahay aabbaheen, innagoo ah kulan ka xoog badan. hubaal aabbaheen xaqiiq wuxuu ku sugan yahay baadi caddaan ah
اقْتُلُوا يُوسُفَ أَوِ اطْرَحُوهُ أَرْضًا يَخْلُ لَكُمْ وَجْهُ أَبِيكُمْ وَتَكُونُوا مِن بَعْدِهِ قَوْمًا صَالِحِينَ (9)
Dila Yuusuf ama ku tuura alro (uun), si uu idiinku gaar noqdo Wejiga Aabbahiin, oo taasi ka dambow aad noqotaan dad wanaagsan
قَالَ قَائِلٌ مِّنْهُمْ لَا تَقْتُلُوا يُوسُفَ وَأَلْقُوهُ فِي غَيَابَتِ الْجُبِّ يَلْتَقِطْهُ بَعْضُ السَّيَّارَةِ إِن كُنتُمْ فَاعِلِينَ (10)
Hadlaa ka mid ah (Judah) baa wuxuu yidhi: Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, haddii ay tahay inaad fashaan, si ay qaar ka mid ah socotoda safar dheer ku jirta u soo qaataan
قَالُوا يَا أَبَانَا مَا لَكَ لَا تَأْمَنَّا عَلَىٰ يُوسُفَ وَإِنَّا لَهُ لَنَاصِحُونَ (11)
Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaa kuugu wacan oo aad noogu aamini weydey Yusuuf? Oo hubaal waxaanu innagu u nahay run ahaan daacad wanaag la doona
أَرْسِلْهُ مَعَنَا غَدًا يَرْتَعْ وَيَلْعَبْ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ (12)
Nala dir isaga berri si uu u soo miro mireysto oo dheelo, oo hubaal innagu xaqiiq waan ilaalin doonnaa
قَالَ إِنِّي لَيَحْزُنُنِي أَن تَذْهَبُوا بِهِ وَأَخَافُ أَن يَأْكُلَهُ الذِّئْبُ وَأَنتُمْ عَنْهُ غَافِلُونَ (13)
Wuxuu yidhi: Hubaal Waa i murugo gelisaa inaad la tagtaan. Oo waxaan ka cabsi qabaa inay yey cunto idinkoo mooggan
قَالُوا لَئِنْ أَكَلَهُ الذِّئْبُ وَنَحْنُ عُصْبَةٌ إِنَّا إِذًا لَّخَاسِرُونَ (14)
Waxay yidhaahdeen: Hubaal haddii ay yey cunto innagoo waliba ah kulan (xoog leh), markaa hubaal, waa inaanu ahaanno xaqiiq khasaaro qabayaal
فَلَمَّا ذَهَبُوا بِهِ وَأَجْمَعُوا أَن يَجْعَلُوهُ فِي غَيَابَتِ الْجُبِّ ۚ وَأَوْحَيْنَا إِلَيْهِ لَتُنَبِّئَنَّهُم بِأَمْرِهِمْ هَٰذَا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ (15)
Markii ay la tageen oo ay ku heeshii-yeen iyagoo dhammi inay dhigaan gunta ceel salki. Oo Waxaan u waxyoonnay: Waxaad hubaal(maalin uun) u sheegi doon- taa arrinkani iyagoo aan dareensaneyn
وَجَاءُوا أَبَاهُمْ عِشَاءً يَبْكُونَ (16)
Oo waxay u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya
قَالُوا يَا أَبَانَا إِنَّا ذَهَبْنَا نَسْتَبِقُ وَتَرَكْنَا يُوسُفَ عِندَ مَتَاعِنَا فَأَكَلَهُ الذِّئْبُ ۖ وَمَا أَنتَ بِمُؤْمِنٍ لَّنَا وَلَوْ كُنَّا صَادِقِينَ (17)
Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Hubaal Waanu baxnay innagoo tartamayna, oo kaga tagnay Yuusuf Alaabtayada agteed, markaas bay yey cuntay oo adigu nama ru- maysan doontid walow aan run sheegayno
وَجَاءُوا عَلَىٰ قَمِيصِهِ بِدَمٍ كَذِبٍ ۚ قَالَ بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنفُسُكُمْ أَمْرًا ۖ فَصَبْرٌ جَمِيلٌ ۖ وَاللَّهُ الْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ (18)
Oo waxay keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah4. Wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiinka yeeshay arrinkan wax sahlan oo yar. Sabarkaase wanaagsan. Oo Allaah waa Kan laga kaalmeysto waxa aad tilmaameysaan
وَجَاءَتْ سَيَّارَةٌ فَأَرْسَلُوا وَارِدَهُمْ فَأَدْلَىٰ دَلْوَهُ ۖ قَالَ يَا بُشْرَىٰ هَٰذَا غُلَامٌ ۚ وَأَسَرُّوهُ بِضَاعَةً ۚ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِمَا يَعْمَلُونَ (19)
Oo halkaa waxaa yimid socoto, oo waxay direen biyo dhaamiyahoodii, oo wuxuu hoos ugu sii daayey wadaantiisii. Wuxuu yidhi: Waa war san oo farxad leh! kani waa kuray yar; oo way qarsadeen badeeco ahaan Oo Allaah waa u Ogaa waxa ay faleen
وَشَرَوْهُ بِثَمَنٍ بَخْسٍ دَرَاهِمَ مَعْدُودَةٍ وَكَانُوا فِيهِ مِنَ الزَّاهِدِينَ (20)
Oo waxay siisteen qiimo yar,_ dhowr qadaadiic oo fiddo ah, oo waxay muujiyeen inaysan rabitaan u heyn isaga
وَقَالَ الَّذِي اشْتَرَاهُ مِن مِّصْرَ لِامْرَأَتِهِ أَكْرِمِي مَثْوَاهُ عَسَىٰ أَن يَنفَعَنَا أَوْ نَتَّخِذَهُ وَلَدًا ۚ وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِي الْأَرْضِ وَلِنُعَلِّمَهُ مِن تَأْوِيلِ الْأَحَادِيثِ ۚ وَاللَّهُ غَالِبٌ عَلَىٰ أَمْرِهِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (21)
Oo kii reer Masar ahaa5 ee gatay isaga wuxuu ku yidhi marwadiisii: Sii hoy sharaf leh, waa intaasoo uu na anfaco ama ka dhiganno wiil. Oo sidaas baan ugu awood siinnay Yuusuf arlada, iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka. Oo Allaah waa ku guuleystaa arrinkiisa, laakiinse dadku badankiisu ma oga
وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُ آتَيْنَاهُ حُكْمًا وَعِلْمًا ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ (22)
Oo marka uu tabar galay oo gaaray xoogsigiisa, waxaan siinnay Xikmad iyo aqoon, oo sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha
وَرَاوَدَتْهُ الَّتِي هُوَ فِي بَيْتِهَا عَن نَّفْسِهِ وَغَلَّقَتِ الْأَبْوَابَ وَقَالَتْ هَيْتَ لَكَ ۚ قَالَ مَعَاذَ اللَّهِ ۖ إِنَّهُ رَبِّي أَحْسَنَ مَثْوَايَ ۖ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الظَّالِمُونَ (23)
