| اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ (1) Ku akhri Magaca Rabbigaa, ee abuuray
 | 
| خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ (2) Wuxuu ka abuuray aadmiga xinjir
 | 
| اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ (3) Akhri! Oo Rabbigaa waa Sharaf Badnaha
 | 
| الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ (4) Ee baray sida wax loogu qoro qalinka
 | 
| عَلَّمَ الْإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ (5) Baray Aadmiga wax uusan aqoon
 | 
| كَلَّا إِنَّ الْإِنسَانَ لَيَطْغَىٰ (6) Mayee! Aadmigu xaqiiq wuu xadgudbaa
 | 
| أَن رَّآهُ اسْتَغْنَىٰ (7) Inuu isu arko mid deeqtoon darteed
 | 
| إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الرُّجْعَىٰ (8) Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku
 | 
| أَرَأَيْتَ الَّذِي يَنْهَىٰ (9) Ma waad aragtay midka isaga ka reeba
 | 
| عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰ (10) Addoon markuu tukado
 | 
| أَرَأَيْتَ إِن كَانَ عَلَى الْهُدَىٰ (11) Bal ka warran haddii uu ku sugan yahay jid toosan
 | 
| أَوْ أَمَرَ بِالتَّقْوَىٰ (12) Amaba uu amro xume ka dhowrsiga
 | 
| أَرَأَيْتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ (13) Bal ka warran haddii uu kaasina beeniyo Xaqa, oo dhabarka u jeediyo
 | 
| أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ اللَّهَ يَرَىٰ (14) Mawuusan ogeyn in Allaah arko
 | 
| كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًا بِالنَّاصِيَةِ (15) Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban doonnaa foodda
 | 
| نَاصِيَةٍ كَاذِبَةٍ خَاطِئَةٍ (16) Food beenley ah oo gefley ah
 | 
| فَلْيَدْعُ نَادِيَهُ (17) Markaa ha u yeedho golihiisa
 | 
| سَنَدْعُ الزَّبَانِيَةَ (18) Waxaan innaguna u yeereynaa malaa’ig daran
 | 
| كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَاسْجُدْ وَاقْتَرِب ۩ (19) Mayee, Ha adeecin isaga, oo sujuud, oo u dhowow (Allaah)
 |