إِذَا السَّمَاءُ انفَطَرَتْ (1) Marka samada ay u kala dhanbalanto gaballo |
وَإِذَا الْكَوَاكِبُ انتَثَرَتْ (2) Oo xiddiguhu kala firdhaan |
وَإِذَا الْبِحَارُ فُجِّرَتْ (3) Oo marka badaha la burqiyo |
وَإِذَا الْقُبُورُ بُعْثِرَتْ (4) Oo qabuuraha la soo qufo |
عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ (5) Naf walbaa waxay markaa ogaan waxay hormarsatay, iyo (waxay) dib marisay |
يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ الْكَرِيمِ (6) Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan |
الَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّاكَ فَعَدَلَكَ (7) Kaasoo ku abuuray, ee ku taam yeelay Ee kaa dhigay mid isku dheella tiran |
فِي أَيِّ صُورَةٍ مَّا شَاءَ رَكَّبَكَ (8) Oo suurad tuu rabo kaa rakibay |
كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِالدِّينِ (9) Mayee balse waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta |
وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَافِظِينَ (10) Oo xaqiiq waxaa jira dhab ahaan ilaalo Korkiinna ah ( malaa’ig idiin xil saaran) |
كِرَامًا كَاتِبِينَ (11) Sharaf leh wax qorta |
يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ (12) Way og yihiin wax kastoo aad fashaan |
إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ (13) Hubaal baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo |
وَإِنَّ الْفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٍ (14) Oo hubaal dambiilayaasha waxay dhex ahaan dab ololaya |
يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ الدِّينِ (15) Oo ay gali doonaan si ay ugu gubtaan Maalinta Is abaal marinta |
وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَائِبِينَ (16) Oo ma ahaan doonaan sinnaba kuwo ka maqan xaggeeda |
وَمَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ (17) Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay Maalinta is abaal marintu tahay |
ثُمَّ مَا أَدْرَاكَ مَا يَوْمُ الدِّينِ (18) Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay ay Maalinta is abaal marintu tahay |
يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌ لِّنَفْسٍ شَيْئًا ۖ وَالْأَمْرُ يَوْمَئِذٍ لِّلَّهِ (19) (Waa) maalinta aysan nafi wax u tari doonin naf kale. Oo amarka Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah |