وَالْفَجْرِ (1) Waxaan ku dhaartay waaberiga |
وَلَيَالٍ عَشْرٍ (2) Iyo habeennada tobanka ah |
وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ (3) Iyo dhabanka iyo witirka(tirada is dheer) |
وَاللَّيْلِ إِذَا يَسْرِ (4) Iyo habeenka marka uu tago |
هَلْ فِي ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِي حِجْرٍ (5) Runtii taasi waxaa ugu sugan dhaar kuwaa garashada leh |
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ (6) Mawaadan u fiirsan sida Rabbigaa u galay (reer) Caad |
إِرَمَ ذَاتِ الْعِمَادِ (7) Qolodii Iram, ee lahaa saraha aad u dhaadheer |
الَّتِي لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِي الْبِلَادِ (8) Aan wax la mid ah laga sameyn magaalooyinka kale |
وَثَمُودَ الَّذِينَ جَابُوا الصَّخْرَ بِالْوَادِ (9) Iyo (sida uu u galay) Thamuud, ee kala dhambalayey dhadhaabyo waaweyn tog gudahi ah (ay ka dhigtaan guryo iy jidad) |
وَفِرْعَوْنَ ذِي الْأَوْتَادِ (10) Iyo (sida uu u galay) Fircoon, ee lahaa ciidammada tirada badan |
الَّذِينَ طَغَوْا فِي الْبِلَادِ (11) Kuwaasoo ku qooqay magaalooyinka |
فَأَكْثَرُوا فِيهَا الْفَسَادَ (12) Oo ku badiyey fasahaad dhexdeeda |
فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ (13) Markaasuu Rabbigaa ku shubay korkooda noocyo kala duwan oo cadaab daran ah |
إِنَّ رَبَّكَ لَبِالْمِرْصَادِ (14) Hubaal Rabbigaa baa u jeeda oo arkaya |
فَأَمَّا الْإِنسَانُ إِذَا مَا ابْتَلَاهُ رَبُّهُ فَأَكْرَمَهُ وَنَعَّمَهُ فَيَقُولُ رَبِّي أَكْرَمَنِ (15) Ee ma aadmiga, marka uu Rabbigi imtixaano, oo sharfo oo u nicmeeyo wuxuu yidhaahdaa: Rabbigay waa i sharfay |
وَأَمَّا إِذَا مَا ابْتَلَاهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُ فَيَقُولُ رَبِّي أَهَانَنِ (16) Markase uu (si kale) u imtixaano oo ku ciriirsho risiqa, wuxuu yidhaahdaa; Rabbigay waa i liiday |
كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ الْيَتِيمَ (17) Mayee’ bal ma daryeeshaan agoonka |
وَلَا تَحَاضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ (18) Oo iskuma boorrisaan quudinta miskiinka |
وَتَأْكُلُونَ التُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا (19) Oo waxaad ku cuntaan xaqdarro dhaxalka idinkoo booli ku cunaya (wax kasta) si aan kala saar lahayn |
وَتُحِبُّونَ الْمَالَ حُبًّا جَمًّا (20) Oo waxaad jeceshihiin Maalka jaceyl aad u daran |
كَلَّا إِذَا دُكَّتِ الْأَرْضُ دَكًّا دَكًّا (21) Mayee! Marka dhulka laga dhigo budo |
وَجَاءَ رَبُّكَ وَالْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا (22) Oo Rabbigaa yimaado iyo (sidoo kale) malaa’igta oo saf saf ah |
وَجِيءَ يَوْمَئِذٍ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ الْإِنسَانُ وَأَنَّىٰ لَهُ الذِّكْرَىٰ (23) Oo laga yeelo Naarta mid muuqata Maalintaas. Maalintaas buu Aadmigu waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari |
يَقُولُ يَا لَيْتَنِي قَدَّمْتُ لِحَيَاتِي (24) Wuxuu odhan: Alla haddaan wax horay ugu soo dirsan lahaa noloshaydatan |
فَيَوْمَئِذٍ لَّا يُعَذِّبُ عَذَابَهُ أَحَدٌ (25) Maalintaas se cidna wax uguma cadaabto (wuxuun la mid ah) Cadaabkiisa |
وَلَا يُوثِقُ وَثَاقَهُ أَحَدٌ (26) Oo cidi wax uma xirxirto, (wuxun la mid ah) Xirxiriddiisa |
يَا أَيَّتُهَا النَّفْسُ الْمُطْمَئِنَّةُ (27) Naf yahay adiga xasillooneey |
ارْجِعِي إِلَىٰ رَبِّكِ رَاضِيَةً مَّرْضِيَّةً (28) U noqo Rabbigaa, _adigoo raalli ka ah oo raalli lagaa yahay |
فَادْخُلِي فِي عِبَادِي (29) Ee gal addoomaheyga dhexdood |
وَادْخُلِي جَنَّتِي (30) Oo gal Jannadeyda |