المص (1) Alif Laam Miim Saad |
كِتَابٌ أُنزِلَ إِلَيْكَ فَلَا يَكُن فِي صَدْرِكَ حَرَجٌ مِّنْهُ لِتُنذِرَ بِهِ وَذِكْرَىٰ لِلْمُؤْمِنِينَ (2) (Kani) waa Kitaab laguu soo waxyooday, marka yeysan ahaan wax cidhiidhi ah laabtaadu xaggiisa, si aad ugu digto (dadka), oo waa u waano mu’miniinta |
اتَّبِعُوا مَا أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ وَلَا تَتَّبِعُوا مِن دُونِهِ أَوْلِيَاءَ ۗ قَلِيلًا مَّا تَذَكَّرُونَ (3) Raaca (dadow) waxa la idiinka soo waxyooday xagga Rabbigiin oo ha raacina sokadii awliyo. Yaraa inta aad xusuusataan |
وَكَم مِّن قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا فَجَاءَهَا بَأْسُنَا بَيَاتًا أَوْ هُمْ قَائِلُونَ (4) Oo badanaa inta aan magaalo hallignay. Oo Cuquubadayada ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah |
فَمَا كَانَ دَعْوَاهُمْ إِذْ جَاءَهُم بَأْسُنَا إِلَّا أَن قَالُوا إِنَّا كُنَّا ظَالِمِينَ (5) Markaasi calaacalkoodu, markay Cuquubadayadu u timid, ma ahayn waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Hubaal, Waxaanu ahayn kuwo gef badan |
فَلَنَسْأَلَنَّ الَّذِينَ أُرْسِلَ إِلَيْهِمْ وَلَنَسْأَلَنَّ الْمُرْسَلِينَ (6) Waxaanu hubaal haddaba su’aal weydiin doonnaa kuwa loo soo diray (Rususha), oo waxaanu hubaal sidoo kale su’aal weydiin doonnaa Rususha |
فَلَنَقُصَّنَّ عَلَيْهِم بِعِلْمٍ ۖ وَمَا كُنَّا غَائِبِينَ (7) Oo waxaan hubaal ugu aqoon warrami doonnaa (camalladoodii oo dhan), oo ma aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan |
وَالْوَزْنُ يَوْمَئِذٍ الْحَقُّ ۚ فَمَن ثَقُلَتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (8) Oo miisaanku Maalintaasi waa Xaq. marka ma kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani doona |
وَمَنْ خَفَّتْ مَوَازِينُهُ فَأُولَٰئِكَ الَّذِينَ خَسِرُوا أَنفُسَهُم بِمَا كَانُوا بِآيَاتِنَا يَظْلِمُونَ (9) Oo ma kuwa uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda waxay Aayadahayaga ku gabood faleen darteed |
وَلَقَدْ مَكَّنَّاكُمْ فِي الْأَرْضِ وَجَعَلْنَا لَكُمْ فِيهَا مَعَايِشَ ۗ قَلِيلًا مَّا تَشْكُرُونَ (10) Oo xaqiiq waxaan idinku awood siinnay dhulka, oo waxaan idiinku dhex yeelnay asbaab noolaansho. Wax yar weeye inta aad mahad naqdaan |
وَلَقَدْ خَلَقْنَاكُمْ ثُمَّ صَوَّرْنَاكُمْ ثُمَّ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ لَمْ يَكُن مِّنَ السَّاجِدِينَ (11) Oo xaqiiq waa idin abuurnay, oo idiin yeelnay suurad, oo ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam. Markaasay sujuudeen, Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday |
قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسْجُدَ إِذْ أَمَرْتُكَ ۖ قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ (12) (Allaah) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday oo sidaa awgeed aadan u sujuudin markaan ku amray?(Shaydaan) wuxuu yidhi: Aniga baa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga ka abuurtay dhoobo |
قَالَ فَاهْبِطْ مِنْهَا فَمَا يَكُونُ لَكَ أَن تَتَكَبَّرَ فِيهَا فَاخْرُجْ إِنَّكَ مِنَ الصَّاغِرِينَ (13) Wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (halkan), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso. Ee ka bax, hubaal waxaad tahay mid ka mid ah kuwa dulleysan |
قَالَ أَنظِرْنِي إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ (14) (Shaydaan) wuxuu yidhi: I sii fursad ilaa maalinta marka la soo bixinayo |
قَالَ إِنَّكَ مِنَ الْمُنظَرِينَ (15) (Alle) wuxuu yidhi: Hubaal waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda |
قَالَ فَبِمَا أَغْوَيْتَنِي لَأَقْعُدَنَّ لَهُمْ صِرَاطَكَ الْمُسْتَقِيمَ (16) (Shaydaan) wuxuu yidhi: Sida aad iigu sababtay inaan ahaado hungo habowsan darteed, Waxaan hubaal u fadhiisan doonaa Jidkaaga Toosan |
ثُمَّ لَآتِيَنَّهُم مِّن بَيْنِ أَيْدِيهِمْ وَمِنْ خَلْفِهِمْ وَعَنْ أَيْمَانِهِمْ وَعَن شَمَائِلِهِمْ ۖ وَلَا تَجِدُ أَكْثَرَهُمْ شَاكِرِينَ (17) Markaasaan waxaa hubaal uga imaan doonaa hortooda iyo gadaashooda, iyo xagga midigtooda iyo xagga bidixdoodaba, oo ma heli doontid badankood oo mahad naqa |
قَالَ اخْرُجْ مِنْهَا مَذْءُومًا مَّدْحُورًا ۖ لَّمَن تَبِعَكَ مِنْهُمْ لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكُمْ أَجْمَعِينَ (18) (Allaah) wuxuu yidhi: Ka bax (halkan) adigoo dulleysan oo dayro ah, qofkii iyaga ka mid ah oo ku soo raaca, waxaan hubaal idinka buuxin Naarta dhammaantiin |
وَيَا آدَمُ اسْكُنْ أَنتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ فَكُلَا مِنْ حَيْثُ شِئْتُمَا وَلَا تَقْرَبَا هَٰذِهِ الشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ الظَّالِمِينَ (19) Oo Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaguba beerta gudaheed, ee wax ka cuna meeshaad doontaan, hase u dhowaannina geedkan, haddii kale waxaad ka mid noqon kuwa gefay |
فَوَسْوَسَ لَهُمَا الشَّيْطَانُ لِيُبْدِيَ لَهُمَا مَا وُورِيَ عَنْهُمَا مِن سَوْآتِهِمَا وَقَالَ مَا نَهَاكُمَا رَبُّكُمَا عَنْ هَٰذِهِ الشَّجَرَةِ إِلَّا أَن تَكُونَا مَلَكَيْنِ أَوْ تَكُونَا مِنَ الْخَالِدِينَ (20) Ha yeeshee shaydaanka baa fikrad xun u soo jeediyey, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; oo wuxuu yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha |
وَقَاسَمَهُمَا إِنِّي لَكُمَا لَمِنَ النَّاصِحِينَ (21) Oo wuu u dhaartay labadoodaba: hubaal waxaan anigu xaqiiq idiin ahay daacad |
فَدَلَّاهُمَا بِغُرُورٍ ۚ فَلَمَّا ذَاقَا الشَّجَرَةَ بَدَتْ لَهُمَا سَوْآتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِن وَرَقِ الْجَنَّةِ ۖ وَنَادَاهُمَا رَبُّهُمَا أَلَمْ أَنْهَكُمَا عَن تِلْكُمَا الشَّجَرَةِ وَأَقُل لَّكُمَا إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمَا عَدُوٌّ مُّبِينٌ (22) Markaas buu ku soo dejiyey si hoditaan leh: markay dhadhansheen geedka, waxaa u muuqday cowradooda, oo waxay isla markiiba billaabeen inay ku asturaan nafahooda caleemaha Jannada; oo Rabbigood baa u yeedhay: Miyaanan idinka reebin geedkaa oo idiin sheegin in Shaydaanku idiin yahay cadow iska cad |
قَالَا رَبَّنَا ظَلَمْنَا أَنفُسَنَا وَإِن لَّمْ تَغْفِرْ لَنَا وَتَرْحَمْنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ (23) Waxay yidhaahdeen: Rabbiyow! Waxaan u gefnay nafahayaga. Ee haddaa- dan noo dambi dhaafin, oo aadan noo Naxariisan, waxaan hubaal ka mid noqon kuwa ku sugan khasaaraha dhabta ah |
قَالَ اهْبِطُوا بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ ۖ وَلَكُمْ فِي الْأَرْضِ مُسْتَقَرٌّ وَمَتَاعٌ إِلَىٰ حِينٍ (24) Wuxuu yidhi: Ka dega, qaarkiinba qaar buu cadow u yahay. Oo waxaa idiinku sugan dhulka degaan iyo sahay ilaa muddo |
قَالَ فِيهَا تَحْيَوْنَ وَفِيهَا تَمُوتُونَ وَمِنْهَا تُخْرَجُونَ (25) Wuxuu (sidoo kale) yidhi: Halkaas gudaheed ayaad ku noolaan, oo halkaas gudaheed ayaad ku dhiman, oo xaggeeda baa la idinka soo bixin doonaa |
يَا بَنِي آدَمَ قَدْ أَنزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا يُوَارِي سَوْآتِكُمْ وَرِيشًا ۖ وَلِبَاسُ التَّقْوَىٰ ذَٰلِكَ خَيْرٌ ۚ ذَٰلِكَ مِنْ آيَاتِ اللَّهِ لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ (26) Ilma Aadamow! Waxaan xaqiiq idiin soo dejinnay dhar astura cowradiinna iyo dhar xarrago ah, dharkase lagaga dhowrsado (xumaha), kaas baa khayr badan. Kuwani waxay ka mid yihiin Aayadaha Ilaahay, bal inay xusuustaan |
يَا بَنِي آدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ كَمَا أَخْرَجَ أَبَوَيْكُم مِّنَ الْجَنَّةِ يَنزِعُ عَنْهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوْآتِهِمَا ۗ إِنَّهُ يَرَاكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُ مِنْ حَيْثُ لَا تَرَوْنَهُمْ ۗ إِنَّا جَعَلْنَا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ (27) Ilma Aadamow! Yuusan shaydaanku idiin horseedin inaad ku dhacdaan fidno, sida uuba uga soo saaray labadiinnii waalid beerta, isagoo ka siibaya labadoodaba dharkooda, si uu u qaawiyo oo ugu soo bandhigo cowradooda. hubaal, wuxuu idinka arkaa isaga iyo qabiiladiisuba meel aydaan ka arki karin. Hubaal Waxaan Annagu uga dhignay shaydaammada xigaalo kuwa aan iimaanka lahayn |
وَإِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً قَالُوا وَجَدْنَا عَلَيْهَا آبَاءَنَا وَاللَّهُ أَمَرَنَا بِهَا ۗ قُلْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ ۖ أَتَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ (28) Oo marka ay falaan xumaan waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, oo Allaah baa nagu amray. Dheh: Hubaal, Allaah ma amro anshax xumo. Ma waxaad ka sheegtaan Allaah waxaydaan cilmi u lahayn |
قُلْ أَمَرَ رَبِّي بِالْقِسْطِ ۖ وَأَقِيمُوا وُجُوهَكُمْ عِندَ كُلِّ مَسْجِدٍ وَادْعُوهُ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ ۚ كَمَا بَدَأَكُمْ تَعُودُونَ (29) Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad oo (ku) toosiya wejiyadiinna (qibladda) waqti kasta oo salaad, oo barya Isaga idinkoo u keli yeelaya cibaadada. Sida uu uu ifka idinku keenay billowgii hore ayaad sidoo kale u soo laabmaysaan |
فَرِيقًا هَدَىٰ وَفَرِيقًا حَقَّ عَلَيْهِمُ الضَّلَالَةُ ۗ إِنَّهُمُ اتَّخَذُوا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ مِن دُونِ اللَّهِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُم مُّهْتَدُونَ (30) Koox wuu hanuunshay, oo (ma xagga) koox (kale) habow baa xaq ugu dhaboobay; hubaal waxay iyagu ka dhigteen sheydaammada xulufo halkii Allaah, oo waxay isu heystaan inay hanuunsan yihiin |
۞ يَا بَنِي آدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِندَ كُلِّ مَسْجِدٍ وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ (31) Ilma Aadamow! Qaata (dharka) la isku qurxiyo waqti kasta oo salaad, oo cuna oo cabba, oo ha ku talax tagine, hubaal Isagu ma jecla kuwa wax ku talax taga |
قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ ۚ قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ (32) Dheh: yaa xaareemeeyey isku qurxinta dharka ee Allaah uu u soo saaray addoomahiisa iyo riziqyada wanaagsan? Dheh: Kuwani waxaa iska leh mu’miniinta nolosha adduunkan, gaarna (u leeyihiin) Maalinta Qiyaamaha.Sidaas baan ugu yeel- naa Aayadaha caddaan dad garasho leh |
قُلْ إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَالْإِثْمَ وَالْبَغْيَ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَأَن تُشْرِكُوا بِاللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَأَن تَقُولُوا عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ (33) Dheh: Wuxuu uun sideedaba Rabbigay xaareemeeyey waxa anshax xumada ah (zinada, iwm) oo dhan kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba iyo dambiga (khamrada) iyo aabiga gar darrada ah, iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Allaah wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Allaah waxaydaan aqoon u laheyn |
وَلِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌ ۖ فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ (34) Oo ummad walba waxay leedahay muddo go’an; ee marka muddadoodu ay timaaddo kama dib dhici doonaan saacadna, oo kama soo hor mari doonaan |
يَا بَنِي آدَمَ إِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ رُسُلٌ مِّنكُمْ يَقُصُّونَ عَلَيْكُمْ آيَاتِي ۙ فَمَنِ اتَّقَىٰ وَأَصْلَحَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ (35) Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, oo idiin soo tebinaya Aayadahayga, ee qofkii iska jira xumaha oo u dhaqma si toosan, ma qabi doonaan wax cabsi ah, oo ma murugoon doonaan |
وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَاسْتَكْبَرُوا عَنْهَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ (36) Kuwase beeniya Aayadahayaga oo iska kibriya, waa kuwani ehlu Naarku oo way ku dhex waari doonaan |
فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِآيَاتِهِ ۚ أُولَٰئِكَ يَنَالُهُمْ نَصِيبُهُم مِّنَ الْكِتَابِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءَتْهُمْ رُسُلُنَا يَتَوَفَّوْنَهُمْ قَالُوا أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ ۖ قَالُوا ضَلُّوا عَنَّا وَشَهِدُوا عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ أَنَّهُمْ كَانُوا كَافِرِينَ (37) Oo yaa ka gef badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi doonanan, ilaa marka Rusushayadu ay u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan doonaan: Meeye waxaad baryi jirteen Allaah sokadi?. Waxay odhanayaan: Waa ay naga dhumeen: oo waxay ku marag furi doonaan nafahooda inay ahaayeen gaalo |
قَالَ ادْخُلُوا فِي أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِكُم مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ فِي النَّارِ ۖ كُلَّمَا دَخَلَتْ أُمَّةٌ لَّعَنَتْ أُخْتَهَا ۖ حَتَّىٰ إِذَا ادَّارَكُوا فِيهَا جَمِيعًا قَالَتْ أُخْرَاهُمْ لِأُولَاهُمْ رَبَّنَا هَٰؤُلَاءِ أَضَلُّونَا فَآتِهِمْ عَذَابًا ضِعْفًا مِّنَ النَّارِ ۖ قَالَ لِكُلٍّ ضِعْفٌ وَلَٰكِن لَّا تَعْلَمُونَ (38) Wuxuu odhan: Gala Naarta dhexdood ummado tegay hortiin oo leh jin iyo dadba. Mar kastoo ay ummad hor leh gashaba, waxay nacladi walaasheed, jeer markay isugu wada yimaadaan dhammaantood wadajir. Middooda u dambeysay waxay ka odhan middoodii u horreysay: Rabbiyow! Kuwaan baa na lumiyey, ee ku sii cadaab labo laab ah Naarta. Wuxuu odhan: Mid walbaa waxay leedahay (cadaab) labo laab ah, laakiinse ma ogidin |
وَقَالَتْ أُولَاهُمْ لِأُخْرَاهُمْ فَمَا كَانَ لَكُمْ عَلَيْنَا مِن فَضْلٍ فَذُوقُوا الْعَذَابَ بِمَا كُنتُمْ تَكْسِبُونَ (39) Oo middoodii hore waxay ku odhan midda dambe: Haddaba wax nama dhaantaane, ee dhadhansha cadaabta waxaad kasbateen darteed |
إِنَّ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَاسْتَكْبَرُوا عَنْهَا لَا تُفَتَّحُ لَهُمْ أَبْوَابُ السَّمَاءِ وَلَا يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ حَتَّىٰ يَلِجَ الْجَمَلُ فِي سَمِّ الْخِيَاطِ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُجْرِمِينَ (40) Hubaal, kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furi doono albaabbada samada, mana gali doonaan Jannada jeer ratigu maro daloolka irbadda. Oo sidaas baan u abaal marinnaa dambiilayaasha |
لَهُم مِّن جَهَنَّمَ مِهَادٌ وَمِن فَوْقِهِمْ غَوَاشٍ ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الظَّالِمِينَ (41) Waxay ku mudan gogol dab ah, korkoo- dana daboollo dab ah. Oo sidaas baan u abaal marinnaa gar ma qaatayaasha |
وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ (42) Kuwase (Xaqa) rumeysan, oo samaha fala ma saarno nafna wax dhaafsiisan karaankeeda, kuwaasu waa ehlu Jannaha, way ku dhex waari doonaan |
وَنَزَعْنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنْ غِلٍّ تَجْرِي مِن تَحْتِهِمُ الْأَنْهَارُ ۖ وَقَالُوا الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي هَدَانَا لِهَٰذَا وَمَا كُنَّا لِنَهْتَدِيَ لَوْلَا أَنْ هَدَانَا اللَّهُ ۖ لَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُ رَبِّنَا بِالْحَقِّ ۖ وَنُودُوا أَن تِلْكُمُ الْجَنَّةُ أُورِثْتُمُوهَا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (43) Oo waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, oo waxay odhan: Ammaan idilkeed waxaa mudan Allaah, ee nagu hanuuniyey kan, oo kuma aan hanuuneen (jidka toos) haddii uusan Allaah nagu hanuunsheen. Xaqiiq Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Oo Waxaa loogu dhawaaqi doonaa: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fasheen |
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ أَصْحَابَ النَّارِ أَن قَدْ وَجَدْنَا مَا وَعَدَنَا رَبُّنَا حَقًّا فَهَلْ وَجَدتُّم مَّا وَعَدَ رَبُّكُمْ حَقًّا ۖ قَالُوا نَعَمْ ۚ فَأَذَّنَ مُؤَذِّنٌ بَيْنَهُمْ أَن لَّعْنَةُ اللَّهِ عَلَى الظَّالِمِينَ (44) Oo ehlu jannuhu waxay u dhawaaqi doonaan ehlu Naarka: Xaqiiq waxaan hellay waxa uu noo ballan qaaday Rabbigayo oo xaq ah; ee idinkuna ma hesheen sidoo kale waxa uu Rabbigiin idiin ballan qaaday oo xaq ah? Waxay odhan doonaan: Haah. Markaas dhawaaqe baa ka dhawaaqi doona dhexdooda: in Lacnadda Ilaahay ay dushooda tahay gar ma qaatayaasha |
الَّذِينَ يَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ وَيَبْغُونَهَا عِوَجًا وَهُم بِالْآخِرَةِ كَافِرُونَ (45) Kuwa ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, ee doona inay ka dhigaan mid qalloocan, oo waa kuwo aan Aakhiro rumeysneyn |
وَبَيْنَهُمَا حِجَابٌ ۚ وَعَلَى الْأَعْرَافِ رِجَالٌ يَعْرِفُونَ كُلًّا بِسِيمَاهُمْ ۚ وَنَادَوْا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَن سَلَامٌ عَلَيْكُمْ ۚ لَمْ يَدْخُلُوهَا وَهُمْ يَطْمَعُونَ (46) Oo dhexdooda waxaa ahaan xijaab, oo meelaha sare waxaa ahaan doona rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, oo waxay u dhawaaqi doonaan ehlu – Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo |
۞ وَإِذَا صُرِفَتْ أَبْصَارُهُمْ تِلْقَاءَ أَصْحَابِ النَّارِ قَالُوا رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ (47) Oo marka loo jeediyo indhahooda xagga ehlu – Naarka, waxay odhan: Rabbiyow! Ha naga mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah |
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ الْأَعْرَافِ رِجَالًا يَعْرِفُونَهُم بِسِيمَاهُمْ قَالُوا مَا أَغْنَىٰ عَنكُمْ جَمْعُكُمْ وَمَا كُنتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ (48) Oo qoladii ku sugnaa Al Acraaf (meelaha sare) waxay u dhawaaqi doonaan rag ay ku garan doonaan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalku, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa) |
أَهَٰؤُلَاءِ الَّذِينَ أَقْسَمْتُمْ لَا يَنَالُهُمُ اللَّهُ بِرَحْمَةٍ ۚ ادْخُلُوا الْجَنَّةَ لَا خَوْفٌ عَلَيْكُمْ وَلَا أَنتُمْ تَحْزَنُونَ (49) Ma kuwani baa kuwii aad dhaar ku marteen, in aanu Allaah ku galladeysan doonin Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma qabi doontaan cabsi, mana murugoon doontaan |
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ النَّارِ أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَنْ أَفِيضُوا عَلَيْنَا مِنَ الْمَاءِ أَوْ مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ ۚ قَالُوا إِنَّ اللَّهَ حَرَّمَهُمَا عَلَى الْكَافِرِينَ (50) Oo ehlu – Naarku waxay u dhawaaqi doonaan ehlu – Jannaha (oo ku odhan): Nagu soo shuba wax ka mid ah biyaha ama wax ka mid ah waxa uu Allaah idin siiyey. Waxay odhan doonaan: Hubaal Allaah wuu ka xaaraameeyey gaalada |
الَّذِينَ اتَّخَذُوا دِينَهُمْ لَهْوًا وَلَعِبًا وَغَرَّتْهُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا ۚ فَالْيَوْمَ نَنسَاهُمْ كَمَا نَسُوا لِقَاءَ يَوْمِهِمْ هَٰذَا وَمَا كَانُوا بِآيَاتِنَا يَجْحَدُونَ (51) Kuwa ka dhigta diintooda madaddaalo iyo cayaar oo noloshan adduunku ay hoddo. Marka maanta waan hilmaami doonnaa sida ay u hilmaameen la kulankooda Maalintooda tani iyo sida ay Aayadahayaga u beenin jireen |
وَلَقَدْ جِئْنَاهُم بِكِتَابٍ فَصَّلْنَاهُ عَلَىٰ عِلْمٍ هُدًى وَرَحْمَةً لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ (52) Oo xaqiiq waxaan u keennay Kitaab aanu u caddeynay si cilmi leh, _oo u ah hanuun iyo naxariis dad rumaysan |
