الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَجَعَلَ الظُّلُمَاتِ وَالنُّورَ ۖ ثُمَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِرَبِّهِمْ يَعْدِلُونَ (1) Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa Xaqa diida waxay u yeelaan dhig Rabbigood |
هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن طِينٍ ثُمَّ قَضَىٰ أَجَلًا ۖ وَأَجَلٌ مُّسَمًّى عِندَهُ ۖ ثُمَّ أَنتُمْ تَمْتَرُونَ (2) Isaga weeye (Alle) Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), oo waxaa jira muddo (kale oo) magaacaban uu Isagu Og yahay (Saacadda Qiyaamaha), waliba idinku waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan |
وَهُوَ اللَّهُ فِي السَّمَاوَاتِ وَفِي الْأَرْضِ ۖ يَعْلَمُ سِرَّكُمْ وَجَهْرَكُمْ وَيَعْلَمُ مَا تَكْسِبُونَ (3) Oo waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah) samooyinka gudahooda iyo arlada gudaheedaba, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, oo wuxuu ogsoon yahay waxa aad kasbataan |
وَمَا تَأْتِيهِم مِّنْ آيَةٍ مِّنْ آيَاتِ رَبِّهِمْ إِلَّا كَانُوا عَنْهَا مُعْرِضِينَ (4) Oo uma timaaddo calaamo ka mid ah calaamoyinka Rabbigood, bal waa ka sii jeesadaan |
فَقَدْ كَذَّبُوا بِالْحَقِّ لَمَّا جَاءَهُمْ ۖ فَسَوْفَ يَأْتِيهِمْ أَنبَاءُ مَا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ (5) Oo waxay xaqiiq beeniyeen xaqa markuu u yimid, ee waxaa u imaan doona xaqiiqda waxa ay ku jees jeesi jireen |
أَلَمْ يَرَوْا كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّن قَرْنٍ مَّكَّنَّاهُمْ فِي الْأَرْضِ مَا لَمْ نُمَكِّن لَّكُمْ وَأَرْسَلْنَا السَّمَاءَ عَلَيْهِم مِّدْرَارًا وَجَعَلْنَا الْأَنْهَارَ تَجْرِي مِن تَحْتِهِمْ فَأَهْلَكْنَاهُم بِذُنُوبِهِمْ وَأَنشَأْنَا مِن بَعْدِهِمْ قَرْنًا آخَرِينَ (6) Miyaanay u fiirsan inta aan hallignay hortood facyo, aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Oo waxaanu uga soo shubnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, oo waxaan u yeelnay webiyo socda hoostooda, waanse hallignay dambiyadoodii dartood, oo aan soo bixinnay iyaga kaddib fac kale |
وَلَوْ نَزَّلْنَا عَلَيْكَ كِتَابًا فِي قِرْطَاسٍ فَلَمَسُوهُ بِأَيْدِيهِمْ لَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا إِنْ هَٰذَا إِلَّا سِحْرٌ مُّبِينٌ (7) Oo haddaan kugu soo dejinno qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, hubaal gaalada waxay odhan lahaayeen: kanu ma aha waxaan aheyn sixir iska cad |
وَقَالُوا لَوْلَا أُنزِلَ عَلَيْهِ مَلَكٌ ۖ وَلَوْ أَنزَلْنَا مَلَكًا لَّقُضِيَ الْأَمْرُ ثُمَّ لَا يُنظَرُونَ (8) Oo waxay yidhaahdaan: Maxaa malag loola soo diri waayey? Oo haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, oo markaas lama siiyeen nafis |
وَلَوْ جَعَلْنَاهُ مَلَكًا لَّجَعَلْنَاهُ رَجُلًا وَلَلَبَسْنَا عَلَيْهِم مَّا يَلْبِسُونَ (9) Oo haddiiba aan ka dhigno malag, waxaan hubaal ka dhigi laheyn nin, oo waxaan hubaal iskaga dari lahayn arrinka sida ay iyaguba isaga dari jireen |
وَلَقَدِ اسْتُهْزِئَ بِرُسُلٍ مِّن قَبْلِكَ فَحَاقَ بِالَّذِينَ سَخِرُوا مِنْهُم مَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ (10) Oo xaqiiq Rusul kaa horreysey baa lagu jees jeesay, waxaa se ay ku jeesjeeseen baa koobay ku digtayaashii ka midka ahaa |
قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ ثُمَّ انظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُكَذِّبِينَ (11) Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya sida ay aheyd ciribta beeniyayaasha |
قُل لِّمَن مَّا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ قُل لِّلَّهِ ۚ كَتَبَ عَلَىٰ نَفْسِهِ الرَّحْمَةَ ۚ لَيَجْمَعَنَّكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ لَا رَيْبَ فِيهِ ۚ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ (12) Dheh: Kumaa leh waxa jira samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis; hubaal wuxuu xaqiiq idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. (Ma xagga) kuwa khasaariyey nafahooda, ma rumeyn doonaan |
۞ وَلَهُ مَا سَكَنَ فِي اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ ۚ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (13) Oo Isaga baa iska leh wax kastoo ku xasila habeenka iyo maalintaba, oo waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Og |
قُلْ أَغَيْرَ اللَّهِ أَتَّخِذُ وَلِيًّا فَاطِرِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَهُوَ يُطْعِمُ وَلَا يُطْعَمُ ۗ قُلْ إِنِّي أُمِرْتُ أَنْ أَكُونَ أَوَّلَ مَنْ أَسْلَمَ ۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُشْرِكِينَ (14) Dheh: Ma waxaan yeeshaa xafide aan aheyn Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada? Ee wax quudiya ee aan Isaga la quudin. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). oo waa inaydaan ka mid noqon mushrikiinta |
قُلْ إِنِّي أَخَافُ إِنْ عَصَيْتُ رَبِّي عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ (15) Dheh: Hubaal waxaan ka cabsi qabaa, haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin aad u murugo Weyn |
مَّن يُصْرَفْ عَنْهُ يَوْمَئِذٍ فَقَدْ رَحِمَهُ ۚ وَذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْمُبِينُ (16) Kan laga duwo Maalintaas (Cadaabta). Xaqiiq Allaah wuu u Naxariisatay, oo tani weeye Liibaanta Cad |
وَإِن يَمْسَسْكَ اللَّهُ بِضُرٍّ فَلَا كَاشِفَ لَهُ إِلَّا هُوَ ۖ وَإِن يَمْسَسْكَ بِخَيْرٍ فَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (17) Oo hadduu Allaah ku taabsiiyo waxyeello, ma jiro wax kaa kor qaadi karaa oo aan Isaga ahayn, oo hadduu ku taabsiiyo khayr, isaga baa wax walba Kara |
وَهُوَ الْقَاهِرُ فَوْقَ عِبَادِهِ ۚ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْخَبِيرُ (18) Oo waa Isaga Sarreeyaha Awoodda Badan ka korreeya addoomahiisa, oo waa Isaga Xakiimka, Xog Ogaalka ah |
قُلْ أَيُّ شَيْءٍ أَكْبَرُ شَهَادَةً ۖ قُلِ اللَّهُ ۖ شَهِيدٌ بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ ۚ وَأُوحِيَ إِلَيَّ هَٰذَا الْقُرْآنُ لِأُنذِرَكُم بِهِ وَمَن بَلَغَ ۚ أَئِنَّكُمْ لَتَشْهَدُونَ أَنَّ مَعَ اللَّهِ آلِهَةً أُخْرَىٰ ۚ قُل لَّا أَشْهَدُ ۚ قُلْ إِنَّمَا هُوَ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ وَإِنَّنِي بَرِيءٌ مِّمَّا تُشْرِكُونَ (19) Dheh: Maxaa u weyn markhaati? Dheh: Allaah baa markhaati ah dhexdeenna aniga iyo idinkaba; oo waxaa la ii waxyooday Qur'aankan inaan idiinku digo idinka iyo cid kastaba uu gaaro. Ee idinku ma waxaad ka marag kacdaan inay Allaah la jiraan ilaahyo kale? Dheh: Anigu kama marag kaco. Dheh: Waa uun Ilaah Keliya, oo hubaal anigu waxaan barii ka ahay waxa aad la wadaajisaan (cibaadada) |
الَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ يَعْرِفُونَهُ كَمَا يَعْرِفُونَ أَبْنَاءَهُمُ ۘ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ فَهُمْ لَا يُؤْمِنُونَ (20) Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) sida ay u gartaan carruurtooda. (Ma xagga) kuwa khasaari doona nafahooda (Aakhirada), ma rumeysan doonaan |
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِآيَاتِهِ ۗ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الظَّالِمُونَ (21) Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadihiisa? Hubaal gar ma qaatayaasha ma guuleystaan |
وَيَوْمَ نَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشْرَكُوا أَيْنَ شُرَكَاؤُكُمُ الَّذِينَ كُنتُمْ تَزْعُمُونَ (22) Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyagoo dhan, markaas baan ku odhan doonnaa kuwii la wadaajiyey (Allaah) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay wehliyaan Isaga) |
ثُمَّ لَمْ تَكُن فِتْنَتُهُمْ إِلَّا أَن قَالُوا وَاللَّهِ رَبِّنَا مَا كُنَّا مُشْرِكِينَ (23) Markaas ma ahaan doono cudurdaarkoodu waxaan ahayn inay odhanayaan: Wallaahi, Rabbiyow, ma aanu aheyn mushrikiin |
انظُرْ كَيْفَ كَذَبُوا عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ ۚ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا يَفْتَرُونَ (24) Eeg Sida ay uga been sheegi nafa-hooda oo waxay been abuurteen way ka kala tageen |
وَمِنْهُم مَّن يَسْتَمِعُ إِلَيْكَ ۖ وَجَعَلْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ أَكِنَّةً أَن يَفْقَهُوهُ وَفِي آذَانِهِمْ وَقْرًا ۚ وَإِن يَرَوْا كُلَّ آيَةٍ لَّا يُؤْمِنُوا بِهَا ۚ حَتَّىٰ إِذَا جَاءُوكَ يُجَادِلُونَكَ يَقُولُ الَّذِينَ كَفَرُوا إِنْ هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ (25) Oo waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, oo waxaan yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin, iyo culeys dhegahooda; oo xitaa hadday arkaan calaamo kasta ma rumayn doonaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa rumeysan diida yidhaahdaan: Kani ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore |
وَهُمْ يَنْهَوْنَ عَنْهُ وَيَنْأَوْنَ عَنْهُ ۖ وَإِن يُهْلِكُونَ إِلَّا أَنفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ (26) Oo waxay ka reebaan dadka (kale) iyaguna ka sii fogaadaan (Qur’aanka), oo ma halligaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana |
وَلَوْ تَرَىٰ إِذْ وُقِفُوا عَلَى النَّارِ فَقَالُوا يَا لَيْتَنَا نُرَدُّ وَلَا نُكَذِّبَ بِآيَاتِ رَبِّنَا وَنَكُونَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ (27) Oo haddaad arki lahayd iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan doonaan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka) , oo ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, oo waxaan ka mid noqon laheyn mu’miniinta |
بَلْ بَدَا لَهُم مَّا كَانُوا يُخْفُونَ مِن قَبْلُ ۖ وَلَوْ رُدُّوا لَعَادُوا لِمَا نُهُوا عَنْهُ وَإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ (28) Bal, waxay hore u qarsadeen baa u muuqan doono, oo haddii dib loo celin lahaa, waxay hubaal ku noqon lahaayeen wixii laga reebay. Oo hubaal waa beenalayaal xaqiiqdii |
وَقَالُوا إِنْ هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا الدُّنْيَا وَمَا نَحْنُ بِمَبْعُوثِينَ (29) Oo waxay yidhaahdaan: Ma jirto (nolol kale) aan aheyn noloshayada (tan) adduunkan, oo nalama soo saari doono |
وَلَوْ تَرَىٰ إِذْ وُقِفُوا عَلَىٰ رَبِّهِمْ ۚ قَالَ أَلَيْسَ هَٰذَا بِالْحَقِّ ۚ قَالُوا بَلَىٰ وَرَبِّنَا ۚ قَالَ فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْفُرُونَ (30) Oo haddaad arki lahayd marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan doonaa: Soo ma aha kani Xaq? Waxay odhan doonaan: Haah, Rabbiyow. Wuxuu odhan doonaa: Haddaba dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinnii darteed |
قَدْ خَسِرَ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِلِقَاءِ اللَّهِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءَتْهُمُ السَّاعَةُ بَغْتَةً قَالُوا يَا حَسْرَتَنَا عَلَىٰ مَا فَرَّطْنَا فِيهَا وَهُمْ يَحْمِلُونَ أَوْزَارَهُمْ عَلَىٰ ظُهُورِهِمْ ۚ أَلَا سَاءَ مَا يَزِرُونَ (31) Waa khasaare u joog xaqiiq kuwa beeniya la kulanka Ilaahay, jeer markay Saacaddu ugu timaado si kedis ah, waxay odhan doonaan: Shallaytadannow ku gaboodfalkayaga darteed waxakani oo waxay ku xambaari culeysyadooda (dambiyadooda) dhabarradooda, haddaba hubaal waxaa xumaan badan waxa ay xambaari doonaan |
وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا لَعِبٌ وَلَهْوٌ ۖ وَلَلدَّارُ الْآخِرَةُ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ يَتَّقُونَ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ (32) Oo ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Oo xaqiiq Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa iska jira (xumaha), ee miyaydan haddaba garowsaneyn |
قَدْ نَعْلَمُ إِنَّهُ لَيَحْزُنُكَ الَّذِي يَقُولُونَ ۖ فَإِنَّهُمْ لَا يُكَذِّبُونَكَ وَلَٰكِنَّ الظَّالِمِينَ بِآيَاتِ اللَّهِ يَجْحَدُونَ (33) Waxaan ognahay xaqiiq inay waxa ay sheegaan runtii ku murugo geliso: Mase aha hubaal adiga waxa ay beeninayaan, laakiinse gar ma qaatayaashu waa Aayadaha Ilaahay waxay dafirayaan |
وَلَقَدْ كُذِّبَتْ رُسُلٌ مِّن قَبْلِكَ فَصَبَرُوا عَلَىٰ مَا كُذِّبُوا وَأُوذُوا حَتَّىٰ أَتَاهُمْ نَصْرُنَا ۚ وَلَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَاتِ اللَّهِ ۚ وَلَقَدْ جَاءَكَ مِن نَّبَإِ الْمُرْسَلِينَ (34) Oo xaqiiq Rusul kaa horreeyey adiga baa la beeniyey, wayse ku samreen beenintaa iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, oo ma jiraan wax beddeli kara kelmedaha Ilaahay. Oo xaqiiq waxaa haatan ku soo gaaray in ka mid ah xaaladdii Rususha |
وَإِن كَانَ كَبُرَ عَلَيْكَ إِعْرَاضُهُمْ فَإِنِ اسْتَطَعْتَ أَن تَبْتَغِيَ نَفَقًا فِي الْأَرْضِ أَوْ سُلَّمًا فِي السَّمَاءِ فَتَأْتِيَهُم بِآيَةٍ ۚ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَمَعَهُمْ عَلَى الْهُدَىٰ ۚ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْجَاهِلِينَ (35) Oo hadday kugu cuslaatay jeedsigoodu, haddaba haddaad dalbi karto dalool aad hoos ugu baxdo arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (haddaba sidaa yeel). Oo hadduu Allaah dooni lahaa wuxuu hubaal isugu soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta |
۞ إِنَّمَا يَسْتَجِيبُ الَّذِينَ يَسْمَعُونَ ۘ وَالْمَوْتَىٰ يَبْعَثُهُمُ اللَّهُ ثُمَّ إِلَيْهِ يُرْجَعُونَ (36) Kuwaas wax maqla uun baa ajiiba (baaqa), oo (ma xagga) meytida, Allaah baa soo bixin doona, markaas Xaggiisa baa loo soo celin doonaa |
وَقَالُوا لَوْلَا نُزِّلَ عَلَيْهِ آيَةٌ مِّن رَّبِّهِ ۚ قُلْ إِنَّ اللَّهَ قَادِرٌ عَلَىٰ أَن يُنَزِّلَ آيَةً وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ (37) Oo waxay yidhaahdaan: Oo maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Dheh: Hubaal Allaah wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, laakiinse intooda badan wax ma oga |
وَمَا مِن دَابَّةٍ فِي الْأَرْضِ وَلَا طَائِرٍ يَطِيرُ بِجَنَاحَيْهِ إِلَّا أُمَمٌ أَمْثَالُكُم ۚ مَّا فَرَّطْنَا فِي الْكِتَابِ مِن شَيْءٍ ۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِمْ يُحْشَرُونَ (38) Oo ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duusha labadeeda baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin doonaa |
وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا صُمٌّ وَبُكْمٌ فِي الظُّلُمَاتِ ۗ مَن يَشَإِ اللَّهُ يُضْلِلْهُ وَمَن يَشَأْ يَجْعَلْهُ عَلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (39) Oo kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo dhega la’ oo af la’ oo ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Allaah waa habaabiyaa, oo qofkuu doono wuxuu yeelaa Jidka Toosan |
قُلْ أَرَأَيْتَكُمْ إِنْ أَتَاكُمْ عَذَابُ اللَّهِ أَوْ أَتَتْكُمُ السَّاعَةُ أَغَيْرَ اللَّهِ تَدْعُونَ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (40) Dheh: Bal ii sheega haddii Cadaabta Ilaahay ay idiin timaaddo ama Saacaddu idiin timaaddo, ma cid kale aan Allaah ahayn ayaad baryi doontaan haddaad tihiin run sheegayaal |
بَلْ إِيَّاهُ تَدْعُونَ فَيَكْشِفُ مَا تَدْعُونَ إِلَيْهِ إِن شَاءَ وَتَنسَوْنَ مَا تُشْرِكُونَ (41) Mayee’ Isaga Keligii ayaad baridaan, oo idinka dul qaada (dhibta) aad uga gargaar weydiisataan hadduu doono, oo waxaad illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada |
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا إِلَىٰ أُمَمٍ مِّن قَبْلِكَ فَأَخَذْنَاهُم بِالْبَأْسَاءِ وَالضَّرَّاءِ لَعَلَّهُمْ يَتَضَرَّعُونَ (42) Oo xaqiiq Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen). Markaas baan ku qabannay faqri ba'an iyo cudurro baas bal inay soo dabcaan |
فَلَوْلَا إِذْ جَاءَهُم بَأْسُنَا تَضَرَّعُوا وَلَٰكِن قَسَتْ قُلُوبُهُمْ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (43) Oo maxay markay u timid Ciqaabtayada, u soo hogan waayeen? Laakiinse quluubtoodaa qallashay, oo Shaydaan wuxuu u qurxiyey waxay falayeen |
فَلَمَّا نَسُوا مَا ذُكِّرُوا بِهِ فَتَحْنَا عَلَيْهِمْ أَبْوَابَ كُلِّ شَيْءٍ حَتَّىٰ إِذَا فَرِحُوا بِمَا أُوتُوا أَخَذْنَاهُم بَغْتَةً فَإِذَا هُم مُّبْلِسُونَ (44) Markiise ay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxayba ku sugan yihiin quus daran |
فَقُطِعَ دَابِرُ الْقَوْمِ الَّذِينَ ظَلَمُوا ۚ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ (45) Markaasaa dadkii geystey gefafka la cidhibtiray. Oo ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga uunanka |
قُلْ أَرَأَيْتُمْ إِنْ أَخَذَ اللَّهُ سَمْعَكُمْ وَأَبْصَارَكُمْ وَخَتَمَ عَلَىٰ قُلُوبِكُم مَّنْ إِلَٰهٌ غَيْرُ اللَّهِ يَأْتِيكُم بِهِ ۗ انظُرْ كَيْفَ نُصَرِّفُ الْآيَاتِ ثُمَّ هُمْ يَصْدِفُونَ (46) Dheh: Miyaad u fiirsateen in hadduu Allaah qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daahda; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah oo idiin keeni kara? Eeg sida Aan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan |
قُلْ أَرَأَيْتَكُمْ إِنْ أَتَاكُمْ عَذَابُ اللَّهِ بَغْتَةً أَوْ جَهْرَةً هَلْ يُهْلَكُ إِلَّا الْقَوْمُ الظَّالِمُونَ (47) Dheh: Miyaad u fiirsateen, hadday idiinku timaaddo cadaabta Ilaahay kedo ama caddaan; Miyaa la halligaa waxaan aheyn dadka gar ma qaatayaasha ah |
وَمَا نُرْسِلُ الْمُرْسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ ۖ فَمَنْ آمَنَ وَأَصْلَحَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ (48) Oo uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas ma qabi doonaan cabsi, mana murugoon doonaan |
وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا يَمَسُّهُمُ الْعَذَابُ بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ (49) Kuwase beeniya Aayadahayaga, cadaab baa taaban doonta caasintooda darteed |