Oo tii uu gurigeedii joogay baa doontay inay u soo jiiddo xumaan, oo waxay aad u xidhay albaabbadii oo tidhi: Ii kaalay, Wuxuu yidhi: Allaah baan magan galay. Hubaal Rabbigay wuxuu wanaajiyey hoygeyga. hubaal geflowyada ma guuleystaan
وَلَقَدْ هَمَّتْ بِهِ ۖ وَهَمَّ بِهَا لَوْلَا أَن رَّأَىٰ بُرْهَانَ رَبِّهِ ۚ كَذَٰلِكَ لِنَصْرِفَ عَنْهُ السُّوءَ وَالْفَحْشَاءَ ۚ إِنَّهُ مِنْ عِبَادِنَا الْمُخْلَصِينَ (24)
Oo runtii way isu diyaarisay oo goosatay (inay u soo jiiddo falka xunee zinada), isaguna wuu u liici lahaa6, haddii uusan arki lahayn Xujada cad ee Rabbigi. Sidaas (waxay ahayd) si aan uga duwno xumaanta iyo falxumada. Hubaal wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga daacadda ah
وَاسْتَبَقَا الْبَابَ وَقَدَّتْ قَمِيصَهُ مِن دُبُرٍ وَأَلْفَيَا سَيِّدَهَا لَدَى الْبَابِ ۚ قَالَتْ مَا جَزَاءُ مَنْ أَرَادَ بِأَهْلِكَ سُوءًا إِلَّا أَن يُسْجَنَ أَوْ عَذَابٌ أَلِيمٌ (25)
Oo waxay labaduba u degdegeen albaabka, oo waxay ka jeexday shaarkiisa xagga dambe, oo waxay kula kulmeen ninkeedii albaabka. Waxay tidhi: Muxuu yahay ciqaabka kan la doona xumaan xaaskaaga, aan aheyn in la xabbiso ama la marsiiyo cadaab xanuun badan
قَالَ هِيَ رَاوَدَتْنِي عَن نَّفْسِي ۚ وَشَهِدَ شَاهِدٌ مِّنْ أَهْلِهَا إِن كَانَ قَمِيصُهُ قُدَّ مِن قُبُلٍ فَصَدَقَتْ وَهُوَ مِنَ الْكَاذِبِينَ (26)
Wuxuu yidhi: Iyada baa doontay inay ii soo jiiddo xumaan (zino); oo markhaati ka mid ah ehelkeeda baa ka marag kacay: Haddii shaarkiisa laga jeexay dhinaca hore, run bay sheegeysaa, oo isagu wuxuu ka mid yahay beenalayaasha
وَإِن كَانَ قَمِيصُهُ قُدَّ مِن دُبُرٍ فَكَذَبَتْ وَهُوَ مِنَ الصَّادِقِينَ (27)
Haddiise shaarkiisa laga jeexay dhinaca dambe, been bay sheegeysaa, oo isagu wuxuu ka mid yahay runlowyada
فَلَمَّا رَأَىٰ قَمِيصَهُ قُدَّ مِن دُبُرٍ قَالَ إِنَّهُ مِن كَيْدِكُنَّ ۖ إِنَّ كَيْدَكُنَّ عَظِيمٌ (28)
Markaasuu markuu arkay shaarkiisa oo ka jeexan gadaal, wuxuu yidhi: Hubaal, waa tabtiinna idinka haweenka ah, hubaal tabtiinnu waa ay weyn tahay
يُوسُفُ أَعْرِضْ عَنْ هَٰذَا ۚ وَاسْتَغْفِرِي لِذَنبِكِ ۖ إِنَّكِ كُنتِ مِنَ الْخَاطِئِينَ (29)
Yuusufow! Iskaga jeedso waxakan7 oo (xaaskaygaay) u weydiiso cafis danbigaaga. Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa gafaye
۞ وَقَالَ نِسْوَةٌ فِي الْمَدِينَةِ امْرَأَتُ الْعَزِيزِ تُرَاوِدُ فَتَاهَا عَن نَّفْسِهِ ۖ قَدْ شَغَفَهَا حُبًّا ۖ إِنَّا لَنَرَاهَا فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (30)
Oo haween ku sugan magaalada waxay yidhaahdeen: Marwadii wasiirka waxay dooneysaa inay u soo jiiddo xumaan wiilka yar ee addoonkeeda ah, hubaal wuxuu ku saameeyey si qoto dheer jaceylkiisa, hubaal waxaan xaqiiq u aragnaa inay ku sugan tahay gef muuqda
فَلَمَّا سَمِعَتْ بِمَكْرِهِنَّ أَرْسَلَتْ إِلَيْهِنَّ وَأَعْتَدَتْ لَهُنَّ مُتَّكَأً وَآتَتْ كُلَّ وَاحِدَةٍ مِّنْهُنَّ سِكِّينًا وَقَالَتِ اخْرُجْ عَلَيْهِنَّ ۖ فَلَمَّا رَأَيْنَهُ أَكْبَرْنَهُ وَقَطَّعْنَ أَيْدِيَهُنَّ وَقُلْنَ حَاشَ لِلَّهِ مَا هَٰذَا بَشَرًا إِنْ هَٰذَا إِلَّا مَلَكٌ كَرِيمٌ (31)
Haddaba markay maqashay hadalkooda xanta ah bay u cid dirtay oo u diyaarisay marti qaad wanaagsan; oo siisay mid walba oo ka mid ah middi, oo (ku) tidhi (Yuusuf): U soo bax. Markaasay markay arkeen aad u weyneysteen, oo iska gooyeen gacmahoodii (iyagoo la cajabsan). oo yidhaahdeen; Allaah baa ka hufan (nuqsaan)8 Kani maba aha qof caadi ah! Kani ma aha waxaan aheyn malag sharaf leh
قَالَتْ فَذَٰلِكُنَّ الَّذِي لُمْتُنَّنِي فِيهِ ۖ وَلَقَدْ رَاوَدتُّهُ عَن نَّفْسِهِ فَاسْتَعْصَمَ ۖ وَلَئِن لَّمْ يَفْعَلْ مَا آمُرُهُ لَيُسْجَنَنَّ وَلَيَكُونًا مِّنَ الصَّاغِرِينَ (32)
Waxay tidhi: Kani waa kii aad igu eedayseen, oo xaqiiq aniga baa doonay inaan soo jiito, wuuse is dhowray, oo haddii uusan falin waxa aan amrayo, waxaa hubaal la dhigi doonaa xabsiga, oo wuxuu hubaal ka mid noqon doonaa kuwa la liido
قَالَ رَبِّ السِّجْنُ أَحَبُّ إِلَيَّ مِمَّا يَدْعُونَنِي إِلَيْهِ ۖ وَإِلَّا تَصْرِفْ عَنِّي كَيْدَهُنَّ أَصْبُ إِلَيْهِنَّ وَأَكُن مِّنَ الْجَاهِلِينَ (33)
Wuxuu yidhi: Rabbiyow! xabbiska baan ka jeclahay waxa ay iigu yeeraan. Oo haddii aadan Adigu iga weecin tabtooda, waan u janjeersan doonaa oo ka mid noqon doonaa jaahiliinta
فَاسْتَجَابَ لَهُ رَبُّهُ فَصَرَفَ عَنْهُ كَيْدَهُنَّ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (34)
Markaas buu Rabbigi ka aqbalay baryadiisa oo ka weeciyey khiyaanadooda, hubaal waa Isaga Wax kasta Maqlaha, Wax kasta Ogsoon
ثُمَّ بَدَا لَهُم مِّن بَعْدِ مَا رَأَوُا الْآيَاتِ لَيَسْجُنُنَّهُ حَتَّىٰ حِينٍ (35)
Markaas baa waxaa u muuqday kaddib markay arkeen9 caddeymaha inay xidhaan ilaa muddo