هَلْ يَنظُرُونَ إِلَّا تَأْوِيلَهُ ۚ يَوْمَ يَأْتِي تَأْوِيلُهُ يَقُولُ الَّذِينَ نَسُوهُ مِن قَبْلُ قَدْ جَاءَتْ رُسُلُ رَبِّنَا بِالْحَقِّ فَهَل لَّنَا مِن شُفَعَاءَ فَيَشْفَعُوا لَنَا أَوْ نُرَدُّ فَنَعْمَلَ غَيْرَ الَّذِي كُنَّا نَعْمَلُ ۚ قَدْ خَسِرُوا أَنفُسَهُمْ وَضَلَّ عَنْهُم مَّا كَانُوا يَفْتَرُونَ (53) Ma waxay sugaan waxaan aheyn go’aankiisu? Maalinta marka go’aankiisu uu yimaado, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan doonaan: Xaqiiq Rususha Rabbigayo waxay keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin doonaa si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan wixii aan falnay? Xaqiiq waxay khasaareen nafahooda, oo waxaa ay been abuurteen way ka dhumeen |
إِنَّ رَبَّكُمُ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَىٰ عَلَى الْعَرْشِ يُغْشِي اللَّيْلَ النَّهَارَ يَطْلُبُهُ حَثِيثًا وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ وَالنُّجُومَ مُسَخَّرَاتٍ بِأَمْرِهِ ۗ أَلَا لَهُ الْخَلْقُ وَالْأَمْرُ ۗ تَبَارَكَ اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ (54) Hubaal, Rabbigiin waa Allaah, ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, oo dul ahaaday Carshiga. Wuxuu ku daboolaa habeenka maalinta, uu raacdo hayo si xowli leh, oo (wuxuu abuuray) qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha ku laylan Amarkiisa. Hubaal Isagaa leh abuurista iyo amarkaba. Waxaa khayr iyo barako badan Allaah, Rabbiga uunanka |
ادْعُوا رَبَّكُمْ تَضَرُّعًا وَخُفْيَةً ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ (55) U barya Rabbigiin si khushuuc leh iyo qarsoodiba. hubaal, ma uu jecla kuwa xadgudba |
وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا وَادْعُوهُ خَوْفًا وَطَمَعًا ۚ إِنَّ رَحْمَتَ اللَّهِ قَرِيبٌ مِّنَ الْمُحْسِنِينَ (56) Oo ha ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, oo barya idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Ilaahay waxay u dhowdahay sama falayaasha |
وَهُوَ الَّذِي يُرْسِلُ الرِّيَاحَ بُشْرًا بَيْنَ يَدَيْ رَحْمَتِهِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا أَقَلَّتْ سَحَابًا ثِقَالًا سُقْنَاهُ لِبَلَدٍ مَّيِّتٍ فَأَنزَلْنَا بِهِ الْمَاءَ فَأَخْرَجْنَا بِهِ مِن كُلِّ الثَّمَرَاتِ ۚ كَذَٰلِكَ نُخْرِجُ الْمَوْتَىٰ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ (57) Oo Isaga weeye Kan soo dira dabaylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruur culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, markaas baan ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaas oo kale baan u soo saari doonnaa maytida, bal inaad xusuusataan |
وَالْبَلَدُ الطَّيِّبُ يَخْرُجُ نَبَاتُهُ بِإِذْنِ رَبِّهِ ۖ وَالَّذِي خَبُثَ لَا يَخْرُجُ إِلَّا نَكِدًا ۚ كَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَشْكُرُونَ (58) Oo ma xagga dhulka wanaagsani naqiisa wuxuu ku soo baxaa (si fudud oo badan) Idanka Rabbigiis, midkase xun (daaqiisu) kuma soo baxo waxaan dhib ahayn. Sidaas baan ugu celcelinnaa Aayadaha dad mahad naqa |
لَقَدْ أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ فَقَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ عَظِيمٍ (59) Xaqiiq Waxaan u soo dirnay Nuux dadkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Hubaal waxaan anigu idiinka cabsi qabaa Cadaab Maalin aad u murugo weyn |
قَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِهِ إِنَّا لَنَرَاكَ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ (60) Xildhibaannadii ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaan innagu xaqiiq kugu aragnaa inaad ku sugan tahay habow caddaan ah |
قَالَ يَا قَوْمِ لَيْسَ بِي ضَلَالَةٌ وَلَٰكِنِّي رَسُولٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ (61) Wuxuu yidhi: Dadkaygiiyow! Kuma sugni habow, laakiinse waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uunanka |
أُبَلِّغُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي وَأَنصَحُ لَكُمْ وَأَعْلَمُ مِنَ اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ (62) Waxaan idin soo gaarsiiyaa Risaadalaha Rabbigay oo waxaan idin siiyaa naseexo wanaagsan, oo waxaan ka ogahay xagga Allaah waxaydaan ogayn |
أَوَعَجِبْتُمْ أَن جَاءَكُمْ ذِكْرٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنكُمْ لِيُنذِرَكُمْ وَلِتَتَّقُوا وَلَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ (63) Waa la yaabe! Ma waxaad la cajabtaan inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo oo aad isaga jirtaan (xumaha), iyo in bal la idiin naxariisto |
فَكَذَّبُوهُ فَأَنجَيْنَاهُ وَالَّذِينَ مَعَهُ فِي الْفُلْكِ وَأَغْرَقْنَا الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا عَمِينَ (64) Wayse beeniyeen, markaas baan badbaadinnay isaga iyo kuwii kula jiray Doonnida, oo aan qarqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Hubaal waxay ahaayeen dad indha la’ (aan Xaqa arag) |
۞ وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ (65) Oo xagga Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan ka joogeyn oo iska jireyn xumaha |
قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ إِنَّا لَنَرَاكَ فِي سَفَاهَةٍ وَإِنَّا لَنَظُنُّكَ مِنَ الْكَاذِبِينَ (66) Xildhibaannadii gaaloobay oo ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: hubaal waxaan innagu xaqiiq kugu aragnaa caqli xumo, oo hubaal waxaan kuu maleynaynaa inaad ka mid tahay beenalayaasha |
قَالَ يَا قَوْمِ لَيْسَ بِي سَفَاهَةٌ وَلَٰكِنِّي رَسُولٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ (67) Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Ima heyso caqli xumo, laakiin waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uunanka |
أُبَلِّغُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي وَأَنَا لَكُمْ نَاصِحٌ أَمِينٌ (68) Waxaan idin soo gaarsiiyaa farriimaha Rabbigay, oo waxaan idiin ahay nasteexeeye aamin ah |
أَوَعَجِبْتُمْ أَن جَاءَكُمْ ذِكْرٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ مِّنكُمْ لِيُنذِرَكُمْ ۚ وَاذْكُرُوا إِذْ جَعَلَكُمْ خُلَفَاءَ مِن بَعْدِ قَوْمِ نُوحٍ وَزَادَكُمْ فِي الْخَلْقِ بَسْطَةً ۖ فَاذْكُرُوا آلَاءَ اللَّهِ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ (69) Waa la yaabe! Ma waxaad la cajabtaan inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin, uu soo faray nin idinka mid ah si uu idiinku digo? Oo xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxla (dhulka) dadkii Nuux kaddib, oo idiin kordhiyey abuur ahaan lixaad. Ee xusa Nicmooyinka Ilaahay, bal inaad liibaantaan |
قَالُوا أَجِئْتَنَا لِنَعْبُدَ اللَّهَ وَحْدَهُ وَنَذَرَ مَا كَانَ يَعْبُدُ آبَاؤُنَا ۖ فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ (70) Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid inaan caabudno Allaah Keliya oo aan ka tagno waxay caabudi jireen aabbayaashayo? (ma jirto) ee noo keen waxa aad noogu gooddido haddaad ka mid tahay runlowyada |
قَالَ قَدْ وَقَعَ عَلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ رِجْسٌ وَغَضَبٌ ۖ أَتُجَادِلُونَنِي فِي أَسْمَاءٍ سَمَّيْتُمُوهَا أَنتُمْ وَآبَاؤُكُم مَّا نَزَّلَ اللَّهُ بِهَا مِن سُلْطَانٍ ۚ فَانتَظِرُوا إِنِّي مَعَكُم مِّنَ الْمُنتَظِرِينَ (71) Wuxuu yidhi: Xaqiiq cadaab iyo caro ka timid Rabbigiin baa idinku dhacday. Waa la yaabe! Ma waxaad igala dooddaaan arrinka magacyo aad bixiseen _ idinka iyo aabbayaashiin? Allaah uma soo dejin wax xujo ah; ee suga, anigana sidoo kale waan idinla sugiye |
فَأَنجَيْنَاهُ وَالَّذِينَ مَعَهُ بِرَحْمَةٍ مِّنَّا وَقَطَعْنَا دَابِرَ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۖ وَمَا كَانُوا مُؤْمِنِينَ (72) Markaas baan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay xaggayaga, oo waxa aanu cidhib tirnay kuwii beeniyey Aayadahayaga, oo ma ba ay aheyn mu’miniin |
وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ قَدْ جَاءَتْكُم بَيِّنَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ هَٰذِهِ نَاقَةُ اللَّهِ لَكُمْ آيَةً ۖ فَذَرُوهَا تَأْكُلْ فِي أَرْضِ اللَّهِ ۖ وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ (73) Oo xagga Thamuud (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah, ma lihdin ilaah kale Isaga maahee. Xujo cad baa xaqiiq idiinka timid xagga Rabbigiin. tani waa Hal Ilaahay aad leedihiin, oo ah Calaamo; ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Ilaahay, oo ha u geysannina wax waxyeello ah, haddii kale cadaab xanuun badan baa idin qaadi doonta |
وَاذْكُرُوا إِذْ جَعَلَكُمْ خُلَفَاءَ مِن بَعْدِ عَادٍ وَبَوَّأَكُمْ فِي الْأَرْضِ تَتَّخِذُونَ مِن سُهُولِهَا قُصُورًا وَتَنْحِتُونَ الْجِبَالَ بُيُوتًا ۖ فَاذْكُرُوا آلَاءَ اللَّهِ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ (74) Oo xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxlay (dhulka) (reer) Caad kaddib, oo uu idin dejiyey dhulka oo aad ka sameysataan dooxooyinkeeda daaro waaweyn, oo aad ka qodataan buuraha guryo. Ee xusa Nicmooyinka Ilaahay, oo ha ku bi'innina dhulka fasahaadka aad ku falaysaan |
قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا مِن قَوْمِهِ لِلَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا لِمَنْ آمَنَ مِنْهُمْ أَتَعْلَمُونَ أَنَّ صَالِحًا مُّرْسَلٌ مِّن رَّبِّهِ ۚ قَالُوا إِنَّا بِمَا أُرْسِلَ بِهِ مُؤْمِنُونَ (75) Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa dadkiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif, _ ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waxa lala soo diray waanu rumeysannahay |
قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا بِالَّذِي آمَنتُم بِهِ كَافِرُونَ (76) Kuwii isla weynaa waxay yidhaahdeen: Hubaal innagu waxa aad idinku rumeysan tihiin waanu diidnay |