قُل لَّا أَقُولُ لَكُمْ عِندِي خَزَائِنُ اللَّهِ وَلَا أَعْلَمُ الْغَيْبَ وَلَا أَقُولُ لَكُمْ إِنِّي مَلَكٌ ۖ إِنْ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰ إِلَيَّ ۚ قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الْأَعْمَىٰ وَالْبَصِيرُ ۚ أَفَلَا تَتَفَكَّرُونَ (50) Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Ilaahay, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon oo idinkuma dhaho waxaan anigu ahay malag. Ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan idhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan haddaba fakarayn |
وَأَنذِرْ بِهِ الَّذِينَ يَخَافُونَ أَن يُحْشَرُوا إِلَىٰ رَبِّهِمْ ۙ لَيْسَ لَهُم مِّن دُونِهِ وَلِيٌّ وَلَا شَفِيعٌ لَّعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ (51) Oo ugu dig kuwa cabsada in loo soo kulmin doono xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha) |
وَلَا تَطْرُدِ الَّذِينَ يَدْعُونَ رَبَّهُم بِالْغَدَاةِ وَالْعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجْهَهُ ۖ مَا عَلَيْكَ مِنْ حِسَابِهِم مِّن شَيْءٍ وَمَا مِنْ حِسَابِكَ عَلَيْهِم مِّن شَيْءٍ فَتَطْرُدَهُمْ فَتَكُونَ مِنَ الظَّالِمِينَ (52) Oo ha ceyrin kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, waxay rabaan oo keliya Wajigiisa. Waxba kaama saarna2 Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad ceyriso, oo sidaas uga mid ahaato geflowyada |
وَكَذَٰلِكَ فَتَنَّا بَعْضَهُم بِبَعْضٍ لِّيَقُولُوا أَهَٰؤُلَاءِ مَنَّ اللَّهُ عَلَيْهِم مِّن بَيْنِنَا ۗ أَلَيْسَ اللَّهُ بِأَعْلَمَ بِالشَّاكِرِينَ (53) Sidaas baan isugu jarribnaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Allaah uu ku mannaystay (fadliga) dhexdeenna? Miyaanu Allaah ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa |
وَإِذَا جَاءَكَ الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِآيَاتِنَا فَقُلْ سَلَامٌ عَلَيْكُمْ ۖ كَتَبَ رَبُّكُمْ عَلَىٰ نَفْسِهِ الرَّحْمَةَ ۖ أَنَّهُ مَنْ عَمِلَ مِنكُمْ سُوءًا بِجَهَالَةٍ ثُمَّ تَابَ مِن بَعْدِهِ وَأَصْلَحَ فَأَنَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (54) Oo markay kuwaa rumeysan Aayadahayaga kuu yimaadaan, dheh: Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, hadduu midkiin u falaa xumaan jahli darti, markaas kaddibna soo laabto oo wanaagsanaado, hubaaal, Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan |
وَكَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ وَلِتَسْتَبِينَ سَبِيلُ الْمُجْرِمِينَ (55) Oo sidaas baan u kala dhigdhignaa Aayadaha si ay u caddaato waddada Dambiilayaasha |
قُلْ إِنِّي نُهِيتُ أَنْ أَعْبُدَ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ ۚ قُل لَّا أَتَّبِعُ أَهْوَاءَكُمْ ۙ قَدْ ضَلَلْتُ إِذًا وَمَا أَنَا مِنَ الْمُهْتَدِينَ (56) Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan Allaah sokadi. Dheh: Ma raaco rabitaannadiinna liita, waayo (haddii aan sidaas yeelo), xaqiiq waan lumi lahaa markaas, oo kama mid ahaadeen kuwa hanuunsan |
قُلْ إِنِّي عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّي وَكَذَّبْتُم بِهِ ۚ مَا عِندِي مَا تَسْتَعْجِلُونَ بِهِ ۚ إِنِ الْحُكْمُ إِلَّا لِلَّهِ ۖ يَقُصُّ الْحَقَّ ۖ وَهُوَ خَيْرُ الْفَاصِلِينَ (57) Dheh: Hubaal Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beenisaan, ma hayo waxa aad degdegsaneysaan. Go’aanka waxaa iska leh Allaah, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, oo waa Isaga Kan u wanagsan inta wax kala xukunta |
قُل لَّوْ أَنَّ عِندِي مَا تَسْتَعْجِلُونَ بِهِ لَقُضِيَ الْأَمْرُ بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ ۗ وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِالظَّالِمِينَ (58) Dheh: Haddaan hayn lahaa waxa aad dooneysaan in la soo dedejiyo, arrinka wuxuu hubaal ahaan lahaa mid la gooyey aniga iyo idinka dhexdeenna, Oo Allaah aad buu u ogsoon yahay geflowyada |
۞ وَعِندَهُ مَفَاتِحُ الْغَيْبِ لَا يَعْلَمُهَا إِلَّا هُوَ ۚ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ ۚ وَمَا تَسْقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعْلَمُهَا وَلَا حَبَّةٍ فِي ظُلُمَاتِ الْأَرْضِ وَلَا رَطْبٍ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ (59) Oo Wuxuu hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro axad ogsoon aan Isaga ahayn. oo Wuxuu ogsoon yahay wax kasta oo jira barriga iyo baddaba; oo ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; oo ma jirto iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka) |
وَهُوَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُم بِاللَّيْلِ وَيَعْلَمُ مَا جَرَحْتُم بِالنَّهَارِ ثُمَّ يَبْعَثُكُمْ فِيهِ لِيُقْضَىٰ أَجَلٌ مُّسَمًّى ۖ ثُمَّ إِلَيْهِ مَرْجِعُكُمْ ثُمَّ يُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (60) Oo Isaga weeye (Alle) Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), oo wuxuu ogsoon yahay waxa aad kasabtaan maalinnimada, haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiiyo muddo magacaaban, markaas Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa, markaasuu idiin sheegi doonaa wixii aad fasheen (oo dhan) |
وَهُوَ الْقَاهِرُ فَوْقَ عِبَادِهِ ۖ وَيُرْسِلُ عَلَيْكُمْ حَفَظَةً حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ تَوَفَّتْهُ رُسُلُنَا وَهُمْ لَا يُفَرِّطُونَ (61) Oo Waa Isaga Sarreeyaha awoodda badan, ka korreeya addoomahiisa, oo wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markay geeri u timaaddo midkiin, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), oo iyagu ma aha kuwa gabood fala |
ثُمَّ رُدُّوا إِلَى اللَّهِ مَوْلَاهُمُ الْحَقِّ ۚ أَلَا لَهُ الْحُكْمُ وَهُوَ أَسْرَعُ الْحَاسِبِينَ (62) Markaas baa waxaa dib loogu celiyaa Allaah, Mudanahooda Xaqa ah. Haddaba hubaal Isaga ayaa leh go’aanka, oo waa Kan u dhaqso badan inta wax xisaabisa |
قُلْ مَن يُنَجِّيكُم مِّن ظُلُمَاتِ الْبَرِّ وَالْبَحْرِ تَدْعُونَهُ تَضَرُّعًا وَخُفْيَةً لَّئِنْ أَنجَانَا مِنْ هَٰذِهِ لَنَكُونَنَّ مِنَ الشَّاكِرِينَ (63) Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) idinkoo u hoganaya iyo qarsoodiba (oo leh): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa mahad naqa |
قُلِ اللَّهُ يُنَجِّيكُم مِّنْهَا وَمِن كُلِّ كَرْبٍ ثُمَّ أَنتُمْ تُشْرِكُونَ (64) Dheh: Allaah baa idinka badbaadiya iyada iyo kurba kastaba, markaas ayaad haddana u shariig yeeshaan |
قُلْ هُوَ الْقَادِرُ عَلَىٰ أَن يَبْعَثَ عَلَيْكُمْ عَذَابًا مِّن فَوْقِكُمْ أَوْ مِن تَحْتِ أَرْجُلِكُمْ أَوْ يَلْبِسَكُمْ شِيَعًا وَيُذِيقَ بَعْضَكُم بَأْسَ بَعْضٍ ۗ انظُرْ كَيْفَ نُصَرِّفُ الْآيَاتِ لَعَلَّهُمْ يَفْقَهُونَ (65) Dheh: Wuxuu Karaa inuu idiinka soo diro cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda3 ama idin geliyo jahawareer (isagoo idinka dhigaya) kooxo kala duwan, oo ka yeelo qaarkiin inay dhadhamiyaan dhibka qaarka kale. Eeg sida aan ugu soo celcelinno Aayadaha,bal inay fahmaan |
وَكَذَّبَ بِهِ قَوْمُكَ وَهُوَ الْحَقُّ ۚ قُل لَّسْتُ عَلَيْكُم بِوَكِيلٍ (66) Oo dadkaagu way beeniyaan isagoo Xaq ah. Dheh: Anigu dusha idinkama saarni ilaaliye ahaan |
لِّكُلِّ نَبَإٍ مُّسْتَقَرٌّ ۚ وَسَوْفَ تَعْلَمُونَ (67) War walbaa wuxuu leeyahay muddo, oo waad ogaan doontaan |
وَإِذَا رَأَيْتَ الَّذِينَ يَخُوضُونَ فِي آيَاتِنَا فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ حَتَّىٰ يَخُوضُوا فِي حَدِيثٍ غَيْرِهِ ۚ وَإِمَّا يُنسِيَنَّكَ الشَّيْطَانُ فَلَا تَقْعُدْ بَعْدَ الذِّكْرَىٰ مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ (68) Oo markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay u galaan war kale. Oo hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo, haddaba ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadkaa geflowyada ah |
وَمَا عَلَى الَّذِينَ يَتَّقُونَ مِنْ حِسَابِهِم مِّن شَيْءٍ وَلَٰكِن ذِكْرَىٰ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ (69) Oo kuwa dhowrsoon xisaabtooda (gaalada iyo cusaadda) waxba kama saarna, laakiinse waxay ku leeyihiin waano, waa intaasoo ay iska jiraan (xumaha'e) |
وَذَرِ الَّذِينَ اتَّخَذُوا دِينَهُمْ لَعِبًا وَلَهْوًا وَغَرَّتْهُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا ۚ وَذَكِّرْ بِهِ أَن تُبْسَلَ نَفْسٌ بِمَا كَسَبَتْ لَيْسَ لَهَا مِن دُونِ اللَّهِ وَلِيٌّ وَلَا شَفِيعٌ وَإِن تَعْدِلْ كُلَّ عَدْلٍ لَّا يُؤْخَذْ مِنْهَا ۗ أُولَٰئِكَ الَّذِينَ أُبْسِلُوا بِمَا كَسَبُوا ۖ لَهُمْ شَرَابٌ مِّنْ حَمِيمٍ وَعَذَابٌ أَلِيمٌ بِمَا كَانُوا يَكْفُرُونَ (70) Oo iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, oo ku waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay, ma lahaan doonto Allaah sokadi wax sokeeye ah iyo shafeeco midna, oo hadday isku furato madax furasho kasta aan laga aqbali doonin. Waa kuwan kuwa loo halaagi doono waxa ay kasbadeen awgeed, waxaa lagu abaal marin doonaa sharaab biyo kulul oo karaya iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed |
قُلْ أَنَدْعُو مِن دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنفَعُنَا وَلَا يَضُرُّنَا وَنُرَدُّ عَلَىٰ أَعْقَابِنَا بَعْدَ إِذْ هَدَانَا اللَّهُ كَالَّذِي اسْتَهْوَتْهُ الشَّيَاطِينُ فِي الْأَرْضِ حَيْرَانَ لَهُ أَصْحَابٌ يَدْعُونَهُ إِلَى الْهُدَى ائْتِنَا ۗ قُلْ إِنَّ هُدَى اللَّهِ هُوَ الْهُدَىٰ ۖ وَأُمِرْنَا لِنُسْلِمَ لِرَبِّ الْعَالَمِينَ (71) Dheh: Oo ma waxaan barinnaa Allaah sokadi wax aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, oo ma waxaa dib naloogu celin doonaa cirbahayaga kaddib markuu Allaah na hanuuniyey? _(markaas waxaan ahaaneynaa) sida kan ay ka yeeleen shaydaammadu inuu ku luufluufo dhulka dhexdiisa isagoo jaha wareersan? (halka) uu leeyahay saaxiibbo ugu yeedha hanuunka (oo ku dhahaya): Noo kaalay. Dheh: Hubaal, Hanuunka Ilaahay baa ah oo keliya hanuunka toosan, oo waxaa nala amray inaan isu dhiibno Rabbiga uunanka |
وَأَنْ أَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَاتَّقُوهُ ۚ وَهُوَ الَّذِي إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ (72) Oo hagaajiya salaadda, oo dhowra (xilka uu idin saaray), oo Isaga weeye (Alle) Kan Xaggiisa la idiin soo kulmin doono |
وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ ۖ وَيَوْمَ يَقُولُ كُن فَيَكُونُ ۚ قَوْلُهُ الْحَقُّ ۚ وَلَهُ الْمُلْكُ يَوْمَ يُنفَخُ فِي الصُّورِ ۚ عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ ۚ وَهُوَ الْحَكِيمُ الْخَبِيرُ (73) Oo Isaga weeye Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada xaq, oo maalinta uu yidhaahdo: Ahow, way ahaan. Qawlkiisu waa Xaq. Oo Isagaa leh Boqortooyada (runta ah) Maalinta marka la afuufi doono Buunka. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba Oo waa Isaga (Alle) Xakiimka, Xog Ogaalka ah |
۞ وَإِذْ قَالَ إِبْرَاهِيمُ لِأَبِيهِ آزَرَ أَتَتَّخِذُ أَصْنَامًا آلِهَةً ۖ إِنِّي أَرَاكَ وَقَوْمَكَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (74) Oo waa tii uu Ibraahiim ku yidhi aabbihii Aazar4: Ma waxaad ka dhigataa asnaam ilaahyo? Hubaal waxaan anigu kugu arkaa adiga iyo dadkaagaba habow caddaan ah |
وَكَذَٰلِكَ نُرِي إِبْرَاهِيمَ مَلَكُوتَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلِيَكُونَ مِنَ الْمُوقِنِينَ (75) Sidaas baan u tusinnay Ibraahiim Boqortooyada samooyinka iyo arlada si uu uga mid ahaado kuwa Xaqa yaqiinsan |
فَلَمَّا جَنَّ عَلَيْهِ اللَّيْلُ رَأَىٰ كَوْكَبًا ۖ قَالَ هَٰذَا رَبِّي ۖ فَلَمَّا أَفَلَ قَالَ لَا أُحِبُّ الْآفِلِينَ (76) Markaasuu kolkii uu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig, Wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markiise uu dhacay, wuxuu yidhi: Ma jecli waxa dhaca |
فَلَمَّا رَأَى الْقَمَرَ بَازِغًا قَالَ هَٰذَا رَبِّي ۖ فَلَمَّا أَفَلَ قَالَ لَئِن لَّمْ يَهْدِنِي رَبِّي لَأَكُونَنَّ مِنَ الْقَوْمِ الضَّالِّينَ (77) Oo markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markiise uu dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan hubaal ka mid noqon doonaa dadka lunsan |
فَلَمَّا رَأَى الشَّمْسَ بَازِغَةً قَالَ هَٰذَا رَبِّي هَٰذَا أَكْبَرُ ۖ فَلَمَّا أَفَلَتْ قَالَ يَا قَوْمِ إِنِّي بَرِيءٌ مِّمَّا تُشْرِكُونَ (78) Oo markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markiise ay dhacday, wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Anigu waxaan barii ka ahay waxa aad Allaah u shariig yeeshaan |
إِنِّي وَجَّهْتُ وَجْهِيَ لِلَّذِي فَطَرَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ حَنِيفًا ۖ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُشْرِكِينَ (79) Hubaal waxaan anigu u jeediyey wejigayga anigoo toosan xagga (Allaah, ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta |
وَحَاجَّهُ قَوْمُهُ ۚ قَالَ أَتُحَاجُّونِّي فِي اللَّهِ وَقَدْ هَدَانِ ۚ وَلَا أَخَافُ مَا تُشْرِكُونَ بِهِ إِلَّا أَن يَشَاءَ رَبِّي شَيْئًا ۗ وَسِعَ رَبِّي كُلَّ شَيْءٍ عِلْمًا ۗ أَفَلَا تَتَذَكَّرُونَ (80) Oo dadkiisii baa la dooday; oo wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Ilaahay? isagoo xaqiiq I hanuuniyey; oo anigu ma ka cabsi qabo sinnaba waxa aad la wadaajisaan cibaadada Isaga (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuuxu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmigiisa. Ma waydaan haddaba waansamayn |
وَكَيْفَ أَخَافُ مَا أَشْرَكْتُمْ وَلَا تَخَافُونَ أَنَّكُمْ أَشْرَكْتُم بِاللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ عَلَيْكُمْ سُلْطَانًا ۚ فَأَيُّ الْفَرِيقَيْنِ أَحَقُّ بِالْأَمْنِ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ (81) Oo sidee baan uga cabsadaa waxa aad la wadaajisan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku cabsi ka qabin inaad la wadaajiseen Allaah cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa haddaba labada qolo isku huba inay ku sugnaan amni, haddii aad ogtihiin |
الَّذِينَ آمَنُوا وَلَمْ يَلْبِسُوا إِيمَانَهُم بِظُلْمٍ أُولَٰئِكَ لَهُمُ الْأَمْنُ وَهُم مُّهْتَدُونَ (82) Kuwa (Xaqa) rumeysan oo aan ku labin Iimaankooda gef, waa kuwaas kuwa uu u sugnaan doono amnigu, oo waa iyaga kuwa hanuunsan |
وَتِلْكَ حُجَّتُنَا آتَيْنَاهَا إِبْرَاهِيمَ عَلَىٰ قَوْمِهِ ۚ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَّن نَّشَاءُ ۗ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٌ (83) Oo tani waxay aheyd xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim dadkiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal, Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon |
وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ ۚ كُلًّا هَدَيْنَا ۚ وَنُوحًا هَدَيْنَا مِن قَبْلُ ۖ وَمِن ذُرِّيَّتِهِ دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ وَمُوسَىٰ وَهَارُونَ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ (84) Oo Waxaan ku galladeysannay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waanu hanuuninnay, oo Nuux waanu hanuuninnay kal hore, oo waxaa ka mid ah ubadkiisa; Daawuud iyo Sulaymaan iyo Ayyuub iyo Yuusuf iyo Muuse iyo Haaruun. Oo sidaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha |
وَزَكَرِيَّا وَيَحْيَىٰ وَعِيسَىٰ وَإِلْيَاسَ ۖ كُلٌّ مِّنَ الصَّالِحِينَ (85) Iyo Zakariya iyo Yaxyaa iyo Ciise iyo Ilyaas, mid walbaa wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan |
وَإِسْمَاعِيلَ وَالْيَسَعَ وَيُونُسَ وَلُوطًا ۚ وَكُلًّا فَضَّلْنَا عَلَى الْعَالَمِينَ (86) Iyo Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Yuunus iyo Luud, mid walbaa oo ka mid ahi waan ka kor marinnay uunanka (waqtigoodii) |
وَمِنْ آبَائِهِمْ وَذُرِّيَّاتِهِمْ وَإِخْوَانِهِمْ ۖ وَاجْتَبَيْنَاهُمْ وَهَدَيْنَاهُمْ إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (87) Iyo sidoo kale qaar ka mid ah aabbayaashood iyo ubadkooda iyo walaalahood, oo waan doorannay iyaga, oo ku hanuuninnay Jidka Toosan |
ذَٰلِكَ هُدَى اللَّهِ يَهْدِي بِهِ مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ ۚ وَلَوْ أَشْرَكُوا لَحَبِطَ عَنْهُم مَّا كَانُوا يَعْمَلُونَ (88) Kani waa hanuunka Ilaahay uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Oo hadday la wadaajin lahaayeen cibaadada cid kale,waxaa hubaal ka buri lahaa wixii ay camal san faleen |
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ وَالْحُكْمَ وَالنُّبُوَّةَ ۚ فَإِن يَكْفُرْ بِهَا هَٰؤُلَاءِ فَقَدْ وَكَّلْنَا بِهَا قَوْمًا لَّيْسُوا بِهَا بِكَافِرِينَ (89) Kuwaanu waa kuwa aan siinnay Kitaabka, iyo Xikmadda iyo Nabinnimada. Marka hadday kuwani rumeysan waayaan, waxaan xaqiiq u xil saarnay dad aan Xaqa diidin |
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ هَدَى اللَّهُ ۖ فَبِهُدَاهُمُ اقْتَدِهْ ۗ قُل لَّا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ أَجْرًا ۖ إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرَىٰ لِلْعَالَمِينَ (90) Kuwani weeye kuwa uu Allaah hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa waano ku socota uunanka |