وَدَخَلَ مَعَهُ السِّجْنَ فَتَيَانِ ۖ قَالَ أَحَدُهُمَا إِنِّي أَرَانِي أَعْصِرُ خَمْرًا ۖ وَقَالَ الْآخَرُ إِنِّي أَرَانِي أَحْمِلُ فَوْقَ رَأْسِي خُبْزًا تَأْكُلُ الطَّيْرُ مِنْهُ ۖ نَبِّئْنَا بِتَأْوِيلِهِ ۖ إِنَّا نَرَاكَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ (36)
Oo waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yidhi: Waxaan is arkay anigoo miiraya khamro. Oo kii kale wuxuu yidhi: Aniguna waxaan is arkay anigoo ku sida madaxeyaga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cuneen. Noo sheeg fasirkeeda. Hubaal waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha
قَالَ لَا يَأْتِيكُمَا طَعَامٌ تُرْزَقَانِهِ إِلَّا نَبَّأْتُكُمَا بِتَأْوِيلِهِ قَبْلَ أَن يَأْتِيَكُمَا ۚ ذَٰلِكُمَا مِمَّا عَلَّمَنِي رَبِّي ۚ إِنِّي تَرَكْتُ مِلَّةَ قَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَهُم بِالْآخِرَةِ هُمْ كَافِرُونَ (37)
Wuxuu yidhi: Ma jirto halkaa cunto idiinku imaan doonta oo la idinku irsaaqo, oo aanan idiin sheegi doonin labadiinna fasirkeeda ka hor inta aysan idiin imaan. kani waa wax ka mid ah waxa Rabbigay i baray. Hubaal waxaan anigu iskaga tagay diinta qolo aan rumaysnayn Allaah oo iyagu ah kuwa beeniya Aakhirada
وَاتَّبَعْتُ مِلَّةَ آبَائِي إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ ۚ مَا كَانَ لَنَا أَن نُّشْرِكَ بِاللَّهِ مِن شَيْءٍ ۚ ذَٰلِكَ مِن فَضْلِ اللَّهِ عَلَيْنَا وَعَلَى النَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَشْكُرُونَ (38)
Oo waxaan raacaa diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan waxna u shariig yeelno Allaah waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Ilaahay noo galay innaga iyo dadkaba, laakiinse dadka badankiisu ma mahad naqaan
يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَأَرْبَابٌ مُّتَفَرِّقُونَ خَيْرٌ أَمِ اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ (39)
Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka , Awoodda sare leh
مَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِهِ إِلَّا أَسْمَاءً سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا أَنزَلَ اللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ ۚ إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ ۚ أَمَرَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (40)
Ma aad caabuddaan Sokadi waxaan aheyn magacyo aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah11. Xukunka ma leh waxaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, laakiinse dadka badankiisu ma oga
يَا صَاحِبَيِ السِّجْنِ أَمَّا أَحَدُكُمَا فَيَسْقِي رَبَّهُ خَمْرًا ۖ وَأَمَّا الْآخَرُ فَيُصْلَبُ فَتَأْكُلُ الطَّيْرُ مِن رَّأْسِهِ ۚ قُضِيَ الْأَمْرُ الَّذِي فِيهِ تَسْتَفْتِيَانِ (41)
Labadayda Saaxiib ee xabsigow12! Ma midkiin, wuxuu u shubi doonaa mudanahiisa khamri uu cabbo, ma midka kalese, waa la deldeli doonaa, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni doonaan madaxiisa. Arrinka waa loo xukumay la xidhiidha waxa aad iga wareysateen
وَقَالَ لِلَّذِي ظَنَّ أَنَّهُ نَاجٍ مِّنْهُمَا اذْكُرْنِي عِندَ رَبِّكَ فَأَنسَاهُ الشَّيْطَانُ ذِكْرَ رَبِّهِ فَلَبِثَ فِي السِّجْنِ بِضْعَ سِنِينَ (42)
Oo wuxuu ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: Igu xus rabbigaa agtiisa; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso rabbigiis, markaas buu ku sii jiray xabsiga dhowr sannadood
وَقَالَ الْمَلِكُ إِنِّي أَرَىٰ سَبْعَ بَقَرَاتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعَ سُنبُلَاتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَاتٍ ۖ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَفْتُونِي فِي رُؤْيَايَ إِن كُنتُمْ لِلرُّؤْيَا تَعْبُرُونَ (43)
Oo Boqorkii wuxuu yidhi: Hubaal waxaan arkaa toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cuneen, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddii aad fasiri kartaan riyooyinka
قَالُوا أَضْغَاثُ أَحْلَامٍ ۖ وَمَا نَحْنُ بِتَأْوِيلِ الْأَحْلَامِ بِعَالِمِينَ (44)
Waxay yidhaahdeen: Waa riyooyin qarow isku qasan ah, oo innagu ma naqaanno fasirka riyooyinka
وَقَالَ الَّذِي نَجَا مِنْهُمَا وَادَّكَرَ بَعْدَ أُمَّةٍ أَنَا أُنَبِّئُكُم بِتَأْوِيلِهِ فَأَرْسِلُونِ (45)
Oo mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii isagu badbaaday oo xusuustay muddo dheer kaddib baa yidhi: Aniga baa idiin sheegi doona fasarkiisa ee i dira
يُوسُفُ أَيُّهَا الصِّدِّيقُ أَفْتِنَا فِي سَبْعِ بَقَرَاتٍ سِمَانٍ يَأْكُلُهُنَّ سَبْعٌ عِجَافٌ وَسَبْعِ سُنبُلَاتٍ خُضْرٍ وَأُخَرَ يَابِسَاتٍ لَّعَلِّي أَرْجِعُ إِلَى النَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَعْلَمُونَ (46)
Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cuneen, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan
قَالَ تَزْرَعُونَ سَبْعَ سِنِينَ دَأَبًا فَمَا حَصَدتُّمْ فَذَرُوهُ فِي سُنبُلِهِ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تَأْكُلُونَ (47)
Wuxuu yidhi: Waxaad wax beeran doontaan toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah kaad cuni doontaan