فَعَقَرُوا النَّاقَةَ وَعَتَوْا عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ وَقَالُوا يَا صَالِحُ ائْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِن كُنتَ مِنَ الْمُرْسَلِينَ (77) Markaasay gowraceen Hashii; oo ay ka hor yimaadeen Amarkii Rabbigood, oo waxay yidhaahdeen: Saalixow! Noo keen waxaad noogu gooddisay haddaad ka mid tahay Rususha (Ilaahay) |
فَأَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دَارِهِمْ جَاثِمِينَ (78) Kolkaas buu qabtay dhul gariir, oo waxay noqdeen (baqti) ugu dhex daadsan guryahoodii dhaqdhaqaaq la’aan |
فَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَا قَوْمِ لَقَدْ أَبْلَغْتُكُمْ رِسَالَةَ رَبِّي وَنَصَحْتُ لَكُمْ وَلَٰكِن لَّا تُحِبُّونَ النَّاصِحِينَ (79) Markaas buu ka jeestay oo yidhi: Dadkaygiyow! Waxaan xaqiiq idin soo gaarsiiyey Fartiintii Rabbigay, oo idin siiyey naseexo wanaagsan, laakiinse ma jeclidin kuwa idiin naseexeeya |
وَلُوطًا إِذْ قَالَ لِقَوْمِهِ أَتَأْتُونَ الْفَاحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنْ أَحَدٍ مِّنَ الْعَالَمِينَ (80) Oo (Waxaanu dirnay) Luud waa tii uu ku yidhi dadkiisii: Waa la yaabe! Ma waxaad la timaaddaan xumaato aanu idinka horreyn axad ka mid ah caalamka |
إِنَّكُمْ لَتَأْتُونَ الرِّجَالَ شَهْوَةً مِّن دُونِ النِّسَاءِ ۚ بَلْ أَنتُمْ قَوْمٌ مُّسْرِفُونَ (81) Hubaal idinku waxaad xaqiiq ugu tagtaan ragga shahwad, halkii haweenka. bal waxaadba tihiin dad xad gudub badan |
وَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَن قَالُوا أَخْرِجُوهُم مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ (82) Oo jawaabtii dadkiisu ma ay ahayn wax kale aan ahayn inay yidhaahdeen: Ka saara magaaladiinna, kuwani hubaal waa dad doonaya inay is daahiriyaan |
فَأَنجَيْنَاهُ وَأَهْلَهُ إِلَّا امْرَأَتَهُ كَانَتْ مِنَ الْغَابِرِينَ (83) Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba marwadiisii maahee; waxay ka mid aheyd kuwii ku haray gadaal |
وَأَمْطَرْنَا عَلَيْهِم مَّطَرًا ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُجْرِمِينَ (84) Oo waxaan roob uga dhignay korkoodii roob (dhagaxyo dab ah). Ee bal eeg sida ay aheyd cidhibta dambiilayaasha |
وَإِلَىٰ مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ قَدْ جَاءَتْكُم بَيِّنَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ فَأَوْفُوا الْكَيْلَ وَالْمِيزَانَ وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ (85) Oo xagga Madyan (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb. Wuxuu yidhi: Dadkaygiyow! Caabuda Allaah, ma lihidin ilaah kale Isaga maahee. Xujo cad xaqiiq waxay idiinka timid xagga Rabbigiin; ee dhammeystira beegga iyo miisaanka oo ha ka dhimina dadka waxyaalahooda, oo ha ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, sidaas baa idiin khayr badan, haddaad tihiin mu’miniin |
وَلَا تَقْعُدُوا بِكُلِّ صِرَاطٍ تُوعِدُونَ وَتَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ مَنْ آمَنَ بِهِ وَتَبْغُونَهَا عِوَجًا ۚ وَاذْكُرُوا إِذْ كُنتُمْ قَلِيلًا فَكَثَّرَكُمْ ۖ وَانظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ (86) Oo ha fadhiisannina jid kasta idinkoo gooddiyaya, oo ka leexinaya Jidka Ilaahay kan isagu rumeysan, idinkoo dooonaya inaad ka dhigtaan mid qalloocan, oo xusuusta markaad aheydeen kuwo yar, markaas uu idin badiyay. oo eega sida ay ku dambeysey cidhibta mufsidiinta |
وَإِن كَانَ طَائِفَةٌ مِّنكُمْ آمَنُوا بِالَّذِي أُرْسِلْتُ بِهِ وَطَائِفَةٌ لَّمْ يُؤْمِنُوا فَاصْبِرُوا حَتَّىٰ يَحْكُمَ اللَّهُ بَيْنَنَا ۚ وَهُوَ خَيْرُ الْحَاكِمِينَ (87) Oo hadday jirto koox idinka mid ah oo rumeysan waxa la ila soo diray iyo koox kale aan rumeysneyn, haddaba samir yeesha ilaa inta uu Allaah na kala xukumo dhexdeenna, oo Isagaa u wanaagsan inta wax xukunta |
۞ قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا مِن قَوْمِهِ لَنُخْرِجَنَّكَ يَا شُعَيْبُ وَالَّذِينَ آمَنُوا مَعَكَ مِن قَرْيَتِنَا أَوْ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَا ۚ قَالَ أَوَلَوْ كُنَّا كَارِهِينَ (88) Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu hubaal kaaga saari doonnaa debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diintayada. Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Ma xataa haddaanu dooneyn |
قَدِ افْتَرَيْنَا عَلَى اللَّهِ كَذِبًا إِنْ عُدْنَا فِي مِلَّتِكُم بَعْدَ إِذْ نَجَّانَا اللَّهُ مِنْهَا ۚ وَمَا يَكُونُ لَنَا أَن نَّعُودَ فِيهَا إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ رَبُّنَا ۚ وَسِعَ رَبُّنَا كُلَّ شَيْءٍ عِلْمًا ۚ عَلَى اللَّهِ تَوَكَّلْنَا ۚ رَبَّنَا افْتَحْ بَيْنَنَا وَبَيْنَ قَوْمِنَا بِالْحَقِّ وَأَنتَ خَيْرُ الْفَاتِحِينَ (89) Xaqiiq waxaan ka been sheegnay Allaah haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Allaah naga badbaadiyey. Oo naguma habboono inaan u noqonno, inuu Allaah, Rabbigayo, doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobay wax walba Cilmigiisa. Allaah baan ku kalsoonnahay; Rabbiyow! Nagu kala xukun innaga iyo dadkayaga xaq, oo Adiga baa u wanaagsan inta wax kala xukunta |
وَقَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن قَوْمِهِ لَئِنِ اتَّبَعْتُمْ شُعَيْبًا إِنَّكُمْ إِذًا لَّخَاسِرُونَ (90) Oo xildhibaannadii kuwaa (Xaqa) rumeyn diiday oo ka mid ahaa dadkiisii waxay yidhaahdeen: Haddaad raacdaan Shucayb, waxaad idinku markaasi hubaal tihiin kuwo ku sugan khasaaro dhab ah |
فَأَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ فَأَصْبَحُوا فِي دَارِهِمْ جَاثِمِينَ (91) Kolkaas buu dhul gariir qaatay, markaas bay noqdeen (baqti) daadsan guryahoodii |
الَّذِينَ كَذَّبُوا شُعَيْبًا كَأَن لَّمْ يَغْنَوْا فِيهَا ۚ الَّذِينَ كَذَّبُوا شُعَيْبًا كَانُوا هُمُ الْخَاسِرِينَ (92) Kuwii beeniyey Shucayb, waxay noqdeen sidii inayan marnaba ku negaanin halkaas. Kuwii beeniyey Shucayb,waxay ahaayeen kuwo ku sugan khasaaro dhab ah |
فَتَوَلَّىٰ عَنْهُمْ وَقَالَ يَا قَوْمِ لَقَدْ أَبْلَغْتُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي وَنَصَحْتُ لَكُمْ ۖ فَكَيْفَ آسَىٰ عَلَىٰ قَوْمٍ كَافِرِينَ (93) Markaas buu ka jeestay oo yidhi: Dadkaygiyow! Waxaan xaqiiq idin soo gaarsiiyey Farriimahii Rabbigay, oo idin siiyey waano wanaagsan. Ee sidee baan haddaba ugu diir naxaa dad xaq diid ah |
وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّبِيٍّ إِلَّا أَخَذْنَا أَهْلَهَا بِالْبَأْسَاءِ وَالضَّرَّاءِ لَعَلَّهُمْ يَضَّرَّعُونَ (94) Oo ma jirto magaalo aan u soo dirnay Nabi oo aanaan ku qaban dadkeeda (markay caasiyoobeen) faqri daran iyo cudurro, bal inay soo nuglaadaan oo na baryaan |
ثُمَّ بَدَّلْنَا مَكَانَ السَّيِّئَةِ الْحَسَنَةَ حَتَّىٰ عَفَوا وَّقَالُوا قَدْ مَسَّ آبَاءَنَا الضَّرَّاءُ وَالسَّرَّاءُ فَأَخَذْنَاهُم بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ (95) Haddana waxaanu ugu beddelnay halkii dhibka, wanaag, ilaa ay bateen oo yidhaahdeen: Lurnaan iyo ladnaanba xaqiiq way soo mareen aabbayaashayo (sidoo kale). Markaas baan u qabannay si kedis ah iyagoo aan dareemeyn |
وَلَوْ أَنَّ أَهْلَ الْقُرَىٰ آمَنُوا وَاتَّقَوْا لَفَتَحْنَا عَلَيْهِم بَرَكَاتٍ مِّنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ وَلَٰكِن كَذَّبُوا فَأَخَذْنَاهُم بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ (96) Oo hadday dadka magaalooyinka (Xaqa) rumeeyaan oo iska ilaashaan (xumaha), waxaan hubaal uga soo furi laheyn barakooyin samada iyo arladaba, laakiinse way beeniyeen, markaas baan u qabannay waxay kasban jireen darteed (oo dembiyo ah) |
أَفَأَمِنَ أَهْلُ الْقُرَىٰ أَن يَأْتِيَهُم بَأْسُنَا بَيَاتًا وَهُمْ نَائِمُونَ (97) Waa la yaabe! Ee ma waxay reer magaaluhu dareemaan inay ka yihiin aamin Ciqaabtayada inay u timaaddo habeennimo iyagoo hurda |
أَوَأَمِنَ أَهْلُ الْقُرَىٰ أَن يَأْتِيَهُم بَأْسُنَا ضُحًى وَهُمْ يَلْعَبُونَ (98) Waa la yaabe! Ee ma waxay reer magaaluhu dareemaan inay ka yihiin aamin Ciqaabtayada inay u timaaddo goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya |
أَفَأَمِنُوا مَكْرَ اللَّهِ ۚ فَلَا يَأْمَنُ مَكْرَ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْخَاسِرُونَ (99) Waa la yaabe! Ma waxay dareemaan inay ka yihiin aamin Tabta Ilaahay, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Ilaahay aan aheyn dadka ku sugan khasaarada dhabta ah |
أَوَلَمْ يَهْدِ لِلَّذِينَ يَرِثُونَ الْأَرْضَ مِن بَعْدِ أَهْلِهَا أَن لَّوْ نَشَاءُ أَصَبْنَاهُم بِذُنُوبِهِمْ ۚ وَنَطْبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَسْمَعُونَ (100) Ma waysan u caddaanin kuwaa dhaxla dhulka oo uga haray dadkeedii (hore) oo lahaa, in haddaan doonno, aan u ciqaabi laheyn dambiyadooda? oo waxaanu yeelnaa shaabbad daahda quluubtooda sidaa darteed wax ma maqlaan |
تِلْكَ الْقُرَىٰ نَقُصُّ عَلَيْكَ مِنْ أَنبَائِهَا ۚ وَلَقَدْ جَاءَتْهُمْ رُسُلُهُم بِالْبَيِّنَاتِ فَمَا كَانُوا لِيُؤْمِنُوا بِمَا كَذَّبُوا مِن قَبْلُ ۚ كَذَٰلِكَ يَطْبَعُ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ الْكَافِرِينَ (101) Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wax ka mid ah wararkooda oo xaqiiq Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad, mayse aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaas buu Allaah u yeelaa shaabbad daahda quluubta gaalada |
وَمَا وَجَدْنَا لِأَكْثَرِهِم مِّنْ عَهْدٍ ۖ وَإِن وَجَدْنَا أَكْثَرَهُمْ لَفَاسِقِينَ (102) Oo ma aanu ka helin badankooda (daacadnimo iyo dhowris ) ballan,oo wa- xaan hellay badankood inay yihiin caasiyaal |
ثُمَّ بَعَثْنَا مِن بَعْدِهِم مُّوسَىٰ بِآيَاتِنَا إِلَىٰ فِرْعَوْنَ وَمَلَئِهِ فَظَلَمُوا بِهَا ۖ فَانظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُفْسِدِينَ (103) Markaasaan soo dirnay iyaga kaddib Muuse oo wada Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, wayse rumeyn diideen. Ee eeg sida ay aheyd cidhibta mufsidiinta |