وَمَا قَدَرُوا اللَّهَ حَقَّ قَدْرِهِ إِذْ قَالُوا مَا أَنزَلَ اللَّهُ عَلَىٰ بَشَرٍ مِّن شَيْءٍ ۗ قُلْ مَنْ أَنزَلَ الْكِتَابَ الَّذِي جَاءَ بِهِ مُوسَىٰ نُورًا وَهُدًى لِّلنَّاسِ ۖ تَجْعَلُونَهُ قَرَاطِيسَ تُبْدُونَهَا وَتُخْفُونَ كَثِيرًا ۖ وَعُلِّمْتُم مَّا لَمْ تَعْلَمُوا أَنتُمْ وَلَا آبَاؤُكُمْ ۖ قُلِ اللَّهُ ۖ ثُمَّ ذَرْهُمْ فِي خَوْضِهِمْ يَلْعَبُونَ (91) Oo ma ay ku tilmaamin Allaah tilmaamaha uu mudan yahay marka ay leeyihiin: Waxba Allaah uma soo waxyoon qof Aadmi ah oo dhimanaya. Dheh: Yaa soo waxyooday Kitaabkii uu la yimid Muuse, oo u ahaa Nuur iyo Hanuun dadka, oo aad idinku (Yuhuudda ah) ka dhigteen qoraallo (kala gaar ah) aad muujisaan (qaar ka mid ah) oo qarisaan wax badan? Oo waxaa la idin baray wax aydaan aqoon jirin idinka iyo aabbayaashiin midna. Dheh: Allaah (baa soo waxyooday). Markaas iskaga tag iyagoo baadilkooda ku madadaalan |
وَهَٰذَا كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ مُبَارَكٌ مُّصَدِّقُ الَّذِي بَيْنَ يَدَيْهِ وَلِتُنذِرَ أُمَّ الْقُرَىٰ وَمَنْ حَوْلَهَا ۚ وَالَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ يُؤْمِنُونَ بِهِ ۖ وَهُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ (92) Oo kanu waa Kitaab aan soo waxyoonnay oo barakaysan oo xaqiijinaya (kutubtii) ka horreeyey, si aad ugu digto hooyada magaalooyinka (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah. Oo kuwa rumeysan aakhirada baa rumeysan, oo waxay u dhowraan salaadahooda si joogto ah |
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ قَالَ أُوحِيَ إِلَيَّ وَلَمْ يُوحَ إِلَيْهِ شَيْءٌ وَمَن قَالَ سَأُنزِلُ مِثْلَ مَا أَنزَلَ اللَّهُ ۗ وَلَوْ تَرَىٰ إِذِ الظَّالِمُونَ فِي غَمَرَاتِ الْمَوْتِ وَالْمَلَائِكَةُ بَاسِطُو أَيْدِيهِمْ أَخْرِجُوا أَنفُسَكُمُ ۖ الْيَوْمَ تُجْزَوْنَ عَذَابَ الْهُونِ بِمَا كُنتُمْ تَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ غَيْرَ الْحَقِّ وَكُنتُمْ عَنْ آيَاتِهِ تَسْتَكْبِرُونَ (93) Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo waxyoon karaa wax la mid ah waxa uu Allaah soo waxyooday? Oo haddaad arki lahayd marka ay gar ma qaatayaasha ku sugan yihiin sakaraadka mowdka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin doonaa cadaabta dulleynta wixii aad Allaah ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Oo waxaad aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya |
وَلَقَدْ جِئْتُمُونَا فُرَادَىٰ كَمَا خَلَقْنَاكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَتَرَكْتُم مَّا خَوَّلْنَاكُمْ وَرَاءَ ظُهُورِكُمْ ۖ وَمَا نَرَىٰ مَعَكُمْ شُفَعَاءَكُمُ الَّذِينَ زَعَمْتُمْ أَنَّهُمْ فِيكُمْ شُرَكَاءُ ۚ لَقَد تَّقَطَّعَ بَيْنَكُمْ وَضَلَّ عَنكُم مَّا كُنتُمْ تَزْعُمُونَ (94) Oo xaqiiq waxaad noogu timaaddeen idinkoo keli ah sidii aan idiin abuurnay awal horeba. Oo waxaad uga timaaddeen dhabarradiinna gadaashood waxaan idinku galladeysannay. Oo ma aragno la jirkiin shafeecayaashiinnii aad ku sheegi jirteen inay xaggiinna shuruko Allaah la yihiin. Xaqiiq dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa haatan waa kala go’an yihiin, oo waxaad sheegeyseen waad weydeen |
۞ إِنَّ اللَّهَ فَالِقُ الْحَبِّ وَالنَّوَىٰ ۖ يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ وَمُخْرِجُ الْمَيِّتِ مِنَ الْحَيِّ ۚ ذَٰلِكُمُ اللَّهُ ۖ فَأَنَّىٰ تُؤْفَكُونَ (95) Hubaal Waa Allaah Kan biqliya iniinta iyo lafta. Wuxuu ka soo saaraa noole wax meyd ah, oo ka soo saaraa wax meyd ah wax nool. Kaas ayaa ah Allaah, ee sidee baa haddaba la idiinka jeediyey |
فَالِقُ الْإِصْبَاحِ وَجَعَلَ اللَّيْلَ سَكَنًا وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ حُسْبَانًا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ (96) Waa Kan waaga bariya, oo ka dhigay habeenka nasasho, iyo in qorraxda iyo dayaxa wax lagu xisaabsado, arrinkani waa abaabulka Adkaadaha, wax kasta Ogsoonaha ah (Allaah) |
وَهُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ النُّجُومَ لِتَهْتَدُوا بِهَا فِي ظُلُمَاتِ الْبَرِّ وَالْبَحْرِ ۗ قَدْ فَصَّلْنَا الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ (97) oo waa Isaga (Allaah) Kan idiin yeelay xiddigaha, si aad ugu toostaan dhabbaha marka uu jira gudcurka barriga iyo badda. Xaqiiq Waxaan u faahfaahinnay Aayadaha dad aqoon leh |
وَهُوَ الَّذِي أَنشَأَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ فَمُسْتَقَرٌّ وَمُسْتَوْدَعٌ ۗ قَدْ فَصَّلْنَا الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَفْقَهُونَ (98) Oo Isaga weeye Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam), oo idin yeelay rug aad degtaan iyo rug kaydin ah5, xaqiiq waxaan u faahfaahinnay Aayadaha dad faham leh |
وَهُوَ الَّذِي أَنزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجْنَا بِهِ نَبَاتَ كُلِّ شَيْءٍ فَأَخْرَجْنَا مِنْهُ خَضِرًا نُّخْرِجُ مِنْهُ حَبًّا مُّتَرَاكِبًا وَمِنَ النَّخْلِ مِن طَلْعِهَا قِنْوَانٌ دَانِيَةٌ وَجَنَّاتٍ مِّنْ أَعْنَابٍ وَالزَّيْتُونَ وَالرُّمَّانَ مُشْتَبِهًا وَغَيْرَ مُتَشَابِهٍ ۗ انظُرُوا إِلَىٰ ثَمَرِهِ إِذَا أَثْمَرَ وَيَنْعِهِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكُمْ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ (99) Oo Isaga weeye Kan ka soo shuba biyo daruurta, oo aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Oo waxaan ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhowna oo aan fogeyn iyo beero ah canab, iyo saytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada mirihiisa markuu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Hubaal waxaa arrinkani ugu jira xaqiiq calaamooyin dad iimaan leh |
وَجَعَلُوا لِلَّهِ شُرَكَاءَ الْجِنَّ وَخَلَقَهُمْ ۖ وَخَرَقُوا لَهُ بَنِينَ وَبَنَاتٍ بِغَيْرِ عِلْمٍ ۚ سُبْحَانَهُ وَتَعَالَىٰ عَمَّا يَصِفُونَ (100) Oo waxay ka yeelaan jinka shariigyo ay la wadaajiyaan Allaah cibaadada, Isagoo abuuray iyaga, oo waxay baadil ugu nasbeeyaan wiilal iyo gabdho cilmi la’aantooda awgii. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu (ka nazahan yahay) oo ka sarreeyaa waxay ku tilmaamaan |
بَدِيعُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ أَنَّىٰ يَكُونُ لَهُ وَلَدٌ وَلَمْ تَكُن لَّهُ صَاحِبَةٌ ۖ وَخَلَقَ كُلَّ شَيْءٍ ۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ (101) Waa Askumaha cirarka iyo dhulka. Sidee buu u yeelan wiil Isaga oo aan lahayn afo? Oo Isagu yahay Kan abuuray wax kasta, oo Isaga baa wax walba Og |
ذَٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ خَالِقُ كُلِّ شَيْءٍ فَاعْبُدُوهُ ۚ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ وَكِيلٌ (102) Kaas waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, oo Isaga baa wax kasta xilkood haya |
لَّا تُدْرِكُهُ الْأَبْصَارُ وَهُوَ يُدْرِكُ الْأَبْصَارَ ۖ وَهُوَ اللَّطِيفُ الْخَبِيرُ (103) Ma koobi karaan Aragga indhuhu, Isaguse wuu koobaa arag walba oo jira. Oo waa Isaga Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah |
قَدْ جَاءَكُم بَصَائِرُ مِن رَّبِّكُمْ ۖ فَمَنْ أَبْصَرَ فَلِنَفْسِهِ ۖ وَمَنْ عَمِيَ فَعَلَيْهَا ۚ وَمَا أَنَا عَلَيْكُم بِحَفِيظٍ (104) Xaqiiq waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa, naftiisay dan u tahay, oo qofkii ka indho la'aada isagay u daran tahay, oo anigu ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah |
وَكَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ الْآيَاتِ وَلِيَقُولُوا دَرَسْتَ وَلِنُبَيِّنَهُ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ (105) Oo sidaas baan ugu celcelinnaa Aayadaha iyo si ay u yidhaahdaan: Waad soo baratay, iyo si aan ugu caddeyno arrinka dad garasho leh |
اتَّبِعْ مَا أُوحِيَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ وَأَعْرِضْ عَنِ الْمُشْرِكِينَ (106) Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa, ma jiro ilaah aan Isaga ahayn, oo iskaga jeeso mushrikiinta |
وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ مَا أَشْرَكُوا ۗ وَمَا جَعَلْنَاكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِوَكِيلٍ (107) Oo hadduu doono Allaah, uma ay shariig yeeleen cidna oo kaaga ma aanaan dhigin korkooda ilaaliye, oo kama tihid adigu wakiil |
وَلَا تَسُبُّوا الَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ فَيَسُبُّوا اللَّهَ عَدْوًا بِغَيْرِ عِلْمٍ ۗ كَذَٰلِكَ زَيَّنَّا لِكُلِّ أُمَّةٍ عَمَلَهُمْ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِم مَّرْجِعُهُمْ فَيُنَبِّئُهُم بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (108) Oo ha caayina kuwaa ay u dhawaaqdaan Allaah sokadi, si aysan iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Allaah jahli darti. Sidaas baan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, markaas wuxuu u sheegi doonaa waxa ay fali jireen |
وَأَقْسَمُوا بِاللَّهِ جَهْدَ أَيْمَانِهِمْ لَئِن جَاءَتْهُمْ آيَةٌ لَّيُؤْمِنُنَّ بِهَا ۚ قُلْ إِنَّمَا الْآيَاتُ عِندَ اللَّهِ ۖ وَمَا يُشْعِرُكُمْ أَنَّهَا إِذَا جَاءَتْ لَا يُؤْمِنُونَ (109) Oo waxay ku dhaartaan Allaah tan ugu culus dhaarahooda, in hadday u timaaddo calaamo ay hubaal rumaynayaan6. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Allaah, oo maxaa idin ogeysiinaya markay (calaamo) u timaaddo inayan rumayn doonin |