ثُمَّ يَأْتِي مِن بَعْدِ ذَٰلِكَ سَبْعٌ شِدَادٌ يَأْكُلْنَ مَا قَدَّمْتُمْ لَهُنَّ إِلَّا قَلِيلًا مِّمَّا تُحْصِنُونَ (48)
Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni doontaan waxa aad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah wixii aad dhowrateen
ثُمَّ يَأْتِي مِن بَعْدِ ذَٰلِكَ عَامٌ فِيهِ يُغَاثُ النَّاسُ وَفِيهِ يَعْصِرُونَ (49)
Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib sano ay dadku heli doonaan roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo)
وَقَالَ الْمَلِكُ ائْتُونِي بِهِ ۖ فَلَمَّا جَاءَهُ الرَّسُولُ قَالَ ارْجِعْ إِلَىٰ رَبِّكَ فَاسْأَلْهُ مَا بَالُ النِّسْوَةِ اللَّاتِي قَطَّعْنَ أَيْدِيَهُنَّ ۚ إِنَّ رَبِّي بِكَيْدِهِنَّ عَلِيمٌ (50)
Oo boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena isaga. Markaasuu markuu farriin sidihii u yimid, wuxuu yidhi: U noqo rabbigaa oo weydii isaga waa maxay xaalka haweenkii iska gooyey gacmahooda? Hubaal, Rabbigay waa ogsoon yahay khiyaanadooda
قَالَ مَا خَطْبُكُنَّ إِذْ رَاوَدتُّنَّ يُوسُفَ عَن نَّفْسِهِ ۚ قُلْنَ حَاشَ لِلَّهِ مَا عَلِمْنَا عَلَيْهِ مِن سُوءٍ ۚ قَالَتِ امْرَأَتُ الْعَزِيزِ الْآنَ حَصْحَصَ الْحَقُّ أَنَا رَاوَدتُّهُ عَن نَّفْسِهِ وَإِنَّهُ لَمِنَ الصَّادِقِينَ (51)
Wuxuu yidhi: Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf? Waxay yidhaahdeen: Allaah baa ka hufan (nuqsaan)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa13. Oo marwadii wasiirka waxay tidhi: Hataan xaqu waa cad yahay, aniga baa doonay inaan u soo jiido xumaan, oo hubaal isagu wuxuu xaqiiq ka mid yahay run sheegayaasha
ذَٰلِكَ لِيَعْلَمَ أَنِّي لَمْ أَخُنْهُ بِالْغَيْبِ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي كَيْدَ الْخَائِنِينَ (52)
Sidani waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Allaah toosinin tabta khaa’iniinta
۞ وَمَا أُبَرِّئُ نَفْسِي ۚ إِنَّ النَّفْسَ لَأَمَّارَةٌ بِالسُّوءِ إِلَّا مَا رَحِمَ رَبِّي ۚ إِنَّ رَبِّي غَفُورٌ رَّحِيمٌ (53)
Oo ma eed tirayo nafteyda14, hubaal naftu xaqiiq waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. hubaal Rabbigay waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
وَقَالَ الْمَلِكُ ائْتُونِي بِهِ أَسْتَخْلِصْهُ لِنَفْسِي ۖ فَلَمَّا كَلَّمَهُ قَالَ إِنَّكَ الْيَوْمَ لَدَيْنَا مَكِينٌ أَمِينٌ (54)
Oo boqorkii wuxuu yidhi: Ii keena isaga, waxaan u dooran doonaa nafteyda. Markaasuu markuu la hadlay, wuxuu yidhi: hubaal waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino
قَالَ اجْعَلْنِي عَلَىٰ خَزَائِنِ الْأَرْضِ ۖ إِنِّي حَفِيظٌ عَلِيمٌ (55)
Wuxuu yidhi: Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada. Hubaal waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh
وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِي الْأَرْضِ يَتَبَوَّأُ مِنْهَا حَيْثُ يَشَاءُ ۚ نُصِيبُ بِرَحْمَتِنَا مَن نَّشَاءُ ۖ وَلَا نُضِيعُ أَجْرَ الْمُحْسِنِينَ (56)
Sidaas baan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada, wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meesha uu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada cidda aan doonno, oo ma dayacno abaalka sama falayaasha
وَلَأَجْرُ الْآخِرَةِ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ آمَنُوا وَكَانُوا يَتَّقُونَ (57)
Oo xaqiiq abaalka Aakhirada baa aad ugu sii khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee ka dhowrsasda (xumaha)
وَجَاءَ إِخْوَةُ يُوسُفَ فَدَخَلُوا عَلَيْهِ فَعَرَفَهُمْ وَهُمْ لَهُ مُنكِرُونَ (58)
Oo Yuusuf walaalihiis baa yimid15, oo u soo galeen isaga, markaasuu aqoonsaday iyagoon garanayn
وَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمْ قَالَ ائْتُونِي بِأَخٍ لَّكُم مِّنْ أَبِيكُمْ ۚ أَلَا تَرَوْنَ أَنِّي أُوفِي الْكَيْلَ وَأَنَا خَيْرُ الْمُنزِلِينَ (59)
Oo markuu qalabeeyey oo siiyey sahaydoodii, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa
فَإِن لَّمْ تَأْتُونِي بِهِ فَلَا كَيْلَ لَكُمْ عِندِي وَلَا تَقْرَبُونِ (60)
Haddiise aydaan ii keenin, ma lahaan doontaan beeg (galley ah) xaggeyga, mana ii soo dhowaan doontaan
قَالُوا سَنُرَاوِدُ عَنْهُ أَبَاهُ وَإِنَّا لَفَاعِلُونَ (61)
Waxay yidhaahdeen: Waxaan ku dadaaleynaa inaan ka yeelno aabbihi inuu oggolaado, oo waa hubnaa inaan faleyno
وَقَالَ لِفِتْيَانِهِ اجْعَلُوا بِضَاعَتَهُمْ فِي رِحَالِهِمْ لَعَلَّهُمْ يَعْرِفُونَهَا إِذَا انقَلَبُوا إِلَىٰ أَهْلِهِمْ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ (62)
Oo wuxuu ku yidhi shaqaalahiisii: U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda17, si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda, si ay u soo laabtaan
فَلَمَّا رَجَعُوا إِلَىٰ أَبِيهِمْ قَالُوا يَا أَبَانَا مُنِعَ مِنَّا الْكَيْلُ فَأَرْسِلْ مَعَنَا أَخَانَا نَكْتَلْ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ (63)