وَقَالَ مُوسَىٰ يَا فِرْعَوْنُ إِنِّي رَسُولٌ مِّن رَّبِّ الْعَالَمِينَ (104) Oo Muuse wuxuu yidhi: Fircoonow! Hubaal anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga Caalamka |
حَقِيقٌ عَلَىٰ أَن لَّا أَقُولَ عَلَى اللَّهِ إِلَّا الْحَقَّ ۚ قَدْ جِئْتُكُم بِبَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ فَأَرْسِلْ مَعِيَ بَنِي إِسْرَائِيلَ (105) Waxaan anigu mudanahay inaan ka sheegin Allaah waxaan ahayn Xaq. Waxaan idiinka la imid xaqiiq Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil |
قَالَ إِن كُنتَ جِئْتَ بِآيَةٍ فَأْتِ بِهَا إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ (106) Wuxuu yidhi: Haddaad la timid Calaamo, haddaba keen haddaad ka mid tahay runlowyda |
فَأَلْقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعْبَانٌ مُّبِينٌ (107) Markaas buu wuxuu tuuray ushiisii mise! Waa mas iska cad |
وَنَزَعَ يَدَهُ فَإِذَا هِيَ بَيْضَاءُ لِلنَّاظِرِينَ (108) Oo wuxuu u soo saaray debedda gacantiisa, mise! Waa caddahay (oo u ifeysey) eegayaasha |
قَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِ فِرْعَوْنَ إِنَّ هَٰذَا لَسَاحِرٌ عَلِيمٌ (109) Waxay xildhibaannadii ka mid ahaa dadkii Fircoon yidhaahdeen: Hubaal kani waa saaxir xeel dheer |
يُرِيدُ أَن يُخْرِجَكُم مِّنْ أَرْضِكُمْ ۖ فَمَاذَا تَأْمُرُونَ (110) Wuxuu rabaa inuu idinka saaro dhulkiinna, ee maxaad haddaba ku talineysaan |
قَالُوا أَرْجِهْ وَأَخَاهُ وَأَرْسِلْ فِي الْمَدَائِنِ حَاشِرِينَ (111) Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah)oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka |
يَأْتُوكَ بِكُلِّ سَاحِرٍ عَلِيمٍ (112) Kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer |
وَجَاءَ السَّحَرَةُ فِرْعَوْنَ قَالُوا إِنَّ لَنَا لَأَجْرًا إِن كُنَّا نَحْنُ الْغَالِبِينَ (113) Oo sixiroolayaashii waxay u yimaadeen Fircoon (oo) yidhaahdeen: Waa inaan hubaal yeelannaa Abaal gud fiican haddaan innagu adkaanno |
قَالَ نَعَمْ وَإِنَّكُمْ لَمِنَ الْمُقَرَّبِينَ (114) Wuxuu yidhi: Haa yoo, oo waxaad waliba ka mid noqon doontaan kuwa la ii soo dhoweeyo |
قَالُوا يَا مُوسَىٰ إِمَّا أَن تُلْقِيَ وَإِمَّا أَن نَّكُونَ نَحْنُ الْمُلْقِينَ (115) Waxay yidhaahdeen: Muusow! Ma adiga baa (hor) tuuran mise innaga baa ahaanna kuwa (hor) tuurta |
قَالَ أَلْقُوا ۖ فَلَمَّا أَلْقَوْا سَحَرُوا أَعْيُنَ النَّاسِ وَاسْتَرْهَبُوهُمْ وَجَاءُوا بِسِحْرٍ عَظِيمٍ (116) Wuxuu yidhi: Tuurta. Haddaba markii ay tuureen, waxay sixreen indhihii dadka oo argagax geliyeen, oo waxay la yimaadeen sixir aad u weyn |
۞ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ أَنْ أَلْقِ عَصَاكَ ۖ فَإِذَا هِيَ تَلْقَفُ مَا يَأْفِكُونَ (117) Oo waxaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen ee ay soo bandhigeen |
فَوَقَعَ الْحَقُّ وَبَطَلَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (118) Marka xaqii baa sugnaaday, oo waxay faleen waxay noqdeen waxaan waxba ka jirin oo iska baabba’ay |
فَغُلِبُوا هُنَالِكَ وَانقَلَبُوا صَاغِرِينَ (119) Sidaas baa (Fircoon iyo dadkiisii) looga adkaaday halkaa, oo noqdeen kuwo la jabiyey |
وَأُلْقِيَ السَّحَرَةُ سَاجِدِينَ (120) Oo sixiroolayaashii ula dhaceen (dhulka) sujuud (xagga Allaah) |
قَالُوا آمَنَّا بِرَبِّ الْعَالَمِينَ (121) Waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeysannahay Rabbiga caalamka |
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَارُونَ (122) Rabbiga Muuse iyo Haaruun |
قَالَ فِرْعَوْنُ آمَنتُم بِهِ قَبْلَ أَنْ آذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَمَكْرٌ مَّكَرْتُمُوهُ فِي الْمَدِينَةِ لِتُخْرِجُوا مِنْهَا أَهْلَهَا ۖ فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ (123) Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyneysaan ka hor inta aan idiin idmin? Hubaal, arrinkani waa shirqool aad ku soo dhigteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan |
لَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُم مِّنْ خِلَافٍ ثُمَّ لَأُصَلِّبَنَّكُمْ أَجْمَعِينَ (124) Waxaan hubaal u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna is dhaaf, markaas waan idin wada dal-dali doonaa dhammaantiin |
قَالُوا إِنَّا إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ (125) Waxay yidhaahdeen: Hubaal waxaan innagu u noqon doonnaa xagga Rabbigayo |
وَمَا تَنقِمُ مِنَّا إِلَّا أَنْ آمَنَّا بِآيَاتِ رَبِّنَا لَمَّا جَاءَتْنَا ۚ رَبَّنَا أَفْرِغْ عَلَيْنَا صَبْرًا وَتَوَفَّنَا مُسْلِمِينَ (126) Oo nagu ma heysatid waxaan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbiyow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ahaan |
وَقَالَ الْمَلَأُ مِن قَوْمِ فِرْعَوْنَ أَتَذَرُ مُوسَىٰ وَقَوْمَهُ لِيُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ وَيَذَرَكَ وَآلِهَتَكَ ۚ قَالَ سَنُقَتِّلُ أَبْنَاءَهُمْ وَنَسْتَحْيِي نِسَاءَهُمْ وَإِنَّا فَوْقَهُمْ قَاهِرُونَ (127) Oo xildhibaannadii ka mid ahaa dadkii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u daynaysaa Muuse iyo dadkiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili doonnaa wiilashooda, oo daysan haweenkooda, oo hubaal waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya |
قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِ اسْتَعِينُوا بِاللَّهِ وَاصْبِرُوا ۖ إِنَّ الْأَرْضَ لِلَّهِ يُورِثُهَا مَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ ۖ وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ (128) Muuse wuxuu ku yidhi dadkiisii: Ka barya kaalmo Allaah oo samir yeesha, hubaal, arlada waxaa iska leh Allaah, Wuxuu dhaxalsiiyaa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, oo cidhibta (san) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha) |
قَالُوا أُوذِينَا مِن قَبْلِ أَن تَأْتِيَنَا وَمِن بَعْدِ مَا جِئْتَنَا ۚ قَالَ عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَن يُهْلِكَ عَدُوَّكُمْ وَيَسْتَخْلِفَكُمْ فِي الْأَرْضِ فَيَنظُرَ كَيْفَ تَعْمَلُونَ (129) Waxay yidhaahdeen: Waxaa na soo gaaray dhibaatooyin ka hor intii aad noo imaan iyo kaddib intii aad noo timidba. Wuxuu yidhi: Waa intaasoo uu Rabbigiin halligo cadowgiinna oo idiinka yeelo madax arlada, markaas wuxuu eegi doonaa sida aad u dhaqantaan |
وَلَقَدْ أَخَذْنَا آلَ فِرْعَوْنَ بِالسِّنِينَ وَنَقْصٍ مِّنَ الثَّمَرَاتِ لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ (130) Oo waxaan xaqiiq ku qabannay reer Fircoon abaaro iyo mirahoo ka yaraada, bal inay waansamaan |
فَإِذَا جَاءَتْهُمُ الْحَسَنَةُ قَالُوا لَنَا هَٰذِهِ ۖ وَإِن تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ يَطَّيَّرُوا بِمُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُ ۗ أَلَا إِنَّمَا طَائِرُهُمْ عِندَ اللَّهِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ (131) Markay se samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Oo haddii (xaalad) xun ku dhacdo, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Hubaal nasiibkooda waxaa haya Allaah oo keliya, laakiinse badankoodu ma ogsoona |
وَقَالُوا مَهْمَا تَأْتِنَا بِهِ مِنْ آيَةٍ لِّتَسْحَرَنَا بِهَا فَمَا نَحْنُ لَكَ بِمُؤْمِنِينَ (132) Oo waxay yidhaahdeen: Wax kastoo calaamo ah aad noola timaaddo si aad noogu sixirto, innagu kuma rumeysan doonno |
فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمُ الطُّوفَانَ وَالْجَرَادَ وَالْقُمَّلَ وَالضَّفَادِعَ وَالدَّمَ آيَاتٍ مُّفَصَّلَاتٍ فَاسْتَكْبَرُوا وَكَانُوا قَوْمًا مُّجْرِمِينَ (133) Markaas baan ku soo dirnay dushooda: daad (qaada oo keena dhimasho baahsan), iyo ayax iyo injiro iyo rah iyo dhiig, calaamooyin cad, wayse isweyneeyeen, oo waxay ahaayeen dad dambiilayaal ah |
وَلَمَّا وَقَعَ عَلَيْهِمُ الرِّجْزُ قَالُوا يَا مُوسَى ادْعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَ ۖ لَئِن كَشَفْتَ عَنَّا الرِّجْزَ لَنُؤْمِنَنَّ لَكَ وَلَنُرْسِلَنَّ مَعَكَ بَنِي إِسْرَائِيلَ (134) Oo markuu daacuunku ku dhacay waxay yidhaahdeen: Muusow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kugula ballamay darteed. Haddaad daacuunka naga kor qaaddo, hubaal waanu ku rumaysan doonnaa, oo waxaan hubaal kugu dari doonnaa Ilmaha Israa’iil |
فَلَمَّا كَشَفْنَا عَنْهُمُ الرِّجْزَ إِلَىٰ أَجَلٍ هُم بَالِغُوهُ إِذَا هُمْ يَنكُثُونَ (135) Markiise aan ka kor qaadnay daacuunka ilaa muddo go’an oo ay aheyd inay gaaraan, bay markaas ka baxeen ballanka |
فَانتَقَمْنَا مِنْهُمْ فَأَغْرَقْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ بِأَنَّهُمْ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَكَانُوا عَنْهَا غَافِلِينَ (136) Markaas baan ka aargudannay oo aan ku qarqinnay badda, waayo waxay beeniyeen Aayadahayaga oo waxay ahaayeen kuwo ka dhoohan |
وَأَوْرَثْنَا الْقَوْمَ الَّذِينَ كَانُوا يُسْتَضْعَفُونَ مَشَارِقَ الْأَرْضِ وَمَغَارِبَهَا الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا ۖ وَتَمَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ الْحُسْنَىٰ عَلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ بِمَا صَبَرُوا ۖ وَدَمَّرْنَا مَا كَانَ يَصْنَعُ فِرْعَوْنُ وَقَوْمُهُ وَمَا كَانُوا يَعْرِشُونَ (137) Oo waxaan ka yeelnay dadkii loo arkay kuwo tabar daran inay dhaxlaan gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay1. Oo Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaa waa lagu oofiyey Ilmahii Israa’iil, sabarkooda awgi iyo u dul qaadashadooda (dhibaatooyinka). Oo Waxaanu baabbi'nnay waxay Fircoon iyo dadkiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba |
وَجَاوَزْنَا بِبَنِي إِسْرَائِيلَ الْبَحْرَ فَأَتَوْا عَلَىٰ قَوْمٍ يَعْكُفُونَ عَلَىٰ أَصْنَامٍ لَّهُمْ ۚ قَالُوا يَا مُوسَى اجْعَل لَّنَا إِلَٰهًا كَمَا لَهُمْ آلِهَةٌ ۚ قَالَ إِنَّكُمْ قَوْمٌ تَجْهَلُونَ (138) Oo waxaan ka yeelnay Ilmaha Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana sida ay iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu yidhi: Hubaal waxaad idinku tihiin dad ay ku jirto jaahilnimo |
إِنَّ هَٰؤُلَاءِ مُتَبَّرٌ مَّا هُمْ فِيهِ وَبَاطِلٌ مَّا كَانُوا يَعْمَلُونَ (139) (Ma xagga) kuwani, hubaal, waxaa ay ku sugan yihiin waa la baabbi’in doonaa, oo waa baadil waxaa ay falaan |
قَالَ أَغَيْرَ اللَّهِ أَبْغِيكُمْ إِلَٰهًا وَهُوَ فَضَّلَكُمْ عَلَى الْعَالَمِينَ (140) Wuxuu yidhi: Waa la yaabe! Ma waxaan idiin doonaa ilaah kale aan aheyn Allaah,isagoo idinka kor mariyey caalamka |
وَإِذْ أَنجَيْنَاكُم مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوءَ الْعَذَابِ ۖ يُقَتِّلُونَ أَبْنَاءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَاءَكُمْ ۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَاءٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌ (141) Oo waa tii aan idinka samata bixinnay dadkii Fircoon ee idin dhadhansiiyey cadaab daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo u daynayey haweenkiinna nolol. Arrinkaa waxaa ku sugnaa imtixaan aad u weyn xagga Rabbigiin ah |
۞ وَوَاعَدْنَا مُوسَىٰ ثَلَاثِينَ لَيْلَةً وَأَتْمَمْنَاهَا بِعَشْرٍ فَتَمَّ مِيقَاتُ رَبِّهِ أَرْبَعِينَ لَيْلَةً ۚ وَقَالَ مُوسَىٰ لِأَخِيهِ هَارُونَ اخْلُفْنِي فِي قَوْمِي وَأَصْلِحْ وَلَا تَتَّبِعْ سَبِيلَ الْمُفْسِدِينَ (142) Oo Waxaan la ballannay Muuse muddo soddon habeen ah, oo ku dhammeystirnay toban dheeri ah marka muddada uu u qabtay Rabbigi waxay ahayd afartan habeen oo buuxda. Oo Muuse wuxuu ku yidhi walaalki Haaruun: intaan maqnahay qabo xilkeyga dadkayga dhexdi, oo u dhaqan si wanaagsan, oo ha raacin jidka Mufsidiinta |
وَلَمَّا جَاءَ مُوسَىٰ لِمِيقَاتِنَا وَكَلَّمَهُ رَبُّهُ قَالَ رَبِّ أَرِنِي أَنظُرْ إِلَيْكَ ۚ قَالَ لَن تَرَانِي وَلَٰكِنِ انظُرْ إِلَى الْجَبَلِ فَإِنِ اسْتَقَرَّ مَكَانَهُ فَسَوْفَ تَرَانِي ۚ فَلَمَّا تَجَلَّىٰ رَبُّهُ لِلْجَبَلِ جَعَلَهُ دَكًّا وَخَرَّ مُوسَىٰ صَعِقًا ۚ فَلَمَّا أَفَاقَ قَالَ سُبْحَانَكَ تُبْتُ إِلَيْكَ وَأَنَا أَوَّلُ الْمُؤْمِنِينَ (143) Oo markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid, laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki doontaa. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii3, wuxuu ka dhigay budo, oo Muuse dhulka buu ugu dhacay suuxdin. Markaasuu markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo Nazahan, Waan kuu soo noqdaa, oo anigu waxaan ahay kan ugu horreeya mu'miniinta |
قَالَ يَا مُوسَىٰ إِنِّي اصْطَفَيْتُكَ عَلَى النَّاسِ بِرِسَالَاتِي وَبِكَلَامِي فَخُذْ مَا آتَيْتُكَ وَكُن مِّنَ الشَّاكِرِينَ (144) Wuxuu yidhi: Muusow! Hubaal Waxaan kaa doortay dadka (si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kuula soo diray iyo hadalkeyga ee qaado waxa aan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa mahad naqa |
وَكَتَبْنَا لَهُ فِي الْأَلْوَاحِ مِن كُلِّ شَيْءٍ مَّوْعِظَةً وَتَفْصِيلًا لِّكُلِّ شَيْءٍ فَخُذْهَا بِقُوَّةٍ وَأْمُرْ قَوْمَكَ يَأْخُذُوا بِأَحْسَنِهَا ۚ سَأُرِيكُمْ دَارَ الْفَاسِقِينَ (145) Oo Waxaan ugu qornay alwaaxda wacdi la xiriira wax kasta iyo faah faahinta waxyaalaha oo dhan ee qaado si sugnaansho leh, oo ku amar sii dadkaaga inay qaataan kan ugu wanaagsan. Waxaan idin tusi doonaa daarta caasiyaasha |
سَأَصْرِفُ عَنْ آيَاتِيَ الَّذِينَ يَتَكَبَّرُونَ فِي الْأَرْضِ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَإِن يَرَوْا كُلَّ آيَةٍ لَّا يُؤْمِنُوا بِهَا وَإِن يَرَوْا سَبِيلَ الرُّشْدِ لَا يَتَّخِذُوهُ سَبِيلًا وَإِن يَرَوْا سَبِيلَ الْغَيِّ يَتَّخِذُوهُ سَبِيلًا ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَكَانُوا عَنْهَا غَافِلِينَ (146) Waxaan ka duwi doonaa Aayadahayga kuwa isku kibriya arlada xaq darro; oo hadday arkaan calaamo kasta ma rumaysan doonaan. Oo hadday arkaan jidka hanuunka kama yeeshaan jid, oo hadday arkaan jidka habowga waxay ka yeeshaan jid, arrinkani waxaa ugu wacan waxay beeniyeen Aayadahayaga, oo ahaayeen kuwo ka dhoohan |
وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَلِقَاءِ الْآخِرَةِ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ ۚ هَلْ يُجْزَوْنَ إِلَّا مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (147) Oo (ma xagga) kuwa beeniya Aayadahayaga iyo la kulanka Aakhirada, acmaashooda waa waxaan jirin oo baabba’ ah. Miyaa laga abaal marin waxaan aheyn waxay faleen |
وَاتَّخَذَ قَوْمُ مُوسَىٰ مِن بَعْدِهِ مِنْ حُلِيِّهِمْ عِجْلًا جَسَدًا لَّهُ خُوَارٌ ۚ أَلَمْ يَرَوْا أَنَّهُ لَا يُكَلِّمُهُمْ وَلَا يَهْدِيهِمْ سَبِيلًا ۘ اتَّخَذُوهُ وَكَانُوا ظَالِمِينَ (148) Oo dadkii Muuse markuu tagey kaddib, waxay ka sameysteen dahabkoodii, dibi qolof ah leh cod beynaax ah4. Waa la yaabe! Miyaanay arki karayn inaanu la hadleyn, oo ku toosin kareyn jid? Wayse qaateen (si ay u caabudaan) oo waxay ahaayeen gar ma qaatayaal |
وَلَمَّا سُقِطَ فِي أَيْدِيهِمْ وَرَأَوْا أَنَّهُمْ قَدْ ضَلُّوا قَالُوا لَئِن لَّمْ يَرْحَمْنَا رَبُّنَا وَيَغْفِرْ لَنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ (149) Oo markay ka shallaayeen oo ay arkeen inay lumeen ayey (toobad keeneen oo) yidhaahdeen: Haddaanu Rabbigayo noo naxariisan oo noo dambi dhaafin, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa ku sugan khasaarada dhabta ah |
وَلَمَّا رَجَعَ مُوسَىٰ إِلَىٰ قَوْمِهِ غَضْبَانَ أَسِفًا قَالَ بِئْسَمَا خَلَفْتُمُونِي مِن بَعْدِي ۖ أَعَجِلْتُمْ أَمْرَ رَبِّكُمْ ۖ وَأَلْقَى الْأَلْوَاحَ وَأَخَذَ بِرَأْسِ أَخِيهِ يَجُرُّهُ إِلَيْهِ ۚ قَالَ ابْنَ أُمَّ إِنَّ الْقَوْمَ اسْتَضْعَفُونِي وَكَادُوا يَقْتُلُونَنِي فَلَا تُشْمِتْ بِيَ الْأَعْدَاءَ وَلَا تَجْعَلْنِي مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ (150) Oo markuu Muuse ku soo noqday dadkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxa aad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiiin? Oo wuxuu tuuray looxyada, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyadayow! Hubaal dadkani waxay ii arkeen daciif, oo waa I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, oo ha igala mid dhigin dadka gar ma qaatayaasha ah |
قَالَ رَبِّ اغْفِرْ لِي وَلِأَخِي وَأَدْخِلْنَا فِي رَحْمَتِكَ ۖ وَأَنتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ (151) Wuxuu yidhi: Rabbiyow! ii dambi dhaaf aniga iyo walaalkayba, oo na gali Naxariistaada, Adigaa U Naxariis Badan inta naxariisata |
إِنَّ الَّذِينَ اتَّخَذُوا الْعِجْلَ سَيَنَالُهُمْ غَضَبٌ مِّن رَّبِّهِمْ وَذِلَّةٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۚ وَكَذَٰلِكَ نَجْزِي الْمُفْتَرِينَ (152) (Ma xagga) kuwii u sameystay dibiga (ilaah ahaan) hubaal Cadho xagga Rabbigood ah iyo dulli baa noloshan adduunka ku dhici doona. Oo sidaas baan u abaal marinnaa been abuurtayaasha |
وَالَّذِينَ عَمِلُوا السَّيِّئَاتِ ثُمَّ تَابُوا مِن بَعْدِهَا وَآمَنُوا إِنَّ رَبَّكَ مِن بَعْدِهَا لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (153) (Ma) kuwase fala camallo xun haddana toobad keena intaas kaddib, oo rumeeya (oo raaca xaqa), hubaal, Rabbigaa intaasoo (dhan) kaddib waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan |
وَلَمَّا سَكَتَ عَن مُّوسَى الْغَضَبُ أَخَذَ الْأَلْوَاحَ ۖ وَفِي نُسْخَتِهَا هُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلَّذِينَ هُمْ لِرَبِّهِمْ يَرْهَبُونَ (154) Oo markay Muuse Cadhadii ka degtay, wuxuu soo qaatay looxyadii, oo waxaa ku qornaa wax hanuun iyo naxariis u ah kuwa Rabbigood ka cabsada |
وَاخْتَارَ مُوسَىٰ قَوْمَهُ سَبْعِينَ رَجُلًا لِّمِيقَاتِنَا ۖ فَلَمَّا أَخَذَتْهُمُ الرَّجْفَةُ قَالَ رَبِّ لَوْ شِئْتَ أَهْلَكْتَهُم مِّن قَبْلُ وَإِيَّايَ ۖ أَتُهْلِكُنَا بِمَا فَعَلَ السُّفَهَاءُ مِنَّا ۖ إِنْ هِيَ إِلَّا فِتْنَتُكَ تُضِلُّ بِهَا مَن تَشَاءُ وَتَهْدِي مَن تَشَاءُ ۖ أَنتَ وَلِيُّنَا فَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا ۖ وَأَنتَ خَيْرُ الْغَافِرِينَ (155) Oo wuxuu ka soo doortay Muuse dadkiisii toddobaatan nin ballankayaga dartiis, markuuse qabtay dhul gariir daran, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Haddaad doonto, Waxaad rogi laheyd iyaga awal hore iyo anigaba; ma waxaad noo rogeysaa waxa kuwa maan gaabka ah ee nagu jira ay faleen? Wax kale maahee waa oo keliya jarribaaddaada ee aad ku habaabiso qofkaad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta qofkaad doonto. Adigaa ah Gargaarahayaga, ee noo dambi dhaaf oo noo naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta dambi dhaafta |
۞ وَاكْتُبْ لَنَا فِي هَٰذِهِ الدُّنْيَا حَسَنَةً وَفِي الْآخِرَةِ إِنَّا هُدْنَا إِلَيْكَ ۚ قَالَ عَذَابِي أُصِيبُ بِهِ مَنْ أَشَاءُ ۖ وَرَحْمَتِي وَسِعَتْ كُلَّ شَيْءٍ ۚ فَسَأَكْتُبُهَا لِلَّذِينَ يَتَّقُونَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَالَّذِينَ هُم بِآيَاتِنَا يُؤْمِنُونَ (156) Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba. Hubaal waan kuu soo noqonnay. Wuxuu yidhi: (Ma xagga) Cadaabtayda waxaan ku ridi doonaa kaan doono, oo Naxariistaydu waxay koobtaa wax kasta, marka waxaan u qori doonaa (gaar ahaan) kuwa iska ilaaliya (xumaha) ee qaata hufnaanta (Islaamka); ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan |
الَّذِينَ يَتَّبِعُونَ الرَّسُولَ النَّبِيَّ الْأُمِّيَّ الَّذِي يَجِدُونَهُ مَكْتُوبًا عِندَهُمْ فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنجِيلِ يَأْمُرُهُم بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَاهُمْ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَائِثَ وَيَضَعُ عَنْهُمْ إِصْرَهُمْ وَالْأَغْلَالَ الَّتِي كَانَتْ عَلَيْهِمْ ۚ فَالَّذِينَ آمَنُوا بِهِ وَعَزَّرُوهُ وَنَصَرُوهُ وَاتَّبَعُوا النُّورَ الَّذِي أُنزِلَ مَعَهُ ۙ أُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (157) Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga Ummiga ah oo ay ka helayaan isagoo ku qoran agtooda Tawraadda iyo Injiilka_ kaasoo amra wanaagga oo ka reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan oo ka xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa5. Ee (ma xagga) kuwa rumeeya ee sharfa, ee u gargaara ee raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwan kuwa liibaanayaasha ah |
قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ جَمِيعًا الَّذِي لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحْيِي وَيُمِيتُ ۖ فَآمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ النَّبِيِّ الْأُمِّيِّ الَّذِي يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَكَلِمَاتِهِ وَاتَّبِعُوهُ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ (158) Dheh: Dadow! Hubaal anigu waxaan ahay Rasuul Ilaahay ee loo soo diray idinka oo dhan, Kaasoo iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Waa Isaga Kan bixiya nolosha oo sababa geerida. Ee rumeeya Allaah iyo Rusuulkiisa, Nabiga Ummiga ah ee rumeysan Allaah iyo Kelmadihiisa, oo raaca si aad u hanuuntaan |
وَمِن قَوْمِ مُوسَىٰ أُمَّةٌ يَهْدُونَ بِالْحَقِّ وَبِهِ يَعْدِلُونَ (159) Oo dadkii Muuse waxaa ka mid ahaa qayb ku hanuunineysey (dadka) si xaq ah oo ku oogayey caddaaladda |
وَقَطَّعْنَاهُمُ اثْنَتَيْ عَشْرَةَ أَسْبَاطًا أُمَمًا ۚ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ مُوسَىٰ إِذِ اسْتَسْقَاهُ قَوْمُهُ أَنِ اضْرِب بِّعَصَاكَ الْحَجَرَ ۖ فَانبَجَسَتْ مِنْهُ اثْنَتَا عَشْرَةَ عَيْنًا ۖ قَدْ عَلِمَ كُلُّ أُنَاسٍ مَّشْرَبَهُمْ ۚ وَظَلَّلْنَا عَلَيْهِمُ الْغَمَامَ وَأَنزَلْنَا عَلَيْهِمُ الْمَنَّ وَالسَّلْوَىٰ ۖ كُلُوا مِن طَيِّبَاتِ مَا رَزَقْنَاكُمْ ۚ وَمَا ظَلَمُونَا وَلَٰكِن كَانُوا أَنفُسَهُمْ يَظْلِمُونَ (160) Oo Waxaan u qaybinnay labo iyo toban qabiilood oo ummado ah. Oo Waxaan u Waxyoonnay Muuse markay dadkiisii weydiisteen biyo (waxaan ku nidhi): Ku dhufo dhagaxa ushaada, markaasaa waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood: qolo walba waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi laheyd. Oo Waxaan ka yeelnay daruuraha inay harsiiyaan dushooda, oo ku soo dejinnay Manna (wax macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimbir wanaagsan_Samaan la yidhaahdo): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan ee aan idin siinnay. Oo waxba nooma dhimin, laakiinse waxay u gafeen nafahooda |
وَإِذْ قِيلَ لَهُمُ اسْكُنُوا هَٰذِهِ الْقَرْيَةَ وَكُلُوا مِنْهَا حَيْثُ شِئْتُمْ وَقُولُوا حِطَّةٌ وَادْخُلُوا الْبَابَ سُجَّدًا نَّغْفِرْ لَكُمْ خَطِيئَاتِكُمْ ۚ سَنَزِيدُ الْمُحْسِنِينَ (161) Oo markii lagu yidhi: Dega magaaladan (Qudus)6 oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; oo gala albaabka idinkoo hoggaansan, Waa idiin dhaafi doonnaa gefefkiina: Waa aan u ziyaadin doonnaa (abaalgudka) sama falayaasha |
فَبَدَّلَ الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ قَوْلًا غَيْرَ الَّذِي قِيلَ لَهُمْ فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ رِجْزًا مِّنَ السَّمَاءِ بِمَا كَانُوا يَظْلِمُونَ (162) Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee gefka falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi7. Markaas baan kaga soo dejinnay cirka cadaab gefefkii ay galeen awgeed |
وَاسْأَلْهُمْ عَنِ الْقَرْيَةِ الَّتِي كَانَتْ حَاضِرَةَ الْبَحْرِ إِذْ يَعْدُونَ فِي السَّبْتِ إِذْ تَأْتِيهِمْ حِيتَانُهُمْ يَوْمَ سَبْتِهِمْ شُرَّعًا وَيَوْمَ لَا يَسْبِتُونَ ۙ لَا تَأْتِيهِمْ ۚ كَذَٰلِكَ نَبْلُوهُم بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ (163) Oo wax ka weydii magaaladii ku ag tiil badda, markay ku xad-gudbeen arrinkii (Maalinta) Sabtida, iyadoo uu u yimaado kalluunkoodu maalinta Sabtidooda isagoo muuqda, oo maalinta aanay Sabti aheyn uma yimaado. Sidaas baan ugu imtixaannay caasintoodii awgii |
وَإِذْ قَالَتْ أُمَّةٌ مِّنْهُمْ لِمَ تَعِظُونَ قَوْمًا ۙ اللَّهُ مُهْلِكُهُمْ أَوْ مُعَذِّبُهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا ۖ قَالُوا مَعْذِرَةً إِلَىٰ رَبِّكُمْ وَلَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ (164) Oo markay qolo ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Allaah halligi doono, ama ku cadaabi doono cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo bal inay ka joogaan (xumaha) |
فَلَمَّا نَسُوا مَا ذُكِّرُوا بِهِ أَنجَيْنَا الَّذِينَ يَنْهَوْنَ عَنِ السُّوءِ وَأَخَذْنَا الَّذِينَ ظَلَمُوا بِعَذَابٍ بَئِيسٍ بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ (165) Haddaba markii ayan dan u gelin waxa lagu waaniyey, Waxaan badbaadinnay kuwii reebayey xumaanta, oo waxaan ku dhignay kuwii gefka falay cadaab daran caasinta ay galeen awgi |
فَلَمَّا عَتَوْا عَن مَّا نُهُوا عَنْهُ قُلْنَا لَهُمْ كُونُوا قِرَدَةً خَاسِئِينَ (166) Sidaas awgeed markay ku madax adeygeen waxa laga reebayey, waxaan ku nidhi: Noqda (sida) daayeerro, dulleysan oo dayra ah |
وَإِذْ تَأَذَّنَ رَبُّكَ لَيَبْعَثَنَّ عَلَيْهِمْ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ مَن يَسُومُهُمْ سُوءَ الْعَذَابِ ۗ إِنَّ رَبَّكَ لَسَرِيعُ الْعِقَابِ ۖ وَإِنَّهُ لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ (167) Oo waa tii uu Rabbigaa ogeysiiyey inuu hubaal ku soo dirayo ilaa Maalinta Qiyaamaha kuwo dhadhansiinaya cadaabta ugu xun. hubaal Rabbigaa xaqiiq waa ku Dhakhsi Badan yahay Ciqaabta, oo hubaal Isagu xaqiiq waa Dambi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay |
وَقَطَّعْنَاهُمْ فِي الْأَرْضِ أُمَمًا ۖ مِّنْهُمُ الصَّالِحُونَ وَمِنْهُمْ دُونَ ذَٰلِكَ ۖ وَبَلَوْنَاهُم بِالْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ لَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ (168) Oo waxaan ugu kala googaynay arlada iyagoo qaybo ah, waxaa ka mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo (kale) oo ka mid ah aan sidaas ahayn. Oo waxaanu ku imtixaannay (waqtiyo) wanaagsan iyo (waqtiyo) xun bal inay soo laabtaan |
فَخَلَفَ مِن بَعْدِهِمْ خَلْفٌ وَرِثُوا الْكِتَابَ يَأْخُذُونَ عَرَضَ هَٰذَا الْأَدْنَىٰ وَيَقُولُونَ سَيُغْفَرُ لَنَا وَإِن يَأْتِهِمْ عَرَضٌ مِّثْلُهُ يَأْخُذُوهُ ۚ أَلَمْ يُؤْخَذْ عَلَيْهِم مِّيثَاقُ الْكِتَابِ أَن لَّا يَقُولُوا عَلَى اللَّهِ إِلَّا الْحَقَّ وَدَرَسُوا مَا فِيهِ ۗ وَالدَّارُ الْآخِرَةُ خَيْرٌ لِّلَّذِينَ يَتَّقُونَ ۗ أَفَلَا تَعْقِلُونَ (169) Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo dambi dhaafi doonaa. oo misna haddii uu u yimaado (mar kale) alaabo ( raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaadanayaan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka in aanay ka sheegin Allaah waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), oo Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa iska ilaasha (xumaha). Ee miyeydaan haddaba wax fahmeyn |
وَالَّذِينَ يُمَسِّكُونَ بِالْكِتَابِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجْرَ الْمُصْلِحِينَ (170) Oo (ma xagga) kuwa qabsada Kitaabka oo ooga salaadda, hubaal Annagu Marnaba ma dayacno abaalgudka kuwa camalkooda hagaajiya |
۞ وَإِذْ نَتَقْنَا الْجَبَلَ فَوْقَهُمْ كَأَنَّهُ ظُلَّةٌ وَظَنُّوا أَنَّهُ وَاقِعٌ بِهِمْ خُذُوا مَا آتَيْنَاكُم بِقُوَّةٍ وَاذْكُرُوا مَا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ (171) Oo markaan gilgilnay buurtii dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, oo waxay moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) si sugnaan leh, oo ku camal fala waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (xumaha) |
وَإِذْ أَخَذَ رَبُّكَ مِن بَنِي آدَمَ مِن ظُهُورِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَأَشْهَدَهُمْ عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ أَلَسْتُ بِرَبِّكُمْ ۖ قَالُوا بَلَىٰ ۛ شَهِدْنَا ۛ أَن تَقُولُوا يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِنَّا كُنَّا عَنْ هَٰذَا غَافِلِينَ (172) Oo waa tii uu Rabbigaa ka soo saaray ilma Aadam dhabarradooda durriyadooda oo uu uga markhaati dhigay nafahooda: Miyaan Anigu ahayn Rabbigiin? Waxay yidhaahdeen: Haayoo! Markhaati baan ka nahay. Waa si aydaan u odhan Maalinta Qiyaamaha: Waxaan Innagu ahayn kuwo tani mooganaa |
أَوْ تَقُولُوا إِنَّمَا أَشْرَكَ آبَاؤُنَا مِن قَبْلُ وَكُنَّا ذُرِّيَّةً مِّن بَعْدِهِمْ ۖ أَفَتُهْلِكُنَا بِمَا فَعَلَ الْمُبْطِلُونَ (173) Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la shariig yeelay (Allaah) oo keliya aabbayaashayadii awal hore8, oo waxaanu innagu aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ma waxaad haddaba nagu rogeysaa waxay faleen baadil raaca |
وَكَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ وَلَعَلَّهُمْ يَرْجِعُونَ (174) Oo sidaas baan u caddeynaa Aayadaha, iyo bal inay soo laabtaan |
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِي آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ (175) Oo u akhri warka midkii aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan |
وَلَوْ شِئْنَا لَرَفَعْنَاهُ بِهَا وَلَٰكِنَّهُ أَخْلَدَ إِلَى الْأَرْضِ وَاتَّبَعَ هَوَاهُ ۚ فَمَثَلُهُ كَمَثَلِ الْكَلْبِ إِن تَحْمِلْ عَلَيْهِ يَلْهَثْ أَوْ تَتْرُكْهُ يَلْهَث ۚ ذَّٰلِكَ مَثَلُ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ (176) Oo haddaan doonno kor ayaan hubaal ugu soo qaadi laheyn, laakiinse dhulka buu isku dhajiyey oo uu raacay waxa (liita) ay naftu rabto. Marka waxaa uu ka dhigan yahay sida Eeyga, haddaad eryato carrabka laalaadsha; haddaad iska deysana laalaadsha carrabkiisa; kani waa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga. Ee uga sheekee sheekooyinka bal inay fakaraan |