وَنُقَلِّبُ أَفْئِدَتَهُمْ وَأَبْصَارَهُمْ كَمَا لَمْ يُؤْمِنُوا بِهِ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَنَذَرُهُمْ فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ (110) Oo waxaanu rogi doonnaa quluubtooda iyo aragyadooda, sida ay iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, oo waxaanu ugu tegi doonnaa xad gudub- kooda, ay ku jaha wareersanaan indha la’aan |
۞ وَلَوْ أَنَّنَا نَزَّلْنَا إِلَيْهِمُ الْمَلَائِكَةَ وَكَلَّمَهُمُ الْمَوْتَىٰ وَحَشَرْنَا عَلَيْهِمْ كُلَّ شَيْءٍ قُبُلًا مَّا كَانُوا لِيُؤْمِنُوا إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ يَجْهَلُونَ (111) Oo waliba haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda dhambaalkan), oo meytidu ay (ka)la hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn, in maahee Allaah doono, laakiinse badankoodu waa ka jaahiliin |
وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوًّا شَيَاطِينَ الْإِنسِ وَالْجِنِّ يُوحِي بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ زُخْرُفَ الْقَوْلِ غُرُورًا ۚ وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُ ۖ فَذَرْهُمْ وَمَا يَفْتَرُونَ (112) Oo sidaas baan waxaan ugu yeelnay Nabi walbaa cadow_shayaadiinta ku jira dadka iyo jinkaba, oo qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay (ku) hodaan. Oo Rabbigaa hadduu doono, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxa ay been abuuranba |
وَلِتَصْغَىٰ إِلَيْهِ أَفْئِدَةُ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ وَلِيَرْضَوْهُ وَلِيَقْتَرِفُوا مَا هُم مُّقْتَرِفُونَ (113) Oo waa si ay laabaha kuwa aan rumeysanayn Aakhirada ugu iilato oo ugu raalli noqdaan, iyo si ay u kasbadaan waxa ay kasban doonaan (oo dembiyo ah) |
أَفَغَيْرَ اللَّهِ أَبْتَغِي حَكَمًا وَهُوَ الَّذِي أَنزَلَ إِلَيْكُمُ الْكِتَابَ مُفَصَّلًا ۚ وَالَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ يَعْلَمُونَ أَنَّهُ مُنَزَّلٌ مِّن رَّبِّكَ بِالْحَقِّ ۖ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُمْتَرِينَ (114) Ma waxaan haddaba ka doonaa garsoor cidaan ahayn Allaah, isagoo ah Kan idiin soo waxyooday Kitaabka ee la caddeeyey. Oo kuwa aan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in looga soo waxyooday xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya |
وَتَمَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ صِدْقًا وَعَدْلًا ۚ لَّا مُبَدِّلَ لِكَلِمَاتِهِ ۚ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (115) Oo Kelmadda Rabbigaa waxay ku taam noqotay run iyo caddaalad. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa. Oo Waa Maqlaha (wax kasta), wax kasta ogsoonaha |
وَإِن تُطِعْ أَكْثَرَ مَن فِي الْأَرْضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَإِنْ هُمْ إِلَّا يَخْرُصُونَ (116) Oo haddaad adeecdo intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa lumin Jidka Ilaahay. Ma raacaan waxaan ahayn male, oo been uun bay sheegaan |
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ مَن يَضِلُّ عَن سَبِيلِهِ ۖ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ (117) Hubaal, Rabbigaa baa dhab u Ogsoon midka ka luma Jidkiisa, oo Wuxuu dhab u Ogsoon yahay kuwa hanuunsan |
فَكُلُوا مِمَّا ذُكِرَ اسْمُ اللَّهِ عَلَيْهِ إِن كُنتُم بِآيَاتِهِ مُؤْمِنِينَ (118) Ee cuna waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan |
وَمَا لَكُمْ أَلَّا تَأْكُلُوا مِمَّا ذُكِرَ اسْمُ اللَّهِ عَلَيْهِ وَقَدْ فَصَّلَ لَكُم مَّا حَرَّمَ عَلَيْكُمْ إِلَّا مَا اضْطُرِرْتُمْ إِلَيْهِ ۗ وَإِنَّ كَثِيرًا لَّيُضِلُّونَ بِأَهْوَائِهِم بِغَيْرِ عِلْمٍ ۗ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِالْمُعْتَدِينَ (119) Oo maxaad la cuni weydeen waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey neefka), oo wuxuu horay idiinku caddeeyey waxa uu idinka xaaraanshay - waxa ay dani idinku qabato ma'ahee. Oo hubaal kuwo badan baa xaqiiq ku lumiya (dadka) rabitaannadooda liita darteed aqoon la’aan darteed. Hubaal, Rabbigaa wuxuu aad u Ogsoon yahay kuwa xad- gudba |
وَذَرُوا ظَاهِرَ الْإِثْمِ وَبَاطِنَهُ ۚ إِنَّ الَّذِينَ يَكْسِبُونَ الْإِثْمَ سَيُجْزَوْنَ بِمَا كَانُوا يَقْتَرِفُونَ (120) Ee ka taga dambiga muuqda iyo kan qarsoonba. hubaal, kuwa kasbada dambiga waxaa laga goyn doonaa waxay kasbadeen |
وَلَا تَأْكُلُوا مِمَّا لَمْ يُذْكَرِ اسْمُ اللَّهِ عَلَيْهِ وَإِنَّهُ لَفِسْقٌ ۗ وَإِنَّ الشَّيَاطِينَ لَيُوحُونَ إِلَىٰ أَوْلِيَائِهِمْ لِيُجَادِلُوكُمْ ۖ وَإِنْ أَطَعْتُمُوهُمْ إِنَّكُمْ لَمُشْرِكُونَ (121) Oo ha cunina waxaa (hilibka) aan lagu xusin Magaca Ilaahay (markii la gowraca- yey neefka), oo taasi hubaal waa caasiyoobid. Oo hubaal shaydaammadu waxay xaqiiq u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan7, oo haddaad adeecdaan, markaa hubaal waxaad xaqiiq idinkuna tihiin mushrikiin |
أَوَمَن كَانَ مَيْتًا فَأَحْيَيْنَاهُ وَجَعَلْنَا لَهُ نُورًا يَمْشِي بِهِ فِي النَّاسِ كَمَن مَّثَلُهُ فِي الظُّلُمَاتِ لَيْسَ بِخَارِجٍ مِّنْهَا ۚ كَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِلْكَافِرِينَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (122) Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur oo uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo bixi karin? Sidaas baa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan |
وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا فِي كُلِّ قَرْيَةٍ أَكَابِرَ مُجْرِمِيهَا لِيَمْكُرُوا فِيهَا ۖ وَمَا يَمْكُرُونَ إِلَّا بِأَنفُسِهِمْ وَمَا يَشْعُرُونَ (123) Oo sidaas baan u yeelnay magaalo walba gudaheed kuwooda waaweyn (madaxda iyo maalqabeennadeeda) inay ahaadaan dambiilayaasheeda si ay ugu dhex maleegaan qorshe (xun), umase maleegaan qorshe (xun) waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana |
وَإِذَا جَاءَتْهُمْ آيَةٌ قَالُوا لَن نُّؤْمِنَ حَتَّىٰ نُؤْتَىٰ مِثْلَ مَا أُوتِيَ رُسُلُ اللَّهِ ۘ اللَّهُ أَعْلَمُ حَيْثُ يَجْعَلُ رِسَالَتَهُ ۗ سَيُصِيبُ الَّذِينَ أَجْرَمُوا صَغَارٌ عِندَ اللَّهِ وَعَذَابٌ شَدِيدٌ بِمَا كَانُوا يَمْكُرُونَ (124) Oo markay calaamo u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Ma rumeysan doonno jeer nala siiyo wax la mid ah waxa la siiyey Rususha Ilaahay. Allaah baa dhab u ogsoon meesha uu dhigayo Dhambaal-kiisa. Waxaa ku dhici doona dambiilayaa- sha dulli xag Ilaahay ah iyo cadaab daran waxay qorshe xun maleegi jireen awgeed |
فَمَن يُرِدِ اللَّهُ أَن يَهْدِيَهُ يَشْرَحْ صَدْرَهُ لِلْإِسْلَامِ ۖ وَمَن يُرِدْ أَن يُضِلَّهُ يَجْعَلْ صَدْرَهُ ضَيِّقًا حَرَجًا كَأَنَّمَا يَصَّعَّدُ فِي السَّمَاءِ ۚ كَذَٰلِكَ يَجْعَلُ اللَّهُ الرِّجْسَ عَلَى الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ (125) Ee qofkii uu Allaah rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, oo (ma) qofkii uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka dhigaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaas buu Allaah dusha uga saaraa fadarada kuwa aan rumaysneyn |
وَهَٰذَا صِرَاطُ رَبِّكَ مُسْتَقِيمًا ۗ قَدْ فَصَّلْنَا الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَذَّكَّرُونَ (126) Oo kani waa Jidka Rabbigaa ee toosan. Xaqiiq Waxaan uga yeelnay Aayadaha caddaan dad maan leh |
۞ لَهُمْ دَارُ السَّلَامِ عِندَ رَبِّهِمْ ۖ وَهُوَ وَلِيُّهُم بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (127) Waxay mudan Daarta Nabadda (Jannada) oo Rabbigood agtiis ah oo Isagaa ah Gacalkood waxay camal faleen darteed |
وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا يَا مَعْشَرَ الْجِنِّ قَدِ اسْتَكْثَرْتُم مِّنَ الْإِنسِ ۖ وَقَالَ أَوْلِيَاؤُهُم مِّنَ الْإِنسِ رَبَّنَا اسْتَمْتَعَ بَعْضُنَا بِبَعْضٍ وَبَلَغْنَا أَجَلَنَا الَّذِي أَجَّلْتَ لَنَا ۚ قَالَ النَّارُ مَثْوَاكُمْ خَالِدِينَ فِيهَا إِلَّا مَا شَاءَ اللَّهُ ۗ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٌ (128) Oo Maalinta uu soo kulmin doono (dhammaantood) iyagoo wada jira (oo odhan): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Oo saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan doonaan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, oo waxaan gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan doonaa: Naarta ayaa hoygiinna ah oo aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Allaah doono mooyee. Xaqiiq, Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon |
وَكَذَٰلِكَ نُوَلِّي بَعْضَ الظَّالِمِينَ بَعْضًا بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ (129) Oo sidaas baan uga saaxiib dhignaa gar ma qaatayaasha qaarkoodba qaarka kale, waxa ay kasbadeen awgeed |