Markaasay markay u laabteen aabbahood, waxay yidhaahdeen: aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib). Ee nagu dar walaalkayo18, waxaan soo heli doonnaa beeg dhan, hubaal innagu xaqiiq waanu ilaalin
قَالَ هَلْ آمَنُكُمْ عَلَيْهِ إِلَّا كَمَا أَمِنتُكُمْ عَلَىٰ أَخِيهِ مِن قَبْلُ ۖ فَاللَّهُ خَيْرٌ حَافِظًا ۖ وَهُوَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ (64)
Wuxuu yidhi: Ma idinku aamini karaayo waxaan ahayn sidii aan idiinku aaminay walaalki awal hore. Allaah baase ah Kan u Wanaagsan ilaaliye, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata
وَلَمَّا فَتَحُوا مَتَاعَهُمْ وَجَدُوا بِضَاعَتَهُمْ رُدَّتْ إِلَيْهِمْ ۖ قَالُوا يَا أَبَانَا مَا نَبْغِي ۖ هَٰذِهِ بِضَاعَتُنَا رُدَّتْ إِلَيْنَا ۖ وَنَمِيرُ أَهْلَنَا وَنَحْفَظُ أَخَانَا وَنَزْدَادُ كَيْلَ بَعِيرٍ ۖ ذَٰلِكَ كَيْلٌ يَسِيرٌ (65)
Oo markay fureen alaabtoodii waxay heleen badeecaddoodii oo loo soo ceshay19. Waxay yidhaahdeen: Aabbow! Maxaan (kaloo) rabi karnaa? Tani waa badeecaddayadii oo naloo soo ceshay, marka waxaan ugu keenni doonnaa galley (hor leh) reerkayaga oo waan ilaalin doonnaa walaalkayo oo soo kororsan doonnaa rati muggiis oo beeg siyaado ah. Kanu waa beeg sahlan
قَالَ لَنْ أُرْسِلَهُ مَعَكُمْ حَتَّىٰ تُؤْتُونِ مَوْثِقًا مِّنَ اللَّهِ لَتَأْتُنَّنِي بِهِ إِلَّا أَن يُحَاطَ بِكُمْ ۖ فَلَمَّا آتَوْهُ مَوْثِقَهُمْ قَالَ اللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٌ (66)
Wuxuu yidhi: Idinkuma dari doono sinnaba jeer aad i siisaan ballan adag oo aad ku dhaarataan Magaca Ilaahay, inaad hubaal dib xaqiiq iigu keeni doontaan, iyadoo la idin hareereeyo si dhan maahee, oo markay siiyeen ballankooda, wuxuu yidhi: Allaah baa waxa aanu leennahay u tala saarannay oo la isku halleeyaa
وَقَالَ يَا بَنِيَّ لَا تَدْخُلُوا مِن بَابٍ وَاحِدٍ وَادْخُلُوا مِنْ أَبْوَابٍ مُّتَفَرِّقَةٍ ۖ وَمَا أُغْنِي عَنكُم مِّنَ اللَّهِ مِن شَيْءٍ ۖ إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ ۖ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ ۖ وَعَلَيْهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُتَوَكِّلُونَ (67)
Oo wuxuu yidhi: Wiilashaydow! Ha ka wada gelina (idinkoo dhan) albaab keliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Allaah. Xukunka waxaa iska leh Allaah Keliya. Isaga baan isku halleeyaa ee dhammaan kuwa wax isku halleeya, Allaah ha isku halleeyaan
وَلَمَّا دَخَلُوا مِنْ حَيْثُ أَمَرَهُمْ أَبُوهُم مَّا كَانَ يُغْنِي عَنْهُم مِّنَ اللَّهِ مِن شَيْءٍ إِلَّا حَاجَةً فِي نَفْسِ يَعْقُوبَ قَضَاهَا ۚ وَإِنَّهُ لَذُو عِلْمٍ لِّمَا عَلَّمْنَاهُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (68)
Oo marka ay uga galeen sidii uu amray aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee (Qaddarka) Ilaahay, waxayse aheyd oo keliya rabitaan ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay. Oo hubaal wuxuu lahaa cilmi, ee waxa aanu barnay ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga
وَلَمَّا دَخَلُوا عَلَىٰ يُوسُفَ آوَىٰ إِلَيْهِ أَخَاهُ ۖ قَالَ إِنِّي أَنَا أَخُوكَ فَلَا تَبْتَئِسْ بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (69)
Oo markay u galeen Yuusuf, wuxuu la soo galay qol walaalki oo ku yidhi: Waxaan anigu ahay walaalkaa, ee ha ka murugoon waxa ay falayeen
فَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمْ جَعَلَ السِّقَايَةَ فِي رَحْلِ أَخِيهِ ثُمَّ أَذَّنَ مُؤَذِّنٌ أَيَّتُهَا الْعِيرُ إِنَّكُمْ لَسَارِقُونَ (70)
Oo markuu qalabeeyey oo siiyey raashinkoodii, (qof) baa dhex galiyey koobkii wax lagu beegayey boorsadii walaalki. markaas waxaa dhawaaqay dhawaaqe (leh): Safaryahow! Waxaad hubaal tihiin xaqiiq tuugo
قَالُوا وَأَقْبَلُوا عَلَيْهِم مَّاذَا تَفْقِدُونَ (71)
Intay ku soo jeesadeen, bay waxay yidhaahdeen waa maxay waxaa aad weydeen
قَالُوا نَفْقِدُ صُوَاعَ الْمَلِكِ وَلِمَن جَاءَ بِهِ حِمْلُ بَعِيرٍ وَأَنَا بِهِ زَعِيمٌ (72)
Waxay yidhaahdeen: Waxaanu weynay koobkii21 wax lagu beegayey ee boqorka, kii isagu keenaana wuxuu leeyahay (abaal gud ah) awr muggiis (oo raashin ah); oo Aniga baa ka damiin ah
قَالُوا تَاللَّهِ لَقَدْ عَلِمْتُم مَّا جِئْنَا لِنُفْسِدَ فِي الْأَرْضِ وَمَا كُنَّا سَارِقِينَ (73)
Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! Waad og tihiin run ahaan inaannu innagu u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, oo ma ahin tuugo
قَالُوا فَمَا جَزَاؤُهُ إِن كُنتُمْ كَاذِبِينَ (74)
Waxay yidhaahdeen: Waa maxay haddaba jazaha arrinkani22, haddii aad tihiin beenlowyo
قَالُوا جَزَاؤُهُ مَن وُجِدَ فِي رَحْلِهِ فَهُوَ جَزَاؤُهُ ۚ كَذَٰلِكَ نَجْزِي الظَّالِمِينَ (75)
Waxay yidhaahdeen: Jazaha arrinkani23 waa in kii boorsadiisa laga dhex helo, loo heysto isaga naf ahaantiisa (addoon ahaan). Sidaas baan ku jaazaynaa dambiilayaasha
فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِن وِعَاءِ أَخِيهِ ۚ كَذَٰلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ ۖ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ ۚ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَّن نَّشَاءُ ۗ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ (76)
Markaasuu wuxuu ka billaabay weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu ka soo bixiyey weelkii walaalki. Sidaas baan wax ugu qorshaynay Yuusuf. Ma ahayn mid bannaan inuu ku qaado walaalki xeerkii boqorka, inuu Allaah doono maahee: Waxaan u qaadnaa kor derejooyin cidda aan doonno, oo waxaa ka sarreeya mid kasta oo cilmi leh, Wax kasta Ogsoonaha (Allaah)
۞ قَالُوا إِن يَسْرِقْ فَقَدْ سَرَقَ أَخٌ لَّهُ مِن قَبْلُ ۚ فَأَسَرَّهَا يُوسُفُ فِي نَفْسِهِ وَلَمْ يُبْدِهَا لَهُمْ ۚ قَالَ أَنتُمْ شَرٌّ مَّكَانًا ۖ وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا تَصِفُونَ (77)
Waxay yidhaahdeen: Haddii uu xado, mid la walaal ah baa sameeyey runtii xatooyo waa’ hore: Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday naftiisa waxyaalaha uu og yahay24, oo uma uu muujin. Wuxuu yidhi: Idinkaa galay shar kan ka daran, oo Allaah baa dhab u ogsoon waxa aad sheegtaan
قَالُوا يَا أَيُّهَا الْعَزِيزُ إِنَّ لَهُ أَبًا شَيْخًا كَبِيرًا فَخُذْ أَحَدَنَا مَكَانَهُ ۖ إِنَّا نَرَاكَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ (78)
Waxay yidhaahdeen: Mudanayahow25! Wuxuu leeyahay aabbe, oday aad u weyn, ee midkayo u qaado meeshiisa. Hubaal waxaan kuu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaasha
قَالَ مَعَاذَ اللَّهِ أَن نَّأْخُذَ إِلَّا مَن وَجَدْنَا مَتَاعَنَا عِندَهُ إِنَّا إِذًا لَّظَالِمُونَ (79)
Wuxuu yiri: Allaah baan ka magan galay, inaan qaadanno qof aan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (haddii aan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay kuwo aan caadil ahayn
فَلَمَّا اسْتَيْأَسُوا مِنْهُ خَلَصُوا نَجِيًّا ۖ قَالَ كَبِيرُهُمْ أَلَمْ تَعْلَمُوا أَنَّ أَبَاكُمْ قَدْ أَخَذَ عَلَيْكُم مَّوْثِقًا مِّنَ اللَّهِ وَمِن قَبْلُ مَا فَرَّطتُمْ فِي يُوسُفَ ۖ فَلَنْ أَبْرَحَ الْأَرْضَ حَتَّىٰ يَأْذَنَ لِي أَبِي أَوْ يَحْكُمَ اللَّهُ لِي ۖ وَهُوَ خَيْرُ الْحَاكِمِينَ (80)
Markaasay markay ka quusteen isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in Aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Ilaahay, iyo sida aad horeyba uga gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu sinnaba kama tegi doona arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Allaah xukumo arrinkayga26, oo Isaga baa u wanaagsan inta wax Xukunta
ارْجِعُوا إِلَىٰ أَبِيكُمْ فَقُولُوا يَا أَبَانَا إِنَّ ابْنَكَ سَرَقَ وَمَا شَهِدْنَا إِلَّا بِمَا عَلِمْنَا وَمَا كُنَّا لِلْغَيْبِ حَافِظِينَ (81)
U laabta Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Hubaal wiilkaagii wax buu xaday, oo ma marag fureyno waxaan aheyn waxa aan ogaannay oo kuma dhowri kareyn ogaal waxa qarsoon ee aan muuqan
وَاسْأَلِ الْقَرْيَةَ الَّتِي كُنَّا فِيهَا وَالْعِيرَ الَّتِي أَقْبَلْنَا فِيهَا ۖ وَإِنَّا لَصَادِقُونَ (82)
Oo ka wareyso (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo hubaal xaqiiqdii run baan sheegeynaa
قَالَ بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنفُسُكُمْ أَمْرًا ۖ فَصَبْرٌ جَمِيلٌ ۖ عَسَى اللَّهُ أَن يَأْتِيَنِي بِهِمْ جَمِيعًا ۚ إِنَّهُ هُوَ الْعَلِيمُ الْحَكِيمُ (83)
Wuxuu (Yacquub) yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin fududeysay arrin. Ee samir fiican (baa ila gudboon). Waa intaasoo Allaah (dib) iigu keeni doono iyagoo dhan. Oo Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Falka sanoo Xakiimka ah
وَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَا أَسَفَىٰ عَلَىٰ يُوسُفَ وَابْيَضَّتْ عَيْنَاهُ مِنَ الْحُزْنِ فَهُوَ كَظِيمٌ (84)
Oo wuu ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Oo indhahiisu waxay la caddaadeen murugo darteed28 oo ahaa mid aad u tiiraanyeysan
قَالُوا تَاللَّهِ تَفْتَأُ تَذْكُرُ يُوسُفَ حَتَّىٰ تَكُونَ حَرَضًا أَوْ تَكُونَ مِنَ الْهَالِكِينَ (85)
Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! ma dayn doontid weligaa hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad ka mid ahaato kuwa halaagsama
قَالَ إِنَّمَا أَشْكُو بَثِّي وَحُزْنِي إِلَى اللَّهِ وَأَعْلَمُ مِنَ اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ (86)
Wuxuu yidhi: Waxaan oo keliya u sheeganayaa murugadayda iyo walbahaarkeyga Allaah, oo waxaan ka ogahay xagga Allaah29 wax aydaan ogayn
يَا بَنِيَّ اذْهَبُوا فَتَحَسَّسُوا مِن يُوسُفَ وَأَخِيهِ وَلَا تَيْأَسُوا مِن رَّوْحِ اللَّهِ ۖ إِنَّهُ لَا يَيْأَسُ مِن رَّوْحِ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْكَافِرُونَ (87)
Wiilashaydow! Taga oo soo wareysta arrinka Yuusuf iyo walaalki, oo ha ka quusannina Naxariista Ilaahay. Hubaal cidina kama quusato Naxariista Ilaahay aan aheyn qoloda aan rumeysnayn