سَاءَ مَثَلًا الْقَوْمُ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَأَنفُسَهُمْ كَانُوا يَظْلِمُونَ (177) Xumaa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga, oo ah kuwa u gefa nafahooda |
مَن يَهْدِ اللَّهُ فَهُوَ الْمُهْتَدِي ۖ وَمَن يُضْلِلْ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ (178) Qofkii Allaah hanuuniyo uun baa ah kan hanuunsan, oo qofkii uu sababo inuu habaabo, waa kuwan kuwa ku sugan khasaarada weyni |
وَلَقَدْ ذَرَأْنَا لِجَهَنَّمَ كَثِيرًا مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ ۖ لَهُمْ قُلُوبٌ لَّا يَفْقَهُونَ بِهَا وَلَهُمْ أَعْيُنٌ لَّا يُبْصِرُونَ بِهَا وَلَهُمْ آذَانٌ لَّا يَسْمَعُونَ بِهَا ۚ أُولَٰئِكَ كَالْأَنْعَامِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الْغَافِلُونَ (179) Oo Waxaan xaqiiq u abuurnay Naarta in badan oo ka mid ah jinka iyo dadka. Waxay leeyihiin quluub aysan wax ku fahmin, oo waxay leeyihiin indho aysan wax ku arag, oo waxay leeyihiin dhego aysan wax ku maqal. Waa sida xoolo oo kale, mayee waa bay ka sii habow daran yihiin; kuwan waa kuwa dhoohan |
وَلِلَّهِ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ فَادْعُوهُ بِهَا ۖ وَذَرُوا الَّذِينَ يُلْحِدُونَ فِي أَسْمَائِهِ ۚ سَيُجْزَوْنَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (180) Oo Allaah baa iska leh Magacyada wanaagga badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa9. Waa laga abaal marin doonaa, waxay faleen |
وَمِمَّنْ خَلَقْنَا أُمَّةٌ يَهْدُونَ بِالْحَقِّ وَبِهِ يَعْدِلُونَ (181) Oo waxaa ka mid ah waxa aan abuurnay ummad wax ku hanuunisa xaqa, oo ku ooga caddaaladda |
وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا سَنَسْتَدْرِجُهُم مِّنْ حَيْثُ لَا يَعْلَمُونَ (182) Oo (ma xagga) kuwa beeniya Aayadahayaga, waxaanu ugu soo dhoweyn (baabba’a) si heerar ah (oo ka qaban doonnaa) meel aanay ogeyn |
وَأُمْلِي لَهُمْ ۚ إِنَّ كَيْدِي مَتِينٌ (183) Oo Waxaan siinayaa fursad, hubaal Tabteydu waa sooh adag tahay |
أَوَلَمْ يَتَفَكَّرُوا ۗ مَا بِصَاحِبِهِم مِّن جِنَّةٍ ۚ إِنْ هُوَ إِلَّا نَذِيرٌ مُّبِينٌ (184) Ma waysan ka fekereyn inaan saaxiibkood qabin wax waalli ah. Wax kalena maahee waa dige iska cad |
أَوَلَمْ يَنظُرُوا فِي مَلَكُوتِ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا خَلَقَ اللَّهُ مِن شَيْءٍ وَأَنْ عَسَىٰ أَن يَكُونَ قَدِ اقْتَرَبَ أَجَلُهُمْ ۖ فَبِأَيِّ حَدِيثٍ بَعْدَهُ يُؤْمِنُونَ (185) Miyaanay u fiirsan boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Allaah abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay haddaba rumaynayaan kani kaddib |
مَن يُضْلِلِ اللَّهُ فَلَا هَادِيَ لَهُ ۚ وَيَذَرُهُمْ فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ (186) Qofkii Allaah lumiyo ma leh hanuuniye; oo wuxuu ku daayaa xad- gudubkooda ay ku jaha wareersan yihiin indha’ la' aan |
يَسْأَلُونَكَ عَنِ السَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَاهَا ۖ قُلْ إِنَّمَا عِلْمُهَا عِندَ رَبِّي ۖ لَا يُجَلِّيهَا لِوَقْتِهَا إِلَّا هُوَ ۚ ثَقُلَتْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ لَا تَأْتِيكُمْ إِلَّا بَغْتَةً ۗ يَسْأَلُونَكَ كَأَنَّكَ حَفِيٌّ عَنْهَا ۖ قُلْ إِنَّمَا عِلْمُهَا عِندَ اللَّهِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (187) Waxay ku weydiiyaan Saacadda (Qiyaame) goorma ayey dhici doontaa? Dheh: Cilmigeedu Rabbigay keliya buu la jiraa. Ma jiro waxaan Isaga ahayn oo muujin doona waqtigeeda loo qabtay. Waxay ahaan wax ku culus cirarka iyo dhulka (arrinkeedu). Idiinkuma imaan doonto waxaan aheyn kedis. Waxay kuu weydiiyaan sidiiyoo aad adigu cilmi dheer u leedahay. Dheh: Cilmigeedu waxaa uu la jiraa oo keliya Allaah, laakiinse badankooda dadku ma ogsoona |
قُل لَّا أَمْلِكُ لِنَفْسِي نَفْعًا وَلَا ضَرًّا إِلَّا مَا شَاءَ اللَّهُ ۚ وَلَوْ كُنتُ أَعْلَمُ الْغَيْبَ لَاسْتَكْثَرْتُ مِنَ الْخَيْرِ وَمَا مَسَّنِيَ السُّوءُ ۚ إِنْ أَنَا إِلَّا نَذِيرٌ وَبَشِيرٌ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ (188) Dheh: Ma lihi awood aan wax ku taro ama ku waxyeelleeyo naftayda waxa Allaah doono ma’ahee. Oo haddaan ogaan lahaa cimi Ghaybka, waxaan badsan lahaa khayrka, oo wax xume ah ima taabteen. Anigu waxaan ahay oo keliya u dige iyo u bishaareeye dad rumeysan |
۞ هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا ۖ فَلَمَّا تَغَشَّاهَا حَمَلَتْ حَمْلًا خَفِيفًا فَمَرَّتْ بِهِ ۖ فَلَمَّا أَثْقَلَت دَّعَوَا اللَّهَ رَبَّهُمَا لَئِنْ آتَيْتَنَا صَالِحًا لَّنَكُونَنَّ مِنَ الشَّاكِرِينَ (189) Isaga weeye Kan idinka abuuray naf keliya oo isla (caynkaa) ka yeelay lammaanahiisa, si uu u weheshado. Oo markuu ku hagoogto bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markase ay cuslaato, waxay labaduba baryaan Allaah, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddii aad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu hubaal ka mid noqon doonnaa kuwa mahad naqa |
فَلَمَّا آتَاهُمَا صَالِحًا جَعَلَا لَهُ شُرَكَاءَ فِيمَا آتَاهُمَا ۚ فَتَعَالَى اللَّهُ عَمَّا يُشْرِكُونَ (190) Markase uu siiyo dhal hagaagsan, waxay ugu yeelaan shariigyo waxa uu siiyey10. wuuse ka sarreeyaa Allaah waxa ay u shariig yeelaan |
أَيُشْرِكُونَ مَا لَا يَخْلُقُ شَيْئًا وَهُمْ يُخْلَقُونَ (191) Waa la yaabe! Ma waxay uga dhigayaan shariig waxaan waxna abuurin, oo iyagu naf ahaantooda la abuuray |
وَلَا يَسْتَطِيعُونَ لَهُمْ نَصْرًا وَلَا أَنفُسَهُمْ يَنصُرُونَ (192) Oo aan u gargaari kareyn, bal aan nafahooda u gargaari karin |
وَإِن تَدْعُوهُمْ إِلَى الْهُدَىٰ لَا يَتَّبِعُوكُمْ ۚ سَوَاءٌ عَلَيْكُمْ أَدَعَوْتُمُوهُمْ أَمْ أَنتُمْ صَامِتُونَ (193) Oo haddaad ugu yeerto hanuun aan idin raaci doonin. Waa isugu kiin mid haddaad u yeertaan ama aad ka amustaan |
إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ عِبَادٌ أَمْثَالُكُمْ ۖ فَادْعُوهُمْ فَلْيَسْتَجِيبُوا لَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (194) Hubaal kuwa aad baridaan Allaah sokadi waa addoomo idin la mid ah. Ee bal barya ha idin ajiibeene haddaad tihiin run sheegayaal |
أَلَهُمْ أَرْجُلٌ يَمْشُونَ بِهَا ۖ أَمْ لَهُمْ أَيْدٍ يَبْطِشُونَ بِهَا ۖ أَمْ لَهُمْ أَعْيُنٌ يُبْصِرُونَ بِهَا ۖ أَمْ لَهُمْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا ۗ قُلِ ادْعُوا شُرَكَاءَكُمْ ثُمَّ كِيدُونِ فَلَا تُنظِرُونِ (195) Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise waxay leeyihiin gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise waxay leeyihiin indho ay wax ku arkaan? Mise waxay leeyihiin dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhigta, oo ha i siinnina wax nafis ah |
إِنَّ وَلِيِّيَ اللَّهُ الَّذِي نَزَّلَ الْكِتَابَ ۖ وَهُوَ يَتَوَلَّى الصَّالِحِينَ (196) Hubaal, Gargaaraheyga i lib siinayaa waa Allaah ee ah Kan soo waxyooday Kitaabka, oo Isagaa gacal ka yeesha kuwa hagaagsan |
وَالَّذِينَ تَدْعُونَ مِن دُونِهِ لَا يَسْتَطِيعُونَ نَصْرَكُمْ وَلَا أَنفُسَهُمْ يَنصُرُونَ (197) Oo kuwa aad u yeerataan sokadi, ma karaan gargaarkiinna, nafahoodana uma gargaari karaan |
وَإِن تَدْعُوهُمْ إِلَى الْهُدَىٰ لَا يَسْمَعُوا ۖ وَتَرَاهُمْ يَنظُرُونَ إِلَيْكَ وَهُمْ لَا يُبْصِرُونَ (198) Oo Haddaad ugu yeertaan hanuun, ma maqlaan, oo waxaad aragtaa iyagoo ku soo eegaya, oo haddana aan waxba arkayn |
خُذِ الْعَفْوَ وَأْمُرْ بِالْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ الْجَاهِلِينَ (199) Qaado saamaxaadda. Oo amar samaanta, oo ka jeeso jaahiliinta |
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ الشَّيْطَانِ نَزْغٌ فَاسْتَعِذْ بِاللَّهِ ۚ إِنَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ (200) Oo Hadduu fikrad xun kugu waswaas geliyo shaydaan, ka magan gal Allaah. Isaga baa ah wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon |
إِنَّ الَّذِينَ اتَّقَوْا إِذَا مَسَّهُمْ طَائِفٌ مِّنَ الشَّيْطَانِ تَذَكَّرُوا فَإِذَا هُم مُّبْصِرُونَ (201) Hubaal, kuwa ka cabsada Ilaahay, markay taabato meerto Shaydaan, way ku baraarugaan oo kolkiiba (xaqa) arkaan |
وَإِخْوَانُهُمْ يَمُدُّونَهُمْ فِي الْغَيِّ ثُمَّ لَا يُقْصِرُونَ (202) Walaalahood se (dadka xun), waxay (shaydaammadu) u kordhiyaan habow, markaa innaba kama gaabiyaan |
وَإِذَا لَمْ تَأْتِهِم بِآيَةٍ قَالُوا لَوْلَا اجْتَبَيْتَهَا ۚ قُلْ إِنَّمَا أَتَّبِعُ مَا يُوحَىٰ إِلَيَّ مِن رَّبِّي ۚ هَٰذَا بَصَائِرُ مِن رَّبِّكُمْ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ (203) Oo haddaad ula iman weydo calaamo waxay yidhaahdaan: Maxaad u been abuuran weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa uun la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani wa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis dad rumaysan |
وَإِذَا قُرِئَ الْقُرْآنُ فَاسْتَمِعُوا لَهُ وَأَنصِتُوا لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ (204) Oo marka Qur'aanka la akhriyo markaa dhegaysta oo aamusnaada, si la idiinku naxariisto |
وَاذْكُر رَّبَّكَ فِي نَفْسِكَ تَضَرُّعًا وَخِيفَةً وَدُونَ الْجَهْرِ مِنَ الْقَوْلِ بِالْغُدُوِّ وَالْآصَالِ وَلَا تَكُن مِّنَ الْغَافِلِينَ (205) Oo xus Rabbigaa naftaada gudaheeda si haybaysi iyo cabsi leh adigoon kor ugu qaadeyn codka aroor iyo galabba oo ha ka mid noqon kuwa dhoohan |
إِنَّ الَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِ وَيُسَبِّحُونَهُ وَلَهُ يَسْجُدُونَ ۩ (206) Hubaal, kuwa ah Rabbigaa agti marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, oo way nazahaan oo xurmo weyneeyaan, oo Isaga bay u sujuudaan |