يَا مَعْشَرَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ أَلَمْ يَأْتِكُمْ رُسُلٌ مِّنكُمْ يَقُصُّونَ عَلَيْكُمْ آيَاتِي وَيُنذِرُونَكُمْ لِقَاءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَا ۚ قَالُوا شَهِدْنَا عَلَىٰ أَنفُسِنَا ۖ وَغَرَّتْهُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا وَشَهِدُوا عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ أَنَّهُمْ كَانُوا كَافِرِينَ (130) Kulanka jinka iyo dadkow! Miyaanay idiin imaan Rusul idinka mid ah, oo idiin soo tebinaya Aayadahayga oo idiinka digaya la kulanka maalintiinnaan tani? Waxay odhan doonaan: Waxaan ku marag furaynaa nafahayaga. Oo waxaa hodday noloshan adduunka. Oo waxay ku marag furi doonaan nafahooda inay iimaan la’aan ahaayeen |
ذَٰلِكَ أَن لَّمْ يَكُن رَّبُّكَ مُهْلِكَ الْقُرَىٰ بِظُلْمٍ وَأَهْلُهَا غَافِلُونَ (131) Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin) |
وَلِكُلٍّ دَرَجَاتٌ مِّمَّا عَمِلُوا ۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَافِلٍ عَمَّا يَعْمَلُونَ (132) Oo dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Oo Rabbigaa ma mooga waxay camal falaan |
وَرَبُّكَ الْغَنِيُّ ذُو الرَّحْمَةِ ۚ إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَسْتَخْلِفْ مِن بَعْدِكُم مَّا يَشَاءُ كَمَا أَنشَأَكُم مِّن ذُرِّيَّةِ قَوْمٍ آخَرِينَ (133) Oo Rabbigaa waa Hodan (ka deeqtoon wax waliba) Naxariis leh, hadduu doono waa idin qaadi karaa, oo idinku beddeli karaa idinka kaddib cidduu doono. Sidii uu awalba idiinka soo saaray firka dad kale |
إِنَّ مَا تُوعَدُونَ لَآتٍ ۖ وَمَا أَنتُم بِمُعْجِزِينَ (134) Hubaal, waxa la idiinka gooddiyo waa imaanayaan, oo kama fakan kartaan |
قُلْ يَا قَوْمِ اعْمَلُوا عَلَىٰ مَكَانَتِكُمْ إِنِّي عَامِلٌ ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ مَن تَكُونُ لَهُ عَاقِبَةُ الدَّارِ ۗ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الظَّالِمُونَ (135) Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal falanayaa, waadse ogaan doontaan dhowaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal gar ma qaatayaasha ma guulyesan doonaan |
وَجَعَلُوا لِلَّهِ مِمَّا ذَرَأَ مِنَ الْحَرْثِ وَالْأَنْعَامِ نَصِيبًا فَقَالُوا هَٰذَا لِلَّهِ بِزَعْمِهِمْ وَهَٰذَا لِشُرَكَائِنَا ۖ فَمَا كَانَ لِشُرَكَائِهِمْ فَلَا يَصِلُ إِلَى اللَّهِ ۖ وَمَا كَانَ لِلَّهِ فَهُوَ يَصِلُ إِلَىٰ شُرَكَائِهِمْ ۗ سَاءَ مَا يَحْكُمُونَ (136) Oo waxay qayb u dhigaan Allaah8, ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Allaah - sidaas bay ku andacoodaan-, oo kan waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxa ay leeyihiin sanaymayadooda ma gaaraan Allaah, waxase (qayb ahaan loo dhigay) Allaah wuxuu gaaraa sanaymyadooda! Alla Xumaa waxa ay xukumaan |
وَكَذَٰلِكَ زَيَّنَ لِكَثِيرٍ مِّنَ الْمُشْرِكِينَ قَتْلَ أَوْلَادِهِمْ شُرَكَاؤُهُمْ لِيُرْدُوهُمْ وَلِيَلْبِسُوا عَلَيْهِمْ دِينَهُمْ ۖ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ مَا فَعَلُوهُ ۖ فَذَرْهُمْ وَمَا يَفْتَرُونَ (137) Oo sidaas bay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (ilaahay) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan diintooda. Oo hadduu Allaah doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxa ay been abuuraanba |
وَقَالُوا هَٰذِهِ أَنْعَامٌ وَحَرْثٌ حِجْرٌ لَّا يَطْعَمُهَا إِلَّا مَن نَّشَاءُ بِزَعْمِهِمْ وَأَنْعَامٌ حُرِّمَتْ ظُهُورُهَا وَأَنْعَامٌ لَّا يَذْكُرُونَ اسْمَ اللَّهِ عَلَيْهَا افْتِرَاءً عَلَيْهِ ۚ سَيَجْزِيهِم بِمَا كَانُوا يَفْتَرُونَ (138) Oo waxay yidhaahdaan: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuni doonin ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Ilaahay - iyagoo ku been abuuranaya. Waa uu ka abaal marin doonaa waxa ay been abuurteen darteed |
وَقَالُوا مَا فِي بُطُونِ هَٰذِهِ الْأَنْعَامِ خَالِصَةٌ لِّذُكُورِنَا وَمُحَرَّمٌ عَلَىٰ أَزْوَاجِنَا ۖ وَإِن يَكُن مَّيْتَةً فَهُمْ فِيهِ شُرَكَاءُ ۚ سَيَجْزِيهِمْ وَصْفَهُمْ ۚ إِنَّهُ حَكِيمٌ عَلِيمٌ (139) Oo waxay yiraahdaan: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, oo waa ka xaaraan xaasaskayaga, oo hadduu baqti yahay, markaa way wadaagaan dhammaantood. Wuxuu ka goyn doonaa waxay been u nisbeeyeen (Allaah). Xaqiiq, Waa Xakiim, wax kasta Ogsoon |
قَدْ خَسِرَ الَّذِينَ قَتَلُوا أَوْلَادَهُمْ سَفَهًا بِغَيْرِ عِلْمٍ وَحَرَّمُوا مَا رَزَقَهُمُ اللَّهُ افْتِرَاءً عَلَى اللَّهِ ۚ قَدْ ضَلُّوا وَمَا كَانُوا مُهْتَدِينَ (140) Waxaa khasaara dhab ah ku sugan run ahaan kuwa u dila carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan9, oo xaaraameeya waxa Allaah uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Allaah. Xaqiiq way lumeen, oo ma aha kuwo hanuunsan |
۞ وَهُوَ الَّذِي أَنشَأَ جَنَّاتٍ مَّعْرُوشَاتٍ وَغَيْرَ مَعْرُوشَاتٍ وَالنَّخْلَ وَالزَّرْعَ مُخْتَلِفًا أُكُلُهُ وَالزَّيْتُونَ وَالرُّمَّانَ مُتَشَابِهًا وَغَيْرَ مُتَشَابِهٍ ۚ كُلُوا مِن ثَمَرِهِ إِذَا أَثْمَرَ وَآتُوا حَقَّهُ يَوْمَ حَصَادِهِ ۖ وَلَا تُسْرِفُوا ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ (141) Oo Isaga weeye Kan soo saara beero (canab ah) dhis leh iyo kuwo aan dhis lahaynba, iyo geedo timir, iyo sarac leh miro muuqaal iyo dhadhan kala duwan, iyo saytuun, iyo rummaan, isu eg (nooc ahaan) kuna kala duwan (dhadhan ahaan), Wax ka cuna mirahiisa markay soo saaraan miro, oo bixiya xaqa lagu leeyahay maalinta goyntiisa. Oo ha xad dhaafina, xaqiiq Isagu ma jecla kuwa xad dhaafa |
وَمِنَ الْأَنْعَامِ حَمُولَةً وَفَرْشًا ۚ كُلُوا مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ وَلَا تَتَّبِعُوا خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ ۚ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ (142) Oo waxaa ka mid ah xoolaha (uu abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Allaah idin siiyey, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu isagu idiin yahay cadow iska cad |
ثَمَانِيَةَ أَزْوَاجٍ ۖ مِّنَ الضَّأْنِ اثْنَيْنِ وَمِنَ الْمَعْزِ اثْنَيْنِ ۗ قُلْ آلذَّكَرَيْنِ حَرَّمَ أَمِ الْأُنثَيَيْنِ أَمَّا اشْتَمَلَتْ عَلَيْهِ أَرْحَامُ الْأُنثَيَيْنِ ۖ نَبِّئُونِي بِعِلْمٍ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (143) Siddeed lammaane ah; labo ido ah iyo labo riyo ah. Dheh: Ma labada labka ah buu xaaraameeyey mise labada dheddig, mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddaad tihiin run sheegayaal |
وَمِنَ الْإِبِلِ اثْنَيْنِ وَمِنَ الْبَقَرِ اثْنَيْنِ ۗ قُلْ آلذَّكَرَيْنِ حَرَّمَ أَمِ الْأُنثَيَيْنِ أَمَّا اشْتَمَلَتْ عَلَيْهِ أَرْحَامُ الْأُنثَيَيْنِ ۖ أَمْ كُنتُمْ شُهَدَاءَ إِذْ وَصَّاكُمُ اللَّهُ بِهَٰذَا ۚ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا لِّيُضِلَّ النَّاسَ بِغَيْرِ عِلْمٍ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ (144) Iyo labo geel ah iyo labo lo’ ah. Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen marka uu Allaah idin amray arrinkani? Ee yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Allaah ma hanuuniyo dadka gar ma qaatayaasha ah |
قُل لَّا أَجِدُ فِي مَا أُوحِيَ إِلَيَّ مُحَرَّمًا عَلَىٰ طَاعِمٍ يَطْعَمُهُ إِلَّا أَن يَكُونَ مَيْتَةً أَوْ دَمًا مَّسْفُوحًا أَوْ لَحْمَ خِنزِيرٍ فَإِنَّهُ رِجْسٌ أَوْ فِسْقًا أُهِلَّ لِغَيْرِ اللَّهِ بِهِ ۚ فَمَنِ اضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَإِنَّ رَبَّكَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (145) Dheh: Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee neef iski u dhintay (gowrac la’aan) ama dhiig horay u soo butaacay (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar waayo taasi xaqiiq waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid, wax kale aan aheyn (Magaca) Allaah lagu xusay dusheeda, qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, oo aan xad gudbeyn, haddaba hubaal, Rabbigaa waa Dambi Dhaafid Badane, Naxariis Badan |
وَعَلَى الَّذِينَ هَادُوا حَرَّمْنَا كُلَّ ذِي ظُفُرٍ ۖ وَمِنَ الْبَقَرِ وَالْغَنَمِ حَرَّمْنَا عَلَيْهِمْ شُحُومَهُمَا إِلَّا مَا حَمَلَتْ ظُهُورُهُمَا أَوِ الْحَوَايَا أَوْ مَا اخْتَلَطَ بِعَظْمٍ ۚ ذَٰلِكَ جَزَيْنَاهُم بِبَغْيِهِمْ ۖ وَإِنَّا لَصَادِقُونَ (146) Oo kuwaa heysta diinta Yuhuudi- yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh10, xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay gefkoodii dartiis, oo Waxaan hubaal nahay run sheegayaal |
فَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل رَّبُّكُمْ ذُو رَحْمَةٍ وَاسِعَةٍ وَلَا يُرَدُّ بَأْسُهُ عَنِ الْقَوْمِ الْمُجْرِمِينَ (147) Haddiise ay ku beeniyaan markaa dheh: Rabbigiin waa Rabbiga Naxariista Ballaadhan, oo Ciqaabkiisa lagama celiyo dadka dambiilayaasha ah |