فَلَمَّا دَخَلُوا عَلَيْهِ قَالُوا يَا أَيُّهَا الْعَزِيزُ مَسَّنَا وَأَهْلَنَا الضُّرُّ وَجِئْنَا بِبِضَاعَةٍ مُّزْجَاةٍ فَأَوْفِ لَنَا الْكَيْلَ وَتَصَدَّقْ عَلَيْنَا ۖ إِنَّ اللَّهَ يَجْزِي الْمُتَصَدِّقِينَ (88)
Markaasay markay u soo galeen, waxay yidhaahdeen: Mudanayahow! Dhib baa na taabtay innaga iyo ehelkayagaba, oo waxaanu la nimid badeecad liidata, ee na sii beeg dhan oo noo axsaan fal. Hubaal, Allaah baa u abaal guda axsaan falayaasha
قَالَ هَلْ عَلِمْتُم مَّا فَعَلْتُم بِيُوسُفَ وَأَخِيهِ إِذْ أَنتُمْ جَاهِلُونَ (89)
Wuxuu yidhi: Ma ogtihiin sidii aad u gasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ahaa jaahiliin
قَالُوا أَإِنَّكَ لَأَنتَ يُوسُفُ ۖ قَالَ أَنَا يُوسُفُ وَهَٰذَا أَخِي ۖ قَدْ مَنَّ اللَّهُ عَلَيْنَا ۖ إِنَّهُ مَن يَتَّقِ وَيَصْبِرْ فَإِنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُحْسِنِينَ (90)
Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad adigu tahay dhab ahaan Yuusuf? Wuxuu yidhi: Waa aniga Yuusuf, oo kani waa walaalkay. Allaah baa runtii noo nicmeeyey. hubaal, kii isagu iska dhowra (xume), oo samir yeesha (waa loo abaal gudaa), waayo hubaal Allaah ma dayaco abaalka sama falayaasha
قَالُوا تَاللَّهِ لَقَدْ آثَرَكَ اللَّهُ عَلَيْنَا وَإِن كُنَّا لَخَاطِئِينَ (91)
Waxay yidhaahdeen: Wallaahi! Haddaba waxaa runtii naga kaa doortay Allaah, oo waxaanu innagu hubaal aheyn kuwo gefsan
قَالَ لَا تَثْرِيبَ عَلَيْكُمُ الْيَوْمَ ۖ يَغْفِرُ اللَّهُ لَكُمْ ۖ وَهُوَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ (92)
Wuxuu yidhi: Ma ahaan doonto korkiinna canaan maanta, Allaah ha idiin dembi dhaafo, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata
اذْهَبُوا بِقَمِيصِي هَٰذَا فَأَلْقُوهُ عَلَىٰ وَجْهِ أَبِي يَأْتِ بَصِيرًا وَأْتُونِي بِأَهْلِكُمْ أَجْمَعِينَ (93)
Qaata shaarkaygaan, oo ku tuura wajiga aabbahay, waxaa u soo noqon doona aragga, oo ii i imaada idinkoo ay idin wehliyaan ehelediinna oo dhan
وَلَمَّا فَصَلَتِ الْعِيرُ قَالَ أَبُوهُمْ إِنِّي لَأَجِدُ رِيحَ يُوسُفَ ۖ لَوْلَا أَن تُفَنِّدُونِ (94)
Oo markii safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yidhi: Hubaal waxaan anigu helayaa caraftii Yuusuf, haddii aydaan igu dhaliileyn inaan isku darsamay
قَالُوا تَاللَّهِ إِنَّكَ لَفِي ضَلَالِكَ الْقَدِيمِ (95)
Waxay yidhaahdeen: Wallaaahi! Waxaad Hubaal ku sugan tahay gefkaagii hore
فَلَمَّا أَن جَاءَ الْبَشِيرُ أَلْقَاهُ عَلَىٰ وَجْهِهِ فَارْتَدَّ بَصِيرًا ۖ قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّي أَعْلَمُ مِنَ اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ (96)
Markaasuu markuu yimid war san sidihii, wuxuu uga tuuray (shaarkii) 31 wajigiisa, markaasuu u soo noqday araggii; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu hubaal ka ogahay xagga Allaah wax aydaan idinku ogayn
قَالُوا يَا أَبَانَا اسْتَغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا إِنَّا كُنَّا خَاطِئِينَ (97)
Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo dambi dhaaf dalab, hubaal waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan
قَالَ سَوْفَ أَسْتَغْفِرُ لَكُمْ رَبِّي ۖ إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ (98)
Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin doonaa Rabbigay dambi dhaaf, hubaal, waa Isaga Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan
فَلَمَّا دَخَلُوا عَلَىٰ يُوسُفَ آوَىٰ إِلَيْهِ أَبَوَيْهِ وَقَالَ ادْخُلُوا مِصْرَ إِن شَاءَ اللَّهُ آمِنِينَ (99)
Markaasay markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu soo kaxeeyey waalidki si ay ula degaan oo yidhi: Ku soo gala Masar, haddii Allaah idmo, nabdoonaan
وَرَفَعَ أَبَوَيْهِ عَلَى الْعَرْشِ وَخَرُّوا لَهُ سُجَّدًا ۖ وَقَالَ يَا أَبَتِ هَٰذَا تَأْوِيلُ رُؤْيَايَ مِن قَبْلُ قَدْ جَعَلَهَا رَبِّي حَقًّا ۖ وَقَدْ أَحْسَنَ بِي إِذْ أَخْرَجَنِي مِنَ السِّجْنِ وَجَاءَ بِكُم مِّنَ الْبَدْوِ مِن بَعْدِ أَن نَّزَغَ الشَّيْطَانُ بَيْنِي وَبَيْنَ إِخْوَتِي ۚ إِنَّ رَبِّي لَطِيفٌ لِّمَا يَشَاءُ ۚ إِنَّهُ هُوَ الْعَلِيمُ الْحَكِيمُ (100)
Oo wuxuu kor ugu qaaday labadiisa waalid Carshiga oo waxay hortiisa kula dhaceen sujuud (salaan ahaan32), oo wuxuu yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu xaqiiq ka yeelay xaq (run ah). Oo runtii waa i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, oo idinka keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Falka sanoo Xakiimka ah
۞ رَبِّ قَدْ آتَيْتَنِي مِنَ الْمُلْكِ وَعَلَّمْتَنِي مِن تَأْوِيلِ الْأَحَادِيثِ ۚ فَاطِرَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ أَنتَ وَلِيِّي فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۖ تَوَفَّنِي مُسْلِمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ (101)
Rabbiyow! Run ahaan Waxaad i siisay wax ka mid ah boqortooyada, oo i bartay fasirka xadiisyada; Kan (Keliya) ee Abuurayow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan gudahi iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, oo i haleeshii kuwa wanaagsan
ذَٰلِكَ مِنْ أَنبَاءِ الْغَيْبِ نُوحِيهِ إِلَيْكَ ۖ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ أَجْمَعُوا أَمْرَهُمْ وَهُمْ يَمْكُرُونَ (102)
Kani waa wax ka mid ah wararka la xiriira waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno. Oo ma aadan aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii,iyagoo abaabulayey shirqoollo
وَمَا أَكْثَرُ النَّاسِ وَلَوْ حَرَصْتَ بِمُؤْمِنِينَ (103)
Oo dadka badankiisu ma rumeyn doonaan si kastoo aad ugu dadaasho
وَمَا تَسْأَلُهُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَالَمِينَ (104)
Oo kuma weydiisatid iyaga wax abaalgud ah arrinkani darti; wax kale ma aha aan aheyn waanada Caalamka
وَكَأَيِّن مِّنْ آيَةٍ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ يَمُرُّونَ عَلَيْهَا وَهُمْ عَنْهَا مُعْرِضُونَ (105)
Oo badanaa waxa calaamo ku sugan samooyinka iyo arlada ay soo maraan ee haddana ay ka jeedsadaan
وَمَا يُؤْمِنُ أَكْثَرُهُم بِاللَّهِ إِلَّا وَهُم مُّشْرِكُونَ (106)
Oo badankoodu ma rumeysna Allaah iyagoo wax la wadaajinaya maahee
أَفَأَمِنُوا أَن تَأْتِيَهُمْ غَاشِيَةٌ مِّنْ عَذَابِ اللَّهِ أَوْ تَأْتِيَهُمُ السَّاعَةُ بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ (107)
Haddaba ma waxay ka yihiin aamin inay u timaaddo Cadaab daran oo xagga Ilaahay ah, mise inay ugu timaaddo Saacaddu kedis iyagoo aan dareensaneyn
قُلْ هَٰذِهِ سَبِيلِي أَدْعُو إِلَى اللَّهِ ۚ عَلَىٰ بَصِيرَةٍ أَنَا وَمَنِ اتَّبَعَنِي ۖ وَسُبْحَانَ اللَّهِ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُشْرِكِينَ (108)
Dheh: Kani waa jidkayga; Waxaan ugu baaqaa dadka xagga Allaah, Aniga iyo cid kastoo i raacdaba innagoo yaqiinsan oo ku sugan xujo cad. Oo Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo Nazahan Allaah, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta
وَمَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ إِلَّا رِجَالًا نُّوحِي إِلَيْهِم مِّنْ أَهْلِ الْقُرَىٰ ۗ أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَيَنظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۗ وَلَدَارُ الْآخِرَةِ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ اتَّقَوْا ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ (109)
Oo ma aanu soo dirin hortaa waxaan ahayn rag ka tirsan dadka magaalooyinka kuwaasoo aan u waxyoonnay33. Ma waysan haddaba soconin dhulka oo fiirinin sida ay aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Oo xaqiiq Daarta Aakhiro baa u khayr roon kuwa ka dhowrsada (xumaha). Ee ma waydaan haddaba garowsaneyn
حَتَّىٰ إِذَا اسْتَيْأَسَ الرُّسُلُ وَظَنُّوا أَنَّهُمْ قَدْ كُذِبُوا جَاءَهُمْ نَصْرُنَا فَنُجِّيَ مَن نَّشَاءُ ۖ وَلَا يُرَدُّ بَأْسُنَا عَنِ الْقَوْمِ الْمُجْرِمِينَ (110)
Jeer markay Rusushu quustaan oo yaqiinsadaan in dhab ahaan la beeniyey, markaas ayaa waxaa u yimaada gargaarkayaga, oo aan badbaadinnaa cidda aan doonno, oo lagama celiyo Ciqaabtayada qoloda Dambiilayaasha ah
لَقَدْ كَانَ فِي قَصَصِهِمْ عِبْرَةٌ لِّأُولِي الْأَلْبَابِ ۗ مَا كَانَ حَدِيثًا يُفْتَرَىٰ وَلَٰكِن تَصْدِيقَ الَّذِي بَيْنَ يَدَيْهِ وَتَفْصِيلَ كُلِّ شَيْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ (111)
Waxaa xaqiiq ugu sugan qisooyinkooda cashar ay ku cibrad qaataan wax garadka. Ma aha xadiis la been abuuran karo, laakiinse waa xaqiijin wixii ka horreeyey, iyo caddeynta wax kasta iyo hanuun iyo naxariis qolodii rumaysan
❮ السورة السابقة السورة التـالية ❯

قراءة المزيد من سور القرآن الكريم :

1- الفاتحة2- البقرة3- آل عمران
4- النساء5- المائدة6- الأنعام
7- الأعراف8- الأنفال9- التوبة
10- يونس11- هود12- يوسف
13- الرعد14- إبراهيم15- الحجر
16- النحل17- الإسراء18- الكهف
19- مريم20- طه21- الأنبياء
22- الحج23- المؤمنون24- النور
25- الفرقان26- الشعراء27- النمل
28- القصص29- العنكبوت30- الروم
31- لقمان32- السجدة33- الأحزاب
34- سبأ35- فاطر36- يس
37- الصافات38- ص39- الزمر
40- غافر41- فصلت42- الشورى
43- الزخرف44- الدخان45- الجاثية
46- الأحقاف47- محمد48- الفتح
49- الحجرات50- ق51- الذاريات
52- الطور53- النجم54- القمر
55- الرحمن56- الواقعة57- الحديد
58- المجادلة59- الحشر60- الممتحنة
61- الصف62- الجمعة63- المنافقون
64- التغابن65- الطلاق66- التحريم
67- الملك68- القلم69- الحاقة
70- المعارج71- نوح72- الجن
73- المزمل74- المدثر75- القيامة
76- الإنسان77- المرسلات78- النبأ
79- النازعات80- عبس81- التكوير
82- الإنفطار83- المطففين84- الانشقاق
85- البروج86- الطارق87- الأعلى
88- الغاشية89- الفجر90- البلد
91- الشمس92- الليل93- الضحى
94- الشرح95- التين96- العلق
97- القدر98- البينة99- الزلزلة
100- العاديات101- القارعة102- التكاثر
103- العصر104- الهمزة105- الفيل
106- قريش107- الماعون108- الكوثر
109- الكافرون110- النصر111- المسد
112- الإخلاص113- الفلق114- الناس