سَيَقُولُ الَّذِينَ أَشْرَكُوا لَوْ شَاءَ اللَّهُ مَا أَشْرَكْنَا وَلَا آبَاؤُنَا وَلَا حَرَّمْنَا مِن شَيْءٍ ۚ كَذَٰلِكَ كَذَّبَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ حَتَّىٰ ذَاقُوا بَأْسَنَا ۗ قُلْ هَلْ عِندَكُم مِّنْ عِلْمٍ فَتُخْرِجُوهُ لَنَا ۖ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَإِنْ أَنتُمْ إِلَّا تَخْرُصُونَ (148) Kuwaa ah mushrikiinta waxay odhan doonaan: Hadduu Allaah doono, ma aanu u shariig yeelneyn (waxba Isaga) innaga iyo aabbayaasheenba, oo ma aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Allaah banneeyey). Sidaas oo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabtayada. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah oo aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, oo waxaad uun sheegtaan beeno |
قُلْ فَلِلَّهِ الْحُجَّةُ الْبَالِغَةُ ۖ فَلَوْ شَاءَ لَهَدَاكُمْ أَجْمَعِينَ (149) Dheh: Allaah baa iska leh Xujada Xeesha Dheer. Oo hadduu doono. Hubaal Wuu idin hanuunin lahaa dhammaantiin |
قُلْ هَلُمَّ شُهَدَاءَكُمُ الَّذِينَ يَشْهَدُونَ أَنَّ اللَّهَ حَرَّمَ هَٰذَا ۖ فَإِن شَهِدُوا فَلَا تَشْهَدْ مَعَهُمْ ۚ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَالَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ وَهُم بِرَبِّهِمْ يَعْدِلُونَ (150) Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Allaah xaaraameeyey kani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Oo ha raacin rabitaannada liita kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, oo iyagu Rabbigood wax la sima oo dhig u yeela |
۞ قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ ۖ أَلَّا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ۖ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۖ وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُم مِّنْ إِمْلَاقٍ ۖ نَّحْنُ نَرْزُقُكُمْ وَإِيَّاهُمْ ۖ وَلَا تَقْرَبُوا الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ ۖ وَلَا تَقْتُلُوا النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ (151) Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Allaah) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada) la wadaajin waxba; oo u muujiya wanaag waalidiintiin, oo ha u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed_ Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina wixii anshax xumo ah oo dhan kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, oo ha ku dilina nafta uu Allaah xaaraameeyey arrin xaq ah11 maahee, Sidaa buu idinku farad yeelay, bal inaad fahantaan |
وَلَا تَقْرَبُوا مَالَ الْيَتِيمِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ حَتَّىٰ يَبْلُغَ أَشُدَّهُ ۖ وَأَوْفُوا الْكَيْلَ وَالْمِيزَانَ بِالْقِسْطِ ۖ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۖ وَإِذَا قُلْتُمْ فَاعْدِلُوا وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰ ۖ وَبِعَهْدِ اللَّهِ أَوْفُوا ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ (152) Oo ha u dhowaannina maalka agoonta sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’diisa tabar galka iyo xoogga; oo u oofiya si dhan beeggidda iyo miisaanka oo caddaalad ah - Ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda; oo markaad hadleysaan haddaba ahaada caadil haba ahaatee qaraabo dhow (lidkeed), oo oofiya Axdiga Ilaahay; (arrin)kani buu idinku farad yeelay, bal inaad xusuusataan |
وَأَنَّ هَٰذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ ۖ وَلَا تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَن سَبِيلِهِ ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ (153) Oo (ogow) in kani yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, oo ha raacina jidadka kale, oo idinka duwi Jidkiisa. (arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha) |
ثُمَّ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ تَمَامًا عَلَى الَّذِي أَحْسَنَ وَتَفْصِيلًا لِّكُلِّ شَيْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً لَّعَلَّهُم بِلِقَاءِ رَبِّهِمْ يُؤْمِنُونَ (154) Misna, Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay, kaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan |
وَهَٰذَا كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ مُبَارَكٌ فَاتَّبِعُوهُ وَاتَّقُوا لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ (155) Oo kani waa Kitaab (Qur’aan) aan soo waxyoonnay, barakeysan ee raaca oo iska jira (xumaha), si la idiinku naxariisto |
أَن تَقُولُوا إِنَّمَا أُنزِلَ الْكِتَابُ عَلَىٰ طَائِفَتَيْنِ مِن قَبْلِنَا وَإِن كُنَّا عَن دِرَاسَتِهِمْ لَغَافِلِينَ (156) Si aydaan u odhan: Waxaa uun Kitaab loo soo waxyooday labo qolo oo naga horreeyay, oo innagu waxaan aheyn run ahaan kuwo moog waxa ay akhristeen |
أَوْ تَقُولُوا لَوْ أَنَّا أُنزِلَ عَلَيْنَا الْكِتَابُ لَكُنَّا أَهْدَىٰ مِنْهُمْ ۚ فَقَدْ جَاءَكُم بَيِّنَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ ۚ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن كَذَّبَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَصَدَفَ عَنْهَا ۗ سَنَجْزِي الَّذِينَ يَصْدِفُونَ عَنْ آيَاتِنَا سُوءَ الْعَذَابِ بِمَا كَانُوا يَصْدِفُونَ (157) Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo waxyoon lahaa, waxaan hubaal ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan xaqiiq waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin, iyo hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka gef badan mid beeniya Aayadaha Ilaahay oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed |
هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا أَن تَأْتِيَهُمُ الْمَلَائِكَةُ أَوْ يَأْتِيَ رَبُّكَ أَوْ يَأْتِيَ بَعْضُ آيَاتِ رَبِّكَ ۗ يَوْمَ يَأْتِي بَعْضُ آيَاتِ رَبِّكَ لَا يَنفَعُ نَفْسًا إِيمَانُهَا لَمْ تَكُنْ آمَنَتْ مِن قَبْلُ أَوْ كَسَبَتْ فِي إِيمَانِهَا خَيْرًا ۗ قُلِ انتَظِرُوا إِنَّا مُنتَظِرُونَ (158) Ma waxay haddaba sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku, innaguna (sidoo kale) waan sugaynaa |
إِنَّ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا لَّسْتَ مِنْهُمْ فِي شَيْءٍ ۚ إِنَّمَا أَمْرُهُمْ إِلَى اللَّهِ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا كَانُوا يَفْعَلُونَ (159) Hubaal, kuwa u qaybshay diintooda firqooyin oo noqday dariiqooyin (kala duwan) , waxba isuma kiin gelin. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Allaah, markaasuu wuxuu u sheegi waxay faleen |
مَن جَاءَ بِالْحَسَنَةِ فَلَهُ عَشْرُ أَمْثَالِهَا ۖ وَمَن جَاءَ بِالسَّيِّئَةِ فَلَا يُجْزَىٰ إِلَّا مِثْلَهَا وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ (160) Qofkii la yimaada camal san, wuxuu mudan toban laabkeed wax la mid ah, oo qofkii la yimaada camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah, iyagoo aan lagu gardarroon doonin |
قُلْ إِنَّنِي هَدَانِي رَبِّي إِلَىٰ صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ دِينًا قِيَمًا مِّلَّةَ إِبْرَاهِيمَ حَنِيفًا ۚ وَمَا كَانَ مِنَ الْمُشْرِكِينَ (161) Dheh: Hubaal, aniga Rabbigay wuxuu igu hanuuniyey Jid(ka) Toosan, (xagga) diin aad u sugan, diintii Ibraahiim, toosnihii. oo kama mid aheyn mushrikiinta |
قُلْ إِنَّ صَلَاتِي وَنُسُكِي وَمَحْيَايَ وَمَمَاتِي لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ (162) Dheh: Hubaal salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uunanka |
لَا شَرِيكَ لَهُ ۖ وَبِذَٰلِكَ أُمِرْتُ وَأَنَا أَوَّلُ الْمُسْلِمِينَ (163) Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, oo Waxaan ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Allaah) |
قُلْ أَغَيْرَ اللَّهِ أَبْغِي رَبًّا وَهُوَ رَبُّ كُلِّ شَيْءٍ ۚ وَلَا تَكْسِبُ كُلُّ نَفْسٍ إِلَّا عَلَيْهَا ۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرْجِعُكُمْ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ (164) Dheh: Waa la yaabe! Ma waxaan doontaa Rabbi aan aheyn Allaah? Isagoo ah Rabbiga wax walba; oo naf walba waxa ay kasbato (oo dembi ah) waa dusheeda, oo qof culaabi saaran tahay ma qaadi doono culaabta qof kale. misna waa xagga Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu wuxuu idiin sheegi waxaad isku khilaafteen |
وَهُوَ الَّذِي جَعَلَكُمْ خَلَائِفَ الْأَرْضِ وَرَفَعَ بَعْضَكُمْ فَوْقَ بَعْضٍ دَرَجَاتٍ لِّيَبْلُوَكُمْ فِي مَا آتَاكُمْ ۗ إِنَّ رَبَّكَ سَرِيعُ الْعِقَابِ وَإِنَّهُ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (165) Oo Isaga weeye Kan idinka yeelay kuwo u hara oo isu xigsada dhulka oo ka taliya, oo ka sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo waxa uu idin siiyey. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, oo waa Isaga hubaal Dambi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan |